Hyppää sisältöön
Artikkeli on yli 2 vuotta vanha

Fahamka Koronada

Wararka iyo Idaacadaha Yle ayaad kala socon kartaa, Sida Finland looga hadlayo Cudurkaan Koronaha. Waxaa kaloo laga helayaa luuqadaha kala ah Carabi, Perisia, Kurdi iyo Soomaali. Wararka waxaa laga soo Xigan doonaa Yle Uutiset, kaas oo ku baxa luuqada Finnishka.

Somalinkielinen teksti, jossa lukee koronatietoa somaliksi
Kuva: Maiju Hakalahti / Yle
Yle Uutiset
Avaa Yle-sovelluksessa

30.4.2021

Tietoa koronasta somaliksi 30.4.

THL oo soo gudbinaysa macluumaad korona af-Soomaali ah

Machadka Daryeelka Caafimaadka iyo Nololwanaaga (THL) ayaa laga helayaa macluumaad ballaaran oo la xiriira korona.

Cinwaanka thl.fi/koronainfo, waxaad ka heli kartaa tusaale ahaan tilmaamo ku saabsan sida looga fogaado caabuqyada iyo macluumaadka ku saabsan tallaallada korona fayrus iyo tallaalidda oo guud ahaan ku qoran 25 luqadood oo kala duwan.

Mowduucyada la xiriira korona ayaa sidoo kale dhawr fiidiyow laga sameeyay kuwaas oo luuqado kala duwan qoraal lagu turjumay. Fiidiyowyada waxaa lagu turjumay qoraal ahaan Carabi, Kurdi iyo Soomaali, iyo kuwo kale.

Waxaad u beddeli kartaa fiidiyowyada youtube qoraalkooda luuqadda aad doorbidaysid. Meesha laga badalo qoraalka fiidiyowga waxaad ku arki doontaa shaashadda, markaad joojiso fiidiyaha.

Markaad kombuyuutarka ka daawanayso, qoraalka waxaa laga beddeli karaa muuqaal u eg wax wareegsan oo ilka leh. Marka la isticmaalayo taleefon meesha laga badalo qoraalku wuu ka duwanaan karaa.

Rakaabka iyo shaqaalaha imaanaya Finland sidoo kale waxaa loogu qoray luuqado kala duwan tilmaamo la xiriira safarka.

THL koronatiedotus somaliksi
/ Kuva: THL

Raysul wasaare Sanna Mari: Finland waa inay u diyaar garowdaa in xaalada korona ay kasii dari karto

Raysul wasaare Sanna Mari (sd.) ayaa u gudbisay baarlamaanka qorshe raysul wasaare oo sheegaya in la qaado xayiraadaha iyo talo-soojeedinta korona. Sidoo kale xaaladii aan caadiga ahayn ee la bilaabay maarso ayaa lagu dhawaaqay inay dhamaatay.

Sida laga soo xigtay Mari, xayiraadaha korona ayaa la qaadi karaa waqtigii horey loo qorsheeyay ka hor haddii xaaladdu uga soo wanaagsanaato si ka dhakhso badan sidii ay dawladdu horay u saadaalisay.

Sida laga soo xigtay Mari, gaar ahaan waa in xaaladaha wadamada deriska ah si dhow loola socdaa.

Sanna Marin
/ Kuva: Lehtikuva

Goobaha gaarka loo leeyahay ee ciyaaraha iyo goobaha madadaalada ayaa loo oggol yahay inay albaabadooda furnaan karaan Helsinki iyo nawaaxigeeda

Goobaha qaaska loo leeyahay ee xarumaha isboortiga iyo madadaallada ayaa loo ogolaaday inay furnaadaan Helsinki iyo degaan caafimaadka Uusimaa laga bilaabo khamiista. Wakaaladda Maamulka ee Koonfurta Finland (AVI) ayaa go'aan ka gaartay arrintaan Arbacadii.

Si kastaba ha noqotee, adeegsiga xarumaha ayaa la doonayaa in loo hogaansanaado shuruudaha nadaafadda iyo inay hubiyaan ka-qaybgalayaasha ama macaamiisha inay fursad u leeyihiin inay ilaalin karaan masaafada badbaadada.

Xaddidaadda isku imaatin ee lix-qof ayaa shaqeynaysa illaa bartamaha Maajo. Intaa waxaa sii dheer in dowladda iyo magaalada Helsinki ay sii wadayaan talo soo jeedintoodii ku aadanayd ka fogaanshaha kulanka iyo inay la-dabaal-deggaan maalinta Maajo dadkooda aadka ugu dhow ama online, ayay booliisku intaas ku sii dareen.

Waxaa sidoo kale la xadidi doonaa xilliyada ay furan yihiin kafateeriyada, makhaayadaha iyo baararka.

Terassi Helsingissä.
/ Kuva: Jorge Gonzalez / Yle

Shahaado talaal oo elektarooniga ah ayaa la soo bandhigi doonaa bisha Maajo

Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka ayaa xaqiijisay maalintii talaadada ahayd in la fududayn doono safarka dibadda, oo la soo bandhigi doono shahaado tallaal oo elektaroonig ah bisha Maajo. Arintaan ayaa ah in macluumaadka tallaalka lagu xarayn doono Omakanta, halkaas oo dadku ka arki doonaan tallaalada ay qaateen. Shahaadada korona ee elektaroonigga ah ee ku jirta Omakanta ayaa waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Rakaabku waxay ku heli karaan shahaadada korona aaladda moobilkooda ama way daabacan karaan marka ay gudbayaan xuduudaha dalalka EU ee aqbalsan shahaadada qaran ee tallaalka korona.

Qeybta hore ee tallaalka ayaa ilaa iyo talaadadii lasiiyay Finland guud ahaan 1,576,729 qof, ama 28,3 boqolkiiba ayeey ka yihiin dhamaan bulshada inteeda kale. Ilaa iyo hadda 2,8 boqolkiiba dadka Finland ayaa qaatay dhamaan tallaalladii la rabay.

Venäläisiä matkustajia Helsinki-Vantaan lentoasemalla.
/ Kuva: Jani Saikko / Yle

27.4.2021

Tietoa koronasta somaliksi 27.4.

Espoo oo laga helay caabuqa ugu badan ee korona

Sida lagu sheegay warbixintii ay daabacday sabtidii Machadka Daryeelka Caafimaadka iyo Nolol wanaaga (THL) tirada ugu badan ee caabuq ayaa laga helay Espoo. Waxaa kuxiga magaalooyinka Helsinki, Tampere iyo Vantaa.

Xadidaadihii saarnayd ee tirada rakaabka gaadiidka dadweynaha ayaa Axaddii ka dhammaatay Helsinki iyo degaan caafimaadka Uusimaa.

Xiritaannadii goobaha isboortiga iyo madadaalada, sida jimicsiyada iyo saunada dadweynaha ayaa ka dhamaanaysa Helsinki iyo degaan caafimaadka Uusimaa Arbacada.

Helsingin keskustassa oli hiljaista 14. huhtikuuta
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Xirfadlayda munaasabadaha ayaa rajo fiican ka muujiyay xagaaga soo socda

Madaxa ururka Tapahtumateollisuus ry ayaa maalintii axada ahayd sheegay inay xirfadlayda munaasabaduhu rajo wanaagsan ka qabaan xagaaga soo socda.

In kastoo faafida cudurka koronuhu ay hoos u dhacday, hadana waxaa jira su’aalo badan oo weli furan lana xiriira xagaaga soo socda. dabaaldegyo badan ayaa dhawaan lagu dhawaaqay in la baajiyay, laakiin waxaa sidoo kale jira kuwo aaminsan in munaasabadaha xagaaga si ay tahayba si uun loo qaban doono. Munaasabadaha banaanka lagu qabanayo ayaa u muuqda kuwo ay xaaladoodu wanaagsantahay maadaama shuruudihii kala fogaanshuhu ay meesha ka bixi doonaan.

Maija Vilkkumaa esiintyy Järvenpää soi - tapahtumassa.
/ Kuva: Esa Koivuranta / Yle

In yar boqolkiiba ayaa dadka Finnishka ah qaatay tallaalkii oo dhamaystiran

Ku dhowaad boqolkiiba sadax dadkii la rabay in la tallaalo ayaa qaatay guud ahaan tallaaladoodii oo dhamaystiran ilaa maalintii axadda ahayd. Waxay dadkaasu tiro ahaan gaarayeen 152 167.

Waxaa tallaalka qaybtiisii hore qaatay 27 boqolkiiba dadkii la rabay in la tallaalo, waxayna tiro ahaan u dhigantaa 1,5 milyan.

Useat ihmiset odottavat vuoroaan rokotettaviksi Porvossa.18.3.2021.
/ Kuva: Jorge Gonzalez / Yle

Baaritaannada caafimaadk dadka dalka soo gelaya ayaa sii socon doona ilaa bisha 5aad.

Baaritaannada caafimaadka ee khasabka ku ah dadka dalka soo gelaya ayaa guud ahaan xuduudaha dalka laga soo galo ka sii socon doona bisha shanaad.

Arintaan ayaa waxaa isniinta shaaciyay Wakaalada Maamulka Koonfurta Finaland (avi). Baaritaanka koronaha ayaa qayb ka noqon kara baaritaannada la qaadayo.

Sidoo kale Wakaaladaha Maamullada Maxalliga ah ee galbeedka iyo bartamaha Finland ayaa go’aamiyay inay amarkii baarista ahaa ee ku wajahnaa dadka xuduudaha ka soo gelaya, kana imanaya dalalka khatartu ku badanyahay mudo hal bil ah sii wadaan.

Dhanka kale, Finnair ayaa laga bilaabo 11. bisha shanaad waxay billaabaysaa inay macaamiisheeda ka aqbasho cadayn inuusan koroona qabin ama cadaynta dhakhtarka bedelkeeda shahaado tallaal.

Helsinki-Vantaa lentoasema. 26.3.2021
/ Kuva: Jorge Gonzalez / Yle

23.4.2021

Tietoa koronasta somaliksi 23.4.

Waxaa fududaanaya xaaladda korona ee Helsinki

Xaaladda korona ee Helsinki ayaa aad u degtay marka loo fiiriyo bartamihii Maarso xilgaas oo cudurku gaaray meeshii ugu sarraysay. Isbedelkan ayaa laga arki karaa xogta la sii daayay arbacadii, oo ay ku jiraan caabuqyadii la soo sheegay labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Ka fiiri isbadalka xaaladda khariidadda lagu sharaxayo cudurka maqaalkan.

Kooxda qabanqaabo ee caasimadda iyo nawaaxigeeda ayaa soo bandhigay maalintii talaadada in fasallada 7-10aad iyo dugsiyada sare u wareegi doonaan dhamaan waxbarashada gudaha iskuulka dhexdiisa ah laga bilaabo 3_da Maajo. Xilligan waxbaridda ayaa loo sameeynayay qaabab kale duwan.

Terassi Helsingissä.21.4.2021.
/ Kuva: Jorge Gonzalez / Yle

Dowladda ayaa bixinaysa 230 milyan oo taageero lacageed ah oo loogu talagalay dhaqanka iyo isboortiga oo ah dammaanad magdhow ee dhacdooyinka laga bilaabo Juun

Dowladda ayaa soo bandhigtay qeyb taageero ah oo gaareyso 230 milyan oo euro oo loogu talagalay dhaqanka, farshaxanka, isboortiga iyo qaban qaabiyayaasha dhacdooyinka, sida laga soo wariyay xafiiska ra'iisul wasaaraha arbacadii. Taageeradan ayaa lagu daray miisaaniyad kale oo dheeri ah, oo loo gudbin doono baarlamaanka si ay uga xaajoodaan usbuuca soo socda.

Qeyb 85 milyan oo EURO ayaa loo qoondeyn doonaa qaban qaabiyayaasha dhacdooyinka iyada oo loo marayo qaab dammaanad dhacdooyinka ah. Dammaanadaan ayaa loogu talagalay in lagu daboolo dhacdooyinkii la baajiyay bilawgii Juun illaa dhammaadka Diseembar. Iyadoo la raacayo amarada dowladda haddii dhacdooyinka la joojin lahaa ama la xadidi lahaa baaxaddeeda, magdhow waxaa la siin lahaa 85 boqolkiiba kharashyaadkii la galay.

Ismo Alanko esiintyy konsertissa.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

Dadka jira 65 ilaa 69 ayaa kala dooran kara tallaalada Astra Zeneca iyo Pfizer

Machadka Daryeelka Caafimaadka ee THL ayaa soo saaray arbacadii nidaam tallaal cusub oo loogu talagalay dadka jira 65-69. Waxay mustaqbalka kala dooran doonaan inay qaataan tallaal aan ahayn Astra Zeneca.

Laga bilaabo bisha Maajo dadka da 'da ah ayaa heli kara tallaalka Pfizer iyo Biontech ama Moderna haddii ay u baahdaan.

Dadka Finland ee da'doodu tahay 65-69 qiyaastii in yar oo ka badan kala bar ayaa hadda qaatay tallaalka koronaha. Guud ahaan 1,367,666 oo qof ayaa qaatay talaalka qeybtiisa koobaad ilaa arbacadii, tiradaas oo bulshada inteeda kale ka ah 24.6 boqolkiiba.

76-vuotias Maire Löppönen sai Astra Zenecan rokotteen, jonka pisti sairaanhoitaja Nguelah Elisè.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Hiwaayadaha gudaha ee dadka waaweyn ayaa furmaya ugu horeyn bisha Ogoosto

Ciyaaraha lagu qabto dibadda iyo guduha ee ilmahai yo dhalinyarada ayaa furmi doona bilaha abriil ilaa maajo ayay tidhi wasiirka caddaaladda Anna-Maja Henriksson (r.) arbacadii. Bisha Juun waxaa la furayaa tartamada isboortiga ee dhalinyarada iyo howlaha la xiriira dalxiisyada xagaaga.

Sida muuqata hiwaayadaha dadka waaweyn ayaa lagu sii qaban doonaa banaanka bilaha Juun-Luulyo. Ciyaaraha gudaha ayaa dib u furmaya ugu horayn bisha ogoosto.

Dhanka kale xayiraadaha saaran socodka xadadka gudaha ee gaadiidka ayaa la qaadi doonaa laga bilaabo bisha may.

Jalkapalloseura PPJ:n 10-vuotiaiden poikien taitokouluryhmän treenit Jätkäsaaren kuplahallissa 1.4.2021.
/ Kuva: Jorma Vihtonen / Yle

20.4.2021

Tietoa koronasta somaliksi 20.4.

Makhayadlayda ayaa ka hortid xayiraadaha cusub ee dowlada

Dowladda ayaa jimcihii ku dhawaaqday xayiraado horleh oo lagu soo rogay maqaayadaha, kuwaas oo dhaqan galaya Isniinta. Baararka khamriga ee ku yaalla meelaha dhibaatada koronuhu ugu darantahay ayaa waxaa loo ogolyahay inay furnaadaan illaa lixda fiidnimo halka makhaayadaha cuntada loo ogoyahay illaa toddobada fiidnimo. Guud ahaan makhaayadaha ayaa laga rabaa inay joojiyaan adeegga khamriga saacadu markay tahay 17-ka.

MaRa oo ah urur u taagan danaha makhaayadleyda iyo arimaha dalxiisaka ayaa bayaan uu jimchii soo saaray ku sheegay in xayiraadaha cusub ee makhaayadaha ee ay dowladdu jimcihii ku dhawaaqday ay sii xumaynayaan dhibaatada haysata ganacsatada makhaayadaha, shaqaalaha iyo qoysaskoodaba.

MaRa ayaa ka dhawaajisay in xayiraadaha adadag ee lagu soo rogay maqaayadaha ku yaalla 11 gobol ee fiidkii laga casheeyo iyo iyo baararka khamriga aysan suurtogelinaynin ganacsi lagu shaqyn karo, waxaysan kale oo suurto gelinayn karin in shaqaalaha dib loogu soo celiyo shaqooyinkoodii oo ay ka soo baxaan diiwaanka shaqo la’aanta.

Ururka ayaa aaminsan in xattaa hadii xiyiraadaha lixda todobaad socday la wada qaado, ay albaabada makhaayado badan sii xirnaan doonaan.

Baarimikko pesee käsiään
/ Kuva: Petteri Sopanen / Yle

Tallaalka koronaha ayaa la bilaabayaa in lala bartilmaameedsadao meelaha ugu daran

Dowlada ayaa jimcihii shaacisay is bedel lagu sameeyay jadwalka talaalka, kaaso o lagu doonayo in si ku meel gaar ah loogu bartilmaameedsado meelaha uu koronuhu ugu daran yahay. Isbadalkaan oo ku meel gaar ah ayaa wuxuu shaqaynayaa ilaa dhamaadka bisha shanaad.

Bartilmaameedka tallaalka waxaa loo hirgelin doonaa iyadoo tallaalka Moderna ee Finland soo gaari doona iyo seddex meelood meel ka mid ah tallaalka Astra Zeneca loo qaybin doono aagagga caafimaadka ee 14-kii maalmood ee ugu dambeeyay laga helay ugu yaraan 100 kiis oo cudurka ah 100,000 ee qofba. Si kastaba ha noqotee, kooxaha halista ku jira iyo dadka ay da’doodu ka weyntahay 70-ka sano ayaa weli haysta fursad ay tallaalka ugu hor marayaan dadka kale ee ku nool aagagga la soo tilmaamay.

Waqtigaan xaadirka ah, waxaa shuruudaha hormarinta buuxin kara degaannada caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa, Varsinais-Suomen, Päijät-Häme, Kymenlaakso iyo weliba Itä-Savo.

Ihmisiä hengityssuojaimet kasvoilla Helsingin päärautatieasemalla.
/ Kuva: Benjamin Suomela / Yle

Waxaa dhawaan Finland soo gaari doono tobanaan kun oo tallaal ah usbuucii

Tallaallada korona ee Biontech iyo Pfizer ayaa la heli doonaa toddobaadyada soo socda Finland in ka badan intii la filaayay kadib markii shirkaddaha dawooyinka soo saara ay soo hormariyeen keenidoodii talaalka dalalka EU, Machadka Daryeelka Caafimaad iyo Nololwanaaga (THL) ayaa sheegay arintaan jimcihii.

Laga bilaabo usbuuca 17aad iyo wixii ka dambeeya, qiyaastii 50,000 oo tallaal ka badan tiradii horey loo qiyaasay in la keenayo toddobaad kasta ayaa la heli doonaa. Tirada tallaal ee dheeri la heli doono bisha juun ayaa noqonaysa 80 000.

In ka badan 1,3 miljan oo Finnish ah ayaa ugu yaraan la tallaalay midka koobaad ilaa axadii, hadii si kale loo sheego tiradaan ayaa ka ah bulshada inteeda kale 24 boqolkiiba.

Astmaatikko Juha Sjögren sai Pfizerin rokotteen sairaanhoitaja Tiina Palmilta.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Hiwaayadaha dhalinyarada ee lagu qabto banaanka ayaa la furi doonaa nawaaxiga Helsinki - ma jiri doonto gafuur saab/maaskaro lagula talinayo inay xirtaan carruurta dhigata dugsiyada hoose.

Dhalinyarada da'doodu tahay 20 iyo wixii ka yar ayaa loo ogolaaday in loo diyaarin karo isboortiyada la hagayo Helsinki iyo nawaaxigeeda laga bilaabo isniinta. Kooxda Isku-xirka koronaha ee deegaanka Helsinki ayaa soo saaray nidaamkan khamiistii. howlahan ayaa la dhaqan galinayaa iyadoo lagu saleynayo tilmaamihii badbaadada caafimaadka ee horey loo adeegsaday.

Kooxda isuduwidda ayaa sidoo kale go'aansaday inaysan jiri doonin talo bixin ah xirasho maaskaro oo loogu talagalay carruurta dugsiyada hoose.

HJK:n 06 akatemiajoukkueen nuoret lämmittelevät pimenevässä illassa Töölön pallokentällä.
/ Kuva: Tero Karhu / Yle

16.4.2021

Tietoa koronasta somaliksi 16.4.

Makhaayadaha ayaa Finland oo dhan maalinta la furayaa maalinta isniinta

Waxaa dhici karta in makhaayadaha Finland oo dhan la furo maalinta isniinta ah ee 19-ka bisha afaraad. Makhaayadaha ayaa waxay ku khasbanyihiin inay u hoggaansamaan xaddidaadaha ku-meel-gaar ah ee la xiriira waqtiga furinaanshaha, sida waqtiyada khamri cabbida, joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqa macaamiisha ee makhaayadaha goobahooda ah, iyo tirada kuraasta macaamiisha.

Wasaaradda Caafimaad iyo Arimaha Bulshada ayaa maalinta jimcaha ah si faahfaahsan u sharxi doonta xayiraadaha saaran howlmaalmeedka maqaayadaha.

Wararka ay idaacada Yle helayso ayaa sheegaya in ugu yaraan Uusimaa, Varsinais-Suomi iyo seddex gobal oo kale baararka la xiri doono saacadu markay tahay 18-ka iyadoo maqaayadaha raashinkana la xiri doono 19-ka. Adeegga khamriga ayaa wuxuu ku ekaan doonaa shanta galabnimo.

Baarimikko pesee käsiään
/ Kuva: Petteri Sopanen / Yle

STM: Xayiraadaha ayay tahay inay weli sidooda sii ahaadaan

Madaxa Wasaarada Caafimaadka iyo Arimaha bulshada Pasi Pohjala ayaa sheegay inay weli lagama maarmaan tahay in xayiraadaha sidoodii usii jiraan.

Pasi Pohjala ayaa wuxuu shirkii jaraa'id ee maalintii isniinta ahayd ku sheegay in hadii si deg deg ah loo qaado xayiraadaha ay kordhayaan xiriirka isku dhowaanshaha dadka isla markaana tirada isku daarashada cudurku ay si sahal ah mar kale sare ugu kacayso.

Xayiraadaha ayay tahay in loo qaado si taxaddar leh oo qayb-qayb ah. Xayiraadaha saaran dhalinyarada iyo caruurta ayaa ugu horraynta mudan in la qaado.

Mika Salminen oo ah madaxa badbaadada caafimaadka ee THL ayaa ku faraxsan inay isku daarashadu hoos u dhacday. Isku dhowaanshaha dadku way yaraatay, sidoo kalena faafida koronaha ayaa yaraatay. Dhalinyarada iyo dadka waaweyn ayaa ahaa kuwa sida ugu badan kiisaska cudurku yaraaday.

Helsingin keskustassa oli hiljaista 14. huhtikuuta
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Hakintii Astra Zeneca waxay daahin doontaa illaa bil dhaqsihii tallaalka

Astra Zeneca ilaa hadda lama siiyo Finland dadka da'doodu ka yar tahay 65 sano. THL, STM iyo Fimea ayaa Arbacadii qabtay shir jaraa’id oo ku saabsan isticmaalka talaalka Astra Zeneca.

Miia Kontio, oo ah madax khuburo ee THL, ayaa shirka jaraa'id ku sheegtay arbacadii in qorshahaas gaabis ku samayn doono xawaaraha talaalka, laakiin wali lama oga inta ay la eg tahay.

Qorshihii hore ayaa ahaa in dhammaan dadka ka weyn da'da 16 sano la tallaalo inta u dhaxeysa Juun ilaa Luulyo. Laakiin hadda guushaas ayaa u wareegtay in la gaari karo ugu danbays ogosto sida ay qiyaastay Kontio.

Ilaa arbacadii la soo dhaafay waxaa tallaalka qeybtiisii hore qaatay boqolkiiba 1.2 milyan oo dadka Finnishka ah, taas oo ka ah bulshada inteeda kale 21.4 boqolkiiba.

76-vuotias Maire Löppönen sai Astra Zenecan rokotteen, jonka pisti sairaanhoitaja Nguelah Elisè.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Dekedda Helsinki ayaa todobaadkii hore laga celiyay 58 rakaab ah

Waxaa Finland soo gaaray toddobaadkii la soo dhaafey rakaab ka badan 30 boqolkiiba midkii yimid helsinki toddobaadkii kan ka sii horreeyey, sida ay sheegeen ilaalada xuduudaha Isniintii. Guud ahaan waxaa soo gaaray dakadda helsinki dad gaaraya 3300 oo qof, iyadoo 58 ka mid ah rakaabkaas dib loo celiyay.

Ilaalada xuduudaha ayaa si faahfaahsan u baaray soo galitaanka dad gaarayay ilaa 200 oo qof. Sababta ugu badan ee loo celiyay ayaa ahayd in soo galidooda ay khatar ku tahay caafimaadka bulshada iyo inay Finland ka raadinayeen shaqooyin ka baxsan kuwa lagama maarmaanka u ah habsami u socodka nolasha bulshada iyo shaqooyinka u foojignaanta masiibooyinka.

Länsisatamassa matkustajia tulossa koronatestiin.
/ Kuva: Kristiina Lehto / Yle

13.4.2021

Tietoa koronasta somaliksi 13.4.

Iskuullada in wax lagu barto ayaa lagu laabanayaa, waxbarashada hoos u dhacday baase walwalkeeda leh

Degaanno badan ayay ardayda dugsiyada dhexe iyo kuwa dugsida sareba waxay todobaadkan bilaabayaan in waxbarashadooda ku qaataan iskuullada. Tusaale ahaan, ardayda caasimada iyo nawaaxigeeda wax ku barata ayaa markii ugu dambaysay ee ay waxbarashada iskuulka ku dhex qaataan waxay ahayd afar bilood ka hor.

Ururka macallimiinta ee OAJ ayaa ku faraxsan in waxbarashada iskuullada lagu laabto, laakiin isla markaana waxuu ururku ka walaacsanyahay hoos u dhaca waxbarasho ee ka dhashay waxbarashda khadka ee onlinka ah. Jaakko Salo, oo ah madaxa siyaasada waxbarashada ee OAJ ayaa isniintii idaacada Yle u sheegay in ardayda qaar waxbarashadooda laga yaabo in aysan wax yar oo horumar ah ku samayn adeegsiga khadka.

Oppilas käyttää tietokonetta kasvomaski päällään.
/ Kuva: Benjamin Suomela / Yle

Finland ayaa la furfuri doonaa haddii kiisaska cudurku uu si muuqata hoos ugu dhaco

Dowlada ayaa maalintii jimcaha soo bandhigtay qorshe lagu qaadayo xayiraadaha koronaha. Qorshahaas ayaa lagu sheegay in la bilaabi doono in la furfuro Finland isla bishaan socota ee Abriil gudaheeda. Bishaan ayaa lagu wadaa in si xakamaysan loo furfuro makhaayadaha iyadoo ardayda dugsiga dhexena ay bilaabi doonaan inay iskuullada wax ku bartaan.

Si kastaba ha noqotee, shuruudda qaadista xayiraadaha ayaa ah inay faafida koronuhu si aad ah hoos ugu dhacdo, sidaasna waxaa jimcihii sheegay Ilkka Julkunen, oo ah barofisoor ku takhasusay fayrasyada kana howlgala Jaamacadda Turku.

Tirada kiisasaka koronaha cusub ayaa hoos u dhacaysay mudo dhowr toddobaad ah. Machadka caafimaadka iyo nolol-wanaaga (THL) ayaa sheegay in Ilaa iyo maalintii axadda ahayd ay shan meelood oo meel dadka Finishka ah, taas oo u dhiganta 1.12 milyan oo qof ay qaateen tallaalka fayraska koronaha.

Maskiin pukeutunut kävelee hattukauppiaan myyntipöydän edustalla ostoskeskuksen pihalla.
/ Kuva: Tiina Jutila / Yle

Goobaha isboortiga iyo kuwa madadaalada ee Uusimaa iyo Päijät-Häme ayaa sidoodii usii xirnaan doona

Wakaalada maamulka maxalliga ee Koonfurta Finland (AVI) ayaa shaacisay inay goobaha isboortiga iyo kuwa madadaalada ee Uusimaa iyo Päijät-Häme ay sidoodii usii xirnaan doonaan. Go'aannada xirnaanshaha ayaa waxay shaqayn doona illaa 28-da bisha afaraad, waxayna ku saleysan yihiin xaaladda koronaha ee degaannadaas ka jirta. Wakaaladda maamulka maxalliga ee Koonfurta Finland (AVI) ayaa wargelin arinkaan jimcihii ku sheegtay.

Goobaha xirxiran ayaa waxaa ka mid ah kuwa jimicsiga, saunooyinka caamka ah, goobaha qoob ka cayaarka iyo qayb ahaan xarumaha dukaamaysiga meelaha ay dadku isa joog-googaan.

Kuopion uuden uimahallin kymmenratainen allas
/ Kuva: Toni Pitkänen / Yle

Booliska ayaa tuhunsan ku dhowaad 50 qof inay ku xadgudubeen xaddidaadaha la dulsaaray koronaha intii lagu jiray mudaaharaad ka dhacay Helsinki

Booliiska waxay tuhunsan yihiin ku dhowaad konton qof inay ku xadgudbeen isku imaatintka mudaaharaadyo looga soo horjeedo xayiraadaha korona ee ka dhacay Helsinki. Mudaaharaad ayaa lagu qabtay Helsinki Sabtidii, Maarso 20, iyadoo booliisku qiyaasay inay ka qayb galeen ilaa 300 oo qof.

Qabanqaabiyeyaasha mudaaharaadka ma aysan raacin qorshihii ay horay ugula heshiiyeen booliska. Dibadbaxayaasha ayaa iska indhatiray awaamiirtii uu booliisku goobta mudaaharaadka ku siiyay, midkaas oo dhigayay in kaqeybgalayaashu u socdaan koox kooxo lix ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen koox mideysan.

Mielenosoittajia kansalaistorilla Helsingissä.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

9.4.2021

Tietoa koronasta somaliksi 9.4.

Dowlada ayaa ku tala jirta inay si tartiib tartiib ah u dabciso xayiraadaha koronaha

Markii ay xaalada koronuhu kasoo rayso, waxay Finland sida ugu dhaqsaha badan ugu dadaali doontaa sidii looga takhalusi lahaa xayiaadaha koronaha.

Xaalada loo yaqaano xirxirnaanta ayaa lagu waday inay dhamaato bishaan. Qorshuhu waa in dugsiyada hoose/dhexe sida ugu dhaqsaha badana ugu laabtaan waxbarashada iskoolda gudahooda ah, waxayna u badantahay inay taasu hirgasho bishaan gudaheeda. Maqaayadahii xirxirnaa iyagana furmaan isla bishaan.

Raysul wasaarada Marin ayaa sheegtay inaanan hadda la joogin waqtigii la qaadi lahaa xayiraadaha, balse ay noqonayso ugu horray laba-sadax bilood ka dib.

Waxaa weli jira waxyaabo badan oo aan la hubin, isla markaana ku xeeran qaadista xayiraadaha. Hadii ay xaalada cudurku ka sii darto, waxaa dhici karta in waqtiga xayiraaduhu sii dheeraado amaba ay khasab noqoto in xayiraadaha lasii adkeeyo.

Maanta oo jimce ah ayay dowldadu soo bandhigaysaa qorshaheeda oo dhamaystiran.

ravintolan pitäjä laskuttaa asiakasta
/ Kuva: Ville Viitamäki / Yle

Xaalada koronaha ee caasimada iyo nawaaxigeeda iyo Varsinais-Suomi ayaa ka soo raynaysa.

Xaalada koronaha ee caasimada iyo nawaaxigeeda iyo Varsinais-Suomi ayaa kasoo raynaysa, laakiin Itä-Savo iyo Kymenlaakso ayaa lagu arkayaa kiisas badan oo hor leh.

Ardayda dugsiyada dhexe ee degaannada caafimaadka ee ay ka midka yihiin Etelä-Karjala, Helsinnki iyo Uusimaa, Päijät-Häme iyo weliba Varsinais-Suomi ayaa ilaa maalinta axadda waxbarashadooda kusii wadi doona qadka. Dugsiyada sare iyo iskuulada farsamada ayaa dhanka kale waxay sii wadan doonaan waxbarashada qadka ilaa dhamaadka teeramka afaraad, hadii si kale loo sheego ilaa 15 abriil.

Gobollo badan ayeey makhaayadahu sii xirnaan doona illaa iyo 18-ka Abriil.

Lähiopetusta luokkahuoneessa.
/ Kuva: Benjamin Suomela / Yle

Hal milyan oo Finnish ah ayaa helay tallaalka korona-fayrus

Tirada talaalka korona fayrus ayaa dhaaftay dalka Finland khamiistii hal milyan. 21.8 boqolkiiba dadka Finnishka ayaa qaatay tallaalka qeybtiisa koobaad.

Toddobaadka soo socda, kooxda khubarada tallaalka ayaa baari doona faa'iidooyinka iyo qasaarooyinka tallaalka Astra Zeneca sida ay sheegtay Hanna Nohynek, oo ah dhakhtarka sare ee Machadka Caafimaadka iyo Nololwanaaga ee (THL) arbacadii.

Waqtigaan la joogo, nidaamka THL ayaa ah in Astra Zeneca la siin doono oo kaliya dadka jira 65 iyo wixii ka weyn.

Äldre italiensk kvinna får coronavaccinspruta.
/ Kuva: Yle / Christin Sandberg

Khubarada: Xagaagu wuxuu umuuqdaa mid wanaagsan - xilligii dayrta waxaa adkaa nooca fayrus ee is badalay

Khubarada kala ah Lasse Lehtonen iyo Juhani Knuuti oo ay waraysatay khamiistii Yle ayeey labaduba ka muujiyeen yididiilo wanaagsan, waxayna la tahay in xagaagu u muuqdo mid wanaagsan. Lehtonen waa agaasimaha HUS ee baaritaanka cudurka iyo Knuuti oo ah borofisar cilmiga caafimaadka ka dhiga jaamacada Turku.

Lehtonen ayaa sheegay in xaalada korona ay u muuqato sidii sanad kahor, iyadoo la sugayay xagaa caadi ah.

Si kastaba ha noqotee, khubarada ayaa carrabka ku adkeeynaya in kahortagga fayrusku ay tahay in la sii wado si noocyada fayraska is badalay aysan usii badin xilliga dayrta.

Jalankulkijoita Tallinnanaukiolla Helsingissä.
/ Kuva: Tiina Jutila / Yle

6.4.2021

Tietoa koronasta somaliksi 6.4.

Kiisaska koronahu way yaraadeen laakiin dadka is baaray ayaa iyana yar

Maamulaha Machadka Caafimaadka iyo Nolol-wanaaga THL Mika Salminen ayaa sheegay in tirada kiisaska koronaha ay hoos u socoto, ugu yaraanna uu hoos u dhaco aad u muuqdo Caasimada iyo nawaaxigeeda.

Si kastaba ha noqotee, waxaa waayo-aragnimada laga dhaxlay in maalmaha fasax ciideedka ah ay dadku baaritaannada u raadsadaan si ka yar sida maalmaha kale ee caadiga ah. Sidaas darteed, waxaa adag in, iyadoo lagu salaynayo maalmaha fasax ciideedka easter-ka (pääsiäinen) sawir sax ah xaalada siday tahay bixiyo.

Baaritaannada koronaha ee la sameeyay maalmihii fasax-diimeedka easter-ka ayaa si muuqata uga yar intii caadiga ahaan jirtay. Aagga caafimaadka HUS ayaa waxaa la sameeyay in ka badan shan kun, halka bilowgii todobaadkii hore ay kor u dhaafayeen 10,000 oo baaritaan.

Tirada bukaan-jiifka kornaha ayaa iyana si muuqata hoos ugu dhacay isbitaalada aagagga caafimaadka HUS ee Helsinki iyo Uusimaa.

Dhawr aag oo caafimaad ayay tirada kiisaska koronuhu koro u kacday. Waxaan hadda laga walwalsanahay Päijät-Häme, Pirkanmaa, Kymenlaakso iyo Etelä-Karjala.

Hoitajat pukevat suojavarustuksia ylleen
/ Kuva: Sami Takkinen / Yle

Tirada dadka koronaha laga tallaalay todobaadkan dhaafaysa xadka halka milya

Tirada dadka Finishka ah ee ugu yaraan talaalkii hore qaatay ayaa todobaadkaan gaaraysa hal milyan.

Machadka Caafimaadka iyo Nolol-wanaaga ayaa sheegay in guud ahaan Finland la tallaali doono dad kabadan 4.5 milyan. Tallaalada ayaa waxaa la siin doonaa dadka iyagu ka waaweyn 16 sano.

Toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa Finland soo gaaray tiradii ilaa hadda ugu badan oo talaallo ah, kuwaas oo qiyaas ahaan gaarayay 280,000. Usbuucyada soo socda ayaa waxaa la heli doonaa tallaallo ka badan intii hore, kuwaas oo qiyaas ahaan gaaraya 200,000 todobaadkiiba.

Sairaanhoitaja ja asiakas rokotushuoneessa Helsingin Messukeskuksessa.
/ Kuva: Tiina Jutila / Yle

5 Ku dhowaad saddex milyan ayaa u dhintay cudurka korona fayrus

In ka badan 2.8 milyan oo qof oo uu ku dhacay cudurka korona fayrus ayaa u dhintay tan iyo bishii Diseembar ee sanadka 2019, xiligaas oo fayrusku bilaabay inuu ku faafo adduunka.

In ka badan 10,000 oo bukaanadii korona oo dheeri ah ayaa u dhintay Jimcihii wanaagsanaa (Good Friday). Qeybta ugu badan oo ah 2,900 waxay ahaayeen reer Brazil.

Tirada ugu badan ee dhimashadu waxay ka dhacday dalka Mareykanka, halkaasoo guud ahaan la diiwaangeliyey ku dhowaad 570,000. Tirada labaad ee ugu badan ee dhimashaduna waxay ahayd Brazil, ilaa 330,000.

Marka la bar bardhigo tirada dadka, lagana reebo dowladaha aadka u yar-yar, caabuqa korona ee ugu dhimashada ba'ani waxay ka dhacday Czech Republic, halkaas oo dhimashada la xiriirta korona laga diiwaan geliyey dhimasho 250 qof ah boqolkii kun oo qofoodba.

Qiyaastii 850 dhimasho oo ka dhacday Finland waxay la mid tahay 15 dhimasho boqolkii kun oo qofoodba.

Kiisaska caabuq ee guud ahaan la xaqiijiyay ayaa ugu yaraan ah 130 milyan, inta ugu badan ee dadka uu ku dhacayna way ka bogsadeen cudurka. Si kastaba ha noqotee, dadka qaar ayuu cudurku ku reebay astaamo soconaya toddobaadyo ama bilo.

Matkustajia Sao Paulon Se-metroasemalla Brasiliassa 24. kesäkuuta.
/ Kuva: Sebastiao Moreira

1.4.2021

Tietoa koronasta somaliksi 1.4.

Guddiga dastuurka ayaa aaminsan in xadadaada banaan wareega oo dadka dhan lagu soo rogo ay tahay mid kasoo horjeedaa sharciga

Guddiga dastuurka ayaa sheegay in sharciga ay dowladu soo bandhigtay ee xayiraadda banaan wareega uu ka soo horjeedo sharciga, ayna tahay in wax laga bedelo. Guddiga ayaa aaminsan inaysan macquul aheyn in dadku ay saadaaliyaan waxa la ogolyahay iyo waxa ka mamnuuca ah iyo weliba waxa ay ciqaabtu ka dhalanayso.

Guddiga dastuurka ayaa sheegay in mamnuucida bannaan wareega lala bar-tilmaameedsado meelaha la aaminsan yahay inuu cudurku ku faafo, sida munaasabadaha gaarka ah iyo xafladaha iyo weliba sidoo kale wada socodka kooxo-kooxo dhowr ah. Hindisaha sharci ee ay dowladu soo bandhigtay ayaa lagu soo jeediyay xaddidaadyo lagu mamnuucayo banaan wareega, gafuur-saabkana oo khasab looga dhigayo caasimada iyo na nawaaxigeeda iyo magaalada Turku.

Ra'iisul Wasaaraha Sanna Marin ayaa fiidnimadii Arbacada sheegtay in hindisaha lagu xadadayay banaan wareega laga laabanayo iyadoo la tixgelinayo soo jeedintii gudiga dastuurka ee baarlamaanka.

Dhanka kale, gafuur-saabka oo khasab laga dhigo oo ay dowladu soo bandhigtay ayuu gudiga dastuurku ku sheegay inuu yahay mid sharciga waafaqsan. Guddigu wuxuu dowlada ku boorrinayaa inay soo saarto sharci dalka oo dhan ka hirgala ku khasbaya qaadashada gafuursaabka, kaas oo wax looga beddelayo sharciga cudurrada faafa.

ulkoilijoita kaivarin rannassa
/ Kuva: Marja Väänänen / Yle

Caasimada iyo nawaaxigeeda ayaa waxbarashada iskoolka gudihiisa ah si tartiib tartiib ah loogu laaban doonaa

Xiiriiriyaasha arimaha koronaha ee caasimada iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay in loo diyaar garoobayo, in fasax diimeedka easterka (pääsiäinen) hal usbuuc ka dib si tartiib-tartiib ah loogu laabto waxbarashada iskoolka gudahiisa ah. Dugsiyada dhexe iyo iyo dugsiyaa sare ayaa waxay guud ahaan waxbarashada onlin-ka ah ku sii jiri doonaan hal usbuuc oo fasaxa easter-ka ka dambeeya.

Dhanka kale, Pirkanmaa ayaa iyadana dhankeeda, kooxda xakamaynta cudurka saf-mareenka ahi waxaay talaadadii soo bandhigeen inay dugsiyada dhexe iyo dugsiyadaa sare waxbarashada iskuullada gudohooda ah ku laaban doonaan laga bilaabo 6-da bisha afaraad oo ah durbaba markii laga gudbo fasax diimeedka easterka.

Savonlinnalaisen Mertalan koulun 9E-luokka oppitunnilla maaliskussa 2021.
/ Kuva: Esa Huuhko / Yle

Baaritaannada caafimaadk khasabka ah ee dadka dalka soo gelaya ayaa koonfurta Finland ka sii socda

Wakaalada maamulka ee Koonfurta Finland ayaa arbacadii go’aamisay in la sii wado baaritaannada caafimaadka ee khasabka ku ah dadka dalka soo gelaya. Go’aankaan ayaa wuxuu dhigayaa in qof walba oo dalka ka soo galaya dekedaha Helsinki, garoonka diyaaraha Helsinki-Vantaa, barta laga gudbo xadka ee Vaalimaa iyo barta laga gudbo xadka ee Nuijamaa uu durbadiiba maro baaritaan caafimaad, baaritaankaas oo koronuhuna uu qayb ka yahay. Go’aankaan ayaa wuxuu shaqayanayaa ilaa bisha afaraad.

Mehiläisen drive-in-testausasemalla Helsingin Hernesaaressa tehtiin koronavirustestejä lumisessa säässä 4. tammikuuta 2021.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Xarumaha isboortiga ayaa xirnaan doonaan labo todobaad koonfurta Finland

Wakaaladda Maamulka Maxalliga ee Koonfurta Finland (avi) ayaa go'aamisay arbacadii in la xiro xarumaha loo isticmaalo isboortiga, jimicsiga, madadaalada iyo meelaha jawi badalka muddo laba toddobaad ah laga bilaabo 1da Abriil.

Go'aankan ayaa ku saleysan wax ka beddelka sharciga ee axaddii la ansixiyay. Go'aanka Koonfurta Finland ee avi wuxuu ka dhaqan galayaa isbitaallo degmooyinka Etelä-Karjala, Helsinki iyo Uusimaa, Kanta-Häme iyo waliba Päijät-Häme.

I förgrunden en man som lyfter vikter på gym, i bakgrunden en kvinna som springer på löpmatta.
/ Kuva: Alamy / All Over Press

Tirada korona ayaa hadda sidoo kale lagu ogaan karaa Ingiriis

Jaantusyo joogto ah oo oo markasta la cusbooneysiinayo ee korona ayaa hadda sidoo kale lagu heli karaa iyadoo Ingiriis ah adareeska yle.fi/covidstats

Maqaaladan waxaad ka heli kartaa macluumaada ku saabsan xaaladda korona ee Finland oo ku qoran saddex luqadood, waxaa intaas dheer ood ka heleysaa tusaale ahaan, kudhicitaanka caabuqa iyo qeybta la tallaay ee degaan caafimaadkaaga iyo magaaladaada.

Sida ay sheegtay THL, qeybta dadka ku hadla luuqadaha ajanabiga ee ku nool Finland ee cudurku ku dhacay ayaa ka badan tirada ay ka yihiin bulshada inteeda kale. Dadka ku hadla luuqadaha ajanabiga ayaa qiyaastii saddex meelood meel ka ah dhammaan dadka uu ku dhacay bishii Maarso.

Yle Covidstats
/ Kuva: Yle

30.3.2021

Tietoa koronasta somaliksi 30.3.

Xaddidaadaha dhaqdhaqaaqa ayaa waxaa ugu horayn la dhaqangelin karaa laba toddobaad ka dib

Gudiyada baarlamaanka ayaa waxaa maalintii isniinta bilaabeen inay ka doodaan soo jeedintii xadadaynta dhaqdhaqaaqa. Soo jeedintan oo ay dowladda soo bandhigatay ayaa waxaa ka wada hadlaya guddiyo uu ka gudiga dastuurka.

Sida muuqata, xayiraadaha dhaqdhaqaaqa ayaa magaalada Turku iyo caasimada iyo nawaaxigeeda ka dhaqan gali kara ugu horayn todobaadka 15-aad, taasoo macnaheedu yahay 12. bisha afaraad. Arrintaaan ayaa waxaa idaacada Yle maalintii axada ahayd u xaqiijiyey Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Maija-Leena Paavola.

Ihmisiä odottaa bussia Matinkylän metroaseman bussiterminaalissa 25.maaliskuuta 2021.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Guud ahaan koonfurta Finland ayaa waxaa sii socon doona waxbarashada onlinka ah

Maalintii Khamiista ahayd ayay Wakaaladda Maamulka ee Koonfurta Finland waxay go'aamisay in ilaa isniinta soo socota lasii wado xirnaanshaha goobaha waxbarashada ee degaannada caafimaadka hoostaga Koonfurta-Karjala, Uusimaa, Kanta-Häme iyo Päijät-Häme. Go'aankaan ayaa wuxuu khuseeyaa dugsiyada dhexe.

Makhaayadaha ayaa iyana xirnaanshaha lagu sii wadi doonaa saddexda toddobaad ee soo socota guud ahaan waddanka marka laga reebo Ahvenanmaata, Koonfurta-Pohjanmaa, Kainuu iyo Bartamaha-Pohjanmaa. Degmada Kittila oo kaliya ayay xirnaanshaha makhaayaduhu saamayn uga yeelan doontaa Lapland-ka.

Intaas waxaa dheer in tirada rakaabka loo ogol yahay gaadiidka dadweynaha degaannada caafimaadka hoostaga Helsinki iyo Uusimaa (HUS) la xadiday ilaa sabtida soo socota, waxaana dhigay kala bat intii ay horay u ahayd.

VR ayaa iyana sidoo kale waxay xaddideysaa tirada ugu badan ee rakaabka loo ogolyahay dhammaan tareennada, waxayna ka dhigaysaa kala bar.

Tyhjä luokkahuone.
/ Kuva: Benjamin Suomela / Yle

Dhakhtarka sare ee THL Nohynek: Siinta tallaalka ayaa siyaadi doonta abriil

Finland ayaa isniintii sii waday siinta tallaalada Astra Zeneca dadka da'doodu ka weyn tahay 65 sano. Tallaalladii shirkaddan ayaa la joojiyay muddo waxyar ka badan toddobaad, sababta oo ah dadka qaar ka mid ah oo la siiyay tallaalka ayaa la kulmay xinjirowga dhiigga.

Joojinta tallaalka Astra Zeneca wax saameyn ah kuma aysan yeelan helitaanka tallaalka Finland, ayeey tiri Hanna Nohynek, oo ah dhakhtarka sare ee Machadka Daryeelka Caafimaadka iyo Nolol-wanaaga ee (THL), Isniinta. Sida laga soo xigtay Nohynek, xawliga tallaalku wuu siyaadi doonaa dhammaadka bisha Abriil, markaas oo sidoo kale Finland heli doono tallaalka Johnson & Johnsonin.

Ilaa hadda, in ka badan 832,000 oo Finnish ah ayaa helay ugu yaraan tallaalka koobaad, tiradaas oo qiyaastii ka ah 15 boqolkiiba bulshada inteeda kale.

Astra Zenecan koronarokotepulloja
EU:ta on kismittänyt, ettei se ole saanut sovitussa ajassa kaikkia tilaamiaan Astra Zenecan rokotteita. Kuva: Adam Warzawa / AOP

Dad Badan oo waayeel ah oo ku ku hadla luuqadaha qalaad ayaa ka caga jiidaya inay qaataan talaalka koronaha

Boqolkiiba 47 dadka afafka qalaad ku hadla ee ka weyn da'da 50 sano ee ku nool Finland ayaa qorsheynaya inay qaataan tallaalka koronaha. Arrintan ayaa lagu ogaaday sahan ay samaysay urur la shaqeyso lix qeybood oo ku hadla afafka qalaad. Qaar badan oo ka mid ah dadka waayeelka ah ee ku hadla afka qalaad ayaa sheegay inay u baahan yihiin macluumaad ku saabsan badbaadada iyo faa'iidooyinka tallaalka si ay taageero ugu helaan go'aankooda.

Qiyaastii rubac ka mid ah jawaab bixiyaasha ayaa diidmo ka muujiyay qaadashada tallaalka, in ku dhow saddex meelood meelna weli ma sheegi karaan inay damacsan yihiin inay qaataan tallaalka iyo in kale.

Xogta sahankan ayaa lasoo uruuriyay bil ka hor, xiligaas oo tallaalka dadka waayeelka ahi ay weli bilow ahayd. 121 qof ayaa ka jawaabey sahanka.

Useat ihmiset odottavat vuoroaan rokotettaviksi Porvossa.18.3.2021.
/ Kuva: Jorge Gonzalez / Yle

26.3.2021

Tietoa koronasta somaliksi 26.3.

Xukuumada ayaa soo jeedinaysa xadadaad lagu soo rogayo dhaqdhaqaaqa, ra'iisul wasaaraha ayaa dalbanaysa: in markaan wada fiidsiga la joojiyo

Dowladda ayaa waxay baarlamaanka u gudbisay soo jeedin ay ku doonayso in si kumeel gaar ah loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa iyo isku dhowaanshaha degaannada uu cudurka saf-mareenka ahi ugu daran yahay. Xaddidaadaha dhaqdhaqaaqa ayaa ugu horrayn dhaqan geli kara easterka (pääsiäinenka). Xayiraadaha ayaa waxay ka hergeli karaan deegaannada hoos taga Helsinki iyo nawaaxigeeda iyo Turku.

Gafuur-saabka (maaskiga) ayaa iyana isla mar ahaantaas la soo bandhigi doonaa in qasab laga dhigo gaadiidka dadweynaha iyo dhismayaasha gudahooda. Ra'iisul wasaarad Sanna Marin ayaa aaminsan in tallaabooyinkani ay 25 boqolkiiba yareyn doonaan xiriirka isku dhawaanshaha.

Ardaaga gurigaaga ayaa waxa kaliya oo looga bixi karaa sababo gaar ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin soo iibsashada raashinka ee lagama maarmaanka iyo farmishiga, shaqada iyo iskuulka iyo weliba u safridda aqallada xagaa baxa (mökki).

Marin ayaa sheegtay in xaddadaadda dhaqdhaqaaqa looga gol-leeyahay in wax looga qabto xaaladaha waqtiyada firaaqada ah oo aan hababka hadda jira wax looga qaban karin. Xaaladahaas waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, wada fiidsiga iyo xafladaha.

- Waxaan mid walba oo idinka mid ah ka codsanayaa inaan si wadajir ah xiriirada ugu koobno kuwa lagama maarmaanka ah oo kali ah. Taas oo macnaheedu yahay inaynaan lamaanayaasha aan saaxiibka nahay casuumin si aan u wada fiidsanno iyo inaan la qabanqaabin xafladaha dhalashada ee carruurta. Xafladaha iyo isu imaatinka aan muhiimka ahayn waa in la hakiyo si xagaaga soo socda uu noog noqdo mid dhammaanteen noo wanaagsan.

Marin ayaa sheegtay inuu booliisku kormeeri karo u hoggaansamidda xayiraadaha dhaqdhaqaaqa. Xadgudub lagu sameeyo xayiraadaha dhaqdhaqaaq iyo gafuur-saabka ayaa waxaa ka dhalan kara ganaax, laakiin hadana awooda kormeerista aayaa ah mid xadadan.

Hogaamiyaha THL ayaa sheegay inay muhiim tahay inaanan lagu dagdagin fal-celinta xaalada cudurka, balse ay waxa ugu xun tahay inay fal-celintu noqoto mid aad loola soo daahay

Salminen ayaa sheegay inay THL ku talisay in la xadado kulamada waayo tallaabo waa ilaa hadda horay loo istimcaalin.

Henkilöitä kauppakeskuksessa.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Garoonka diyaaradaha Turku dadka ka imanaya wadamada halista ah oo maraya baaritaan caafimaad oo qasab ah

Wakaaladda maamulka maxalliga ah ee koonfur-galbeed ee Finland (avi) ayaa ka rabta dhammaan dadka kasoo degaya xadka garoonka Turku, kana imanaya waddamada hallista inay si dhakhso leh uga qeyb qaataan baaritaan caafimaad. Baaris korona ayaa ka mid noqon karta baaritaanka laga qaadayo. Go’aankan ayaa dhaqan galay khamiistii, wuxuuna soconayaa ilaa 8 Abriil. ** **

Intaa waxaa dheer, in tareenada iyo gaadiidka kale ee dhulka ee nawaaxiga Koonfur-galbeed ee Finland la yareyn doono tirada rakaabka laga bilaabo khamiista.

Wakaaladda Maamulka Maxalliga ee Koonfur-galbeed ee Finland ayaa sii wadi doonta xaddidaadda tirada ka-qaybgalayaasha dhacdooyinka dadweynaha iyo shirarka guud ee Koonfur-galbeed Finland iyo Satakunta.

Ihmisiä ja linja-auto Turun keskustassa 22. maaliskuuta 2021.
/ Kuva: Vesa Moilanen / Lehtikuva

Ku dhowaad 760,000 oo Finnish ah ayaa lasiiyay tallaalka koobaad Arbacadii

Ilaa arbacadii ku dhowaad 760,000 oo Finnish ah ayaa qaatay tallaalka koobaad sida ay sheegeen Machadka Daryeelka Caafimaadka iyo Nolol-wanaaga ee (THL). Taas oo macnaheedu yahay boqolkiiba 13.7 guud ahaan dadweynaha.

Dadka Finland qaatay labo tallaal ayaa ah 87,256 qof , taas oo 1.6 boqolkiiba ka ah bulshada inteeda kale. Dadka da 'ahaan ka weyn 80 sano ayaa in ka badan 80 boqolkiiba qaatay tallaalka koobaad. Tirada dadka la tallaalay ee da’doodu u dhaxeyso 75 ilaa 79 sano ayaa bulshada inteeda kale ka ah 55.4 boqolkiiba.

THL ayaa go'aamisay arbacadii in tallaalka korona ee Astra Zeneca lagu sii wado talaalidda dadka ka weyn da'da 65 sano laga bilaabo Isniinta soo socota si caadi ah, joojin la galiyay qiyaastii hal isbuuc kadib.

Useat ihmiset odottavat vuoroaan rokotettaviksi Porvossa.18.3.2021.
/ Kuva: Jorge Gonzalez / Yle

Uusimaa waxaa lagula talinayaa inay sii wadaan waxbarashada onlineka

Kooxda qabanqaabada arimaha koronaha ee uusimaa waxay kula talineysaa Wakaaladda Maamulka Maxalliga ee Koonfurta Finland in waxbarashada online-ka lasii wado heerka dugsiga sare ama kuwa xirfadaha iyo dugsiyada dhexe ilaa 5 Abriil.

Xayiraadaha guud ee dowladdu horay usoo rogtay, oo isla markaas lagu heshiiyay in dugsiyada dhexe iyo kuwa sare laga dhigo online ayaa dhamaanaysa axadda. Uusimaa waxbarashada onlin-ka ayaa wali sii socon doonto toddobaadkan.

Dugsiyada hoose ayaa sidii hore loo aadi doonaa.

Opettaja Arto Alho etäopettaa
/ Kuva: Markku Pitkänen / Yle

23.3.2021

Tietoa koronasta somaliksi 23.3.

Dowlada ayaa qorsheyneysa xakamayno ad-adag

Dawladdu ayaa waxay qorsheyneysaa xayiraado adadag, kuwaas oo dhaqan galaya sida ugu dhaqsiyaha badan, kadib markii ay dhammaato xayiraadda hadda jirta. Xaalada loogu yeero xirxirnaanta ee ay dowladu hirgelisay ayaa waxay ku egtahay Axada, 28-ka Maarso.

Isniintii ayay ra'iisul-wasaarada Sanna Marin (sd.) Waxay qiyaastay in laga yaabo inay inta badan Finland maqaayadaha, baararka iyo kafateeriyaasha ay sii xirnaadaan todobaadka dambe kadib. Waxay kaloo dowladu diyaarisay sharci gaar ah oo xakameynaya dhaqdhaqaaqa ee Caasimada Helsinki iyo nawaaxigeeda sida Espoo, Vantaa iyo Kauniainen iyo sidoo kale magaalada Turku iyo degmooyinka deriska la ah.

Maqaayadaha ka sokow, xarumaha dhaqanka iyo isboortiga ee caamka ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaaxiran xilliga xayiraadaha. Dawladdu ayaa sidoo kale dugsiyada sare iyo kuwa sareba u wareejisay waxbarashada onlineka ah. Tirada kiisaska koronaha ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waxay ahaayeen kuwo badan gaar ahaan caasimadda Helsinki iyo nawaaxigeeda.

Vantaalla kauppakeskus Jumbossa oli hiljaista.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Baarlamaanku ayaa meel mariyey sharci kala cadeynaya baaritaanka khasabka ah ee koronaha

Baarlamanka ayaa fadhigiisii guud ee Jimcihii ku meel mariyey wax ka beddelka sharci kala caddaynaya sharciga cudurrada faafa ee ku saabsan baaritaanka khasabka ah. Wax ka beddelka sharciga ayaa dhigaya in wakaaladaha maamulka maxalliga ah (avi) ay dalban karaan baaritaanno caafimaad oo khasab ah, kuwaas oo lagu samaynayo dhowr qof, haddii ay cudurrada faafaa arinkaan ka dhigaan lagama maarmaan.

Si kastaba ha noqotee, baaritaanka caafimaadka ee noocan ah ayaa horay la amray, tusaale ahaan, maalintii jimcaha ahayd guri ka mid ah kuwa ardayda ee magaalada Turku. Wakaaladaha maamulka maxalliga ah ayaa badalay fasiraadooda sharciga iyagoo cuskanaya bayaan ay soo saareen guddiga arimaha dastuurka horaantii bishii sadaxaad, kaasoo ogolaanayay in si khasab ah dhowr qofood baaritaan loogu sameeyo.

Opastekyltti koronavirustestiin
/ Kuva: Pyry Sarkiola / Yle

Tallaalka Astra Zeneca ayaa la joojinayaa hal toddobaad

Machadka daryeelka caafimaadka iyo nolol-wanaaga ee THL ayaa go'aamisay jimcihii in la joojiyo isticmaalka tallaalka Astra Zeneca ee Finland ugu yaraan toddobaadkan. Sida laga soo xigtay Xarunta Badbaadada iyo Hormarinta Daawooyinka ee Fimea, laba kiis oo

xinjirowga xididdada dhiigga maskaxda ayaa laga soo sheegay Finland 4-10 maalmood ka dib markii la siiyay tallaalka Astra Zeneca. Sida laga soo xigtay baaritaano ay sameysay Yle, joojinta isbuuca ah ee qaybinta tallaalka Asta Zeneca ayaan si weyn dib ugu dhigayn tallaalakii Finland. Qeybta hore ee tallaalka ayaa ilaa iyo jimcadii lasiiyay dad kabadan 732,000 oo qof oo, sida ay sheegeen Machadka Daryeelka Caafimaad iyo Nololwanaaga (THL). Dadka la tallaalay ayaa bulshada ka ah 13,2 boqolkiiba.

Nainen saa koronarokotteensa. 18.3.2021.
/ Kuva: Jorge Gonzalez / Yle

Dacwo ayaa laga gudbiyay banaan baxayaasha kasoo horjeeday xanibaadyada koronaha

Mudaaharaad looga soo horjeeday xayiraadaha korona ayaa sabtidii lagu qabtay Helsinki, kaas oo ay ka qaybgaleen ugu badnaan 400-500 oo qof. Dacwo ayaa laga gudbiyay mudaaharaadka, booliiskuna wuxuu baarayaa danbiyada la xariira arinkaan ee looga soo horjeedo sharciga ayuu u sheegay STT axadii taliyaha Bilayska Seppo Kolehmainen.

Booliska ayaa sheegay kahor mudaharaadka in fagaaraha madaniga ah ay qaadi karaan ugu badnaan 15 banaanbax oo kaladuwan, oo mid walbana ay ka qayb gali karaan ugu badnaan lix banaanbaxayaal. Markii ay goobta yimaadeen dad aad u badan booliisku wuxuu joojiyay mudaaharaadka in ka badan saacad, wuxuuna isku dayay inuu u kala qaybiyo mudaaharaadayaasha kooxo yaryar. Si kastaba ha noqotee dadkii dhamaan ma aysan raacin tilmaamaha booliska.

Mielenosoittajia kansalaistorilla Helsingissä.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

19.3.2021

Tietoa koronasta somaliksi 19.3.

Turku iyo Pirkanmaa ayay ka jira xaalad korone oo ba’an

Ka sokow xaalada koronaha ee caasimada dalka, magaalada Turku ayaa iyana xaalkeedu daranyahay. Cudurka saf-mareenka ayaa xawli ku usii kordhaya iyadoo heerarka isku daarashaduna ay sii badanayso. Sida laga soo xigtay Jutta Peltoniemi oo ah dhakhtarka magaalada Turku u qaabilsan cudurada faafa, dadka qaangaarka ah ayay weli isku dhowaanshahoodu badantahay, taasoo weli abuuraysa isku daarasho badan. Meelaha hadda cudurka lagu kala qaado ayaa waxay hadda yihiin goobaha shaqada, meelaha lagu fiidsado ee gaarka loo leeyahay iyo qoyasaska dhexdooda.

Sidoo kale, toddobaadkii hore ayaa wuxuu Pirkanmaa u ahaa usbuucii ilaa hadda korunuhu ugu xumaa. Kiisaska koronaha ayaa waxay guud ahaan gaarayeen 289, halka ay horay uga ahaan jirtay tiradaas kala barkeeda. Cudurka ayaa gaar ahaan waxaa isu gudbiyay dhowr kooxood oo ciyaarta xeegada (barafka) ah, ardayda iswaydaasiga ku timid iyo goobta dhismaha garoonka Tampere.

Tampereen areena
/ Kuva: Jani Aarnio / Yle

Kiisaska koronaha ayaa weli si muuqata ugu badan dadka asal ahaan ajaanibka ka soo jeeda

Dadka asalkoodu ajaanibka yahay ee ku nool caasimada iyo nawaaxigeeda ayay todobaadkii hore qaybta ay ku leeyhiin kiisaska koronuhu kor uga kacay intii hore. Kiisaska koronaha ee dadka ku hadla luqadaha qalaad ayaa si muuqata u badan marka la barbardhigo tirda ay ka yihiin bulshada inteeda kale.

Aagaga caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa (Hus) ayay tirada dadyowga ku hadla afafka qalaad, kuwaas oo loola jeedo kuwan aanan ku hadlin luqadaha finishka iyo iswiidhishka, waxay ilaa dayrtii lasoo dhaafay ahaan jirday qiyaastii seddex meelood hal meel, laakiin waxay todobaadkii lasoo dhaafay kor ugu kaceen 40-50 ayuu yiri Asko Järvinen oo HUS ka ah dhakhtarka guud.

Waxaa jira dhowr arimood ah oo arintaan sababaya, sida guryahooda oo cariiri ah iyo xirfadahooda oo aan u saamaxaynin ku shaqeeyaan onlinka.

Asiakkaita kaupan kassalla.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Dadka ka imaanaya dalalka halista cudurka ayaa laga qaadayaa baaritaan karona qasab ah.

Wakaaladda Maamulka Maxalliga ee Koonfurta Finland ayaa arbacadii qaadatay waxa loogu magac daray go'aan guud oo khasab looga dhigayo soo galootiga in la marsiiyo baaritaan caafimaad.

Go'aankan wuxuu khuseeyaa rakaabka ka soo degaya dekedaha Helsinki, Helsinki-Vantaa Airport iyo dadka dalka uga soo gudbaya xadka Vaalimaa 18-ka, ilaa 31-da bisha maarso.

Dhamaan dadka ka imanaya wadamada halista waxay mari doonaan baaritaanka korona hadii aysan wadan wax cadeyn ah oo ku saabsan in laga waayay cudurka ama inay u jiradeen.

Mehiläisen drive-in-testausasemalla Helsingin Hernesaaressa tehtiin koronavirustestejä lumisessa säässä 4. tammikuuta 2021.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Tirada la tallaalay ayaa kabadan 630,000

In ka badan 636,000 oo Finnish ah ayaa ilaa Arbacadii qaatay tallaalka korona fayrus qaybtiisa hore, ayeey sheegeen machadka caafimaadka iyo nolol wanaagga ee THL. Dadka Finnishka ah Boqolkiiba 11.4 ayaa qaatay tallaalka qeybtiisa hore.

Dadka da'doodu ay ka weyn tahay 80 jir ayaa qiyaastii boqolkiiba 76 la tallaalay. Tallaalka qeybtiisa labadaad ayaa la siiyay In kabadan 86,000 oo qof.

Useat ihmiset odottavat vuoroaan rokotettaviksi Porvossa.18.3.2021.
/ Kuva: Jorge Gonzalez / Yle

16.3.2021

Tietoa koronasta somaliksi 16.3.

Xadidaadihii koronaha ee gobolka Uusimaa ayaa lasii wadi doonaa

Tallaabooyinkii xayiraadaha ee laga hirgeliyay aagagga caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa ayaa todobaadyada soo socda lasii wadi doonaa. Arintan ayaa waxaa khamiistii go’aamiyay Wakaalada Maamulka Gobolka ee Koonfurta Finland (AVI).

Amarrada sharciga cudurrada faafa ee lagu xiray goobaha macaamiisha ayaa iyana la sii wadi doonaa illaa iyo 28-ka bisha sadaxaad. Isla maalintaas waxaa ku eg xirnaasnshaha makhaayadaha oo dalka intiisa badan ka jira.

Gobolka Uusimaa waxaa xirnaan doona dhowr xarumood oo ah shirkadaha gaarka loo leeyahay, kuwaasoo ay ka mid yihiin jiimamka, meelaha lagu qabto isboorti-wadareedka, sawnooyinka caamka ah, goobaha qoob-ka-cayaarka iyo meelaha gudaha ee caruurta lagu ciyaarsiiyo.

Abaabulka munaasabadaha ay isugu imanayaan dad kabadan lix qofood ayaa ilaa hadda mamnuuc ah. Intaas waxaa dheer iyadoo isticmaalka gafuursaabka (maaskiga) uu ilaa sabtidii lasoo dhaafay khasab ahaa marka la raacayo gaadiidka dadwaynaha ee Helsinki iyo nawaaxigeeda. Sidoo kale, isticmaalka gafuursaabka ayaa maalintii isniinta ahayd waajib laga dhigay marka la raacayo gadiidka dadka waynaha ee Turku iyo nawaaxigeeda iyo weliba kuwa Tampere iyo nawaaxigeeda.

Helsingin keskustassa oli 13. maaliskuuta rauhallista, ja moni käytti kasvomaskia.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Dadka Finishka ah ayaa intii hore uga kalsooni badan tallaalka koronaha

Sahan ay samaysa dowlada ayaa sheegaya in aragtida laga qabo talaalka koronaha ay ka wanaagsantahay sidii hore. Tirada dadka sida xaqiiqada ah u raba tallaalka koronaha ayaa kor uga kacday 48 boqolkiiba oo ay bishii 12-aad ee sanadkii ahayd, waxayna bishii labaad sanadkan gaartay 66 boqolkiiba.

Ilaa maalintii axada ahayd, dadka finnishka ah ee tallaalka qaybtiisa hore la siiyay waxay gaarayeen in ka badan 596,000. boqolkiiba 10.8 dadkii la rabay in la tallaalo ayaa ilaa hadda tallaalkoodii la siiyay. Machadka Daryeelka Caafimaadka iyo Nolol-wanaaga (THL) ayaa aaminsan in dadka 80-ka sano ka waawayn 70 boqolkiiba la siiyay ugu yaraan tallaalkii koowaad.

I bakgrunden syns ett ansikte med munskydd. Kameran fokuserar på en liten glasflaska med coronavaccin och en spruta personen håller i.
/ Kuva: Lehtikuva

Xaddidaadda soogelitaanka dalka ayaa sii socon doonto

Dowladdu waxay go’aansatay khamiista in xaddidaadda soogelitaanka la sii kordhiyo illaa iyo 17-ka Abriil. Faafida korona ayaa sii socota, talaabooyin ku filan oo lagu badalikaro xayiraadahana wali lama hayo.

Finland waxay xadiday soo galitaanka dhamaan wadamada kale ee ka tirsan Schengen marka laga reebo Iceland. Dowladdu waxay kusii talineysaa in laga fogaado safarada aan loo baahnayn ee dibadda.

Illaa iyo hadda Finland ugama baahna dadka soo galaya waddanka caddeyn ku saabsan baaritaanka korona in qofka laga waayay, taasoo dood badan dhalisay.

Venäläisiä matkustajia Helsinki-Vantaan lentoasemalla.
/ Kuva: Jani Saikko / Yle

Business Finland ayaa qaybisay sanadkii hore 1.6 bilyan oo kaalmo ah.

Qaybiyaha kaalmada dowladda ee Business Finland ayaa ku dhawaaqday wax qabadkeedii sanadkii hore maalintii isniinta.

Sannadkii hore Business Finland waxay qaybisay kaalmadii ugu badnayd oo ah lacag ka badan 1.6 billion oo yuuro. Lacagta inteeda badan oo gaareysa 994 milyan, waxay ahayd kabida karoonaha.

Waxaa jiray dhaleeceyn badan oo ku saabsan sida loo qaybiyay lacagta kabista, maadaama lacagta ay markii hore la siiyay gaar ahaan la-taliyayaash iyo shirkadaha IT-da ee uusan dhibaato u geysan cudurka karonaha. Markii dambe, qeybta ay heleen dukaamada, warshadaha, makhaayadaha, hoyga ganacsi iyo warshadaha hal-abuurka ayaa ka dhex muuqday kuwa lasiiyay kaalmada.

Hotellin asiakas puhuu vastaanottovirkailija kanssa.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

12.3.2021

Tietoa koronasta somaliksi 12.3.

Daraasad: Nooca is badalay ee korona fayruska ingiriiska ayaa boqolkiiba 64 ka halis badan midkii hore

Nooca isbadalay ee korona fayruska Ingiriiska, oo hadda ku faafaya koonfurta Finland ayaa 64 boqolkiiba ka halis dil badan fayruskii ugu horayn lagu arkay Shiinaha, sida lagu sheegay daraasad lagu daabacay joornaalka caafimaadka ee Ingiriiska.

Mas'uuliyiinta Ingiriisku ayaa hore uga digay in noocan is badalay uu si cad uga faafi ogyahay midkii hore.

Caabuqa korona fayrus ayaa Finland sii kordhayay toddobaadki saddexaad oo xiriir ah. Wakaaladda maamullka maxalliga ah ayaa ku waajibisay laga bilaabo Arbacadii in dadka shaqo bixiyayaasha ah ay heystaan liiska shaqaalaha u nuglaaday goobaha shaqada cudurka karona ama waxyaalaha kale ee halista baayoolaji leh. Waajibaadkan wuxuu khuseeyaa dhammaan xirfadaha kala duwan.

Ihmisiä kauppakeskuksessa suokamaskein suojautuneina.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

THL Salminen: Tallaalada ayaa u muuqda inayba yareeyeen dhimashada

Professorka cilmi baarista THL Mika Salminen ayaa markale ka sheegay talaadadii barnaamijka Yle aamu in cudurka karona uusan sinaba u dhamaanin, in kastoo talaaladu durba u muuqdaan inay saameynayaan tirada dhimashada.

Marka loo eego sida hada la qiyaasayo, tallaalku wuxuu yareeyn doonaa tirada cudurka marka lagaaro xagaaga.

Ilaa Arbacadii, in ka badan 515 000 oo qof ayaa la siiyay tallaalka qaybtiisa hore wadanka Finland. Dadka la tallaalay ayaa ka ah 9.3 boqolkiiba bulshada inteeda kale. Laga bilaabo ilaa arbacadii lasoo dhaafay tallaalka Astra Zeneca ayaa sidoo kale waxaa heli karay dadka ka weyn 70 jir.

THL Rokotusjärjestys englanniksi
/ Kuva: THL

Dadka ka wayn 12 sano ayaa qasab ah inay qaataan gafuur saabka tareenada VR

Maalintii Arbacada ayaa tareenada VR waxay ku soo ragtay inay qasab ku qaataan gafuur saabka dadka ka wayn 12 sano dhamaan tareenada VR ee aado meelaha dhaadheer iyo meelaha dhaw. Wuxuu qasabkan saamaynayaa tareemada D, G, M, R, T iyo Z ee maxaliga iyo kuwa magaalooyinka dhow. Xaalad caafimaad oo kaliya ayaa la isaga dayn karaa qaadashada gafuur saabka.

Sida laga soo xigtay sahankii ugu dambeeyay ee macaamiisha ee VR sameyso, boqolkiiba 65.5 waxay doonayeen in tareenada qasab laga dhigo gafuur saabka.

HSL ayaa sidoo kale go'aansatay inay qasab ka dhigto xirashada gafuur saabka laga bilaabo maalinta Sabtida ah ee 13.3.

Ihmisiä juna-asemalla Espoon keskuksessa.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

STM: Tallaalada sidoo kale dadka dukumiinti la’aanta ah

Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ayaa waxay degmooyinka kula talinaysaa inay tallaalka fayraska koronaha siiyaan dadka aan degaanka rasmiga ah lahayn oo aan magaalana ka diiwaan garaysnayn. Talobixintaan ayaa waxay sidoo kale khuseysaa dadka aan iyagu Finland xaq ugu lahayn inay helaan adeegyada daryeelka caafimaadka guud ee ka hortagga ah.

Dhakhtarka guud ee STM Paula Tiittala ayaa khamiistii sheegtay in dadkaan ay ka mid yihiin ardayda ka baxsan EU oo iyagu ah kuwa ugu badan, muwaadiniinta EU ee sida ku meel gaarka ah u ugu nool Finland oo iyana tiro ahaan ku xiga iyo diblomaasiyiinta iyo xubnaha qoysaskooda oo tiro ahaan ugu yar.

Waxaa kale iyagana dadkaan ka mid ah dadka magangalyo doonka ah ee qaangaaray iyo kuwa aan dukumentiga haysan.

katukuvaa
/ Kuva: Jani Aarnio / Yle

9.3.2021

Tietoa koronasta somaliksi 9.3. (keskustelu)

Finland oo galaysa saddex toddobaad "Xaalad xirnaan"

Finland waxaa isniintii ka dhaqan galay saddex toddobaad oo ah xaalad xirnaansho, Ereygani wuxuu u dhigmaa "lockdown" ee laga isticmaalo dalal badan oo adduunka ah. Si kastaba ha noqotee xilligan Finland dhaqdhaqaaqa dadka ee banaanka lama xadidi doono.

Xaaladda xirnaanshuhu wuxuu ku keenayaa isbadallo badan gaar ahaan meelaha faafidda iyo siyaadidda cudurka karona fayrus ay ka jirto.

Ardayda dugsiga dhexe ayaa u wareegi doona waxbarashada onlineka ah guud ahaan Koonfurta Finland, Intaa waxaa dheer in waxbarashada onlineka ah ee dugsiyada sare la sii wadi doono.

Meelaha ay ka mid yihiin Helsinki iyo Espoo waxaa la samayn karaa oo kaliya munaasabadaha guud ee lagama maarmaanka ah iyo shirarka ay ka soo qayb geli karaan ugu badnaan 6 qof.

Opettaja Arto Alho etäopettaa
/ Kuva: Markku Pitkänen / Yle

Baarlamanka ayaa ansixiyay in makhaayadaha la xiro mudo sadax usbuuc ah

Wasaaradda Caddaaladda: Doorashooyinka deegaannada waxaa la qaban doonaa 13-ka JuunMaalintii Isniinta ahayd ayuu Baarlamaanku ansixiyay sharci lasoo bandigay, kaasoo sheegayay in makhaayadaha laga xiro macaamiisha muddo seddex toddobaad ah si looga xakameeyo faafidda koronaha. xirnaanshaha makhaayadaha ayaa bilaabanaya maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka Maarso, wuxuuna socon doonaa ilaa maalinta Axadda ee 28. Maarso.

Xiritaanka makhaayadaha ayaa saameyn ku yeelan doona ku dhowaad dalka Finland oo dhan. 15 gobol ayaa makhaayadahooda la xiri doonaa. Waxaana furnaan doona makhaayadaha ku yaalla gobollada kala ah Waqooyiga -Savo, Waqooyiga-Karjala, Kainuu iyo Bartamaha-Pohjanmaa. Si kastaba ha noqotee, waxaa makhaayadaha oo dhan laga iibsan karaa raashinka la qaadanayo.

Autio ruokapaikka.
/ Kuva: Tiina Jutila / Yle

Wasaaradda Caddaaladda: Doorashooyinka deegaannada waxaa la qaban doonaa 13-ka Juun

Wasaaradda Caddaaladda ayaa maalintii sabtida ahayd shaacisay in doorashooyinka degaannada la qaban doono marka la gaaro 13-ka Juun. Doorshooyinka deegaanka ayaa dib loo dhigay laba bilood sababo la xiriirinayo xaalada adag ee koronaha awgeed.

Sdia ay sheegtay wasiiradda cadaalada ee Anna-Maja Henriksson. Dib u dhigista doorashooyinka ayaa salka ku haysa qiimeyn cusub oo uu sameeyay machadka daryeelka caafimaadka iyo nolo-wanaaga. Wasiirada ayaa qabta in doorashooyin la qabto bisha afaraad ay khatar wayn leedahay. Sideed xisbi oo ka mid ah sagaalka xisbi ayaa taageeray in doorashooyinka dib loogu dhigo bisha Juun.

Helsingin keskustassa käytettiin kasvomaskeja 26. helmikuuta.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Guud ahaan waxaa la tallaalay tiro ka badan 480,000 oo qof

In ka badan 480,000 oo qof ayaa Finland la tallaalay illaa maalintii Axadda, ayeey sheegeen Machadka Daryeelka Caafimaad iyo Nololwanaaga ee (THL). Dadka la tallaalay ayaa bulshada ka ah 8.6 boqolkiiba. Tirada dadweynaha ee qaatay labada tallaal ayaa ah qiyaastii 84,600, ama ka ah bulshada 1.5 boqolkiiba.

Kaaliyaha dhakhtarka weyn Eeva Ruotsalainen oo ka socota HUS ayaa qiyaastay iyadoo ka hadlaysa Yle barnaamijka aamu-tv isniintii inay Finland u badan tahay inay waqtiga cudurka faafa ka bixi doonto marka la gaaro dayrta oo gali doonto xaalad caadi ah, markaas oo tallaalku gaaray bulshada in ka badan 80 boqolkiiba, oo cudurku uusan sii faafi karin

Fayruska is badalay ayaa si xawli ah u faafaya, dadkuna waa iney yareeyaan xiriiradooda si daryeelka caafimaadka awoodiisa difaac u sii jirto ayeey tiri caawiyaha daqtarka sare. Qaas ahaan qaadista cudurka ee dadka da'doodu ka yar tahay 20 sano ayaa sii kordhaya, sida ay qabto Ruotsalainen.

Oulun hallin joukkorokotus
/ Kuva: Janne Körkkö / Yle

5.3.2021

Tietoa koronasta somaliksi 5.3.

Xayiraadaha koronaha ayaa la adkeyn doonaa dhamaan Uusimaa

Isniinta soo socoto meelo badan oo hiwaayado ah iyo meelaha macaamiisha ayaa la xiri doonaa muddo cayiman dhammaan Helsinki iyo xarun caafimaadyada uusimaa.

Wakaaladda Maamulka Maxalliga ee Koonfurta Finland ayaa go'aansatay khamiista in jimicsiyada, saunada dadweynaha iyo waxyaabo kale oo badan oo hiwaayado ah iyo meelaha ay isugu imaadaan macaamiisha ay albaabada u laabi doonaan muddo toddobaad ah laga bilaabo Isniinta soo socota.

Si kastaba ha noqotee, meelaha gudaha ah ayaa la isticmaali karaa haddii aysan ka badnayn dadku ugu badnaan markiiba 10 macaamiil ama ka qeybgalayaal.

Adeegsiga dhismayaasha waa in sidoo kale lagu xisaabtamaa tixgelinta waajibaadka ku xusan sharciga cudurrada la isqaadsiiyo ee khuseeya qabanqaabada-badbaadada caafimaadka iyo hagidda macaamiisha.

Makhaayadaha ayaa sidoo kale la xiri doonaa qeybo ka mid ah dalka muddo seddex isbuuc ah, oo ka bilaabanaysa Isniinta, haddii Baarlamaanku ansixiyo soo jeedinta dowladda.

Kuopion uuden uimahallin kymmenratainen allas
/ Kuva: Toni Pitkänen / Yle

Waxaa Finland la tallaalay qiyaastii 404,00

Qeybta hore ee tallaalka ayaa ilaa iyo Arbacadii lasiiyay qiyaastii 404,000 oo qof oo Finnish ah, sida ay sheegeen Machadka Daryeelka Caafimaad iyo Nololwanaaga (THL). Dadka la tallaalay ayaa bulshada ka ah 7 boqolkiiba.

Qiyaasta dadka la tallaalay ee ka weyn da'da 80 ayaa hadda ah 55.8 boqolkiiba.

Tallaallo ka badan tiradii la filayay ayaa Finland soo gaari doona bisha Abriil iyadoo markaas xawaaraha tallaalku dardar gali doono, ayuu yidhi dhakhtarka sare ee THL, Taneli Puumalainen khamiistii.

Sida uu sheegay Puumalainen, laga bilaabo bilowga bisha Abriil wixii ka dambeeya, Biontech iyo Pfizer waxaa la heli doonaa tallaallo ka badan intii markii hore la qiyaasayey, qiyaastaas oo ah 160,000 oo tallaal.

Vapaaehtoinen rokottaja Juha Metso antaa koronarokotteen Ilkka Virtaselle.
/ Kuva: Ronnie Holmberg / Yle

Wakaaladda Maamulka Maxalliga ayaa adkeysay amaradda ku saabsan baaritaanka koronaha ee xuduuda

Laga bilaabo Isniinta dadka gudbaya xuduudaha waxaa looga baahnaan doonaa inay soo maraan baaritaanka koronaha markay soo galayaan wadanka. Beddelka baaritaanka waxay wadan karaan cadayn cusub oo ah baaritaan korana in aan laga helin. Tani waa amar kasoo baxay wakaaladda maamulka maxalliga ah ee Koonfurta Finland, oo shaqeyn doona illaa iyo Maarso.

Dekedda Helsinki usbuucii hore waxaa laga celiyay 90 qof. Taasi oo ku dhowaad saddex jeer ka badneyd tiradii usbuucii hore.

Wakaaladda Maamulka Maxalliga ah ee Koonfurta Finland waxay sidoo kale amar ku siisay dawladaha hoose inay u diyaariyaan baaritaano caafimaad dhammaan dadka soo galaya waddanka, kuwaas oo dalka ka soo galaya meelaha xuduudaha ah.

Rokotusjono Tornion uudella massarokotuspisteellä
/ Kuva: Antti Ullakko / Yle

2.3.2021

Tietoa koronasta somaliksi 2.3.

Xaaladda aan caadi ahayn ayaa Finland looga dhawaaqay maalintii isniinta ahayd

Dowladda oo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda wehliyo ayaa maalintii isniinta ahayd ku dhawaaqday xaalada aan caadi ahayn.

Isniinta soo socota ee 8. maarso ayay qaybo ka mid ah dalka ardayda dhigata dugsiga dhexe iyo kuwa darajada labaad (dugisyada sare kuwa xirfadaha) u wareegi doonaan waxbarashada onlinka ah, waxayna socon doontaa muddo saddex toddobaad ah. Dawladdu waxay ka dhawaajisay saddex toddobaad oo ah xaalad xirxirnaansho ah.

Degmooyinka iyo howlwadeennada dowladaha hoose ayaa markiiba laba toddobaad waxay xiri karaan hiwaayaddaha gaarka loo leeyahay iyo goobaha macaamiisha ama waxay kaloo xaddidi karaan tirada macaamiisha. Caasimada iyo nawaaxigeeda ayaa isniintiiba la bilaabay in la xirxiro goobahaas.

Sidoo kale, hadii uu baarlamanku ansixiyo, makhaayadaha ayaa meelaha qaar dalka muddo saddex toddobaad ah la xirxiri doonaa todobaadka soo socda.

Ihmisiä kauppakeskuksessa suokamaskein suojautuneina.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

In ka badan 450,000 oo tallaal ayaa Finland la fuliyay

Ilaa maalintii isniinta ahayd waxaa Finland guud ahaan la tallaalay 452,469. Tirada dadka la tallaalay waxay bulshada inteeda kale ka yihiin 8,19 boqolkiiba.

Tirada ugu badan ee dadka la tallaalay waxay ahaayeen kuwa iyagu ka wayn 80-ka sano, kuwaas oo 52 boqolkiiba horey u qaatay wejiga koowaad ee tallaalka.

Rokote annetaan olkapäähän.
/ Kuva: Nic Bothma / EPA

Hadallo been abuur ah oo ku saabsan koronaha ayaa la wareejinayaa

Waxaa netka lagu arkayaa waxyaabo kuqoran luqada finnishka ah oo shaki koronaha la xiriira lagu abuurayo. Dhowr magaalo ayaa lagu qaybiyay waraaqo looga soo horjeedo tallaalka koronaha.

Masuuliyiinta ayaa waxay u arkaan inay suurtogal tahay in tallaalada koronaha laga faafiyo warar been abuur ah. Booliska badbaadada ayaa sheegay inaan ilaa iyo hadda la arag olole abaabulan oo dhankaas ah.

Waxaa intaa dheer iyadoo daraasadda ballaaran oo ay idaacada Yle samaysay lagu ogaaday usbuucii hore, in dhowr shirkadood oo kuhowlan daryeelka caafimaadka oo ka duwan kan tallaalka ay isku dayayaan inay dhaqaale ahaan uga faa’iidaystaan ka hortagga tallaalka. Shirkadahaas ayaa si firfircoon uga qayb qaata la dagaallanka tallaaka.

Ihmisiä jonottaa kahvila-ravintolan ulkoluukulla tilatakseen.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

26.2.2021

Tietoa koronasta somaliksi 26.2.

Muddo sadax todobaad ah oo ka bilaabanaysa 8-da bisha sadaxaad ayaa Finland la xir-xiri doonaa

Ra’iisul wasaare Sanna Marin ayaa subaxnimadii Khamiista ahayd sheegtay in laga bilaabo 8-da bisha sadaxaad Finland lagelin doono xaalad xir-xirnaan ah, taas oo socon doonto ilaa 28-ka isla bisha sadaxaad.

Xaaladdaan ayaa meelaha ay marxalada koronuhu gashay darajada sadaxaad iyo tan labaad (leviämis- ja kiihtymisvaihe) u sahlaysa inay tallaabooyinkii horayba loo qaaday ku daraan tusaale ahaan, inay wax barashada dugsiyada dhex iyo kuwa darajada labaad (dugsida sare iyo kuwa xirfadaha) u bedelaan online ahaan. Waxaa sidoo kale la hakinayaa hiwaadaha ay wixii 12 ka wayn wadarta u sameeyn jireen.

Marin ayaa sheegtay in meelaha kala ah: Helsinki iyo Uusimaa, Southwest Finland, Satakunta, Kanta-Häme, Vaasa, Ahvenanmaa iyo Lapland ayaa xakamaynta heerka labaad durbaba gelin doonaan.

Marin waxay kaloo sheegtay inaysan talaabooyinkaani qusayn doonin caruurta dugisyada hoose iyo kuwa kasii yaryar.

Isniintii ayaa sharciyo cusub oo kuwii hore ka ad-adag la dhaqan geliyay, kuwaas oo lagula dagaallamayo koronaha. Wax ka beddelka lagu sameeyay sharciga cudurrada faafa ayaa mas'uuliyiinta gobollada u ogolaanaya inay tusaale ahaan xiraan goobo cayiman isboorti oo gaarka loo leeyahay, jimamka iyo isbaayada (kylpylöitä).

Kulosaaren yhteiskoulun abit tekivät preliminäärikoetta 19. helmikuuta.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Shirkadaha degaannada HUS waa inay meelaha macaamiishu ka badan yihiin 10 qofood ka hortagaan isku dhowaanshaha aadka ah – Shuruudan oo la jebiyo waxaa ka dhalanaya in goobtaba la xiro.

Xayiraadaha koronaha ee aagaga caafimaadka Helsinki iyo Uusimaa ayaa la adkayn doonaa maalinta khamiista ah. Marka loo eego go'aanka dowladda hoose Koonfurta Finland, shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa laga rabaa inay hubiyaan inaysan goobohooda macaamiisha u furan ka dhicin isku dhowaasho aad ah.

Go'aanka ayaa wuxuu quseeyaa dhammaan meelaha ay in ka badan 10 macmiil isugu soo gelayaan. Meelaha bannaanka ah waxaa xadka laga dhigay 50 qofood.

Isku soo dhowaansha aadka ay ah ayay Avi (dowlada hoose) ula jeedaa is taabashada jirka ama isla joogidda fool-ka-foolka ah amaba in meel layskula jiro mudo 15 daqiiqadood ka badan iyadoo laysu jiro wax ka yar laba mitir.

Shirkadaha waxaa looga baahanyahay inay yeeshaan qorshe qoraal ah oo looga hortagayo isku dhowaansha aadka ah. Avi ayaa hirgalinta qorshaha u kormeeri doonta si lamid ah sida ay hadaba u kormeerto maqaayadaha.

Ravintola Mustan härän erillinen karaoke-huone
/ Kuva: Petteri Sopanen / Yle

Shirkadaha maraakiibta ee Finland waxay dalbanaya cadeyn inaan karoona lagaa helin.

Maraakiibta ka howlgala Finland ayaa laga billaabo talaadadii lasoo dhaafay socotada debadda ka imanaysa waydiinayay cadaymo inaan korona laga helin ama uu horay ugu dhacay kana raystay. Shuruudaan ayaa waxay sidoo kale quseysay muwaadiniinta finnishka ah ee dalkoodii dib ugu soo laabanay.

Shuruudaan cusub ayaa waxaa lagu saleeyay talo bixintii adakayd ee ka soo baxday Machadka Caafimaadka iyo Nolol-wanaaga, iyadoo ula jeedaduna tahay in lagula dagaallamo faafitaanka nooca cusub ee fayraska koronaha.

Toddobaad ka hor ayay dowladdu go'aansatay inay, ilaa 18.3. sii wado xaddidaadaha soo gelitaanka dalka. Waxay hadda Finland xadidaa ka imaatinka dhamaan wadamada kale ee Schengen marka laga reebo Iceland.

Henkilö menossa sisään koronatestauspaikkaan. Henkilökunnan edustaja pitää ovea auki. Ikkunassa teksti koronanäytteenotto kolmella kielellä.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

Boqolkiiba 5.47 dadka Finishka ah ayaa tallaalkii koowaad lasiiyay

Ilaa maalintii Khamiista ahayd 302,342 qof oo Finnish ah ayaa la siiyay tallaalka koronaha wejigiisa koowaad, taasi oo u dhiganta qiyaastii 5.47 boqolkiiba dadka.

Tirada ugu badan ee da’da la tallaalay waxay ahaayeen kuwo ka waawayn 80-ka, kuwaas oo in kabadan 40 boqolkiiba la tallaalay. Ku dhowaad 10% dadka da'doodu u dhaxeyso 75-79 ayaa iyana la tallaalay.

Sairaanhoitaja Seija Ovaskainen kertoo Toimi Heikkilälle koronarkotuksen toisesta vaiheesta.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

23.2.2021

Waxaa Finland la tallaalay qiyaastii 290 000 oo qof

Ilaa malintii axada ahayd dadka Finland la tallaalay waxay gaarayeen 290 000 oo qof. 5,21% ayay dadka la tallaalay ka yihiin bulshada inteeda kale. Dadka ay labada tallaalba u dhammaadeen ayaa waxay kor u dhaafayaan 75000.

Dadka ugu badan ee la tallaalay ayaa waxay yihiin dadka iyagu ka wayn 80-ka sano, kuwaas oo 39 boqolkiiba la siiyay tallaalkii koowaad.

Koronarokotuspaikka Lohjan Tennari-urheiluhallissa.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

Isu imaatinka dadka ka badan 6 qofood ayaa la mamnuucayaa gobalka Uusimaa

Laga bilaabo maalintii isniinta ayaa waxaa Helsinki iyo iyo aagga caafimaadka Uusimaa laga mamnuucay munaasabadaha caamka ah ee ay isugu imaanayaan dadka ka badan 6-da qofood. sida laga soo xigtay wakaalada maamulka ee Koonfurta Finland, go'aanka ayaa waxaa lagu saleeyay xaaladda cudurka safmareenka ah oo ka sii dartay. Go’aankaan ayaa wuxuu soconayaa ilaa 14. bisha sadaxaad.

Intaas waxaa sii dheer, in qayb ahaan wax barashada dugsiyada dhexe ee caasimadda iyo nawaaxigeeda, horraanta bisha sadaxaad si xadidan loogu wareejin doono online ahaan iyadoo xannibaadaha iyo talobixinnada kalena sidoodii loo sii wadi doono ilaa dhamaadka bisha sadaxaad.

Oulun hallin joukkorokotus
/ Kuva: Janne Körkkö / Yle

Xaddidaadaha soogelitaanka dalka ayaa sii soconaya

Dowladdu ayaa talaadadii go'aansatay inay sii wado xayiraadaha hadda jira ee soo galida dalka ilaa 18 Maarso. Finland ayaa hada waxay xadiday soo galida dhamaan wadamada kale ee Schengen marka laga reebo Iceland.

Intaas waxaa sii dheer in jimcadii dowladdu dhameystirtay soo jeedin ah, in baaritaanno caafimaad oo khasab ah oo ballaaran la samayn karo mustaqbalka. Kuwaasi waxay noqon karaan sameynta baarista koronaha. Sharcigan ayaa lagu wadaa inuu dhaqan galo Abriil.

Ihmisiä jonottamassa koronanäytteenottoon länsisataman terminaalissa.
/ Kuva: Kristiina Lehto / Yle

Wax ka beddelka Sharciga Cudurrada Faafa ayaa dhaqan galay Isniintii

Sharciyo cusub oo aad u adag ayaa dhaqan galay isniintii, si looga hortago koronaha. Wax ka beddelka sharciga cudurrada faafa ayaa u oggolaanaya mas'uuliyiinta gobollada in ay xiraan, tusaale ahaan goobaha isboortiga ee sida gaarka ah loo leeyahay, jimicsiyada iyo meelaha qurxinta iyo nafta loogu raaxeeyo (kylpylöitä).

Ilaa iyo hadda arintan waxay suurto gal ka ahayd oo kaliya in lagu sameeyo meelaha ay magaalooyinku leeyihiin. Wax ka beddelka sharciga ayaa sidoo kale saameyn doona xarumaha loo isticmaalo hiwaayadaha kooxaha, iyo sidoo kale carwooyinka lagu ciyaaro, meelaha lagu ciyaaro iyo kuwa lagu xanaaneeyo xayawaanka ee gudaha ah.

Isbedeladan ma khuseeyaan, tusaale ahaan, meelaha ciyaaraha barafka lagu ciyaaro ama meelaha banaanka ah ee lagu xanaaneeyo xayawaanka.

En kvinna simmar i en simbassäng. Bilden är tagen under vattnet.
/ Kuva: Mostphotos

19.2.2021

Tietoa koronasta somaliksi 19.2.

Midowga Yurub ayaa kudhowaad laba jibaar ka dhigay dalabka tallaalka Moderna

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters, gudiga midowga yurub ayaa sheegay inay arbacadii heshiis la gaareen shirkada dawooyinka ee Moderna, heshiiskaas ayay shirkadu ku keenaysaa 150 milyan oo tallaalka koronaha ah sanadkaan.

Midowga Yurub sidoo kale wuxuu ikhtiyaar u leeyahay qiyaastii 150 milyan oo tallaal ah sanadka soo socda. Heshiiska ayaa ku dhowaad laba jibaari doona tirada talaalka korona ee EU ay ka dalbatay Moderna sanadkan.

Arbacadii lasoo dhaafay ayaa in ka badan 300,000 oo tallaal laga fuliyay Finland. Tallaalka Astra Zeneca ayaa sidoo kale la bilaabay .

Sawirka hoose wuxuu muujinayaa qiyaas ah sida ay ku soconayso kala hormarinta tallaalada korona.

THL:n grafiikka Arvio koronarokotusten etenemisestä
/ Kuva: THL

Shirkadaha maraakiibta ee Finland waxay dalbanaya cadeyn inaan karoona lagaa helin

Dhammaan rakaabka Finland ku imaanaaya maraakiibta ayaa laga billaabo talaadada soo socota, waxaa looga baahanyaha inay wataan cadayn baaritaan oo sheegaysa in laga waayay koronaha. Shirkadaha maraakiibtu waxay u hoggaansameen soojeedintii cusubayd ee THL.

Cadaynta loogama baahna rakaabka dalxiiska ah ee aan gudaha u galin dalalka kale.

Dhammaan rakaabka, oo ay kujiraan muwaadiniinta Finnishka ah, waa inay haystaan cadaynta baaritaanka oo sheegaysa inaan korona laga helin, taas oo la qaaday 72 saacadood gudohooda xilliga markabka la gelayo, ama caddeyn sheegaysa inuu koronuhu horay qofka ugu dhacay.

Länsisatamassa matkustajia tulossa koronatestiin.
/ Kuva: Kristiina Lehto / Yle

Tirada cudurka maqaayadaha laga qaadayo oo korortay

Sida uu dhakhtarka guud ee Machadka Caafimaadka iyo Nolol-wanaaga Taneli Puumalainen ku sheegay shirkii jaraa’id ee maalintii khamiista ahayd, tirida ugu badan ee cudurka ee lakala qaadayo ayaa badaankoodu weli ka dhacaya guryaha iyo reeraha dhexdooda, laakiin hadana goobaha hiwaayadaha iyo maqaadaha ayaa laga dareemayaa faafitaanka cudurka. Waxaase weli jira tiro badan oo isku daarasho ah oo ka dhacaysa goobaha dhismaha.

Sida uu qabo Puumalainen, isku daarashada ay maqaayaduhu ku lugta leeyihiin ayaa gaar ahaan laga dareemayaa caasimaada iyo nawaaxigeeda iyo xarumaha ciyaaraha barafka ee waqooyiga dalka.

THL ayaa rajaynaysa inay dadka reer Uusimaa fasaxooda jiilaalka la qaataan qoysaskooda oo aysan u safrin qeybaha kale ee Finland, hadii aysan duruuftu khasbin.

Lapsi menossa hiihtohissiin Sallatunturilla.
/ Kuva: Antti Mikkola / Yle

Finland waxaa laga helay nooc cusub oo korona ah

Arbacadii ayaa shaybaar Finnish ah oo la yiraa Vita Laboratori sheegay inay koonfurta Finland ka heleen nooc korona cusub ah oo Finland u gaar ah kana duwan kuwii hore.

Qaab ahaan, noocan Fin-796H waxaa ku jira isbedel lamid ah kuwii laga helay tusaale ahaan Ingiriiska ama Koofur Afrika. Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Vita Laboratori qaab dhismeedka isbeddelkaan ayaa ah mid aan horay loo arag,

Noocaan cusub ayaa todobaadkii lasoo dhaafay bukaan. Taas oo machanaheedu yahay inaan tusaale ahaan ilaa iyo hadda waxba la ogayn heerka isku daarasho ama sida loogu nugulyahay faafidiisa. Waxaana sidaa yiri mikrobiologiste iyo dhosentti Taru Meri Vita oo ka socota sheybaarada Vita Laboratorio.

Koronatestiä ottava sairaanhoitaja Porissa
/ Kuva: Mari Kahila / Yle

16.2.2021

Tietoa koronasta somaliksi 16.2. (keskustelu)

Ku dhowaad 210 000 oo qofood ayaa Finland la tallaalay

Sida uu Machadka Caafimaadka iyo Nolol-wanaaga (THL) sheegay, Ilaa galabnimadii axaddii ahayd ayaa waxaa la tallaalay qiyaastii 209 500 finnish ah.

Dadkaas ayaa qiyaastii ku dhowaad 67 000 oo ka mid ah ay qaateen wejigii labaad ee tallaalka. Dadka ugu badan ee la tallaalay waxay ahaayeen kuwa ka da’wayn 80 sano.

Qiyaastii afar meelood meel ka mid ah da’ walba oo dadka ah ayaa la tallaalay. Tiro ahaan, talaalada ugu badan waxaa lagu fuliyay aagagga caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa, Pirkanmaa iyo Varsinais-Suomi.

Koronarokotepullo pöydällä
/ Kuva: Marjut Suomi / Yle

Isbedelka fayraska ayaa adkaynaya in la saadaaliyo cudurka safmareenka ah

Faafitaanka fayraska isbedelay ayaa adkaynaya in la saadaaliyo sida uu u socdo cudurka safmareenka ah.

Fayraska isbedlay ayaa ku faafaya xowli ka badan sidii hore. Arintaan ayaa sida uu maalintii axadda ahayd madaxa Machadka Caafimaadka iyo Nolol-wanaaga Mika Salminen u sheegay STT sababaysa in macluumaadkii hore loo hayay ee kal hore laga bartay cudurka safmareenka laga ayaabo inaysan waxba tarayn.

Xaaladda bilaha foodda nagu soo haya ayaa saamayn wayn ku leh wax tarka xannibaadaha iyo mudada looga hortegi karo inuu fayraska isbedelay ku faafo bulshada.

Helsingin päärautatieasemalla käytettiin kasvomaskeja 4. helmikuuta.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Qaybaha dhaqanka ayaa dowlada ka dalbanaya tallaabooyin la taaban karo

Muusikiiste Paula Vesala ayaa maalintii jimcaha ahayd waraysi ay siiyay Suomen Kuvalehti uga hadashay dhibaatada haysata xirfadlayda dhaqanka. Sidoo kale xirfadlayda filimada ayaa iyana jimcihii muujiyay niyad-jabka haysta.

Xisaab ay samaysay Tapahtumateollisuus ry ayaa sheegaysa in khasaaraha sanadkii hore kudhacay xirfadlayda munaasabadaha uu gaarayo 1.9 bilyan Euro.

Qiyaastii boqolkiiba afar ayaa taageero ahaan magdhow loogu siiyay. Ku dhowaad 140,000 oo qof ayaa shaqo la’aan noqday halka 10,000 shaqo laga fariisiyey

Vesala wuxuu dowladda ka dalbanayaa waxqabad la taaban karo. Aragtidiisa ayaa ah in hal dhib oo jira ay tahay in hadda dhammaan noocyada dhacdooyin dhaqameedka lagu soo aruuriyey lana hoos geeyay hal xaddidaaad oo kaliya, iyadoon loo eegayn baaxaddooda ama goobta lagu qabanayo. Ra’iisul wasaare Sanna Marini (sd.) Waxay ku sheegtay adeega Twitter-ka maalintii Sabtida in loo diyaarinayo xirfadlayaasha dhaqanka iyo munaasabadaha taageero si fiican loo tixgaliyay oo waxtar leh.

Yleisöä permannolla Turun kaupunginteatterissa.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

Waxaa jira warar been abuur ah oo ku saabsan talaalka koronaha

Tallaalka koronaha waxaa jira warar been abuur ah oo baahsan oo la isla dhexmarayo internetka. Baraha bulshada iyo kuwa lagu sheekeysto waxay xitaa su’aal la galiyay faafida cudurkan. Macluumaad qaldan ayaa sidoo kale lagu faafinayaa iyagoo lagu soo daabacay jariidadda.

Bilaabidda tallaalka ballaaran waxay kordhisay warar been abuur ah oo ku saabsan tallaalada. Sida laga soo xigtay wararka ay Yle heshay, waxaa jira shaki weyn oo laga qabo tallaalka koronaha, gaar ahaan kuwa soo galootiga ah dhexdooda. Diidmada tallaalka koronaha oo korodha ayaa adkaynaysa in la helo tallaal wadareed.

12.2.2021

Tietoa koronasta somaliksi 12.2.

187 384 ayaa Finland koronaha laga tallaalay

Sida ay sheegeen Machadka Caafimaadka iyo Nolol wanaaga (THL), Ilaa subixii khamiista ahayd 11.2 ayaa waxaa la talaalay qiyaastii 187 384 oo finnish ah. Finland ayaa ku dadaalaysa in ilaa inta laga gaarayo xagaaga la tallaalo laba milyan oo qof.

Guud ahaan Midowga Yurub ayaa hadafkoodu yahay in dadka 70 boqolkiiba la tallaalo intaan xagaaga la gaarin. Dawlada ayaa hadda ka fakaraysa sidii loo gaari lahaa hadafkaas.

Howl-wadeennada caafimaadka ayaa sidoo kale dib u cusboonaysiin ku sameeyay habka lagu wadayo baaritaanka iyo dabagalka cudurka. mas'uuliyiinta caafimaadka iyo arimaha bulshada ayaa qaba in ahmiyadda koowaad baaritaanka la siiyo dadka ay astaamuhu ka muuqdaan, laakiin hadana baaritaannada dadka aysan astaamuhu ka muuqanin waxaa loo kordhin doonaa hadba sidii loogu baahdo.

Sairaanhoitaja Seija Ovaskainen antaa koronarotteen Eeva Nikanderille.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

Cilmibaaris: Wareega hawada fareeshka ah ayaa si wayn hoos ugu dhigaysa tirada fayraska

Daraasad dhowaan lagu sameeyay Finland ayaa waxay muujineysaa in dhismayaasha guduhooda oo hawada si fiican loo siiyo ay si wayn hoos ugu dhigayso tirada fayruska.

Nina Atanasova oo ah docent microbiology, virology oo ka socoto jaamacadda Helsinki ayaa sheegtay in natiijada daraasadu tahay mid aad loogu qaboowsado.

Daraasadaan ayaa waxaa lagu ogaaday in fayrusku uu muddo 15 daqiiqo gudohood ah ku buuxinayo qol wayn. Atanasova waxay aaminsantahay in hawada oo qolka loo furo ay muhiim aad ah u tahay, si fududna u yaraynayso tirada fayruska.

Natiijooyinka cilmibaaristu waxay tilmaantay in tirada fayrusku ay daqiiqad gudaheed si muuqata hoos ugu dhacayso markii uu qofka cudurka qabaa goobta ka baxo. Sidaas daraadeed ayey Atanasova tiri, waxaa muhiim aad ah in tirada macaamiisha ee markiiba ku jirta goobaha ganacsiga ay noqodaan tiro yar.

Asiointia baaritiskillä
/ Kuva: Petteri Sopanen / Yle

Wararka koronaha ee idaacada Yle ay luuqadaha qalaad ku sii dayso ayaa u sharaxan helitaanka abaalmarinta suxufiga wayn

Wararka koronaha ee idaacada Yle ay ku sii dayso luuqadaha qalaad ayaa u sharaxan helitaanka abaal marinta wayn ee suxufiga sanadka.

Tan iyo bishii maarso ee sanadkii hore ayaa wararka Yle ee koronaha lagu tebinaayay luuqadaha kala ah carabig, Kurdiga, Beershi iyo Soomaali. Barnaamijku wuxuu ka helay jawaab celin wanaagsan dhammaan dadyowga ku hadla luqadahaas kala duwan.

Laba iyo toban musharax oo u sharaxan abaalmarinta ayaa si toos ah looga shaaciyey Yle Areena Talaadadii. Abaal marinta waxaa loo kala qaadaa afar qaybood, kuwaas oo mid walba ay ka sharaxan yihiin sadax. Ilaa dhammaadkii sanadkii hore ayay dadka finnishka ahi fursad u ahaysteen inay soo jeediyaan dadka helaya Abaalmarinta Suxufiga Weyn. Guddiga abaalmarinta oo ka kooban xirfadlayaal saxaafadda ah ayaa iyagoo ku salaynaya soo jeedintii dadka ka dhex doortay ka qeybgalayaasha tartanka kama dambeynta ah.

Abaalmarinta Suxufiga Weyn ayaa lagu guuleysanaayay tan iyo 2001. Waa aqoonsiga ugu muhiimsan ee saxaafadda Finland sanad walba la siiyo.

Wali Hashi ja Ujuni Ahmed. Koronauutiset.
/ Kuva: Jorge Gonzalez / Yle

9.2.2021

Tietoa koronasta somaliksi 9.2.

Finland waxay heshay talaaladii ugu horeeyay ee AstraZeneca

Tallaaladii ugu horreeyay ee Astra Zeneca ayaa yimid Finland Axaddii. Waxaa la keenay 24,000 oo tallaal.

Mia Kontio oo ah khabiirad Machadka Daryeelka Caafimaadka iyo Nolowanaaga ee THL ayaa u sheegtay Yle in talaal badan la heli doono todobaadyada soo socda.

Sida ay qiyaastay Kontio guud ahaan 200,000 oo tallaalada Astra Zeneca ayaa imaan doona Finland bishan. Tani waa qiyaastii seddex meelood meel tiradii horey loo ballanqaaday.

In kasta oo tallaalidda ka gaabiso sidii markii hore la filaayay, Kontio waxay ku faraxsan yahay in talaalliddii waayeelka la dedejiyay. Sababta ayaa ah inaan loo baahnayn in loo kaydiyo tallaalka labaad kuwa horey loo tallaalay. Hada qorshuhu waa in sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan loo siiyo talaalka hore dad badan intii suurtogal ah.

Warbixinta imaatinka talaalka Astra Zeneca ee wadanka Finland waxaa ugu horeyn sheegay Helsingin Sanomat.

Koronarokotteita injektioruiskuissa valmiina annettavaksi.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

HS-Gallup: 75% dadka Finnishka ah waxay qaadan doonaan Tallaalka koronaha

75 boqolkiiba dadka Finnishka ah ayaa diyaar u ah inay qaataan tallaalka korona, sida lagu sheegay waydiimo ay samayeen Helsingin Sanomat.

Sida lagu sheegay waydiimo la sameeyay bilowgii Janaayo-Febraayo, afartii qof ee jawaabeyaasha ah saddex ka mid ah ayaa qorsheynaya inay qaataan tallaalka ama horay u qaatay.

Boqolkiiba 13 jawaabeyaasha ayaan qorsheyneynin inay qaataan tallaalka, boqolkiiba 12na ma sheegi karaan mowqifkooda. Xamaasada loo qabo qaadashada tallaalka ayaa si cad u kordhay tan iyo sahankii hore ee bishii Diseembar.

Sahan ay sameysay Yle dhamaadkii Janaayo, 86 boqolkiiba dadka Finnishka ah ayaa la hubaa ama loo badinayaa inay qaadan doonaan talaalka koronaha.

Gudaha Finland tiro 170,335 qof ayaa qaatay tallaalka korona fayrus galabnimadii Axadda, sida eey Machadka Daryeelka Caafimaadka iyo Nolowanaaga (THL) sheegeen. Guud ahaan, ilaa 3 boqolkiiba dadka Finishka ah ayaa qaatay tallaalka.

Sairaanhoitaja pistää koronarokotteen vanhuksen käsivarteen.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

Guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha bulshada iyo caafimaadka waxay soo gabagabeeyeen warbixintii ku saabsan wax ka badalka lagu sameeynayo sharciga cudurada faafa

Khamiistii la soo dhaafay, guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha bulshada iyo caafimaadka ayaa soo gabagabeeyay warbixintii ay ka lahaayeen wax ka badalka lagu sameeynayo sharciga cudurada faafa.

Guddoomiyaha guddigaas Markus Lohi (kesk.) wuxuu sheegay in cudurka saf-mareen ka ah ee korona dartiis, ay lagama maarmaan tahay in maamullada gobollada iyo kuwa degmooyinku ay haystaan awoodo dheeri ah oo iyagu gacantooda ku jirto.

Wax-ka-beddelka sharciga ayaa u oggolaanaya mas'uuliyiinta inay xiraan meheradaha gaarka loo leeyahay iyo goobaha hiwaayadda ah si looga hortago faafitaanka koronaha. Xiritaanka marwalba waxaa la samayn karaa laba toddobaad markiiba. Habkan waa xalka ugu dambeeya.

Marka laga hadlayo hiwaayadaha, xiritaanka waxaa lagu koobay sida uu sheegay Lohi ciyaaraha waqtiyada firaaqada iyo howlaha hiwaayaddaha ah ee lagu qabto meelaha gudaha ah. Xiritaanka goobaha barafka lagu ciyaaro iyo goobaha xayawaanka lagu xanaaneeyo ee banaanka ahi kuma jiri lahayn.

Baarimikko pesee käsiään
/ Kuva: Petteri Sopanen / Yle

5.2.2021

Tietoa koronasta somaliksi 5.2.

Peltola oo ka tirsan Kooxda Khubarada Talaalka: "Talaalada dadka da'da shaqeeya waxay bilaaban doonaan bisha May"

Waxaa la sugayaa in Finland ay soo gaarto marka la gaaro xagaaga 5-7 milyan oo xabo oo ah tallaalka koronaha. Tallaallada waxaa loo baahan yahay in laqaato 2 jeer, marka tirada imaanaysa waxaa lagu talaali karaa 2.5-3.5 milyan oo Finlandays ah ayeey qiyaastay talaadadii Mia Kontio, oo ah khabiirad hogaamiye ee Machadka Daryeelka Caafimaadka iyo Nololwanaaga (THL).

THL ayaa sheegtay Arbacadii in talaalka Astra Zeneca lasiin doono Finland kaliya dadka kayar 70 sano. Tallaalka waxaa loo bilaabayaa kooxaha halista u ah koronaha ee da'doodu ka yar tahay 70 sano. THL ayaa cadeyn doonta toddobaadkan jirrooyinka u nugul noocyada cuduradan daran.

Sida laga soo xigtay Ville Peltola oo ah gudoomiyaha kooxda khabiirada talaalka qaran, ayaa sheegay in talaalka dadka kujira da'da shaqo ee caafimaadka qaba talaalkooda la bilaabi doono ugu dambeyn bisha May.

Allan Pöyhönen odottaa rokotusta, Sirkka Pöyhöstä juuri pistetään.
/ Kuva: Kalle Niskala / Yle

Dhakhtarka sare: Tallaaladu ugu dhawaan waa isku awood kahortagidda cudurada halista ah

Sida laga soo xigtay Hanna Nohynek oo ah dhakhtarad sare ee THL,Tallaaladu ugu dhawaan waa isku awood kahortagidda cudurada halista ah. Nohynek waxay sheegtay inaysan jirin cadeyn la is barbardhigi karo oo muujineysa in tallaalka Astra Zeneca uu ka liito tallaalka Biontech-Pfizer.

Dhibaato uma arakto qorshaha ah in tallaalka Astra Zeneca la siin doono oo keliya dadka da'doodu ka yar tahay 70 sano, sababtoo ah tallaalka dadka waayeelka ah ayaa deg degaya marka muddada u dhaxeyso siinta tallaalka la dheereeyo ilaa 12 toddobaad. Sidaan ayaan si deg deg ah ugu badbaadin karnaa dadka waayeelka ah hadba tirada tallaal ee timaada Finland.

Ilaa Arbacadii 149,951 qof ayaa Finland laga tallaalay korona fayrus siday THL sheegeen.

Terveydenhoitaja valmisteli koronarokote-annoksia maanantaina kiinalaisesta rokotteesta Rio de Janeirossa, Brasiliassa.
/ Kuva: Antonio Lacerda / EPA

Khabiirka ayaa yiri ka guur gafuur-saabka marada ka samaysan oo u wareeg kuwan mar-isticmaalka ah ee la tuuro

Aagga caafimaad ee Helsinki iyo Uusimaal HUS ayaa ka walwalsan sida finnishku u isticmaalaan gafuur-saabka. Daraasad uu bishii laba iyo tobnaad samayeeyay aagga HUS aya boqolkiiba 90 dadkii su’aalaha la waydiiyay ku sheegeen inay gafuur-saabka (maasgarada) ku isticmaalaan gaadiidka dadwayanaha halka qiyaas ahaan 70 boqlokiiba ay ku isticmaalaan shaqada, hiwaayadahana ay qiyaastii 55 boqolkiiba u isticmaalaan.

Docent Eeva Ruotsalainen oo ah kuxigaha madaxa caafimaadka ee HUS ayaa maalintii talaadadii idaacada Yle u sheegtay in cadadkaas uu yahay mid aad u yar. Waxay kaloo ku talisay in dadka isticmaala gafuur-saabka marada ah ay markaan u bedeshaan gafuur-saabka loo isticmaalo qalliinka ee hadba la tuuro. Isticmaalaha ayuu noocaasi difaac u noqonayaa waxuuna kahortagi karaa in fayrasku ku faafo dadka kale.

Ruotsalainen ayaa gafuur-saabyada kuwaa kasii awoodda badan ee darajadoodu tahay FFP2- ama FFP3- kula talinaysa dadka cudurka halista ugu jira iyo kuwa iyagu la kulmaya dadkaas.

Ensimmäisten joukossa rokotuspaikalla oli Tuovi Rajahuhta, 88.
Kuva: Silja Viitala / Yle

2.2.2021

Tietoa koronasta somaliksi 2.2.

Tallaal wadareedka dadka 85 sano kor u dhaafay ayaa ka billawday Helsinki

Magaalada Helsinki ayaa si xowli ah maalintii isniinta ahayd u billowday tallaal wadareedka dadka sanadkan gelaya 85 sano ama ka waawayn. Waxaa sidoo kale talaalka lasiin doonaa dadka iyagu xanaaneeya sokeeyahooda ee go’aankana u haysta shaqadaas.

Ilaa iyo hadda waxaa la talaalay dadyow ay ka mid yihiin shaqaalaha caafimaadka iyo arimaha bulshada ee ku howlan koronaha, waayeelka ku jira goobaha lagu xanaaneeyo iyo shaqaalha ushaqeeyaba.

Sida uu sheegay Machadka Caafimaada iy Nolol wanaaga THL, waxaa ilaa galabtii axadda ahayd COVID-19 laga tallaalay finnish gaaraya 144 520, tiradaas oo qiyaas ahaan 10 000 ka badan intii ay ahayd galabtii ka horraysa.

Tallaalada ugu badan waxaa laga fuliyay aagagga caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa, kuwaas oo waxyar kor udhaafayay 38000.

Heikki Routakorpi sai koronavirusrokotteen Helsingissä 1. helmikuuta.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Von der Leyen: Astra Zenecalta ayaa laga heli doonaa tallaal gaaray 9 milyan oo xabo

Madaxa golaha Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa barteeda Twitterka galabtii axadda ahayd ku sheegtay inay shirkadda daawooyinka ee Astra Zeneca ballanqaaday inay ilaa dhamaadka bisha sadaxaad Midowga Yurub gaarsiin doonto 9 milyan oo xabo oo tallaal oo dheeraad ah.

Isku dar waxaa Midowga Yurub la gaarsiin doonaa 40 milyan oo xabo. Cadadkaas ayaa u dhigma kala bar uun intii ay shirkadda Astra Zeneca horay u ballan qaaday bishii sideedaad. Von der Leyen ayaa sidoo kale qoraal ku sheegtay in la qorshaynayo inay keenidda tallaalku bilaabato toddobaad ka hor waqtigii horay loogu ballamay.

Shirkadda Jarmalka ah ee Biontech ayaa iyadana dhinaceed ka ballanqaaday inay kordhin doonto keenista tallaalka bartamaha bisha labaad. Arintaan ayaa waxaa soo tebiyay dhowr warbaahinta Jarmalka ah oo ay Der Spiegel ka mid tahay.

Sida laga soo xigtay Sierk Poetting oo ah madaxa dhaqaalaha ee Biontech, shirkaddu waxay sidoo kale awoodaa inay 75 milyan oo xabo oo talaalka ah gaarsiiso Midowga Yurub inta u dhaxaysa bisha afaraad ilaa bisha lixaad.

Astra Zenecas vaccin
/ Kuva: AFP / Lehtikuva

Jyväskylä ayaa xiraysa dugsiyada dhexe una badalaysa online ugu yaraan hal usbuuc

Jyväskylä waxay xiri doonaa dugsiyada dhexe ugu yaraan hal usbuuc sababo la xiriira xaaladda karona ee sii xumaatay darteed. Maamulka magaalada ayaa ku sababeynaya go'aankooda sababo la xiriira kudhicidda cudurka iyo karantiil lagu bartilmaameedsado gaar ahaan xilligan ardayda dugsiyada dhexe. Waxaa kale oo jira caabuqyo qaarkood laga helay goobaha shaqada. Waxaa karantiil kujira ugu yaraan 1300 oo guri.

Sida laga soo xigtay Ilkka Käsmä, oo ah dhakhtar mas'uul ka ah cudurada faafa ee Jyväskylä, caabuqa ayaa si ballaaran ugu faafay goobaha xiisaha u leh dadka ka yar 18 sano, isagoona uga sii gudbay iskuulada. Dhammaan dhaqdhaqaaqyada isboorti ee ka socda dhismayaasha magaalada ayaa laga joojin doonaa kuwa ka yar 18 sano illaa labo toddobaad si xaaladda loo xakameeyo. Maktabadaha iyo matxafyada sidoo kale waa la xiri doonaa. Käsmä ayaa sheegay in shaqaalaha laga wareejin doono daryeelka bukaan socodka si loo daba galo. Si kastaba ha noqotee, hadda boqolkiiba 85 silsiladaha cudurka ayaa la helay.

Heidi's Bier Barin kyltti Jyväskylässä.
/ Kuva: Jaana Polamo / Yle

29.1.2021

Koronatietoa somaliksi 29.1.

Waxaa Finland ka jira 423 kiis cusub oo korona fayru

Ilaa Subaxnimadii khamiista 423 caabuq cusub ee loo yaqaan karona fayrus ayaa laga helay Finland, ayeey sheegeen Machadka Caafimaadka iyo Nolol wanaagga (THL). Ku dhowaad 190 kiisaskan cusub ayaa laga helay Helsinki iyo degaannada hoostaga isbitaallada Uusimaa.

THL iyo Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka waxay ku sheegeen dib-u-eegiddooda khamiista in tirada cudurkani ay si cad Finland ugu siyaaday. Guud ahaan 44039 caabuqa korona fayrus ayaa laga helay Finland.

Marka la fiiriyo korona fayruska is badalay ayaa ilaa iyo hadda Finland laga helay 106 kiis. Waxaa caabuqaan lala xiriiriyay safarada, laakiin qaar ka mid ah kiisaskan ayaa finland sababay silsilado caabuq.

Tutkija Sari Hannula FIMMIn laboratoriossa.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

Magaalomadaxda meelaha u dhow iyo dawlada oo ku kala duwan xaaladda xadidaadda karona fayrus

Magaalomadaxda ayaa go'aansatay arbacadii in si la ilaalinayo dib loogu furo bisha febraayo xarumaha madadaalada ee degmadu leedahay oo loogu talagalay carruurta iyo dhalinyarada. Ficilkan wuxuu lid ku yahay siyaasadda dowladda iyo midka maamulka Machadka Caafimaadka iyo Nololwanaaga (THL) hagidooda oo ah in xaaladda xadidaadda cudurka ee hada jira aan la dabcin.

Magaalomadaxda meelaha u dhow caasimadahooda waxay qiyaaseen in carruurta iyo dhallinyaradu ay si gaar ah ugu nugul yihiin dhibaatada karonaha iyo in xirnaanshaha goobaha hiwaayadaha ay u tahay saamayn xun nololwanaagooda.

Mika Salminen oo ah agaasimaha waaxda amniga caafimaadka ee THL, ayaa Khamiistii sheegay inuu rajeynayo in go'aamada si taxaddar leh loo qaadan doono isla markaana aan xayiraadaha la qaadi doonin.

Lappeenrannan Lönnrotinkoulun 4.-luokkalaiset pelaavat liikuntasalissa sisäjalkapalloa.
/ Kuva: Mikko Savolainen / Yle

Finnair ayaa billawday inay rakaabka Finland u soo socda ka dalabto cadayn inuusan korona qabin

Laga bilaabo khamiistii ayay Finnair billowday inay rakaabka Finland imanaya waydiiso shahaado cadaynaysa inaysan korona qabin ama uu korouhu horay ugu dhacay.

Cadaynta ah inuusan qofku koronaha qabin ayaa waxaa la rabaa inay ugu badnaan jirtay 72 saacadood marka safarku billaabanayo. Baaritaanka antigenka isaga waxaa la rabaa in la qaaday ugu horrayn 48 saacadood safarka ka hor. Diyaarada waxaa kaloo lagu raaci karaa warqad dhakhtar oo tilmaamaysa inuu qofka horay ugu dhacay caabuqa koronavirus 6-dii bilood ee ugu dambaysay uuna ka raysatay.

Shuruuddaha noocaan ah ma khusayseeyaan carruurta da'doodu ka yartahay 12 iyo rakaabka iyagu Helsinki ku bedelanaya diyaarada ee u socda dalalka kale isla markaana dalalka ay u socdaan aysan shuruudaas hordhigin. Waqtigaan la joogo, Finnair ma aqbalayso shahaadada tallaalka koronaha.

Machadka caafimaadka iyo nololwanaaga THL ayaa horay ugu taliyay inay shirkadaha duullimaadka oo dhan, intaysan diyaaradu kicin waydiiyaan dhammaan rakaabka Finland debada ugu imanaya shahaadooyin cadaynaysa inaysan korona qabin.

Autiot käytävät Helsinki-Vantaan lentoasemalla koronapandemian aikana.
/ Kuva: Jani Saikko / Yle

26.1.2021

Tietoa koronasta somaliksi 26.1.

Finland ayaa waxaa la xaqiijiyay 192 kiis oo cusub oo korona ah

Machadka Caafimaadka iyo Nolol wanaaga (THL) ayaa sheegay in maalintii isniinta ahayd Finland lagu xaqiijiyay ilaa 192 kiis oo korona ah. Guud ahaan tirada koronaha la xaqiijiayay tan iyo markii uu cudurka saf-mareenka ahi billowday ayaa gaaraysa 42772.

Sida uu sheegay Machadka Caafimaadka iyo Nolol wanaaga (THL), Ilaa galabnimadii axadda ahayd waxaa Finland cudurka uu koronuhu sababo looga tallaalay dad gaaray 105620 (Riix si aad ugu gudubto adeeg kale)

Tallaalada ugu badan oo qiyaas ahaan gaarayay 27000 ayaa waxaa laga fuliyay aagagga caafimaadka Helsinki iyo Uusimaa. Waxaa ku xigay aagga caafimaadka Pirkanmaa oo gaarayay (in ka badan 12 000) iyo aagagga Koofur-galbeed (Varsinais-Suomi) oo qiyaas ahaan gaarayay 11000.

Shirkada AstraZeneca ayaa jimcihii sheegtay in soosaarida tallaalkeeda koronaha uu hoos u dhac ku imaan doono, taas oo sababaysa inay billaabista tallaal-wadareedka Finland dib u dhac ku timaado. Xattaa Khuburadaba ayaanan qiyaasi karin inta ay dib u dhici doonto.

En man blir vaccinerad mot corona.
/ Kuva: Ciro Fusco/EPA-EFE

Dowladda ayaa adkeynaysa xayiraadaha soo gelitaanka

Dowladda ayaa go’aansatay jimcihii la soo dhaafay inay adkeeyso xaddidaadda soo gelitaanka dalka si looga hortago faafitaanka noocyadan isbadalay ee karona fayrus. Xayiraadahan cusub ayaa dhaqan galaya Arbacada, 27-ka Janaayo, waxayna socon doonaan illaa 25-ka Febraayo.

Wixii xiligaas ka danbeeya, safarka ganacsi ee lagama maarmaanka ah kaliya ayaa la oggolaan doonaa inay soo galaan xuduudaha Finland. Isbeddeladani saameyn kuma yeelan doonaan dadka ka shaqeeya dibadda ee ka baxa Finland.

Intaa waxaa dheer in bulshada ku nool xadka xoriyadahoodii kala duwan la joojin doono. Karantiil ayaa lagula talinayaa kuwa xadka ka talaabaya.

Waqtigaas kadib xaaska, lammaanaha nolasha ee xiriirka ka dhexeeyo, ilmaha, waalidiinta ama waalidka waalidkood kaliya ayaa awoodi doona inay u soo safraan Finland.

Mehiläisen drive-in-testausasemalla Helsingin Hernesaaressa tehtiin koronavirustestejä lumisessa säässä 4. tammikuuta 2021.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Ganacsadayaasha: Shirkadaha ka jira magaalomadaxda iyo meelaha u dhow boqolkiiba 71 ayuu dhibaateeyay karoonuhu

Cudurkan faafa ee karona ayaa ku keenay dhibaato boqolkiiba 71 shirkadaha ka jira agagaarka caasimada, taas oo lagu sheegay Yritäjägallut lagu bartilmaameedsaday magaalomadaxda iyo meelaha u dhow. Dhibka ayaa ku dhacay gaar ahaan shirkadaha ka shaqeeya Helsinki iyo dhammaan shirkadaha kale ee waxyaalaha kala duwan ka shaqeeya.

Shirkadaha ku yaal agagaarka magaalomadaxda ayaa boqolkiiba 16 waxay qabaan dhibaatooyin xagga bixinta qarashaadka, halka 13 boqolkiiba ay ka fikirayaan inay shirkada iska xiraan. Tirada shirkadaha ka jira meelaha aan hore usoo sheegnay ayaa waxay wajahayaan laba jibbaar halista musalafnimada marka loo eego dalka oo dhan.

Miehet katselevat vaatekaupassa alennuksessa olevia tuotteita.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

22.1.2021

Tietoa koronasta somaliksi 22.1.

Kiisas cusub oo qiyaastii gaaraya 400 oo korona ah ayaa Finland lagu arkay

Taneli Puumalainen oo dhakhtar guud ka ah Machadka Daryeelka iyo Nolol wanaaga ayaa warbixintii dib u eegista koronaha ku sheegay in qiyaastii 400 oo kiis oo cusub oo cudurka koronaha lagu arkay Finland.

Isku celcelis ahaan, Finland halkii qof oo cudurka qaba waxuu u gudbiyaa wax ka yar hal qof oo kale.

Dalal badan oo ka tirsan Midowga Yurub ayay xaalada cudurku tahay mid liidata, arintaas ayaana keentay in waqtigaansi joogto ah loola socdo xaaladda Finland.

THL ayaa aaminsan inay jirto khatar ah inuu cudurku si dagdag ah cirka sisugu shareero dalka oo dhan.

Xaalada cudurka safmareenka ah ayaa afartii todobaad ee la soo dhaafay ahayd mid qiyaas ahaan isku mid ah. Kirismaskii iyo sanadka cusub ayaanan iyaguna sidii looga cabsi qabay u kordhinin faafida cudurka.

Sida laga soo xigtay THL, kiisaska cusub ee koronaha wali dalka dhan way ku badan yihiin laakiin hadana isbaarida ayaa ka yar sidii ay ahayd dhamaadkii dayrta.

ihminen kadulla
/ Kuva: Jani Aarnio / Yle

Hadafku waa in la helo 5-7 milyan oo tallaal ilaa xagaaga

Machadka Caafimaadka iyo Nolol wanaagga iyo Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Caafimaadka waxay ku sheegeen maalintii khamiista qorshaha hada ee jadwalka lagu keenayo talaalka Finland. Hadafku waa in la helo 5-7 milyan oo tallaal ah marka la gaaro xagaaga/samarka. Tiradani waxay tallaali kartaa 2-2.5 milyan oo qof.

Tallaalka Biontech-Pfizer waxaa la heli doonaa qiyaastii 50,000 oo tallaal usbuucii illaa dhammaadka Febraayo, intaas ka dib waxaa la filayaa in tiradu sii kororto. Tallaalka Moderna Ilaa hadda waxaa la helay 5,000 oo tallaal.

Midka saddexaad ee talaalka AstraZeneca, waxaa sugaya dhammaan Midowga Yurub oo dhan.

Magaalooyinka qaar waayeellada dagan guryaha lagu xanaaneeyo iyo shaqaalaha guryahaas ayaa durba la talaalay oo talaaladu waxay usii gudbeen dadka da’da ah, siday sheegeen THL.

Marka laga tago shaqaalaha safka koowaad ee ka shaqeeya koronaha, guryaha xanaaneeynta waayeelka iyo iyo dadka da’da ah ayaa safka hore kaga jira jadwalka dadka la talaalayo. Dhakhtarka sare ee THL Taneli Puumalainen ayaa ku qiyaasaya in aysan u badnayn in dadka oo dhan la talaalo kahor xagaaga ama marka lagaaro xagaaga xataa.

Hoitajat
/ Kuva: Toni Pitkänen / Yle

THL waxay ku talineysaa in loo jirsado dadka kale masaafo badbaado in ka badan laba mitir

Machadka Caafimaadka iyo Nolol wanaagga (THL) ayaa soo saaray khamiistii talo cusub oo ku saabsan masaafada badbaadada. Hadda machadku wuxuu ku talinayaa masaafo badbaadada oo ka badan laba mitir oo loo jirsado dadka kale. Intaa waxaa dheer in THL ay ku baaqeysaa in la sii yareeyo xiriirada dhow.

Sababta talobixintan cusub ayaa ah noocyada cusub ee korona fayrus ee is badalay oo lagu qaado kuna faafa si ka dhakhso badan noocii fayras ee hore.

Maaskarada wejiga waa in la isticmaalaa meelaha dadweynaha ka dhaxeysa, xitaa haddii masaafada badbaadada ee ka badan laba mitir la ilaaliyo. Sida laga soo xigtay THL, sidoo kale waa muhiim in la daryeelo nadaafadda gacanta iyo qufaca iyo inaad taleefonkaaga la soo dagto barogaraamka Koronavilkku.

THL sidoo kale waxay ku boorinaysaa in baaritaanka karona loo dalbado si fudud.

ihminen kadulla
/ Kuva: Jani Aarnio / Yle

19.1.2021

Tietoa koronasta somaliksi 19.1.

168 Caabuqa nooca cusb ah ayaa Finland la Xaqiijiyay

Machadka caafimaadka iyo nololwanaaga ayaa sheegay in ilaa maalintii isniinta Finland la xaqiijiyay 168 kiis oo caabuqa cusub ah. Laga bilaabo markii uu cudurka safmareenka ahi billowday ayaa kiisaska la xaqiijiyay waxay gaarayaan 40505.

Degaanada caafimaadka Helsinki iyo Uusimaa ayaa ah meelaha ugu badan ee caabuqan lagu arkay kuwaas oo gaaraya ilaa 79.

Raysulwasaarada Sanna Marin (sd) ayaa waxay jimcihii sheegtay inay aad uga walaacsantahay noocyada cusub ee koronaha. Waxay aaminsantahay in si looga hortago faafitaankooda ay muhiim tahay tallaalka oo ay wehliso in la adkeeyo xayiraadaha xuduudaha gudaha iyo dibada dalkaba. Marin ayaa waxay sheegtay inay dowladu jimcaha soo socota ka xaajoon doonto suurto-galnimada in la adkeeyo xuduudaha gudaha iyo dibadaba.

Pääministeri Sanna Marin Ylen haastattelussa Hämeenlinnan Verkatehtaalla.
/ Kuva: Mika Halme / Yle

Caasimada iyo nawaaxigeeda ayaa wejigii labaad ee tallaalka koronaha laga fuliyay

Tallaalkii ugu horreeyay ee koronha Finland ayaa wejigiisii labaad laga bixiyay aagagga caafimaadka Helsinki iyo Uusimaa. Ku dhowaad 300 oo tallaalka wejigiisa labaad ayaa laga bixiyey aaggaas shalay oo isniin ahayd sida ay qaybta xiriirka ee HUS u sheegtay STT.

Tallaalka Pfizer iyo Biontech oo laba qaybood ah ayaa markii labadaba laqaato wuxuu suurto gelinayaa difaac qiyaastii 95% dhan oo uu uga hortagayo koronaha noociisa daran.

Machadka caafimaadka iyo nololwanaaga THL ayaa qiyaasay in guud ahaan tallaalada la fuliyay ilaa arbacadii lasoo dhaafay ay garayaan 50 000.

Tallalka koronaha qaybtiisa labaad ee xoojinta ah wuxuu sababi karaa saamayn liddi ah oo ka badan tan uu sababo talaalka qiibtiisa hore. Arinkaan ayaa waxaa lagu arkay wadan Israa’iil oo tusaale ahaan fulinta tallaalka uga ho horreeya dunida inteeda kale

Si kastaba ha noqotee, inta badan dhacdooyinka la arkayo ma ahan saamanyn liddi dhab ah laakiin waa falcelin uu jirka qofku ka keenayo tallaalka. Hanna Nohynekin oo dhaqtar sare ka ah THL ayaa waxay aaminsantahay in calaamaduhu ay tilmaamayaan inuu talaalku shaqaynayo.

Man på servicehem får vaccin i armen av vårdpersonal med munskydd.
/ Kuva: EPA-EFE/All Over Press

Pfizer iyo Biontech waxay balanqaadayaan inay dib udhacayaan keenida talaalka sbuuc kaliya

Shirkadaha dawooyinka ee Pfizer iyo Biontech ayaa shaaca ka qaaday inay ku soo xadidi doonaan dib u dhaca ku yimid keenida talaalka coronavirus ilaa hal todobaad oo kaliya. Markii hore Yurub waxaa ka jirtay cabsi ah in keenista tallaalka ay dib u dhacdo muddo bil ah. Shirkadaha ayaa Sabtidii sheegay in ballaarinta wax soo saarku u saamaxayso inay si weyn u keenaan tallaallo laga bilaabo Abriil wixii ka dambeeya. Ballaarinta awgeed, wax soo saarku si ku meel gaar ah ayuu hoos ugu dhici doonaa toddobaadkan. Shirkaduhu waxay ballanqaadeen in keeniddii loo ballanqaaday Midowga Yurub ay dib ugu laaban doonaan jadwalka lagu heshiiyey Isniinta soo socota isla markaana keenidda tallaalada ay kordhi doonaan inta u dhexeysa bartamaha Febraayo iyo wixii ka dambeeya.

Vådare förbereder vaccinering.
/ Kuva: Yle/Mikael Kokkola

15.1.2021

Tietoa koronasta somaliksi 15.1.

Kiisaska cusub ee la xaqiijiyay oo ah 258

Gudaha Finland, ayaa la xaqiijiyay caabuq cusub ee korona fayrus tiradiisu tahay 258 khamiistii. Kiisaska guud ee cudurka ayaa hadda ah 39,593, sida ay sheegeen Machadka daryeelka caafimaadka iyo nolol wanaagga ee THL.

Tirada ugu badan ee caabuqa wuxuu aad ugu siyaaday Helsinki iyo aag daryeelka caafimaad ee Uusimaa.

Ciidaha Kirismaska ee bisha diseembar ayaa laga cabsi qabay inay kordhiyaan faafidda caabuqa loo yaqaan korona fayrus, laakiin illaa hadda wax koror ah oo caabuqa ah lama helin, ayeey sheegeen THL. Saameynta ay yeelatay kulamadii sanadka cusub waxaa wali dhici kara in gadaal laga arko. Kiisaska cusub ee cudurka weli si ballaaran ayaa loo ogaadaa oo fayrasku wuxuu ku faafayaa dhammaan dadka ku nool Finland oo dhan.

Dalka Finland waxaa la helay 61 kiis oo korona fayraska isbadalay ah, ayuu yiri Taneli Puumalainen oo ah dhaqtarka guud ee waaxda caafimaadka iyo nolol wanaagga. Waxaa jira 59 xaaladood oo ah nooca fayrus ee Ingiriisika iyo 2 Koonfur Afrika ah.

Sida ay THL u aragto waxay walaac ka muujinaysaa in dadku sidii hore si aad uga yar ay u dalbadaan baaritaannada.

ihminen kadulla
/ Kuva: Jani Aarnio / Yle

Dowladda ayaa diyaarineysa adkeynta dhaq dhaqaaqa xuduudaha

Dowladda ayaa go'aansatay inay adkeyso socodka xuduudaha si looga hortago faafitaanka nooca cusub ee korona fayrus ah. Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Aasaasiga ah Krista Kiuru (sd.) Waxay sheegtay in noocyada cusub ee korona fayrus-ka ay tahay arrin aad looga walaaco, isla markaana ay khatar wayn u tahay in xaaladdu ka sii darto.

Intaas waxaa sii dheer in Kiuru ay dalbanayso in dowladaha hoose ay xaqiijiyaan amniga goobaha xuduudaha ee laga kala gudbo, taas oo macnaheedu yahay, tusaale ahaan, in la sameeyo baaritaano cudurka. Dowladdu waxay xasuusinaysaa in xaddidaadda goobaha kala duwan sidoo kale la ilaaliyo.

Agaasimaha Amniga Caafimaadka ee Machadka daryeelka caafimaadka iyo nolol wanaagga ee THL Mika Salminen ayaa u sheegay Yle khamiistii in tallaabooyinka amniga caafimaadka ee xuduudaha ay yihiin tallaabooyinka ugu muhiimsan haddii aan rabno inaan hubinno in fayraska karona ee isbedelay aan si aad ah u yareeyno soo galintaankiisa Finland. Sida laga soo xigtay Salminen, fayraska is badalay, ee ka soo bilaabmay Ingiriiska oo sidii hore si kabadan loo kala qaado noociisan is badalay uguma sii fidayo si dhakhso leh carruurta iyo dhalinyarada marka loo eego dadka da'da kale ah, taas oo kaduwan sidii markii hore loo malaynayay.

Lentokentän saapuvien aula.
/ Kuva: Matti Myller / Yle

Tallaalada ayaa dhakhso usii kordhaya

Tallaalada korona ayaa la rajaynayaa inay u dardar galaan sida loo helo tallaalo badan, ayuu sheegay Taneli Puumalainen oo ah dhakhtarka sare ee Machadka daryeelka caafimaadka iyo nolol wanaagga ee (THL).

Xirfadlayaasha bulshada iyo kuwa caafimaadka ka sakow, waxaa la bilaabay in la talaalo shaqaalaha ka shaqeeya guryaha lagu xanaaneeyo waayeelka iyo dadka degan guryahaasba. Marka xigta waxaa la bilaabayaa talaalka waayeelka laga bilaabo kuwa ka weyn 80 sano.

Talaalka BionTech-Pfizer waxaa la keenaa 50,000 oo talaal asbuucii. THL waxay xoojinaysaa in dhammaan qiyaasta tallaal ee la keeno si deg deg ah horay looga qaybiyo isticmaalkooda.

Sida laga soo xigtay Puumalainen, qaybinta talaalka Moderna wuxuu bilaabmi doonaa maalmaha soo socda. Tallaalka Moderna waxaan u qaybin karnaa gaar ahaan meelaha fog fog ee gaadiidka ay dhib badan tahay maadaama uusan u baahnayn in keyd qabow oo gaar ah lagu qaado si ka duwan tallaallada BionTech-Pfizer.

En kvinna i vit basker vaccineras av en kvinna klädd i vit jacka, hårskydd, munskydd samt blå plasthandskar.
/ Kuva: /All Over Press

12.1.2021

Koronatietoa somaliksi 12.1.

Kiisas korona oo cusub isla markaana gaaray 200 ayaa lagu arkay Finland

Kiisas cusub oo korona ah oo gaaraya 200 ayaa sida ay uu sheegay Machadka Caafimaadka iyo Nolol-wanaaga (THL) laga soo tebiyay Finland maalintii isniinta ahayd ee la soo dhaafay. Tirada ugu badan ee kiisaskaan cusub ayaa lagu arkay aagagga caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa (HUS), halkaas oo lagu diiwaan geliyey ilaa 106 kiis oo horleh.

Tan iyo markii uu koronuhu billowday, tirada guud ee koronaha lagu arkay Finland ayaa waxay gaarayaan 38 790.

Sidoo kale, 29 kiis oo koronaha cusub oo is bedelay ah ayaa la xaqiijiyay in la helay, taas oo tirada guud ee koronaha cusub ka dhegaysa 49.

Kiisaska intooda badan oo gaaraya 18 ayaa lagu arkay dad dibada uga imaanayay Finland.

Koronaha is bedelay wuxuu u faafayaa si ka dhakhso badan kii hore, laakiin hadana lama hayo cadaymo tilmaamaya inuu ka dhib badanyahay sidii hore.

Mehiläisen drive-in-testausasemalla Helsingin Hernesaaressa tehtiin koronavirustestejä lumisessa säässä 4. tammikuuta 2021.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

Talaalku waa furaha looga bixi lahaa dhibaatada koronaha

Sida uu qabo Tuomas Aivelo oo jaamacada Helsinki ka ah cilmi-baare dhanka isbedelka naflayda/bey’ada, Finland ayaa si wanaagsan ugu diyaarsan inay ka badbaado koronaha noociisa cusub ee is bedelay. Wuxuu cilmi baaruhu aaminsanyahay inuu talaalku yahay furaha looga bixi karo dhibaatada.

Talaallada koronuhu waxay Finland ka bilaabmeen axaddii, 27-da Disember, waxayna ku bilowdeen si ka gaabis ah sidii la filayay iyadoo sababtuna ahayd in talaalada la helay ay ahaayeen kuwo tiro ahaan yar

Aivelo wuxuu qayb ka yahay koox khubaro ah oo aqoon u leh xirfado kala duwan, kuwaas oo dalbanaya in la sameeyo waxqabad deg deg ah si looga hortago koronaha nooca is bedelka ah inuu ku faafo Finland. Aivelo ayaa wareysi uu Yle siiyay ku sheegay in labada toddobaad ee soo socota ay ku xirantahay sida noocaan is bedelka ah uu ugu faafi doono Finland. Aivelo wuxuu rajeyneysaa in dhammaan dadka Finnishka ah la talaalo sanadkaan gudihiisa.

Petra Sjöblom var bland de första som vaccinerades.
/ Kuva: Yle/Mikael Kokkola

Guddiyada baarlamaanka ayaa ka baaraan dagaya wax ka badal lagu sameeyo sharciga cudurada faafa

Dhowr guddi oo baarlamaani ah ayaa todobaadkan ka wada hadlaya sidii wax looga bedeli lahaa sharciga cudurrada faafa, kaaso oo suurto gelin kara in xilliyada saf-mareenka koronaha xadadaad lagu sameeyo howlaha ganacsiga iyo hiwaayadaha.

Isbedelkaan ayaa tusaale ahaan maamulka gobolku awood u siin doonaa inay xiraan goobaha jimicsiga.

Isbedelkaas ayaa haw-wadeennada gobolka u suurta gelin doona inuu inuu tusaale ahaan xiri karo goobaha jimicsiga, sawnooyinka dadweynaha, barkadaha dabaasha, hiwaayadaha iyo jardiinooyinka madadaalada.

Waxaa intaa dheer in halwadeennada gobolka ay tusaale ahaan amri karaan inay dukaamadu shaqadooda u abaabulaan si aysan saxmadu u dhalan.

Waqtigaan la joogo, magaalooyinku waxay xiri karaan xarumahooda oo kaliya. Mustaqbalkase waxay awoodi doonaan inay xiraan goobaha macaamiisha ee sharkaduhu gaarka u leeyihiin.

Lippumäen kalliosuojaan on tehty uusi kuntosali
/ Kuva: Jukka Eskanen / Yle

22.12.2020

Tietoa koronasta somaliksi 22.12.

Kiisas korono cusub ah oo gaaraya 252 ayaa Finland laga helay

Machadka caafimaadka iyo nolol-wanaaga (THL) ayaa sheegey in Finland 24-tii saac ee la soo dhaafay laga helay 252 kiis oo cusub oo fayraska koronaha ah, taas oo tirada kiisaka guud oo la xaqiijiyay kor u dhaafinaysa 33400.

Dowladda ayaa dood baarlamaani ah isniintii la gashay dhammaan xisbiyada baarlamaanka. Fadhigaas ayaa Intii aanan lasoo gabagabayn waxaa lagu eegay xaalada daryeelka caafimaadka iyo cudurka saf-mareenka ah ee koronaha.

Ujeeddadu waxay ahayd loo diyaar garoobo xaalada koronaha oo ay dhici karto inay kasii darto. Tusaale ahaan, culays dag-dag ah oo ciriiri geliya daryeelka caafimaadka iyo dhaqan gelinta sharciga diyaar garowga ayaa laga dooday.

Statsminister Sanna Marin (SDP) svarar på journalisters frågor utanför riksdagen den 21 december 2020.
/ Kuva: Lehtikuva

Tallaalada ayaa waxtar u leh nooca cusub ee korona fayrus

Khubarada EU waxay aaminsan yihiin in tallaalada hadda jira ay waxtar u leeyihiin nooca isbadal cusub ee korona fayrus. Wasiirka caafimaadka Jarmalka Jens Spahn ayaa axadii sheegay in khubarada EU ay ka wada hadleen talaalka iyo nooc cusub ee korona fayrus. Noocani wuxuu ku faafay gaar ahaan Ingiriiska.

Spahn wuxuu yiri axadii, iyadoo lagu salaynaya waxa aan hada ognahay oo dhan, nooc cusubi wax saameyn ah kuma yeelan doono talaalada. Wuxuu si gaar ah u soo qaatay talaalka Pfizer iyo Biontech, oo horey loogu ogolaaday in lagu isticmaalo Ingiriiska iyo Mareykanka. Qeybtii ugu horreysay ee tallaalkaas oo ay soo saaraan Pfizer iyo BioNTech ayaa la filayaa inay soo gaaraan Finland ugu horrayn ciidaha Kirismaska.

Yhdysvaltain tuleva presidentti Joe Biden saa ensimmäisen koronarokoteannoksensa.
/ Kuva: Alex Edelman / AFP

Gaadiidiidlayda ayaa u diyaarbayo qaybinta tallaalada

Gaadiidka dhulka iyo hawada sare ayaa u diyaar garoobaya qaybina tallaalka koronaha. Tallaalka oo ay soo saareen Pfizer iyo Biontech ayay tahay in lagu qaado qabow gaaray -70-digrii, taas oo qaadida ka dhigaysa mid aan sahlayn.

Guud ahaan dalalka Yurub ayaa qaaditaanka tallaalada si gaar ah loola socon doonaa maadaama qaybaha ugu badan ee tallaalka la qaybin doono horraanta sanadka soo socda.

Shirkadaha tallaalka ee Pfizer iyo BioNtech ayaa awooda inay soo saaraan qiyaas ahaan 50 milyan oo tallaal ah sanadkaan. Sannadka dambe ayay shirkaduhu qiyaaseyaan inay samayn doonaan ilaa 1.3 bilyan tallaal.

Sababo amaanka ah ayaanan wadooyinka iyo qaabka loo qaadayo tallaalada si hordhac loogu sii shaacin karin.

Finnair Cargon terminaali Turbiinitie 4:ssä Vantaalla
/ Kuva: Rami Moilanen / Yle

18.12.2020

Tietoa koronasta somaliksi 18.12.

Kor u kicidii kiisaska koronaha ayaa xoogaa istaagtay

Sida uu sheegay dhakhtarka guud ee machadka caafimaaka iyo nolol-wanaaga Taneli Puumalainen, Finland ayaa khamiistii la sheegay qiyaastii 360 kiis oo korona cusub ah. Puumalainen ayaa aaminsan in kobocii aadka ahaa ee koronaha uu dalka dhan istaagtay. Qiyaastii 2,5 boqolkiiba dadka baaritaanka lagu samaynayo ayaa weli cudurka laga helayaa.

Qiyaastii 12,000 oo qof ayaa todobaadkii hore dalka Finland la karantiilay. Qiyaas ahaan boqolkiiba 30 dadka laga helay koronaha waxay ahaayeen dad karantiil horey ugu jiray. Inta badan kiisaska waxaa laga helaa dhallinyarada iyo kuwa aan weli hawlgabka gaarin, laakiin waxaa iyana si laga walwalo u kordhay kiisaska dadka waayeelka ah.

Tallaabooyinka xakamaynta ee la qaaaday ayaa xoogaa hoos u dhigay inay dad badan hal mar halis uwada galaan qaadista cudurka. Sidaas oo ay tahay hadan dhammaan isbitaallada degaannada weli waxaa lagu arkayaa dhacdooyin noocaas ah.

Isu imaatinka dad badan ayaa afar gobol oo dalka ka mida ah la adkayn doonaa inta u dhexaysa 22.12 – 17.1. Xayiraadaha isu imaatinka dadka ka badan 10 qofood ayaa sidoo kale saamayn ku yeelan doona isbitaallada degaannada Bartamaha Finland, Koonfurta Pohjanmaa, Bartamaha Pohjanmaa iyo degaanada hoostaga isbitaallada Vaasa.

Ihmisiä kauppakeskuksessa kasvomaskeissa. Paljon jouluvalokoristeita.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

Weli lama xaqiijin inta la egtahay talaalka qaybtiisa hore

Tuija Kumpulainen oo madax-waaxeed ka ah Wasaaradda Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada ayaa khamiistii sheegtay inaysan masuuliyintu weli wax war ah ka haynin inta ay la egtahay tallaalka qaybtiisa ugu horraysa ee dalka soo gaaraysa.

Xafiiska daawooyinka Yurub (EMA) ayaa la filayaa inuu todobaadka soo socdo ogolaado iibinta talaalka. Markaas kadib ayaa loo baahanyahay inay gudiga Yurub ansixiyaan, dowladuna ay xeer u samayso iyo in tallaalka la keeno dalka. Macluumaadka hordhaca ah ee Wasaarada Caafimaadka iyo arimaha Bulshadu ay helayso ayaa tilmaamaya in qayb talaalka ka mid ah ay dalka soo gaari doonto isla markii ogolaanshaha la helo.

Kumpulainen ayaa sidoo kale aaminsan inay muhiim aad tahay in la ogaado waqtiga uu talaalku imaanayo. Marka laga hadlayo tallaalka, waa inaan sii eegno mustaqbalka ayay tiri Kumpulainen. Qiimaynta waqtiga xayiraadaha la qaadi karo ayaa suurtogal noqon karta markii la hayo warbixin faahfaahsan oo ku saabsan soo saarka iyo keenista talaalka.

En kvinna som jobbar inom vården får en dos av Pfizer-Biontechs coronavaccin i Florida den 14 december 2020.
/ Kuva: AFP / Lehtikuva

Khatarta ah inay shirkadaha dalxiiska iyo maqaayadahu kacaan/musallafaan ayaa siyaaday

Daraasad cusub oo ay samaysay MaRa oo ah urur u taagan danaha maqaayadaha iyo dalxiiska ayaa lagu sheegay inay siyaaday khatarta ah inay shirkadahaasu kacaan. Ku dhowaad shantii shirkadba hal mid oo ka mid ah kuwii daraasada ka jawaabay ayaa qiyaastay inay musallaf qarka u saaranyihiin lix bilood kadib. Daraasadii la sameeyay bishii shanaad ayay shirkadaha sidaa aaminsan ahaayeen 15 boqolkiiba. MaRa ayaa danaynaysa in shirkadahaas taageero cusub oo dhanka kharashaadka ah loo fidiyo xilliga jiilaalka iyo guga.

Waxaa maalmahan nagu soo fooda leh a sugayaa inay bilaabato dalabka lagu doonayo taageero dhanka kharashaadka ah oo lagu daboolayo dakhligii la waayay xilligii xagaaga iyo dayrta ee la soo dhaafay.

Timo Lappi, oo ah agaasimaha guud ee ururka ayaa baahida loo qabo in la kabo qarashaadka soo socda ku saleeyay xaalada khasnadaha shirkadaha oo liidadata, taasoo sida uu sheegay aanan saamxaynin inay go'aan cusub sugaan illaa guga.

Työntekijä siistii paikkoja ravintolassa Triplassa joulukuussa 2020.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

15.12.2020

Koronatietoa somaliksi 15.12.

Is booqashada ayaa dadka cudurka halista ugu jira iyo kuwa kale ku socota si ku dhow sidii waqtigii koronaha ka horeeyay

Daraasad uu sameeyay isbitaalada degaannada Helsinki iyo Uusimaa ayaa lagu ogaaday sida uu ahaa isu socodka dadku xilliga ay xayiraadahu jireen. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in isu socodka dadka ee Uusimaa iyo tigida maqaayadahu ay socdaan iyadoo lagu jiro marxalada faafitaanka cudurka.

Boqolkiiba 58 guud ahaan intii daraasada ka jawaabtay iyo boqolkiiba 42 dadka halista ugu jirta cudurka ayaa sheegay inay is booqshada sidii hore u wataan. Maqaayadaha inay tagaan ayaa waxaa sheegay boqolkiiba 42 guud ahaan intii ka jawaabtay iyo 24 boqolkiiba kuwa halista ku jira.

Xayiraaha iyo talobixinnada ayaanan weli yaraynin kiisaska koronaha ee lagu arkayo degaannada galay marxaladii faafida cudurka. Sare u kacai xad-dhaafka ahaa ee Uusimaa ayaa lagu guulaystay in la joojiyay halka Kanta-Häme iyo Varsinais-Suomi ay sii kordheen.

Nuorisoa kauppakeskuksessa kasvomaskit kasvoillaan.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

Guryaha daryeelka waayeelka way adagtahay in korona la’aan laga dhigo

Guryaha lagu xanaaneeyo waayeelka ayaa korona muddooyinkii u dambeeyay gabaad ka soo dhiganayay bukaannada cusub ee la keenayo. Waxaa ugu danbeeysay tusaale ahaan arintaan midii ka dhacday Pieksämäki.

Macaamiisha cusub ee loo soo guryaha adeegyada lagama baaro koronaha hadii aanan cudurka looga shakinin. Kuburadu waxay qabaan inay adagtahay in la hormariyo badbaadinta guryaha waayeelka.

Aino Rubini, oo ah ku simaha dhaqtarka guud ee degmada Pieksämäki, ayaa sheegay in soo daahidda natiijooyinka baaritaanka ay sii adkeynayso in la dabagalo silsiladaha isku daarashada koronaha. Tirada sii kordheysa ee baaritaanada ayaa sidii hore si kabadan u sii qasaysa shaqada.

Koronakaranteenissa oleva vanhus katsoo ovelta hänelle rappuun jätettyä lahjakassia.
/ Kuva: Petteri Bülow / Yle

Waxbarashada onlineka ah ayaa siyaadisay farqiga u dhexeeya ardayda

Ardaydii horey ugu dhibanayd waxbarashada ayaa dhibkii ugu badnaa waxbarshada online-ka ah kala kulmay xilligii guga. Arintaan ayaa waxaa lagu ogaaday daraasad ballaaran oo ay sameysay Xarunta Qiimeynta Waxbarashada Qaranka (Karvi). Taageerada waxbarashada ayaa ahayd waxa loogu baahida badanyahay ee hurumarinta u baahan.

Karvi ayaa waxay daraasada ku sameysay ku dhowaad 1,800 ardayda dugsiga hoose, in ka badan 800 oo ardayda dugsiga sare, in ka badan 6,400 oo ardayda dugsiga farsamada iyo 2,800 shaqaalaha wax barashada ah. Boqolkiin 70 ka mid ah shaqaalaha dugsiyada farsamada ayaa qiyaasay in sinnaanta ardayda taageerada gaarka ah u baahan ay khatar gashay.

Lapsi tekee kotitehtäviä
/ Kuva: Mikko Ahmajärvi / Yle

11.12.2020

Koronatietoa somaliksi 11.12.

Finland oo la soo sheegay in caabuq cusub ku dhacay 840 qof Khamiistii

Gudaha Finland ayaa la soo sheegay khamiistii in 840 qof uu ku dhacay caabuqa cusub ee korona ayay tiri Taneli Puumalainen oo ah dhakhtar sare ee waaxda caafimaadka iyo nololwanaagga. Tiradaan waxaa ku jira 470 kiis oo aan hore loo soo sheegin oo la helay 2dii ilaa 8dii. Diseembar.

Sida laga soo xigtay THL, kiisaskan horay looguma darin tirooyinkii hore cilado farsamo awgood. Arintaan ayaa macnaheedu tahay in kiisaska korona ee la soo gudbiyay toddobaadki ugu dambeeyay ay ka badnaayeen intii hore loo soo sheegay.

Tirada dadka u dhintey cudurka ayaa kordhay todobaadyadii la soo dhaafey. Sida laga soo xigtay dhakhtarka sare ee Puumalainen, sababta ayaa ah siyaadidda caabuqa laga qaaday guryaha dadka lagu xannaaneeyo.

Hoitohenkilökuntaan kuuluva nainen pitää erikoiskylmän pakastimen edessä käsissään rokoteampulitelinettä Milanon Niguardan sairaalassa.
/ Kuva: AOP

Tallaalka koronaha ayaa lagula talinayaa dhammaan kalkaaliyayaasha iyo dhakhaatiirta

Dadka ugu horreeya ee laga tallaalayo cudurka koronafayruska ayaa loo badinayaa inay noqdaan kalkaaliyayaasha caafimaadka ee daweeya bukaannada qaba koronaha.

Yle waxay waydiisay dhakhaatiirta sare ee madaxda ka ah isbitaalada dhexe ee jaamacada hadii ay shaqo bixiyeyaashu qorshaynayaan inay shaqaalahooda damacsan yihiin inay cadaadis ku saaraan si ay u qaataan talaalka kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo dhakhaatiirta lashaqeeya bukaanada qaba cudurka.

Shaqo bixiyeyaashu waxay qorsheynayaan inay "si adag ula taliyaan" shaqaalaha in qof walba qaato tallaalka. Laakiin dadka qaar inay diidaan waa arin la sugayo.

Hoitajat pukevat suojavarustuksia ylleen
/ Kuva: Sami Takkinen / Yle

Ururo badan oo gargaar cunno ah oo dhaqaale xumo haysato

Qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka cuntada ayaa la daalaa dhacaya ciriiri dhaqaale. Reetta Nick, oo ah maareeyaha mashruuca Ruoka-apu.fi, ayaa sheegtay in soo iibsiga qalabka difaaca iyo soo iibsashada raashinka dheeraadka ah ay kordhiyeen qarashaadka.

Intaa waxaa dheer, nadaafadda oo ay noqotay in la siyaadiyo, qaybinta ayaa lakala qorsheeyay. Waxaa sidoo kale kordhay Qarashka gaadiidka maadama ay noqotay in cuntada laga soo ururiyo meelo aad u kala fog.

Ruoka-apu.fi waa bayj adeeg oo wadanka oo dhan ah oo isku xira kuwa baahan iyo qabanqaabiyaasha. Dhibaatooyinka dhaqaale ee ururada ayaa lagu ogaaday xaalad qiimeyntii ugu danbeeysay ee ay sameeyeen.

Vaasan ruoka-apuyhdistys pakkaa ruokaa kasseihin liukuhihnamaisesti uusissa tiloissa.
/ Kuva: Sebu Björklund / YLE

8.12.2020

Wali Hashi kertoo ajankohtaista tietoa koronasta somaliksi 8.12.

THL ayaa17 luqadood oo kala duwan ku bixinaysa macluumaad la xiriira koronaha

Hay’ada daryeelka caafimaadka iyo nolol-wanaaga (THL) ayaa bixinaysa warbixinno ku saabsan koronaha oo ku baxaya luqado kala duwan. Kaydka bogga internetka ayaa waxaa ku jira macluumaad la dabaacan karo oo ku baxaya 17 luqadood oo kala duwan.

Isla boggaan oo cinwaankiisu yahay thl.fi/koronainfo ayaa waxaa sidoo kale ku jira muuqaallo video ah oo la xiriira koronaha, kuna qoran luqadaha carabiga, kurdiga, soomaaliga iyo kuwo kale.

THL:n kyltti Mannerheimintiellä Helsingissä.
/ Kuva: Tiina Jutila / Yle

Daryeelka caafimaadka ayaa aqoonsi ka helay madaxwaynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sauli Niinistö ayaa aqoonsi siiyay shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee ku howlan koronaha. Dabaaldegii qasiriga ayaa axadii loo qabtay si ka duwan sidii hore iyadoo halkudhiguna ahaa ”Finland way ka gudbaysaa”.

Niinistö wuxuu qabaa inay howlwadeennada daryeelka caafimaadku yihiin geesiyaasha qaranka maadaama ay naftooda khatar u geliyeen shaqada ay hayaan. Madaxweynaha iyo marwadiisa ayaa yiri Finland waxay mashaqada koronaha uga badbaadi doontaa isku kalsoonaan.

presidenttipari on etäyhteydellä veteraaneihin
/ Kuva: Jon Norppa /Tasavallan presidentin kanslia

Walwalka dadka ayaa yaraaday intuu koronuhu jiray

Dadka finnishka ah ayaa sanadkan noloshooda uga wawal yaraa sidii hore. Arintaan ayaa timid iyadoo koronuhu uu nolol maalmeedka ku keenay waxyaabo badan oo cusub oo laa walwalo.

Baaritaanka dhaqaalaha ee ay Yle samaysay ayaa muwaadiniinta lagu waydiiyay tusaale ahaa sida ay uga walaacsan yihiin caafimaadkooda, noloshooda ama arrimaha sokeeyahooda.

Tirada ka qaybqaatayaasha aadka walaacsan ayaa ayaa sanadkan si muuqata hoos ugu dhacday marka la barbardhigo labadii sano ee la soo dhaafay.

Miia Halme-Tuomisaari, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga bini-aadamka oo buuga ka qortay dhibaatooyinka cudurka safmareenka ah ayaa qiyaastay in xaalada cakiran ay dadka ku qasabtay inay noloshooda dhinacyo kale oo horleh ka fiiriyaan isla markaana ay aqbalaan inaysan wax walba xakamayn karin.

Nainen käytti kasvomaskia Helsingissä Pasilan asemalla 7. joulukuuta 2020.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

4.12.2020

Koronatietoa somaliksi 4.12.

Talaallada ayaa la bilaabi karaa bilowga bisha Janaayo

Dawladda ayaa si rasmi ah go'aan uga gaartay istiraatiijiyadda tallaalka koronaha Finland. Istaraatiijiyaddaan oo la go’aamiyay habeenimadii Arbacada ahayd ayay waxay tahay in lagu ansixiyo kulanka dowladda.

Tanel Puumalainen oo ah dhakhtar sare oo tirsan machadka daryeelka caafimaadka iyo nolol-wanaaga ayaa qaba in talaalka la bilaabi karo bisha janaayo. Waxaa talaalka lagu bilaabi doonaa howlwadeennada caafimaadka iyo arimaha bulshada, waxaana xigi doona waayeelka iyo dadka halista ugu jira cudurka. Xilliga gu’ga ayaa talaallida lagu bilaabi doonaa qaybka kale ee dadka.

Tallaalka ay soo saareen Pfizer iyo Biontech ayaa ku filan 1.8 milyan oo Finnish ah. Waxaa koronaha qofka laga talaali doonaa laba mar oo ay saddex todobaad u dhaxayso.

Talaalka oo bilaash ah ayaa la sida laga soo xigtay wasiiradda adeegyada aasaasiga ah Krista Kiurun (sd.) waxaa la siin doonaa qof walba oo raba isla markaasna aysan jirin caqabad ka hor istaagaysa qaadashada talaalka.

Kvinna injiceras med Modernas coronavaccin i försökssyfte i augusti 2020 i Michigan, USA.
/ Kuva: AFP / Lehtikuva

Xaaladda cudurka saf-mareenka ah ayaa si dhakhso ah dalka dhan uga sii dartay

In ku dhow guud ahaan dalka oo dhan ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa kor u kacay tirada kiisaska koronaha ee la ogaaday.

Guud ahaan Inta uu cudurkaan saf-mareenka ah socday ayaa badi kiisaskiisa waxaa lagu arkayay degaannada hoostaga isbitaallada Helsinki iyo Uusimaa (HUS). Dalka intiisa kale ayaa iyagana lagu arkayaa kiisas badan.

Usbuucii 48-aad ayaa la diiwaan geliyay 3023 kiis oo korona cusub ah, taas oo 444 ka badan usbuucii ka horreeyay. Dadka cusub ee laga helay koronaha ayaa shantiiba qofba hal ka mid ah wuxuu ku jiray karantiil xilliga laga helayay cudurka.

Nainen kasvomaski päällä kauppakeskus Ainoan edessä Espoon Tapiolassa.
/ Kuva: Ronnie Holmberg / Yle

Tirada alaarmiga guriga ayaa kordhay xilligii Korona

Tirada alaarmiga guriga ayaa bilaabay inay kordhaan intii lagu jiray waqtiga Koronaha. Sida laga soo xigtay tirakoobyada Booliska, tirada alaarmiga guryaha ayaa la filayaa inay kordhaan qiyaastii rubuc marka loo eego sanadkii hore. Kobacu wuxuu ahaa mid siman ilaa gu'ga.

Siyaadada ugu badan ee booliiska loogu yeeray ayaa ka imanaysay dhawaqa dhibta leh iyo dadka samaynayay dhaqamo la dhibsado. Dhawaqyada dhibka leh ee sida badan laga dacwooday ayaa ahaa dhawaqyada xafladdaha iyo muusikada dheer. Cabashada waxaa sida badan sameeynayay qof deris ah.

Sida laga soo xigtay tirakoobyada booliska, rabshadaha guryaha ayaa sidoo kale kordhay ilaa lix boqolkiiba. Tani waxaa lagu dareemay xiriirada siyaaday ee lala soo sameynayo guryaha magangalyada iyo guryaha reeraha dhiban lagu hayo.

Lapsipehreille suunnatussa turvakotihuoneessa on mm pinnasänky ja lastenhoitopöytä
/ Kuva: Antti Kolppo / Yle

1.12.2020

Koronauutiset somaliksi 1.12.

Xayiraadaha cusub oo koronaha ah ayaa la dhaqan galinayaa horraanta usbuuca

Degaannada hoostaga isbitaalada Helsinki iyo Uusimaa, Päijät-Häme, waqooyiga Pohjanmaa iyo isbitaallada degaannada Satakunta ee waqooyiga Satakunta, ayaa hada ku jira marxaladda faafitaanka cudurka, Satakunta inteeda kale iyagu waxay ku jiraan marxalada sare ukicidda cudurka.

Waxaa hadda marxaladda sare u kaca ku jira degaannada kala ah Kainuu, Kanta-Häme, Kymenlaakso, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Degaannada hoostaga isbitaallada Vaasa iyo koonfur-galbeed Finland iyo waliba gobolka Ahvenanmaa. Magaalada Jyväskylä ayaa sidoo kale shaacisay inay gashay marxalada sare u kicida. Degaannada kale ayaa marka laga reebo magaalooyinka qaar, waxay ku jiraan marxalada aasaasiga ah.

Meelahan la soo tilmaamay ayaa toddobaadkaan laga soo rogi doonaa xayiraado ay ku jiraan hiwaayada dhismayaasha gudahooda lagu qabsado, waqtiyada ay maktabaduhu furanyihiin iyo tirada dadwaynaha ee ka qaybgalaya munaasabadaha. Intaas waxaa sii dheer in meelaha qaar waxbarashada dugsiyada sare iyo xirfadaha (darajada labaad) loo bedelo doono online. Xayiraadaha iyo taloooyin faahfaahsan ee degaannada iyo magaalooyinka waaweyn oo ku qoran luqaddda finnishka ayaa laga heli karaa heli karaa barta internetka, waxaana isla meeshaas ku jira linki ku gaynaya wararka Yle oo ku baxaya luqadaha Carabiga / Kurdiga / Soomaaliga / Beershiyaanka ee ku jira bogga Yle.

Katunäkymä Lahdessa.
. Kuva: Mikko Ahmajärvi / Yle

Xayiraado adag oo hor leh ayaa lagu soo rogay caasimada iyo nawaaxigeeda

Si loo xakameeyo faafitaanka cudurka ayaa xayiraado cusub lagu soo rogay caasimada dalka iyo nawaaxigeeda.

Waxaa magaalooyinka Helsinki, Espoo, Vantaa iyo Kauniainen gabi ahaanba la joojinayaa hiwaayada lagu qabto dhismayaasha gudohooda. Madxafyada, goobaha isboortiga ee gudaha ah, googbaha dhaqanka iyo kuwa dhalinyarada ayaa la xiri doonaa seddex todobaad oo ka bilaabanaysa Isniinta 30 bisha 11-aad.

Waxbarashada darajada labaad ayaa laga bilaabo 3.12 ilaa dhamaadka sanadka laga dhigi doonaa onlinka.

Masuuliyiintu ayaa waxay sidoo kale ku talinayaan in la xadido isku dhowaansha dadka isku aqalka ku nool. Munaasabadaha gaarka ah waxaa lagu talinayaa in layska dhaafo oon la qaban.

Waxaa sidoo kale illaa amar dambe la la mamnuucay gabi ahaanba shirarka iyo munaasabadaha gudaha ama dibadaba lagu qabanayo. Hadii badbaadada goobta la xaqiijiyo, waxaa la ogolyahay in la qabto munaasabadaha ay isugu imanayaan ugu badnaan 10 qofood.

Matkustajia Itäkeskuksen bussiterminaalin edustalla.
. Kuva: Tiina Jutila / Yle

Finland waxay sii wadaysaa xayiraadihii adkaa ee koronaha dalkiisa loogu soo roogay dalxiiska

Dowladu waxay go’aansatay inay sii wado xayiraadihii dulsaarnaa dalxiiska. Waxay sidoo kale Finland sii wadaysaa baaritaankii xuduudaha ee aagga isusocodka xorta ah ee Schengen, waxayana baaritaannadaanu sii socon doonaan ilaa 13.12-aad.

Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada (STM) ayaa ku guda jirta diyaarinta sharci cusub oo tilmaamaya habka baaritaanka iyo karantiilinku noqonayaan. Go’aanno cusub oo la xiriira xayiraadaha dalxiiska iyo isu socodka ayaa la filayaa horraanta bisha 12-aad.

Finland ayaa ilaa bishii sadaxaad baaritaanno ku samaynaysay dhammaan dadka xuduudaha ka gudbaya. Waxaa ilaa hadda Finland si xor ah u soo geli kara dadyowga ka imanaya dalalka aysan kiisaskooda koronuhu labadii todobaad ee la soo dhaafay ka badnayn 25 qofood boqolkii kunba.

Dawladdu wali waxay ku talineysaa inaysan dadka Finnishka ah u safrin wax aan huriwayto ahayn. Taladaani waxay tusaale ahaan qusaysaa dhamaan dalalka Yurub. Xayiraadaha safarrada dalalka ka baxsan Midowga Yurub, waxaa jiri doona isbeddelo yar oo lagu samayn doono.

Jyväskylän lentoasema sisältä.
. Kuva: Petri Aaltonen / Yle

27.11.2020

Ra'iisul Wasaare Marin: "Waxaa la joogaa waqtigii dhaqdhaqaaq muuqda la samayn lahaa" - waxaa lagu talinayaa in xarumaha dukaamaysiga iyo kuwa dadweynaha la xiro

Xaaladda koronaha ayaa ku dhowaad meel walba oo Finland ah kasii dartay. Si kastaba ha noqotee, raysulwasaarad Sanna Marin (sd.) ayaa aaminsan in dhaqan-gelinta sharciga diyaargarowga aan weli loo baahnayn. ** **

Markku Mäkijärvi oo ah dhakhtarka guud ee maamula degaannada Helsinki iyo Uusimaa ayaa wuxuu ka digayaa inuu buux-dhaaf ku yimaado daryeelka caafimaadka ee Uusimaa. Xaaladda koronaha ayaa ka sii dartay meelo badan oo ka mid ah Finland, dhowr meelood oo hadda ku jira marxaladda karaarka ayaa halis ugu jira inay galaan marxalada fiditaanka cudurka.

Raysal-wasaarad Sanna Marin (sd.) Iyo Wasiiradda Arimaha Qoyska iyo Adeegyada Aasaasiga ah Krista Kiuru (sd.) ayaa khamiistii 26.11. sheegay waxyaabahii ka soo baxay wadahadalladii dowlada ee ku aadanaa koronaha.

Raysul-wasaare Marin waxay sheegtay inay degaanno badan khatar ugu jiraan inay u gudbaan marxalada fidfitaanka cudurka. Raiisul-wasaarada ayaa dadka qof walba ugu baaqaysa inuu taxadar dheeraadi ah muujiyo isla markaana uu ka fogaado xiriirka (isku dhawaanshaha) waqtiyada baashaalka.

Dowlada ayaa arbacadii wada hadal ka gashay koronaha. Wada hadalkaas ayaa diiradda lagu saaray xaalada koronaha, waxaana sidoo kale qiimeeyn-sharciyeed lagu sameeyay shuruudaha isticmaalka sharciga diyaargarowga.

- Xaaladu weli ma gaarsiisna heerka duruufaha gaarka ah. Ma adeegsanayno sharciga diyaargarowga. Haddiise ay xaaladdu si dhakhso ah uga sii darto, waxaa dhici karta in laga fakaro, waxaana suurtagal noqon karta inay dowladdu ku khasbanaato dhaqan-gelinta sharcigaas.

Marin ayaa masuuliyiinta ugu baaqaysa xakamaynta cudurka iyo inay dib ugu celiyaan waxa loogu yeero marxalada aasaasiga ah.

- Hadda waxaa la joogaa waqtigii la samayn lahaa dhaqdhaqaaq muuqda.

Isku gudbinta cudurka ayaa si walwal leh sare ugu kacday

Wasiiradda Arimaha Qoysaska iyo Adeegyada Aasaasiga ah ayaa sheegtay in tirada isu gudbinta cudurku ay si aad ah u kor ugu kacday.

Uusimaa iyo Päijät-Häme ayaa hada ku jira marxaladda fiditaanka cudurka, laakiin sida laga soo xigtay Kiuru waxaa todobaadkan sidoo kale wadahadal lala yeeshay gobolo kale.

degaannada qarka u saaran inay u gudbaan marxaladda faafitaanka cudurka ayaan uga dignay, waxaana siinay talobixinno dheeraad ah oo ku saabsan sidii ay u hor istaagi lahaayeen cudurka safmareenka ah isla markaasna ay si taxdar leh u qaadi lahaayeen talaabooyinka ku haboon marxaladda faafitaanka ayay tiri Kiuru.

STM ayaa gaar ahaan masuuliyiinta iyo dadweynaha ku noool degaannada galay marxalada fidifitaanka cudurka, iyo kuwa qarka u saaran inay u gudbaan marxaladaas dul dhigtay awaamiir. Awaamiirtaas ayaa sida ay sheegtay madaxa xoghaynta Wasaaradda Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada Kirsi Varhila, waxay shaqaynayaan ilaa bartaha bixha 12:aad

Masuuliyiinta ayaa la faray inaysan qabanqaabin karin munaasabado ay isugu imaanayaan dad ka badan toban qofood. Goobaha caamka ah sida jiimamka, barkadaha dabaasha iyo hoolalka isboortiga ayaa la faray in la xiro.

- Dadwaynaha qabsanaya munaasabadaha gaarka ah sida kirismas-yaraha, waxaan ka codsanaynaa inaysan ka qaybgalayaashu ka badanaanin 10 qofood ayay tiri Varhila.

Waxaa la rajaynayaa taxadar gaar ah la siiyo hiwaayadaha caruurta iyo dhalinyarada, meelaha loogu qabanayana ay noqdaan kuwo suurto gelinaya masaafada badabaadada, waana habkaas sida lagu sii wadi karo ayay tiri Varhila.

Waxaa sidoo kale la rajeynayaa in xarumaha dukaamaysiga goobaha ay dadku iska joog-joogaan laxiro. Varhila ayaa sidoo kale carabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay ku shaqaynta onlinka.

Xaaladda ayaa guud ahaan dalka ka sii dartay

Xaaladda fayraska koronaha ayaa guud ahaan Finland ka sii dartay, gaar ahaan caasimada iyo nawaaxigeeda iyo degaannada hoostaga isbitaallada Helsinki iyo Uusimaa. Toddobaadkii la soo dhaafay xaaladdu way ka sii dartay: Mika Salminen oo hogaamiye ka ah Machadka daryeelka caafimaadka iyo nolol wanaagga ayaa sheegay in kiisaska koronaha la helay ay qiyaastii 30 boqolkiiba kor u kaceen.

- Xaaladda Finland ayaa ka sii dartay. Maanta, qiyaastii 570 kiis oo hor leh ayaa ku biiraya kuwii hore. Tirada dadka da'doodu ka weyn tahay 40 sano ayaa si tartiib tartiib ah sare ugu kacaysa ayuu yiri Salminen.

Salminen ayaa sheegtay inay tirada dhimashadu waxyar kordhayso, isla markaana baahida isbitaal-dhigiduna ay meel badan sare u kacayso.

Xaalada Uusimaa ayaa ah mid halis ah

Xaaladda Uusimaa ayaa xaqiiqadii ah mid aad u daran ayuu yiri dhikhtarka guud Madaxa Markku Mäkijärvi oo ah madaxa Caafimaadka ee HUS. Tirada bukaanka daryeelka caafimaad u baahan ayaa bilawday inay sare u kacdo. Arbaco ilaa Khamiistii ayay tirada bukaanku saray ugu kacday boqolkiiba 20 ayuu yiri Mäkijärvi.

- Waxaa hada isbitaallada gobolka Uusimaa lagu dabiibayaa 83 bukaan, waxayna xaaladu u muuqataa inay ku socoto sidii xilligii guga ee la soo dhaafay ayuu yiri Uusimaa.

Uusimaa waxay ku jirtaa marxalada fiditaanka cudurka, waxaana la la dhaqangelinayaa xayiraadaha ugu badan ayuu yiri Mäkijärvi. Munaasabadaha guud ah ayaa lagu talinayaa in gebi ahaanba la mamnuuco. Munaasabadaha gaarka loo leeyahayna waxaa lagu talinayaa inaan sinaba la qaban. Goobaha caamka ah ee dadweynaha ayaa lagula talinayaa in la xiro. Hiwaayadaha kooxaha - marka laga reebo kuwa carruurta iyo dhalinyarada - ayaa lagula talinayaa in la joojiyo. Ku shaqaynta onlineka ayaa iyana lagu talinayaa.

Dugsiyada sare, iskuulaadka xirfadaha, machadyada farshaxanka (15-jir wixii ka wayn), iskoollada farsamada iyo jaamacaduhu waxay u wareegayaan waxbarashada onlineka ah.

- Haddii aynaan tallaabooyinkaan hadda qaadin oo aan la dhaqan-gelin, waxaa dhalan doonta khatar aad u wayan. Culays badan ayaa tododobaadyo guduhood fuuli doona habsami u socodka daryeelka caafimaadka, waxaana dhib aad u wayn noqon doona in daryeelo loo helo guud ahaan bukaannada oo dhan.

Pääministeri Sanna Marin ja HUSin johtajaylilääkäri Markku Mäkijärvi STM:n ja THL:n tilannekatsauksessa koronavirustilanteesta valtioneuvoston tiedotustilassa Helsingissä torstaina 26. marraskuuta 2020.
/ Kuva: Heikki Saukkomaa / Lehtikuva

20.11.2020

Khubarada talaalka Qaranka (KRAR) ayaa daabacay siday iyaga la tahay in laysugu xij-xijiyo dadka finishka ah ee laga talaalayo fayraska koronaha.

Khuburadu waxay ku talinayaan in talaalka loogu hormariyo howlwadeenada caafimaadka ee u adeegaya bukaanka koronaha, ka dibna shaqaalaha guryaha waayeelka lagu xanaaneeyo, dadka waayeelka ah iyo dadka qaba xanuunada sida daran halista ugu gelin kara cudurka koronaha.

Ville Peltola oo ah borofisoor ku takhasusay cudurada faafa ahna gudoomiyaha khubarada talaalka qaranka ayaa idaacada Yle u sheegay in kala hormarinta habka loo tallaalayo looga dan leeyahay in lagu badbaadiyo dadka. Ujeeddadu waa in laga hortago inuu cudrúrku adkaado oo halis badan iyo geeri keeno. Sidoo kale waxaa lagu hor istaagayaa in loo baahdo isbitaal-dhigid amaba loo baahdo daryeelka dagdaga ah ee dadka sii daran. Peltola ayaa qaba in waxa lagu guulaysan karo ay tahay in xoogga la saaro tallaalida dadka halista aadka ah ku noqon kara dadka cudurka u nugul.

Tallaallada waxaa Finland loo keeni doonaa qayb-qayb, sidaa daraadeed, waxay noqonaysaa in kooxaha aan soo sheegnay siday u kala mudanyihiin mar kale dib loo sii qiimeeyo. Qiimeyntaan dambe waxaa la samayn doonaa markii la helo macluumaad faahfaahsan laga helo waxtarka difaaca ee tallaalka iyo badbaadado uu u leeyahay qaybaha kala duwan.

Qaybahaas aan soo sheegnay ka dib, waxaa la qorsheynayaa in dhammaan dadka qaangaarka ah la siiyo tallaalka iyadoo kadibna dadka oo dhan si ballaaran loo tallaali doono, ayuu yiri Peltola.

Tallaalida dadwaynaha oo dhan ayaa dib looga fakari doonaa.

Kooxda khuburada ah ayaa qiyaaseysaya in dadwaynaha oo dhan la tallaali doono markii tallaalo ku filan ay soo gaaraan dalka. Jadwalka tallaalka ee dadweynaha oo dhan gadaal ayuu kasoo kala cadaan doonaa.

-Habka tallaalka loo hirgelinayo ayaa qiimeyn faahfaahsan lagu samayn doonaa markii la helo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan waxtarka difaac iyo badbaadado ee tallaalku u leeyahay da’da kala duwan, ayay war-saxaafadeed ku sheegtay Hanna Nohynek oo dhakhtarka sare ka ah THL.

KRAR ayaa weli ku guda-jirta shaqadeedii qiimaynta ahayd, iyadoo aan wali la agayn, tusaale ahaan noooca tallaal ee Finland la keeni doono.

-Peltola ayaa Yle u sheegay, in marka la fiiriyo tallaallada kuwooda ugu soo horreeya, ay u egtahay inay wax walba si dagdag ah ku socdaan ayna suurtogal tahay in warbixin dheeri ah si dagdag ah loo helo.

Si walboo ay tahayba, Peltola weli ma sheegi karo inta ay la egtyihiin tirada finishka ah ee ka midka seddexda qaybood ee marka hore la tallaalayo.

Waxay arintaanu kuxirantahay waxyaabo maqan. Go’aan kama dambays ah lama qaadan karo waqtigaan la joogo. Howl-wadeennada daryeelka caafimaadka ayaa loo arkaa inay yihiin kuwo muhiim ah oo la tallaalayo, sidoo kale dadka waayeelka ah, waayo waxay halis wayn ugu jiraan cudurka. Waxaa kaloo ayana muhiim ah in tidad lagu darsado sida uu talaalku u shaqaynayo oo uu waxtar ugu leeyahay..

Peltola ayaa sheegay inaan weli tusaale ahaan meell la saarin da'da lagu kala saarayo cidda ka mid noqonaysa waayeelka iyo inta kale.

Qiimayn heer dal iyo mid caalimi ah ayaa lagu wadaa halista uu cudurku u leeyahay qaybaha bartilmaameedsan.

Qiimeynta halista caafimaad oo ay sameynayaan kooxda khuburada ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa macluumaadka laga hayo kiisaska koronaha ee laga helay Finland iyo cilmi baarisyada kale ee caalamiga ah lana xiriirta koronaha dadka khatarta ugu jira.

Sida ay kuhuburadu qabaan, macluumaadka laga hayo halista cudurka ayaa la barbardhigi doonaa macluumaad ku saabsan sida tallaalku u yareyn karo halista cudurku ku keeni karo qaybaha bartilmaamka ah (riskiryhmät), sida uu u yarayn karo dhimashada aan waqtigeedii la joogin iyo sidii uu kordhin lahaa sanadaha nolosha.

KRAR ayaa todobaadka soo socda sii wadi doonta qiimaynta iyo abaabulka tallaalka kooxaha bartilmaameedka ah. Markaas ka dib oo ay THL waxay Wasaarada Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada usoo bandhigi doontaa warbixin la xiriirta abaabulka talaalada.

Go'aanka hirgelinta tallaalka fayraska koronaha waxaa samayn doona gudi dowli ah.

Maamulaha Xarunta Cilmi-baarista Tallaalka ee Finland: "Xagaagu wuxuu u muuqdaa mid wanaagsan"

Tallaalada Fayraska koronaha ayaa Finland laga bilaabi doonaa horraanta sanadka soo socda, ayuu yiri Mika Rämet oo ah maamulaha Xarunta Cilmi-baarista Tallaalka.

- Macluumaadka la hayo oo badan ayaa suurto gelinaya in la billaabo codsiyada iibinta iyo ogolaanshaha talaalka. Meelo dunida ka mid ah, laga yaabee Jarmalka ama Mareykanka, ayaa tallaallada laga fulin doonaa billowga sannadkaan. Waxaan u maleynayaa in talaalku laga hirgelin doono Finland horaanta sanadka soo socda, ayuu qiyaasay Rämet.

In kastoo tallaalka dadka dhan ay qaadan doonto waqti dheeri, hadana sida ay qabaan khubarada hogaaminaysa talaalku, xagaaga ayaa durbaba umuuqda mid rajadiisu wanaagsantahay.

Dhibaatada cudurka saf-mareenka ah ayaa u muuqata mid markii la bilaabo in la tallaalo dadka iyagu cudrka halista ugu jira, durbadiiba hoos u dhici doonta.

Gudoomiyaha khuburrada talaalka qaranka ayaa qiyaasaya, in haddii inta lagu gudo jiro xilliga qaboobaha iyo gu'ga waddanka la keeno tallaallo badan, ay dhici karto in kulaylaha ka hor meel wanaagsan laga gaari karo tallaalka.

Markasta oo dadka la tallaalayo ay bataanba waxaa hoos u dhacaya faafidda cudurka. Ville Peltola ayaan ku raacsanahay in xaalada xagaaga soo socda ay u muuqato mid wanaagsan ayuu yiri Rämet

Vapaaehtoiselle testihenkilölle annettiin Modernan rokote Detroitissa 5. elokuuta.
/ Kuva: AFP

Tirada kiisaska cusub ee koronaha ayaa kor u kacaya, xaaladda cudurka faafa ayaa si dhakhso leh u sii xumaan karta dalka oo dhan

Tirada kiisaska cusub ee cudurka coronavirus ayaa soo kordhaya dalka Finland, sida ay sheegeen wasaaradda arrimaha bulshada iyo caafimaadka (STM) iyo machadka caafimaadka iyo nolol wanaagga (THL).

Kiisas cudurro fara badan ayaa hadda la helayaa, xaaladda cudurku si dhakhso leh ayuu uga sii dari karaa dalka oo dhan, STM iyo THL ayaa ka digaya.

- Finland maanta waxay ka gudubtay xadka 20,000 ee kiisaska korona ee la xaqiijiyay, ayuu yidhi dhakhtarka weyn ee THL, Taneli Puumalainen khamiistii.

Toddobaadkii la soo dhaafey, 1,534 kiis oo cusub ayaa laga soo sheegey dalka oo dhan, marka la barbardhigo 122 ayuu ka yar yahay toddobaadki hore. Dhacdooyinka kiisaska cusub waxay ahaayeen 28 kiis 100,000kii qofba, marka la barbar dhigo wiigii hore tiradu waxay ahayd 26.

Aagga HUS oo u dhow heerka faafitaanka

Inta badan kiisaska la helay usbuucii la soo dhaafay waxay ku sugnaayeen aagga Helsinki iyo Uusimaa xarumahooda dagaan caafimaad ee (HUS). Aagga HUS, tirada kiisaska ayaa kordhay tan iyo usbuucii 43aad illaa boqol xaaladood usbuucii. Toddobaadkii 46aad 986 kiis ayaa laga soo sheegey aagga HUS.

Sida laga soo xigtay THL, qaar badan oo ka mid ah shuruudaha faafitaanka ayaa la buuxiyay aagga HUS. Si kastaba ha noqotee, xaaladda isbitaalka iyo daryeelka xooga weyn ayaa wanaagsan.

Helsinki, Espoo iyo Vantaa ayaa ah magaalooyinka ugu daran ee uu ka jiro cudurka faafa, laakiin qeyb kamid ah Uusimaa xaaladdu way ka fiican tahay.

Xarumaha caafimaad ee degaan degmooyin ee Helsinki iyo Uusimaa, Kanta-Häme, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Vaasa iyo Varsinais-Suomi, iyo waliba gobolka Ahvenanmaa, ayaa ku jira xaaladda siyaadidda.

Xarumaha caafimaad ee degaan degmooyinka kale waxay kujiraan wajiga aasaasiga ah, marka laga reebo magaalooyinka kujira wajiga siyaadidda, waana Rauma, Lahti iyo Kruunupyy iyo Kouvola.

Inta badan dhammaan kiisaska caabuq ayaa weli asal ahaan laga qaaday dalka gudihiisa. Si kastaba ha noqotee, tirada caabuqa laga qaaday dibedda ayaa inyar kor u kacay. Caabuqa ajanabiga waxay gaarayaan qiyaastii boqolkiiba lix dhammaan cudurrada cusub ee la helay. Qiyaastii boqolkiiba lix kiisaska caabuqa ayaa ahaa mid dibadda laga keenay oo Finland ku sii faafay.

In ka badan seddex meelood meel cudurrada cusub ayaa laga helay shakhsiyaadka ku jira karantiil waqtiga cudurka.

Korona wuxuu ku kordhay waayeelka

In kasta oo inta badan kiisaska caabuqa laga helay kooxaha da'da yar ee sii kordhaya iyo dadka weyn ee shaqeeya, haddana waxaa jira xoogaa siyaado ah oo ku timid dadka waayeelka ah marka loo fiiriyo toddobaadyadii hore.

Qiyaasta caabuqyada dadka ka weyn da'da 60 ayaa hadda kor u dhaaftay in ka badan 12 boqolkiiba. Qiyaasta dadka ka weyn da'da 70 ayaa kor u kacday si cabsi leh: usbuucii la soo dhaafay, saamiga dadka ka weyn da'da 70 wuxuu ahaa 6%, marka la barbardhigo qiyaastii 3-4% bishii hore.

- Waxa kale oo jira kiisas caabuq oo laga qaaday guryaha daryeelka waayeelka, ayuu yiri Puumalainen.

Dadka da'doodu ka weyn tahay 70 jir waxay leeyihiin halis sare oo ah inuu ku dhaco nooc cudur ka sii daran, sidaa darteed in laga ilaaliyo cudurka waa arin aad muhiim u ah, ayeey THL xustay.

Kiisaska ka qaadidda goobaha shaqada ayaa kordhay

In ka badan kalabar, ama 55 boqolkiiba, dadka laga helay cudurka ayaa la ogaadey inay ka qaadeen dadka ay kuwada nool yihiin guriga.

- Dadka isku dhow, guriga iyo saaxiibada ayaa weli ah isha ugu weyn ee laga qaado caabuqa, laakiin hadda waxaa jira kiisas caabuqyo badan oo laga qaaday goobta shaqada, dabagalkii la sameeyay qiyaastii 20 boqolkiiba kiisaska la helay. Qolalka nasashada iyo qolalka kafeega waa meelaha ay muhiimka tahay in la xasuusto in la ilaaliyo masaafada iyo nadaafadda, ayay tilmaamtay Liisa-Maria Voipio-Pulkki, Agaasimaha Istaraatiijiyadda ee STM.

Baadhitaan balaaran iyo siyaadinta helitaanka silsiladaha caabuqa ayaa caawiyay xakameynta cudurka, ayuu yiri Pasi Pohjola, Agaasimaha STM.

Baaritaanka cudurka ayaa si weyn kor loogu qaaday ilaa gu'gii. Iyadoo awoodda loo lahaa 2,000 ilaa 4,000 baaritaan ee cudurka maalintiiba bishii Abriil, laakii hadda 10,000 ilaa 18,000 oo baaritaan ayaa maalintii la sameeyay bishii Oktoobar.

- Dabcan, waxaan sidoo kale hadda cudurka ka haysanaa faham kaduwan midkii guga, ayuu kusii daray Pohjola.

Ka fogaanshaha xiriirada bulshada waa muhiim

Puumalainen wuxuu xasuusiyay in hoos udhaca xiriirka bulshada uu cadeeynayo gaabiska cudurka faafa ee korona xiliga guga.

- Finishku waa dad bulshaawi ah, quraafaadka dhahaya ma ahan dad bulsho ah Finishku sax maahan. Laakiin bishii Abriil, xiriirada jirka ayaa la dhimay boqolkiiba 70. Bishii Luulyo, xiriirada kooxaha da 'yarta ah ayaa kordhay, cudurka korona wuxuu bilaabay inuu mar kale faafo, ayuu yiri Puumalainen.

Bishii Sebtember, xiriiriyadu way sii kordheen maxaa yeelay shaqooyinka, waxbarashada iyo hiwaayadaha ayaa bilaabmay xagaagii kadib.

- Haddii aan rabno inaan ka hortagno cudurkan faafa, waa inaan yareynaa xiriirka bulshada, ayuu xusuusiyay Puumalainen.

Sidee noqon doonaa kirismasku?

Dad badan ayaa durba isweydiinaya sida Kirismaska noqon doono sanadkan. Iskusoo wada duuboo, waxaa laga walwalayaa in loo safri karo Uusimaa loona tagi karo ayeeyo.

- THL ayaa sheegtay inay fiicnaan lahayd in kirismaska lala qaato dadka kuugu dhow. Hase yeeshe, halista inuu kugu dhaco cudurka waxaa lagu yareyn karaa qofka ficilkiisa, yacni dhacdooyinka waaweyn ee bulshada waa in laga fogaadaa, tusaale ahaan. Waxaa ugu muhiimsan in aan la aadin waalidka adigoo ay ku hayaan calaamadaha cudurka, ayuu yiri Puumalainen.

- Inkastoo tani ay noqonayso arin xoogaa adag, iyo kirismas ka duwan kuwii hore, haddana waxaan aaminsanahay inaan heli doonno ciid kirismas ah, ayuu sii raaciyay. Gaar ahaan dadka waayeelka ah waxay u baahan yihiin in laga ilaaliyo cudurada.

- Xaqiiqdii dhabta ah waa in dadka waayeellada ah arintaan u tahay wax xanuun badan haddii aysan la kulmin qaraabadooda ama dadka ay aqoonta isku leeyihiin. Si kastaba ha noqotee, haddii aad si wanaagsan u qorsheysato, aad horay u heshiisaan, aadna ilaaliso masaafaha nabadgalyada oo aad gebi ahaanba caafimaad qabto, hubaal waad booqan kartaa dadka waayeelka ah, ayuu yiri Voipio-Pulkki.

Ihmisiä Helsingin rautatientorilla.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Finland waxay sii wadi doontaa kontaroolka xuduudaha gudaha

Dowladu waxay go’aansatay inay sii wado xadaynta adag ee korona ee safarada. Finland sidoo kale waxay sii wadi doontaa kontaroolka xuduudaha ee aagga Schengen ee dhaqdhaqaaqa xorta ah ka jirto.

Xakamaynta xuduudaha gudaha waxay sii socon doontaa ilaa 13 Diseembar.

Ma jiri doonaan wax intaa ka badan oo lagu sameyn doono dalalka cagaaran oo si xor ah Finland ugu safri karto, maadaama Finland ay wali kujirto xadkii koronaha loogu talagalay. Xaaladda cudurka karonaha ee Finland waa tan ugu wanaagsan Yurub, dowladduna waxay isku dayeysaa inay ka hortagto kiisaska caabuqa soo galaya Finland ee ka soo gudbaya xadka iyadoo la xaddidayo safarka.

Sidii hore oo kale, bulshooyinka xadka Sweden iyo Norway ee Labi ayaa dhaq-dhaqoodu yahay mid xor ah. Weli ma jiraan wax karantiil ah marka loo aadayo safar shaqo Estonia iyo Sweden.

Dawladdu wali waxay ku talineysaa in dadka Finnishka ah ay u safraan oo keliya sababo muhiim ah. Markaad u safrayso meel ka baxsan Midowga Yurub, Xaddidaadaha waxaa jiri doona isbeddelo yar.

Torniossa Rajavartiostolla on käynnissä rajavalvonta Ruotsin rajalla.
/ Kuva: Juuso Stoor / Yle

13.11.2020

Finland waxay Yurub uga fiicnaatay xakamaynta koronaha -tallaalku wuxuu noqonayaa mid bilaash ah

Finland waxay sifiican uga guuleysatay la dagaalanka Korona marka loo eego wadamada kale ee Waqooyiga Yurub iyo Yurubta kale, ayuu qiyaasay madaxa dhaqaatiirta Taneli Puumalainen oo ka tirsan waaxda caafimaadka iyo nolol wanaaga.

- Waxaan haynaa difaac, ayeey tiri Taneli Puumalainen.

THL iyo Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka (STM) ayaa qabtay Khamiistii 12.11. warbixin kooban oo kusaabsan xaalada corona. 197 cudur oo cusub ayaa laga soo sheegey Finland.

Caabuqa korona ayaa ku soo batay magaalooyinka waaweyn ee Finland, gaar ahaan Helsinki, Espoo, Vantaa, Tampere iyo Turku kiisaska la helay ayaa kordhay.

Dhinaca kale, deegaanno badan ayaa xaaladda si wanaagsan loo maareeyey, taas oo dejisay xaaladda faafidda cudurka ee gobolladaas. Tani waxay ka dhacday tusaale ahaan Vaasa.

Sida ay ku xuseen warbixinadooda u gaarka ah waxaa kujira xaaladda siyaadada magaalooyinka ay ka midka yihiin Helsinki iyo Uusimaa, Kanta-Häme, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Vaasa iyo Varsinais-suomi xarumaheeda caafimaad iyo waliba Ahvenamaa.

Degaan caafimaadyada soo haray ee ah 14_ka waxay ku sugan yihiin heerka aasaasiga, marka laga reebo degaan caafimaadyadaas kuwa yar oo ka mid ah oo galay xaalada siyaadada. Kuwaaas waxay yihiin Kouvola, Kuopio iyo Siilinjärvi, sidoo kale Rovaniemi.

Korona wuxuu kugu qaban karaa guriga

Dalka oo dhan, halka laga qaaday caabuqa cusub waxaa la ogaaday qiyaastii boqolkiiba 55 ka mid ah caabuqaas. Tani wax yar ayey ka yar tahay middii usbuucii hore. Isbitaalada Helsinki iyo Uusimaa ee (HUS) halka laga qaaday caabuqa waxaa la ogaaday ilaa 40% kiisaska la hubsaday.

Inta badan caabuqa waxaa laga qaaday gudaha dalka - iyo guryaha. In yar in ka badan kalabar caabuqa ayeey kala qaadeen qoysaska dhexdooda.

Xaaladaha khaaska ah, sida shirarka dadka isku dhow ama shirarka gaarka loo leeyahay 15 boqolkiiba caabuq cusub ayaa laga qaaday, sidoo kale goobaha shaqada 10 boqolkiiba iyo hiwaayadaha 7 boqolkiiba.

- Inta badan caabuqa waxaa laga qaaday xafladaha dhow iyo dhacdooyinka gaarka loo leeyahay, ayay tiri agaasimaha istaraatiijiyada Liisa-Maria Voipio-Pulkki oo ka tirsan STM.

Si kastaba ha noqotee, xaaladda faafida waa mid laga walwalo oo laga yaabo inay si dhakhso leh uga sii darto, ayeey ka digtay Voipio-Pulkki.

- Masaalka qoryaha ayaa la isticmaalay: Waa sida dabka xaabada lagu shido oo kale: geedaha yaryari markay shidmaan, ayuu dabka weyni is qabsadaa, Voipio-Pulkki ayaa isbarbardhigtay. Iskuulada iyo xanaanada caruurta, ma jirin silsilado caabuq oo dheeri ah oo laga helo midka uu dadka shaqsi ahaan ugu dhacay. Caabuqa maqaayadaha wuxuu ahaa afar boqolkiiba, waxay u arkaan THL iyo STM inay calaamad u tahay in xaddidaadaha si wanaagsdan loo u joojiyeen.

Sideed boqolkiiba caabuqa ayaa laga keenay dibedda. Lambarkan waxyar buu kordhay laakiin kororkiisu waa mid aad u yar xiliyadaan danbe.

Tirada dadka u baahan daaweynta isbitaalka ayaa siyaaday

Weli waxaa jira bukaanno aad u tiro yar oo u baahan isbitaal iyo daryeel awood leh, laakiin tirada bukaanku way sii kordheen toddobaadyadii la soo dhaafay. Shalay waxaa isbitaalka ku sugnaa 73 qof halka 14 kalena ay kujiraan daaweyn culus.

Sida laga soo xigtay THL Puumalainen, waxaa jira "isbeddel" ah in dadka da'da dhexe ay u xanuunsanayaan sidii hore si kabadan, laakiin dhalinyarada iyo kuwooda qaangaarka ah ayaa wali ah kooxda ugu badan ee laga helo kiisaska korona.

Inta badan caabuqa waxaa lagu helaa dhalinyarada qaangaarka ah, laakiin sidoo kale waxaa jira xoogaa koror ah kiisaska dadka da'da weyn. Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo dadka, gaar ahaan kuwa halista ku jira, ayeey THL sheegtay.

Saddex nooc oo tallaal ah oo ku yaal liiska gadashada

Sidoo kale mawduuca warbixinta wuxuu ahaa geeddi-socodka tallaalka korona. Waxaa furay Madaxa Dhakhtarka Hanna Nohynek oo ka socota THL. Tallaalka koronaha ayaa aad looga hadlay toddobaadkan ka dib markii Pfizer iyo BioNTech oo daawooyinka sameeya ay sheegeen inay soo saareen tallaal ka hortagaya inuu cudurku kugu dhaco 90% baaritaankoodii sadaxaad, sidoo kale tijaabooyin talaal oo wajiyo fiican maraya ayaa jira.

Nohynek waxay tidhi, tusaale ahaan, hal talaal mRNA, oo la mid ah talaalka Pfizer, iyo hal talaal adenoviral vector iyo hal talaal oo borotiinka ku saleysan ayaa loo soo iibin doonaa Finland. Marka hore, tallaalada ayaa la filayaa inay yaraadaan oo ay ku filnaadaan ilaa 10 boqolkiiba dadka. Kooxda tallaalku waxay hadda ka fikirayaan cidda tallaalka qeybta hore lasiindoono. Nohynek ayaa sidoo kale tilmaatay, helitaanka tallaallada ay ku xirnaan doonaan sida tusaale ahaan shirkada sameeysay ay u soo suuq geeyaan iyo kooxda lasiiyo beecinteeda iyo wixii la mid ah.

Talaal bilaash ah

Tallaalka koronaha waxay u egtahay inuu bilaash u noqon doono macaamiisha.

- Mabda'a guud ayaa ah in barnaamijka tallaalka qaranku yahay lacag la'aan. Tanina waa mabda'a sidoo kale, ayeey tidhi Madaxa Dhakhtarka Nohynek.

Sida laga soo xigtay Voipio-Pulk ee STM, cirbadu waxa lacag ah lagama bixinayo, waxaana Finland ka go'an iyadoo qayb ka ah Midowga Yurub inay isla daboolaan kharashka tallaalka ku baxaya.

Nohynek waxay u qiyaastay Yle kol hore in talaalada si guud loo heli doono horraanta sanadka soo socda.

Koronatestausta Kuopion terveysasemalla
/ Kuva: Sami Takkinen / Yle

Pfizer iyo BioNTech ayaa sheegtay inuu wax tarka tijaabada talaalkeeda noqoday 90%

Shirkadaha dawooyinka ee Pfizer iyo BioNTech ayaa sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray horumarinta talaalka koronaha.

Tallaalka ay soo saareen ayaa tijaabooyinka wareegga sadaxaad oo hadda socda ay ka hortageen 90% cudurka COVID-19 oo uu sababo fayraska korona.

Waxay ahayd markii ugu horreeysay ee shirkadaha dawooyinku ay soo bandhigeen natiijo tijaabooyin guulaystay oo lagu sameeyay talaalka koronaha.

Natiijooyinka hordhaca ayaa muujiyay in tallaalku difaac sameeyay toddobo maalmood kadib markii talaalkaa wejigiisa labaad la fuliyay iyo 28 markii laga joogo talaalka wejigiisii koowaad.

Natiijooyinka ugu horreeya ee tallaalka COVID-19 wajigiisa sadaxaad ayaa si hordhac ah uga marqaati kacaya awoodda uu tallaalkeenu u leeyahay ka hortagga COVID-19," ayuu Albert Bourla oo ah madaxa ugu sareeya shirkadda Pzifer ee dalka Mareykanka, wuxuuna sidaa ka dhex yiri warsaxaafadeedkii shirkadaha.

- Tallaabo muhiim ah oo aan ku caawinayno dunida looguna dhowaanayo sidii loo joojin lahaa dhibaatada caafimaad ee aduunka ka aloosan ayaan qaadnay.

Wejiga sadaxaad ee tijaabada talaalka ayaa la bilaabay dabayaaqadii bishii todobaad, taasoo ay ka qayb qaateen 43,538 ka-qeyb-qaate.

Midowga Yurub ayaa heshiis hor-maris ah la galay BioNTech iyo Pfizer. Kharashka heshiiskaan hor-mariska eh ee Midowga Yurub ayaa laga bixin doonaa sanduuqa xaaladaha degdegga ah ee Midowga Yurub, kaasoo dhammaan 27ka Dal ee xubnaha ka ah ay qayb ka yihiin.

Sida hadda la saadaalinayo, shirkaduhu waxay rumeysanyihiin inay soo saari karaan illaa 50 milyan oo tallaal sannadkan halka 1.3 bilyanna ay soo saari karaan sanadka soo socda.

Ruushka: Wax-galnimada tallaalka Sputnik waa 92 boqolkiiba

Sanduuqa maalgelinta iyo suuqgaynta talaalka Sputnik V oo lagu samaynayo Ruushka ayaa sheegay in natiijooyinka tijaabooyinka hordhaca ah ee tallaalkaan ay tilmaamayaan inuu 92% boqolkiiba ka hortegayo fayraska koronaha.

Waxaa tijaabadan ka qaybqaatay 16,000 oo qof. Tijaabada xigta ee la qaadayo waa waxa loogu yeero wejiga sadaxaad ee talaalka, kaasoo ay ka qayb qaadanayaan 40,000 oo mutadawac, kuwaas oo kala jooga dalka daafihiiisa.

Ruushka ayaa horaantii bishii sideedaad u diiwaangaliyay in talaalkaan lagu isticmaalo gudaha dalka waxaana ilaa hada lagu talaalay qiyaastii 10,000 oo ka mid ah kuwa cudurka halista ugu jira.

BioNTechin rakennus Saksassa Mainzissa.
/ Kuva: Ronald Wittek / EPA

6.11.2020

"Xaaladda ma ahan mid lagu kalsoonaan karo laakiin waa mid qarax ku dhow"

Sida lagu sheegay warbixinta toddobaadlaha ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Arrimaha (STM) iyo Machadka daryeelka caafimaadka iyo nolol wanaagga (THL), xaalada faafidda cudurka ayaa guud ahaan dhowr usbuuc dalka dhan xasiloonayd, sidaasoo ay tahay, farqiga u dhexeeya gobollada kala duwan ayaaa ahaa mid aad u wayn. Tirada cudurka la helay todobaadkii hore waxay 100 000-kii kun oo la baaraba ka ahayd48. Arbacadii 4.11. tirada la helay waxay ahayd 294, iyadoo usbuucyadii la soo dhaafayna tiradu ay ahayd qiyaastii 200 maalintiiba.

Xogta la helay arbacadii (4.11) ayaa tilmaamaysa inay arbacadii 65 qof cudurka dartiis isbitaalka ugu jireen, kuwaasoo 15 ka mid ahna ay ku jireen qaybta dadka liita. Tirada dadka cudurka laga helay ay ka noqonayaan guud ahaan inta la baaray ayaa wax yar kor u kacday marka la barbar dhigo todobaadyadii hore. Xogtii ugu dambaysa ayaa tilmaantay in tirada koronaha la xaqiijiyay ay gaarayaan 17 000.

Nasiib darro, isu faafida virusku waysii kordhaysaa, ayay tiri Liisa-Maria Voipio-Pulkki oo ah madaxa istraatiijiyadda.

Xaaladdu maahan mid lagu kalsoonaan karo laakiin waa mid qarax ku dhow ayay Vopio-Pulkki carabka ku adkaysay.

Marka la fiiriyo warbixintii usbuucii u dambeeyay, xaaladdu way isasii beddelaysaa. Voipio-Pulk waxay qabtaa in xaddidaadihii iyo talobixinnadii hadda dalka dhan laga wada hirgeliyo.

Magaalooyin horleh ayaa galay marxalada kicitaanka cudurka

Sida laga soo xigtay warbixinta degaannada kala duwan (maxalliga ah), waxaa shalay marxalada kicidda cudurka ku jiray guud ahaan lix degaan: Helsinki iyo Uusimaa, Kanta-Häme, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Vaasa iyo aagga daryeelka caafimaadka ee Varsinais-Suomi iyo weliba gobalka Ahvenanmaa.

Marka la barbardhigo todobaadkii hore waxaa isbedelay degaannada hoostaga isbitaallada Vaasa ku dib ugu laabatay marxalada kicitaanka cuduraka kana soo degay marxalada faafitaanka, iyo Lansi-Pohja oo marxalada aasaasiga ah ka baxday una gudbtay marxalada kicidda cudurka.

Da’ yarta ayaa sida badan qaadida cudurka u badan

Qaadida cudurka ayaa weli u badan da' yarta iyo dhalinyarada waaweyn. Todobaadkii 44-aad, ku dhowaad 80% dhammaan kiisaska la helay waxay ahaayeen dad da'doodu ka yar tahay 50 sano. In ku dhow kalabar kiisaskaa waxaa lagu arkay dad da'doodu ka yar tahay 30 sano. Tirada laga helay dadka da’'doodu ka weyntahay 60 sano ee la helay waxay ka yaraayeen 10 boqolkiiba halka 70 sano kuwa ka waynna ay ahaayeen wax yar boqolkiiba. Ilaalinta dadka cudurka halista ugu jira waa muhiim, waayo in kastoo qaadida cudurku ku yaraatay dadka da’da ah hadana waxaa kor usii kacaya isbitaal dhigidooda ayay Voipio-Pulkki ka dhawaajisay.

Pulkki waxay rabtaa inay dadku maalinta aabaha iyo kirismaskaba saxuusnaadaan masaafada badbaadada iyo xayiraadaha isu imaatinka.

-In la yareeyo isu soo dhowaashaha waxay xitaa muhiim u yihiin kuwa dareensan inay caafimaad qabaan ayay tiri madaxa maamulka istaraatiijiyadu.

-Dabagalka ilaha isku daarashada cudurka ayaa xoogaystay usbuucyadii u dambeeyay. Qiyaastii 60 boqolkiiba halkii laga qaaday ayaa la ogaan karaa.

Dib u eegig lagu sameeyay sida laysuu daarsanayo ayaa sheegaysa in 60 boqolkiiba ay isu gudbiyeen qoysaska gudohooda. Kulamada sokeeyaha kale iyo kulamada gaar-gaarka ah ayaa iyagana lagu kala qaaday 10–15 boqolkiiba. Goobaha shaqada waxaa lagu kala qaaday qiyaastii 10 boqolkiiba, meelaha hiwaayadahana qiyaastii 8 boqolkiiba.

Kasvomaskiin pukeutunut nuori bussipysäkillä.
/ Kuva: Tiina Jutila / Yle

Korona malaga qaadi karaa xawayaanka, goorma ayuu dhamaanayaa cudurkan?

Khubarada qaranka ayaa kajawaabey su'aalaha dhageystayaasha ee ku saabsan korona habeenka Radio Finland 2.11.

Waxaan ka soo xulnay qaybo ka mid ah kuwii ugu wanaagsanaa baahintan. Su'aalaha dhagaystayaasha waxaa ka jawaabay Madaxa Shaqaalaha Kirsi Varhila oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Caafimaadka, Agaasimaha Waaxda Badbaadada Caafimaadka Mika Salminen oo ka socda Waaxda Caafimaadka iyo nolowanaaga iyo Madaxa Cudurrada faafa Asko Järvinen oo ka socda Helsinki iyo Uusimaa xarumaheeda caafimaad

Miyuu coronavirus ka khatar badan yahay Hargab xiliyeedka?

Mika Salminen, THL: Waxaa jira qaabab cabsi badan oo hargab xilliyeedka xitaa ah, laakiin hargabka waan la qabsanay. Wuxuu ku dhex wareegayay dadweynaha marar badan, waxaanan taas u leenahay tallaallo. Hargabku sidoo kale wuxuu noqon karaa cudur halis ah oo da'da qofka marwalba waxay kordhisaa halista cudurka. Si kastaba ha noqotee, halista waayeelka ee korona ayaa si cad ugu sarreysa mida hargabka, sidoo kale dhinaca dhalinyarada da'da yar ayeey u muuqataa inay badan tahay ujirashada cudarkan.

Asko Järvinen, Su'aashu HUS: waa qosol - daacuun, ama cudurka qatarta ah ee bakteeriyada keento labadaba? Fayraska korona wuxuu sii dulfuulayaa dureyga, wuxuuna u muuqdaa inuu 4-5 jeer ka halis badan yahay hargabka.

Unugyada difaaca jirka qof mar u jiraday korona maka difaacayaan inuu markale ku dhaco?

Asko Järvinen, HUS: waxay u badan tahay cudur aad u daran kahortaga difaaca jirku wuxuu noqon karaa mid aad u dheer. Weli lama haayo kiisas uu cudurku si aad u daran ugu soo laabtay bukaanka. Ma garan karno waqtiga difaaca jirku soconayo.

Maxaan ka ognahay daweynta astaamaha muddada-dheer ee Korona?

Asko Järvinen, HUS: Nasiib darro wax aad u yar. Ma garanayno dhab ahaan astaamaha - sida madax xanuun, murqo xanuun iyo kalagoysyo xanuun, neefta oo ku qabata iyo daciifnimo waxa sabab u ah, mana naqaanno sida loo bixiyo daaweyn ku habboon. Waxaan daweynaa calaamadaha aan si fiican u naqaano. Waqtiga ayaa laga yaabaa inuu yahay daawada ugu fiican kiisaskan.

Sidee loogu kalsoonaan karaa baaritaanada hada la sameeyo?

Asko Järvinen, HUS: Haa, baaritaanadan waa la isku halleyn karaa. Waxay noqon karaan kuwo xasaasi ah. Dhibaatadu waxay u badan tahay dhinaca cilmiga nafleyda. Dadka oo dhami ma hayo fayraska goobta baaritaanka xiliga laga qaadayo, ka dibna jawaabtu waxay noqon kartaa inuusan cudurka qabin oo been ah. Dhinaca kale, qofka aan fayrus-ka laga helin marinka sare ee neef-mareenka uma badna inuu faafiyo cudurka ilaa xad. Aqoonta caafimaad ma jirto cudur la baari karo boqolkiiba boqol.

Sidee ayuu yahay awoodda baaritaan ee hadda?

Asko Järvinen, HUS: Waqtigan xaadirka ah, awooda baaritaan waa la heli karaa. Aagga Hus, wax laga walwalayo waa in imaatinka baaritaanada ay hoos u dhacday. Waxaan jeclaan lahaa in dadku codsadaan baaritaanka. Saldhigga istiraatiijiyadda hadda jirta ayaa ah in la helo cudurro, la garto silsiladaha infekshinka lana kalajaro.

Halkee iyo sidee ayey ugu dhowdahay in cudurka laga qaado ?

Mika Salminen, THL: Infekshannada badankood waxay ka dhacaan guryaha. Iyo guud ahaan meelaha gudaha ee dad badani joogaan

Korona malaga kala qaadi karaa xoolaha?

Mika Salminen, THL: Waxaa jiray faafid baaxad weyn oo ku dhacday meelaha lagu xaneeneeyo mink ee ku yaal Yurub oo aadanaha ka qaadeen infekshin. Gudaha Finland, qawaaniinta nadaafadda oo qaas ah ayaa saaran kuwa ka shaqeeya meelaha mink lagu haayo.

Waa imisa tirada infakshin ee cudurka karona ee laga qaado safarada diabada?

Mika Salminen, THL: Qayb aad u yar oo ka mid ah tirada infekshannada la ogaaday waxay ka yimaadaan dibadda. Warbixintii hore, ilaa lix boqolkiiba. Dabcan, qadarka safarku hadda wuu yar yahay.

Sidee la isugu diyaariyaa xilliga ciida Kirismaska?

Mika Salminen, THL: Kani waa cudur faafa oo u muuqda inuu leeyahay halis fiditaan xiligiisa ugu sareeyo waqtiga jiilaalka. Haa, waan taxaddari lahaa inta lagu jiro xilligan ciidda. Kulamada waa in loo abaabulaa kooxo yar yar.

Sidee ayey muhiim u tahay in la xirto maaskarada marka la sameynayo iibsi dukaan gaaban?

Asko Järvinen, HUS: Halista infekshinka oo wayn ee socod-ka gaaban ma badna, halka xiriir dhow lala yeelanayo dadka halista infekshanku uu sareeyo. Isticmaalka maaskaro waxay farriin u tahay qof walba inuu daneeynayo in qofka kale ka taxadarayo lana is daryeelayo. Waxaan siinaynaa dadka cudurka halista ugu jiro ama taxadarka dheeriga samaynaya fursad ay ku awoodaan inay dukaamaystaan

Goormuu korona dhammaanayaa?

Mika Salminen, THL: Xaqiiqdii waxaa jiri doonta maalin aan ku jirno nolol maalmeedka caadiga ah. Aad ayaan ugu qanacsanahay arintaas. Goorma? Dadka wax rajeeya waxay yiraahdaan xagaaga soo socda, laakiin waxay qaadan kartaa waqti ka dheer. Laakiin ma noqonayso in sidan weligeed loo dhibanaado.

Koeputkia  Messukeskuksen drive-in-koronavirustestausasemalla.
/ Kuva: Silja Viitala / Yle

30.10.2020

Finland ayaa dhigtay rikoor adduunka ah oo ku saabsan koronavilku, siyaadidda caabuqa waxay umuuqataa in la hakiyay.

Waxay u muuqataa inuu hoos u dhacay kobacii infekshanka loo yaqaan korona fayrusuga, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka STM. Dhacdooyinka kiisaska cusub, tirada saamiyada la baaray, iyo baaritaanada saamiyada la baaray ee cudurka laga helay ayaa hadii si loo fiiriyo ahaa kuwa uusan is badalin heerkooda ilaa labo isbuuc. Sidoo kale baahida loo qabo daryeel cisbitaal ayaa ahayd mid aan darnayn.

- Baahida loo qabo isbitaal iyo daryeel xoog leh ayaa ka jirta guud ahaan Finland. Si kastaba ha noqotee, tirooyinku wali way yar yihiin oo suurtagal maaha in la sheego inay kala duwan yihiin

jirooyinka dadka ku jiro daryeelka xoogga leh ama qaabka jiradooda xiliga guga.

Celceliska da'da dadka galaya daryeelka degdega ah waxay la mid yihiin midkii xiligii guga, yacni dadka kayar 60 sano, ayay tiri Liisa-Maria Voipio-Pulkki, agaasimaha istaraatiijiyada STM.

Waxaa xaalad fiditaan ku jira Isbitaallada degaanada Vaasa iyo, shan goobood oo kale ah: Helsinki iyo Uusimaa, Kanta-Häme, Pirkanmaa iyo Varsinais-Suomi sidoo kale Ahvenmaa.

Isbitaalada degaanada Koonfurta-Pohjanmaa ayaa ku dhawaaqay inay ka soo laabteen heerkii siyaadidda kuna soo noqdeen heerkii caadiga ahaa. Isbitaal degmooyinka kale ee 15-ka ah ayaa kujira xaalad caadi ah.

Maxay Finland xaaladdu hoos ugu dhacday, iyadoo meelaha kale ee Yurub ay siyaadeyso?

Dunida oo dhan, tirada kiisaska ayaa kordhay, iyo sidoo kale tirada dhimashada. Yurub

dalalka dadkoodu badan yihiin, sida Faransiiska iyo Isbayn tirada caabuqu wuxuu ka batay si ka badan xitaa sidii waqtiga guga, kororkaan waxaa qeyb ahaan lagu macneeyay baaritaanada dheeraadka ah, laakiin sidoo kale xilliga sanadka iyo xiriirada dadka oo kordhay, ayay tiri Mika Salminen, agaasimaha THL.

- Kiisaska dhimashada ayaa hoos u dhacday ilaa gu’ga, tanina waxaa qayb ka ah in kiisaka fudud xataa loo hilayo si badan.

Wadamada Waqooyiga Yurub, tusaale ahaan Denmark, Norway iyo Finland, xaaladdu waxay u muuqataa wax yar mid wanaagsan.

- Suuragal ma aha in lagu jiido xaqiiqda ah inay tani tahay xaalad joogto ah. Laakiin waxay muujineysaa in dadka Finnishka ah ay ku guuleysteen shaqada, taas oo ah tan ugu muhiimsan:

kala fogaanta dadka, daryeelka nadaafadda iyo isticmaalka maaskarada, arintaan oo

si cad looga dareemayo inay siyaaday ugu yaraan muuqaalka wadooyinka, meelaha ay talo

bixintaan ka socoto.

Tusaale ahaan Faransiiska iyo Jarmalka, waxay sheegeen xayiraado cusub oo weyn. Maxay xaaladda Finland uga duwan tahay mida Yurubta kale? Sida uu sheegay Mika Salminen xaalada

Finland xagaagii way ka fiicneyd dalal badan oo Yurub ah, marka heerka bilawga ayeey ka fiicnayd. - Finnishku siday u badan yihiin waxay raacaan tilmaamaha iyo talooyinka si aad u wanaagsan. Ma dhayalsan karo arintaan. \u0009 Sida laga soo xigtay Salminen, 2.5 milyan oo Finnish ah ayaa soo dagsaday koronavilku, taas ayaa siday isaga la tahay ah rikoorka adduunka. Waxay sidoo kale dedejineysaa habka loo helo macluumaadka laga yaabo in uu jiro qof u tabar darnaaday korona fayrus, ayuu yiri Salminen.

Ku dhowaad dhammaan inta heshay koodhka (lambarka) tilmaamaya inuu cudurku ku dhacay ayaa raba inay uga digaan dadka kale ee isticmaala barnaamjika. Waxaa jira cadaymo muujinaya in dadka finishka ah ay heer shakhsi ahaaneed oo xilkasnimo ku jirto ula dagaallamayaan faafidda cudurka.

Salminen ayaa carrabka ku adkeeyay inaysan xaaladda hadda lagu jiro ahayn mid joogto ah, ayna tahay in lasii wado dadaallada si aysan uga darin. Tallaabooyinka ay degaannadu gooni-goonida u qaadeena ayuu Salminen ku tilmaamay inay shaqeeyeen.

In badan oo caabuqyada ah ayaa la raad raaci karaa, in ka bdan kala bar isu gudbinta cudurku waxay ka dhexdacday reerka gudihiisa.

Todobaadkaan ayaa marka la barbardhigo todobaadyadii hore, caabuqyo tiro ahaan ka badan intii hore la aqoonsaday habka loo kala qaaday. 35 – 40 boqolkiiba ka mid ah caabuqayada laysu gudbiyay dalka dhan ayaa la garan waayay cidda gudbisay. Kuwa la ogaaday cida isu gudbisay ayay 60 boqolkiiba reeruhu dhexdooda isaga gudbiyeen, 15 boqolkiiba dhexgalka khaaska ah ee shakshigu la yeeshay bulshada ayaa lagu kala qaaday, 10 boqolkiiba waxaa lagu kala qaaday goobaha hiwaayadaha halka 10 boqolkiiba lagu kala qaaday goobaha shaqada. Caabuqa laysugu gudbiyay makhaayadaha ee la soo sheegay ayaa aad uga yaraa sidii hore. Goobaha waxbarashada iyo xanoonooyinka caruurta ayaa iyagana wax aad u yar oo isku daarasho ah lala xiriiriyay.

Xakamaynta raaca labaaad ee cudurka ayaa u baahatay dadaallo dheeraad ah. Waxaa loo baahday tallaabooyin maxalli ah oo laqaado waqtiyada ku haboon. Si gaar ahaaneed labadii todobaad ee ugu dambaysay ayaad moodaa in dabagalka cudurku uu si habsami leh u dhacay, silsiladihii cudur isu sii gudbintana la kala jaray. Sidaasna waxaa sheegay Voipio-Pulkki oo ka socda STM.

Laga soo bilaabo bishii sagaalaad, baaritaannada koronaha ee maalintiiba la sameenayay ayaa gaarayay 10 000 -18 000. Aagagga HUS ayaa tusaale ahaan, sida uu sheegay maamulaha STM Pasi Pohjola, baaritaanka iyo soobixidda natiijaduba waxay qaadanayaan isku celcelis ahaan 40 saacadood. Waxaa sidoo kale la howlgeliyay oo la isticmaalay habka baarintaannada degdega ah.

Sida uu sheegay Voipio-Pulkki, caabuqa ayaa weli inta badan laga helayaa da’ yarta iyo dhallinyarada qaan-gaarka ah. Waxay u muuqataa in ilaalinta dadka halista ugu jira cudurka lagu guulaystay, goobaha dadka waawayn lagu xanaaneeyana la bartay habka looga ilaaliyo cudurka.

-Kulammida dadka 70-sano ka wayn ayaa la kordhiyay. Waxaana sidaa loo sameeyay si aanan looga go’doomin bulshada kale. Isu gudbin badan oo cudrka ah laguma arag goobahaas maadaama hadda iska ilaalalinta cudurka iyo ka ilaalinta dadka waawaynba si ka fiican sidii loo bartay. Habka hadda ayaa ah midka saxdaa ee lagu wadayo goobahaas.

Työntekijöitä Helsingin Messukeskuksen drive-in-testauspisteellä lokakuussa.
Kuva: Silja Viitala / Yle

23.10.2020

Xaddidaadda kulanka ayaa ka sii socon doona Waqooyiga Pohjanmaa iyo Kainuu illaa Nofeembar

Wakaaladda Maamulka Gobolka ee Waqooyiga Finland waxay ku adkeysatay go'aankeeda ku saabsan xannibaadaha isku-imaatinka ah ee Waqooyiga Pohjanmaa iyo gobolka Kainuu iyadoo la raacayo sharciga cudurrada faafa.

Bisha Nofeembar, munaasabadaha dadweynaha iyo shirarka guud ee dad ka badan 50 qof ayaa la qaban karaa, sida bilaha Sebtembar iyo Oktoobar, hadii la raaco tilmaamaha THL iyo OKM ee Sebtember ee ka hortagga caabuqa korona fayrus.

Sharciga wuxuu shaqeynayaa 1 illaa 30 Nofeembar, wuxuuna quseeyaa Pohjois Pohjanmaa iyo 38 degmo oo ku yaal gobolka Kainuu.

Haddii xaalada cudurka faafa ay isbedesho, Wakaaladda Maamulka Gobolka ee Waqooyiga Finland ayaa dib-u-qiimeyn ku sameyn doonta go'aankan xaddidaadda ee isu imaatinka waxayna beddeli kartaa go'aankeeda.

Kainuun keskussairaalan opastekyltti
Kuva: Antti Tauriainen / Yle

Baararka qamriga lagu cabo ayaa la saaray xayiraado ka adag maqaayadaha cuntada

Marka loo eego go'aanka guddiga arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee baarlamaanka, maqaayadaha waxaa loo qaybin doonaa laba koox laga bilaabo bilawga bisha Nofeembar iyadoo lagu saleynayo ujeedada ugu weyn ee dhaq dhaqaaqa ganacsigooda.

Xayiraadaha ugu adag ayaa la saarayaa makhaayadaha ujeeddadooda koowaad ay tahay inay iibiyaan cabitaannada aalkolada leh. Kuwaas, tirada macaamiisha waxaa lagu xadidi karaa ugu badnaan 50 boqolkiiba, ama kalabar tirada macaamiishooda. Sababta ayaa ah khatar kale ee caabuq oo ka dhaci kara maqaayadaha kala duwan.

Xayiraadaha dabacsan waxaa la saarayaa dukaamada cuntada, makhaayadaha iyo kuwa lagu qadeeyo. Tirada macaamiishooda ayaa lagu xadidi karaa ugu badnaan 25 boqolkiiba tirada ugu badan ee maqaayada.

Sabab kale oo xadidaad loo samayn karo ayaa ah tirada caabuqa ka jira meelaha kala duwan. Sharciga waxaa loo dhigaa qaab ah in xayiraadaha mabda 'ahaan ay ka dhaqan galayaan oo keliya meelaha xanibaadaha ay lagama maarmaanka u yihiin. Xaddidaahu waxay noqon karaan heerar kala duwan marka la eegayo meelaha cudurka karoonuhu ka yahay aasaasi, ama uu dardar ku socdo ama marxaladda faafitaanku marayo.

Ravintola Yuca Rovaniemellä.
Kuva: Pekka Viinikka / Yle

STM: Kobaca caabuqa korona fayrus ayaa simanaaday.

Tirada cusub ee caabuqa korona fayrus ee Finland aad ayey kor ugu kacday muddo bil ah, laakiin usbuucii la soo dhaafay kor u kaca wuxuu umuuqdaa mid gaabis ah, ayay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka STM. Marka loo fiiriyo usbuucii hore, saamiga tijaabooyinka dadka laga helay cudurka ee lagu baaray dhammaan shaybaarada ayaa hoos u dhacay waddanka oo dhan.

Xaaladd faafid ah ayaa lagu soo warramey inay si xawli ah ugu socoto isbitaallada Helsinki iyo Uusimaa, Kanta-Häme, Pirkanmaa, Varsinais-Suomi iyo Koonfurta-Pohjanmaa, sidoo kale hadda Ahvenmaa.

Toddobaadkii 42, qiyaastii 80 boqolkiiba dhammaan kiisaska korona waxaa laga helay dadka da'doodu ka yar tahay 50 sano iyo ku dhowaad kalabar kuwa ka yar 30 sano jir. Caabuqa Dadka da'doodu ka weyn tahay 60 jir waxay kayar yihiin 10 boqolkiiba. Qiyaasta dadka ka weyn da'da 70 sano aad ayey u yaryihiin. Qiyaastii kala bar caabuqyada cusub meesha laga qaaday ayaan guud ahaan dalka la ogayn.

Fimlabin koronavirustestauspiste Tampereen messu- ja urheilukeskuksessa.
Kuva: Antti Eintola / Yle

16.10.2020

Isticmaalka maaskarada wajiga ayaa lagula talinayaa dhamaan goobaha shaqada ee agagaarka caasimada

Kooxda iskuduwida koronaha ee nawaaxiga caasimadda waxay ku talinayaan in dhamaan dadku goobaha shaqada ku isticmaalaan maasgarada wajiga. Kooxda shaqo waxay kaloo ku talinayaan in waalidiintu maaskarada isticmaalaan markay joogaan goobaha ilmaha lagu xanaaneeyo.

Kooxda Isuduwidda ayaa sidoo kale soo jeedinaysa in qodob khasab ah laga dhigo, inta lagu jiro bisha Oktoobar in munaasabadaha dadweynaha ee dad ka badan 20 qof la qaban karo oo keliya haddii dhammaan kaqeybgalayaasha xirtaan maaskaro. Go'aanka rasmiga ah ee arinkan waxaa gaaraya Hay'adda Maamulka goobta ee Koonfurta Finland.

Agagaarka magaalomadaxda, waxaa hadda kahor lagula taliyay isticmaalka maaskarada, tusaale ahaan gaadiidka dadweynaha iyo goobaha gudaha ee dadweynaha ka dhaxeeya, halkaas oo xiriir dhow aan marwalba la iska ilaalin karin.

Howl wadeenada qaar waxay qabaan halkii ay waajib ka ahaan lahayd isticmaalka maasgarada in shuruud looga dhigo. Tusaale ahaan, Xiriirka Kubadda Cagta ayaa sheegay in waqtiyada ay jiraan kulamadooda qaf aan maaskaro wadan uusan soo gali karin goobta. Maaskarada wejiga ayaa looga baahan yahay dhammaan dadka ka weyn 15 sano ciyaaraha kubbadda cagta ee Veikkausliiga iyo National League.

kasvomaski naisen naamalla
Kuva: Ari Tauslahti / Yle

THL: Tirada ku jira cisbitaallada ayaa labanlaabmay dhammaadka Sebtember

Tirada infekshannada cusub ee korona fayrus ee Finland ayaa aad u kordhay bishii la soo dhaafay, ayuu yiri Machadka Daryeelka Caafimaad iyo Nololwanaaga ee

THL. Tirada bukaanada ku jira isbitaalka ayaa in ka badan laba jibaarmay marka loo eego dhamaadka bishii Sebtember.

Inta badan infekshannada ayaa wali waxaa qaba dhalinyarada. Toddobaadkii la soo dhaafay, in ka badan 80 boqolkiiba dhammaan kiisaska waxaa laga helay dadka ka yar 50 sano jir iyo ku dhowaad 60 boqolkiiba kuwa ka yar 30 sano.

Inta badan infekshannada cusub waxaa toddobaadkan laga helay Helsinki iyo Uusimaa iyo isbitaalada kuyaala Vaasa. Tusaale ahaan, khamiistii, THL waxay soo warisay 241 infekshan cusub oo korona fayrus ah. Ilaa Khamiistii wadar dhan 12,944 infekshan ayaa la diiwaangeliyey.

Länsi-Pohjan keskussairaala
Kuva: Antti Ullakko / Yle

Waqtiga Karantiilka koronaha iyo go’doomintaba waa lasoo gaabiyay

Karantiilka is xilqaanka ah ee koronaha iyo kuwa uu dhaqtarku go’aamiyaba waxaa laga soo gaabiyay 14-kii maalmood oo ay horay u ahaayeen, iyadoo laga dhigay 10 maalmood. Machadka daryeelka caafimaad iyo nolol wanaaga (THL).

Sida laga soo xigtay dhakhtarka sare Taneli Puumalainen, in ka badan kala bar dadka ayaa cudurka u jirrada shan maalmood guduhood marka lagasoo bilaabo maalinta ay dhici karto in lagu daartay. Ku dhowaad dhamaan dadkana waxaa cudurka qabtaa 10- maalmood guduhood, waana dhif iyo naadir inta u jirrata tobonkaas maalmood ka dib.

Dhanka kale go’doominta qofka uu haleelay caabuqa fudud oo horay u ahayd 14 maalmood ayaa laga dhigay todoba maalmood. Waxaa caabuqqa loo arkaa inuu yah mid fudud, hadii aan loo baahanin in bukaanka la dhigo isbitaalka qaybtiisa dadka aadka u liita.

Si walba ha noqotee, go’doominta guri ku jirtka ah waxaa la joojin karaa markii laba maalmood oo xiriir ah bukaanka laga waayo astaamaha cudurka.

Puumalainen oo ka socda THL ayaa sheegay in marka uu buukaanka caabuqa koronuhu ugu daarashada badanyahay ay tahay dhowr maalmood ka hor inta aysan astaamuhu kasoo muuqan iyo maalmo yar kadib. Waqtigaas wixii ka dambeeya si dhakhso leh ayay faafinta cudurku u yaraataa, si gaar ahaaneed bukaannada caabuqoodu fududyahay.

Isbedeladaani ma quseeyaan go'doominta iyo karantiillada billowday wixii ka horeeyay Isniinta toddobaadkaan.

Lyijykynä karanteenitekstin päällä
Kuvituskuva Kuva: Silja Viitala / Yle

9.10.2020

Brograamka Koronavilku oo luuqadiisu inglish tahay ayaa la soo saaray

Brograamka Koronavilkku oo ku qoran luuqada ingiriiska ayaa lagu soo siyaadiyay taleefonada Androidka iyo Iphoneka. Intaa waxaa dheer in Koronavilku amaradiisa lagu daray xulista luuqadda. Doorashada luuuqada hadda si toos ah ayaa looga beddeli karaa amarada brograamka Koronavilku, halka markii hore ay ahayd in laga beddelo amarada taleefanka.

– Koronavilku luuqadiisu tahay ingiliis wuxuu siinayaa dad aad u tiro badan oo ku nool Finland fursad ay kaga qaybqaataan kahortaga faafida cudurka. Doorashada luuqadda cusub ayaa sahlaysa in la beddelo luqadda. Isbedelkaan waxaan u sameeynay jawaab celinta aan ka helnay isticmaaleyaasha ”ayuu yiri Aleksi Yrttiaho, oo ah Agaasimaha Maareynta Macluumaadka ee THL.

Taleefonnada badankooda Koronavilkku ayaga ayaa si automaatik ah isu cusboonaysiinaya. Si walboo ay tahayse, waxay THL ku talinaysaa in layska hubiyo inuu brograamku is cusuboonaysiiyay iyo in kale. Waxaa cusuboonaysiinta laga samayn karaa Google Playga ama App Store.

Koronavilkku waxuu dadajinayaa in xiriir lala sameeyo dadka halista u galay qaadida cudurka iyo in la jaro silsiladda isku daarashada ee uu qofba kan kale uu isii gudbinayo. Hadba sida ay u badanyihiin tirada dadka isticmaalaya prograamka ayay u badanayaan dadka sida dagdaga ah loogu wargelin karo hadii ay halis u galeen curka. Waxaa prograamkaan lasoo dejistay in kabadan 2,3 milyan oo jeer.

Henkilön kädessä puhelin jossa koronavilkku sovellus.
Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Dukaamada raashinka ayaa si adag ugu talinaya in macaamiishu isticmaalaan maaskaro

Dukaamada raashinka ayaa si adag ugu soo jeedinaya macaamiishooda isticmaalka maaskarada. Waxay kula talinayaan macaamiishooda in ay isticmaalaan maaskarada wajiga, gaar ahaan meelaha uu cudurka faafidiisu siyaadayso.

Talabixintaan waxay sidoo kale khuseysaa dukaamada iyo xarumaha wax laga iibsado. Meelaha uu cudurka koronaha ku siyaadayo waa Uusimaa, Varsinais-Suomi, Pirkanmaa iyo Kanta-Häm. Pohjanmaa durba waxay ku jirtaa xaalad uu ku fidiya cudurka korona.

- Sharcigu ma ogola in dadka lagu qasbo maaskarada, sidoo kale meelaha ganacsiga ma haystaan awood ay waxyaalahaas ku xakameyn karaan, iskaba daa in la soo rogo. Shaqaalaha dukaamada ma haystaan qaab uu sharcigu u ogol yahay inay uga hortagaan dadka aan wadan maaskarada inay ka adeegtaan dukaanka, ayuu sheegay Kari Luoto, oo ah madaxa Ururka Ganacsatada Raashinka ee Finland.

Kuvassa on maski ihmisen kädessä.
Maskit on syytä ottaa mukaan juhliin. Kuva: Silja Viitala / Yle

Waqtiyada furnaashaha baararka iyo cabidda khamriga ayaa is bedel lagu samaynayaa

Laga billaabo khamiista 8.10, maqaayadaha dalka oo dhan waa inay joojiyaan khamriga ugu dambayn saacadu markay tahay 24, albaadana ay xiraan ugu dambayn saacadu markay tahay 01.00.

Dowladda ayaa todobaadkii hore koronaha awgiis go’aan ka gaartay waqtiyada furnaanshaha iyo khamri ku cabidda baararka.

Laga bilaabo axadda soo socota, meelaha uu koronuhu faafayo ama uu bilaabay inuu kor u kaco waxaa laga hirgeli doonaa xayiraado dheeraad ah oo la xiriira cabida khamriga iyo furnaashaha baararka.

Uusimaa, Varsinais-Suomi, Pirkanmaa iyo Kanta-Häme ayaa ah goobaha uu koronuhu bilaabay inuu kor ukaco. Pohjanmaa iyadu waxayba gashay heerka faafitaanka cudurka.

Goobahaas aan soo sheeganay waa inay baararku joojiyaan khamriga ugu dambayn saacadu markay tahay 22.00 ayna albabaada xiraan ugu dambayn 23.00. Waxay baararku gudaha markiiba u ogolaan karaan macaamiil gaaraya ugu badnaan kala bar intii ay markiiiba horay ugu ogolaan jireen.

Ihmisiä syömäss ravintolassa.
Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Kiisaska koronaha ayaa aad kor ugu kacay intii lagu jiray bishii dhamaatay

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka iyo arimaha bulshada (STM), kiisaska cusub ee koronaha la helayo ayaa todobaad walba bishii lasoo dhaafay si aad ah kor ugu sii kacayay dalkaan Finland..

Agaasimaha THL Mika Salminen ayaa sheegay inuu viruska sii xoogeysan doono xilliygaan dayrta iyo qaboobahaba (jiilaalka). Dalal badan oo Yurub ah ayuu koruhu u kacay. Salminen ayaa sheegay in sidaas si la mid ahna uu Finland kor ugu kici doonaa. Salminen wuxuu sheegay in kiisas hor leh oo gaaray 296 la helay khamiista 8.10.

Isbitaallada degaannada iyo midowga degaannada ayaa barahooda bulshada kusoo uruuriyay xayiraadaha iyo talobixinnada waqtigaan ka-kala jira degaannada kala duwan. Isla barahaas bulshada ayaa laga ogaan karaan heerka faafidda cudurka ee degaanka aad degantahay iyo sida loola dhaqmayaba. Linkiyada degaannada kala duwan waxaad ka heli kartaa halkaan (riix halkaan si aad ugu wareegto adeeg kale).

War saxaafadeedka STM ayaa lagu sheegay inay goobo kala duwan oo Finland ah, kuwaas oo guud ahaan 149 gaaraya ay kooxo dad ah halis u galeen qaadida cudurka. In ka badan kala bar dhacdooyinkaani waxay dhaceen machadyada wax barashada, xanaanooyinka iyo meelaha waqtiyada firaaqadaa lagu qaato. Qiyaastii 10% waxay dhacdooyinkani ka dhaceen maqaayada, baararka khamriga iyo goobaha lagu caweeyo. In kastoo iskoollada, xanaanooyinka iyo machadyada wax barashaba ay marar aad u badan dad badani halis u galeen qaadida cudurka, hadana isku daarashadu aad ayay yarayd oo waxay ahayd hal-hal iyo wax la mid ah.

Kuvassa henkilö työskentelee laboratoriossa.
Kuva: Joel Saget / AFP

2.10.2020

"Waxay umuuqataa in cudurku faraha kasii baxayo," ayuu yiri agaasimaha baaritaanka ee HUS

Xagaagii kadib tiradii maalinle ee ugu badnayd ee Uusimaa laga helo korona ayaa noqotay isniintii 28.9.

- Hadda waxay umuuqataa in cudurku faraha kasii baxayo caasimadda iyo meelaha u dhow ayuu yiri Lasse Lehtonen, oo ah agaasimaha baaritaanka cudurka ee HUS.

Baaritaano tiradoodu tahay 3225 oo lagu sameeyay xarunta baarista ee HUS 57 qof oo ka mid ah oo noqonaysa 1.77 boqolkiiba ayaa laga helay cudurka.

Tirada dadka laga helay cudurka magaalomadaxda iyo meelaha u dhow ayaa ah mid isniintii ka badan sadax jibaar marka isbuucii hore la barbar dhigo, xiligaas oo laga helay cudurka 0.6 boqolkiiba. Dayrtii lasoo dhaafay tiradan maalinle ee cudurka laga helay wayba ka sii yarayd, waxay ahayd qiyaastii 0.3 ilaa 0.4 boqolkiiba maalintii.

- Baaritaanada hadda waxaa laga dareemayaa in cudarka dadka ku dhacay isbuuc kahor. Waxyar kadibna waxay soo gaarayaan isbitaallada. Arintaan waa siyaado welwel leh. Waxaan ku laaban rabnaa tiradii guga, xiligaas oo dadka la baaray ay ugu darnaan dadka cudurka laga helay gaadheen 10 boqolkiiba.

Xaaladda guud ee Finland ee faafidda cudurka ayaa si cad ug sii dartay.

- Heerka boqolleydu xaaladda aduunka weli aad uma sarreeyno, laakiin waxaan u soconaa jiho aad u xun. Khariidadda yurub wuxuu kalarkeenu isku badalay jaalle khafiif ah bunni casaan ah.

Lehtonen wuxuu arkaa in Uusimaa ay durba kujirto marxaladd faafitaan oo leh nidaamyo u gaar ah.

– Hadaan eegno tirada ku dhicid ee dadka qofkiiba iyo kororka tirada infekshanka,

waxaa la oran karaa ugu dhawaad waa la buuxiyay shuruudihii. Laakiin illaa hadda waxaan ka hadlaynaa marxaladda kor u socoshada. Si kastaba ha noqotee, aad ayaan ugu dhow nahay. Soohdinta udhaxeysa xaaladda xawaaraha iyo midda faafitaanka waa mid isbedbeddelaysa.

Sababta sida dhaqsaha ah u dardargelisay xanuunkan saf-marka waa dadka badan ee iskumarka u nuglaanaya cudurka, ayuu qiyaasay Lehtonen oo ah Agaasimaha baaritaanka.

- Masaafada waa in la ilaaliyaa, laga taxadaraa nadaafadda gacmaha iyo habka qufaca, oo la xirtaa maaskaro. Intaa waxaa dheer, isku imaatinno ballaaran waa in laga fogaadaa. Tallaabooyinkan, waxaan awoodnaa inaan xiliga guga uga hortagno inaan dib u celino cudurkan faafa ayuu yiri Lehtonen.

Lapsi koronatestissä HUSin lastensairaalan testauspisteellä.
Kuva: Antti Aimo-Koivisto / Lehtikuva

Totobaadka dambe waa in baararku khamriga joojiyaan 24:00

Dowladda ayaa soo bandhigtay baararka ee la xiriira koronuha. Laga bilaabo 8 Oktoobar, baaararku waa inay joojiyaan khamriga lagu cabayo saacadu markay tahay 22.00 isla markaana albaabada la xiraa saacadu markay tahay 01.00.

Dowlada ayaa sheegtay in degaamada uu koronuhu bilaabayo inuu kor ugu kaco ay suurto gal tahay in xayiraado dheeri ah lagu soo rogo. Degaamada uu koroonuhu kor u kacay waxaa lagu soo rogayaa xayiraado hor leh, kuwaas oo ka dhigaya inay baararku joojiyaan khamriga 22.00 albaabadana la xiro saacadu markay tahay 23.00. Intaa waxaa dheer, in gudaha baarka ay ku jiri karaan ugu badnaan kala bar macaamiisha uu qaado.

Xirfadlayda baararka ayaa cabsi ka qaba inuu iibkoodu aad hoos ugu dhaco xayiraadaha cususb ee dowlada awgood. Timo Lapi, oo ah agaasimaha guud ee adeegyada makhaayadaha iyo dalxiiska MaRa ayaa sheegay in xayiraadaha caadi ahaanba ay xirayaan goobaha lagu caweeyo, maadaama aysan ugu ganacsatada dan ugu jiran inay furnaadaan wax ugu badnaan dhowr saacadood ah.

Ururka u dooda baararka ayaa ku qiyaasay in xayiraadaha awgood ay xilliga kornaha baararka iyo goobaha lagu caweeyaba lumin doonaan qiyaastii 20,000 oo shaqo. Waxay hada xirfadani shaqo siisaa 70,000 oo shaqaale.

Asiakas nauttii alkoholia helsinkiläisen Ölhus Köbenhaven -ravintolan ulkoterassilla keskiviikkona 30. syyskuuta 2020.
Kuva: Antti Aimo-Koivisto / Lehtikuva

25.9.2020

Xayiraadihii isu imaantiga ayaa sidoodii ku ahaanaya bisha tobanaad

Xayiraadihii saarnaa isku soo ururidda ayaa bisha tobonaadna sidoodii sii ahaanaya oo aan wax isbedel ah lagu samayn doonin. Wakaaladda maamullada maxalliga ah ayaa waxay talaadadii ku dhawaaqday go’aamo la xiriira abaabulka munaasabadaha caamka ah iyo shirarka ee la qabayanayo bisha tobanaad.

Wakaalada maamullada maxalliga ah ayaa sheegtay in bishan tobanaad munaasabadaha ay dadka ka qayb galaya kor u dhaafayaan 50 qof lagu qaban karo gudaha dhismayaasha iyo meelo si gaar ah loo koobay oo banaanka ah. Manaasabadaha inta la joogo ayay sheegtay in laga dadaalo nadaafadda iyo masaafada kala fogaanshaha. Haddii ay xaaladdu si dagdag ah uga sii darto, isla markaana loo baahdo, waxay degmooyinku soo rogi karaan xayiraado dheeraad ah.

Degaanka Lieksa oo ka tirsan Pohjois-Karjala ayaa arbacadii la xaqiijiyay boqolaal qofood oo halis u galay inay qaadaan cudurka, taas oo sababtay in ugu yaraan hal toddobaad aaggaas laga mamnuuco dhammaan kulammada ay isugu imanayaan in ka badan 50 qof.

Kouvolan pesäpallostadionin yleisöä
Kuva: Sami Malmberg / All Over Pr​ess

WHO: Todobaadkii hore ayay faafida koranahy dhigtay rekoor cusub oon horay laa arag

Hay’adda Caafimadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in todobaadkii hore tirada dadka uu koroonuhu ku dhacayo ay gaareen rekoor cusub oo hor leh.

WHO ayaa laga soo xigtay in todobaadkii hore la xaqiijayay ku dhowaad laba milyan oo qof oo uu cudurku ku dhacay, taas boqolkiiba lix ka badan todobaadkii ka horreeyay isla markaana ah tiradii ugu badnayd ee hal usbuuc gudihiis la arko.

Tirada dadka koronaha u dhimanaya ayaa iyagana marka la barbardhigo todobaadkii hore xoogaa yaraatay. Tirada dadka hadda cudurka laga helayo lama barbar dhigi karo kuwii la arkayay xilligii gu’ga waayo baaritaanka cudurka ayaa hadda aduunyada dhan sidii hore ka badan.

Terveyspalveluyritys Mehiläisen drive-in- koronatestausasema avattiin Messukeskuksen parkkipaikalle Helsingissä 26. elokuuta 2020.
Kuva: Antti Aimo-Koivisto / Lehtikuva

Farxadda safarkii xorta ahaa ee Sweden iyo Estonia oo noqoday waqti yar, Dowladdu waxay soo celisay xayiraadihii

Dowladda Finland ayaa adkeynaysa xayiraadaha socdaalka. Dowladda ayaa dib u soo celin doonta xayiraadaha safarka ee Estonia, Sweden, Norway, Iceland, Germany iyo Slovakia sababo la xiriira xaaladda Corona ee kasii dareysa laga bilaabo Isniinta.

Tusaale ahaan, kontaroolka isku socodka xuduudaha gudaha ee Sweden iyo Estonia waxaa la qaaday Sabtidii uun la soo dhaafay. Laga bilaabo Isniinta Finnishku waxay awoodi doonaan inay u safraan bilaa karantiil ilaa lix dal oo Yurub ah kaliya.

Liiska “dalalka nabdoon” waxaa ka mid ah Qubrus, Latvia, Lithuania, Liechtenstein, Poland iyo San Marino. Dowladu waxay ku talineysaa in laga fogaado safarada aan loo baahnayn ee lagu tagayo dhamaan wadamada kale.

Xayiraadaha cusub ee soo gelitaanka ayaa sidoo kale la dhaqan galiyay Georgia, Canada iyo Tunisia.

Waxaad kaliya si xor ah uga safri kartaa Finland wadamada ugu badnaan laga helo kiisaska Corona 25 qof 100,000 qofoodba laba toddobaad gudahood.

Dadka ka imaanaya wadamada halista sare ku jira waxay Finland ku galayaan karantiil ikhtiyaari ah oo laba toddobaad ah Intaa waxaa dheer, hay'adaha caafimaadka ayaa ku soo rogi kara karantiil qasab ah dadkaas.

Safaradda shaqo ee Iswiidhan iyo Estonia waa ka reeban yihiin. Weli waa la oggol yahay loomana baahna karantiil iskaa ah, xitaa iyadoo heerarka infekshan ee waddammada ay sare u kaceen.

Waxaa sidoo kale la oggol yahay isu-socodka bulshooyinka xadka waqooyi ee u dhexeeya Finland, Sweden iyo Norway, xitaa haddii tirada infekshannada ay dhaafaan xadkii loogu talagalay.

Laivoja on laiturissa Tallinnan satamassa.
Kuva: Kaupo Kalda / Tallinnan Satama

21.9.2020

In ka badan labo milyan ayaa soo dagsaday Koronavilkku

Sadaxdii qof oo finnish ah ama dagan finland qof ayaa soo dagsaday borograamka Koronavilku. Borograam fududeeya in la cirib tiro silsiladaha caabuq ee korona ayaa lasoo dagsaday in ka badan labo milyan oo jeer.

Borograamkan waxaa xiligaan la diyaarinayaa isagoo inglish ku tarjuman. Sidoo kale borograamkan waxaa lagu samaynayaa sixitaan la rabo in laga boodo taleefonka amaradiisa dhaqaalaynta batariga.

Koronavilkku kuma shaqeynayo taleefonada oo dhan, sida ay sheegeen dadka arimahaan qibradda u leh borograamkan waxay u badan tahay inuu ku shaqeeyo taleefonada sanadkoodu yahay 2016 ama kuwa ka cusub. Si Koronavilkku ugu shaqeeyo taleefonada Apple ee Iphone brogramka ay isticmaalaan waa inuu noqdaa ugu yaraan 13.5. Kuwa Android_kana waa inay noqdaan ugu yaraan 6.0.

Habka brograamkan ku shaqeeynayo waa in taleefonadu isku dirayaan signaalo midba midka kale, si kale hadii loo dhaho inay isku dirayaan nambaro afgarad oon la aqoon cidda iska leh. Sidaas taleefonku wuxuu ku aruursanayaa macluumaadka ay taleefonada kale la kulmeen.

Hadii isticmaalaha borograamkan u bukoodo cudurka korona, wuxuu ka helayaa daryeelka caafimaadka waxa loogu yeero furaha furitaanka oo ah lambaro taxane ah, kuwaas oo brograamka ku jira taleefonkiisa u digayo isticmaalayaasha kale. Tani waxay sidoo kale ka hortagayaysaa ogaysiisyada aan loo baahnayn: Ogaysiinta ku dhicitaanka korona wuxuu bilaawdaa oo kaliya marka cudurka la xaqiijiyay. Isticmaalayaasha kale borograamkoodu wuxuu falcelinaa marka qof cudurka ku dhacay usoo jirsado wax ka yar masaafo labo mitir wax ka badan 15 daqiiqo. Macluumaadka lakulanka waxaa dib loo eegaa labadii isbuuc ee la soo dhaafay.

Hadii lakulanka dadka ay jirtay in loo nuglaaday cudurka, brograamku ayaa arintaas ogaysiinaya isticmaalaha. Shaashadda hore ee taleefonka ayaad ku arkaysaa qoraal iyo tilmaamo hagid. Macluumaadka shaqsiyadeed meelna uma gudbayaan.

Borograamka Koronavilkku sida saxda ah ee loo soo dagsado loona isticmaalo waxaa laga helaa adareeska koronavilkku.fi.

Boggaas wuxuu leeyahay tilmaamo ku qoran finnish, iswidish iyo ingiriis. Waaxda Caafimaadka iyo Daryeelka waxay ku boorineysaa qof walba inuu soo dagsado borograamkan, si loo joojiyo silsiladaha caabuqa.

Kuvassa on puhelin, jonka ruudulla on Koronavilkku-sovellus elokuussa 2020.
Kuva: Silja Viitala / Yle

Xayiraadihii safarrada Sweden, Khubrus iyo iyo Japan ayaa laga bilaabo 19.9 laqaaday

Xayiraadihii koronaha dartiis loosoo rogay ayaa laga bilaabo 19.9 la khafiifiyay. Xayiraadaha dadka ka imanaya Iceland, Sweden Khubrus, Poland, Norway iyo Jarmalka ayaa la joojiyay. Waxaa si-doo kale xayiraadaha laga qaaday dadka ku nool Australia, Cana-da iyo Japan ee sida tooska uga imanaanaya dalalkooda.

Dalalkaas ayaa dalxiis ahaan Finland looga imaan karaa iyadoo aan wax karantiil ah la saarin qofka imaanaya. Dhanka kale, xayiraadihii Talyaaniga iyo Ukrain ayaa lasoo celiyay.

Isbedelkaan waxaa lagu saleeyay faafida cudurka ee wadama-daas. Sida uu qabo habkan cusub, wadamada dadka ku nool uu 25 qof boqolkii kunba cudurku haleelay laba usbuuc gudohood ayaa xayiraada la saarayaa. Wixii hadda ka horreeyay cadadka xayiraa-du waxay ahayd 8-10 qof boqolkii kunba.

Waqtiga kala wareega ah oo kabilaanaya horraanta bisha to-banaad waxaa xaaladda loola socon doonaa si todobaadle ah, hal-kii ay horay uga ahaan jirtay labadii usbuucba mar. Wadankii xad-kiisu 25 qof dhaafana, waxaa lagu soo rogi doonaa xayiraad. Si walba ha noqotee, waxaa xayiraadahan ka madax banaan isu so-codka shaqo ee Finland kala dhixeeya Sweden iyo Estonia. Safa-rada

Isu gooshida shaqo ee u dhexeeya dalalkaan ayaa suurtagal ah inta lagu jiro xilliga kala guurka iyadoo aan qofka lag arabin inuu is karantiilo ama shahaado cadaynaysa inuusan korona qabin toona. Habkaan xatiraduhu wuu sii shaqaynayaa xitaa haddii xaaladda cudurku ka sii darto muddadaas.

Autoja jonottamassa Suomeen Ruotsin ja Suomen rajalla Haaparanta-Torniossa toukokuussa 2020.
Kuva: Pekka Juntti / Yle

17.6.2020

Dawladda oo joojisay isticmaalka sharciga awoodda degdegga ah.

Dowladdu waxay go’aansatay inay joojiso adeegsiga sharciga degdegga ah, Finland waxay ku noqon doontaa xaaladda caadiga ah.

– Iyada oo lagu saleynayo qiimeynta cudurada faafa, iyo midda sharci een helnay, waxaa noo cad in aysan jirin shuruudo ku filan oo lagu sii wadi karo sharciga awoodda degdegga ah. Isticmaalka sharciga awoodda degdegga ah adeegsigiisa iyo dhaqan galintiisa ayaan joojin doonaa, ayeey raiisul wasaare Sanna Marin (sd) ku sheegtay shir-jaraa'id.

Mari waxay kaloo sheegtay duruufaha gaarka ah ee hoos yimaadda sharciga xaaladda degdegga ah, in hadda la cadeeyay inay dhammaatay. Sikastaba ha noqotee, Mari waxay xasuusisay in halista infekshanku aysan wali ka dhamaan gudaha Finland.

Dowladda ayaa ilaa hadda u adeegsatay Sharciga Diyaargarowga Degdegga ah qiyaastii shan ujeedo oo kala duwan: nidaaminta sharciyaynta bixinta dawooyinka, nidaaminta waajibaadka shaqo ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka, xaaladaha shaqada ee shaqaalaha muhiimka ah, xiritaanka iskuulada, iyo go'doominta Uusimaa.

Joojinta duruufaha gaarka ah micnaheedu maahan in xanibaadyadii dulsaarnaa dhamaan muwaadiniintu aysan shaqeynayn. Tusaale ahaan, qawaaniintii sidii hore ka adkaa oo ku saabsanaa saacadaha furitaanka makhaayadaha ayaa wali shaqaynaysa.

Dowladda ayaa dib u eegis ku sameyn doonta arbacada dhammaan talooyinka karonaha, kuwaas oo dowladu isku dayayso hadii loo baahdo inay sii sharaxdo. Isla markaas waxaa dib loo booqon karaa xarumaha daryeelka dadka waaweyn iyo in la abaabuli karo manaasabadaha dadwaynaha ka badan 500 oo qof.

Hadafka dowladda ayaa ah inaysan mar dambe ku tiirsanaan doonin sharciga awoodda degdegga ah. Si taas loo gaaro, waxay u soo gudbin doontaa baarlamaanka bisha Agoosto soo-jeedin si ay awood ugu siiso inay wax ka qabtaan hadii ay dhacdo tiro kiisas badan ee cudur.

Pääministeri Sanna Marin säätytalon rappusilla ennen hallituksen kokousta 19.5.2020.
Kuva: Susanne Salin / Yle

Sida laga soo xigtay THL, xaaladda cudurku wuu yaraaday

Khabiir hogaamiye ee Machadka Caafimaadka iyo Fayaqabka (THL) Jussi Sane oo booqday barnaamijka subaxdii ee Yle, ayaa u arka in xaaladda cudurka la is qaadsiiyo uu is beddelay. Sane uma arko inay tahay wax qasab ah in Finland ay ku dhufato mowjado kale oo cudurka ah oo weyn. Laakiin badalkii mowjadaha waxaa dhici kara hirar yar yar oo cudurka ah oo ka dhaca meelo kala fog fog.

Sida laga soo xigtay Sane, si sax ah looma saadaalin karo suurta galnimada mowjad labaad ee cudurka karona fayruska ah inay dhacdo. Si kasta ha noqotee, way fiicnaan lahayd in loo diyaar garoobo dhammaan noocyada xaaladaha kala duwan.

THL:n kyltti Mannerheimintiellä Helsingissä.
Kuva: Tiina Jutila / Yle

Sida ay qabaan aqoonyahanno dhanka sharciga ah, sharciyada ay ku taaganyahinn xayiraadaha makhaayadahu waa kuwo daciif ah

Joojinta sharciga diyaargarawga (Valmiusla), jahwareer wayn kuma keenin nolol maalmeedka dadka, waayo waxaa tusaale ahaan weli taagan xayiraadahii makhaayadaha saarnaa.

Sharciga cudurrada faafa ayaa haga xayiraadaha maqaayadaha iyo isku soo aruridda dadkaba. Dhanka kale, isu socodka xuduudaha ayaa ayaa lagu meelmariyay Sharciga Ilaalinta Xuduudaha.

Sidoo kale xayiraadaha maqaayadaha iyo isu imaatinku si toos ah uguma salaysna xaaladaha gaarka ee jira. Si kastaba ha noqotee, sharciyadda xayiraadaha ayaa ah wax ku haboon in laga dib looga fakaro.

– Sharci kasta oo ay ku qotomaanba, dhammaan xayiraadaha saamaynaya xuquuqda aasaasiga ah, waa inay ahaadaan kuwo dhigma sababaha loo dhaqangelinaya isla markaana loo baahanyahay. Haddii ay duruufihii loo dhaqangeliyay wax iska beddelaan, waxay noqonayaan sharci-darro dastuuri ah ayay tiri Susanna Lindroos-Hovinheimo, oo ah barofisoorad sharciyada ka dhiga jaamacadda Helsinki.

Xayiraadaha hadda saaran maqaayadaha ayaa soconaya illaa dhamaadka bisha todobaad. Tusaale ahaan, tirada ugu badan ee macaamiisha maqaayadaha gudaha u galaysa, waxay udu badnaan noqon karaan kala bar intii caadiga ahayd. Khamri in lagu cabo ayaa waxaa la ogolyahay inta u dhaxaysa 9 ilaa 22-ka.

Xayiraadaha waxaa loo qaadi karaa si tartiib tartiib ah. Is bedelkii ku meel gaarka ahaa ee Sharciga cudurada faafa, kaasoo xadidayay howlaha makhaayadaha ayaa sii shaqeynaya ilaa dhamaadka bisha 10 aad.

Pauli Rautiainen oo jaamacadda Tampere ka ah kaaliyaha borofisoor, kuna takhasusay arimaha bulshada ayaa waxuu aamisantahay inay su’aal ka taagantahay xayiraadaha saaran makhaayadaha.

– Go'aankii isniinta ayaa wuxuu taageerayaaa fikradda ah inay xayiraadaha saameeyay guud ahaan maqaayadaha dalka ay ku taaganyihiin sharciyad aad u daciif ah.

Wuxuun Pauli dadka xasuusinayaa in madaxa cadaalada Tuomas Pöysti uu go’aankii xayiraadaha maqaayadaha ku lifaaqay qoraal aan caadi aheyn, qoraalkaasoo tilmaamayay in mar walba dib u qiimayn lagu sameeyo baahida loo qabo xayiraadaha.

– Maadaama ay duruufahii gaarka ahaa ee saameeyeen dalka dhan, lagana qaaday taloobooyin dalka dhan saameeyay, hadana tusaale ahaan hadda, hadii aysan jirin daliilo la xiriirta faafidda cudurka, in lasii wado xayiraadaha maqaayadaha ayaa waxaa gelaya su’aal wayn.

Go'aankii lagu xiray maqaayadaha ayaa markii hore lala xiriiriyay duruufo gaar ah. Markii makhaayadaha loo ogolaaday inay albaabkooda si xadadan u furaan bisha lixaad, ayuu guddiga dastuurka ee baarlamaanku meesha ka saaray xiriirkaasi.

Xayiraadda isku soo ururriddu ayaa iyada markiiba bilbil u shaqaysa. Waxaa hadda laysla gartay in lasii wado ilaa dhamaadka bisha todobaad. Waxaa markiiba ugu badnaan isku imaan karta ilaa 50 qof, hadiise si gaar ah loo qababqaabiyo wuxuu cadadka dadku noqon karaa 50-500 oo qofood.

Poikkeuksellisesti suljettu -lappu ravintolan ikkunassa.
Kuva: Tiina Jutila / Yle

Saadaasha Wasaaradda Maaliyadda: dhaqaaluhu si tartiib tartiib ah ayuu uga soo kabanayaa karonaha, shaqo la’aantu way badanaysaa

Tallaabooyinkii xanibaad ee loo qaaday si loo xakameeyo faafitaanka karona fayrus ayaa u yareeyay dhaqaalihii Finland sanadkaan si la dareemi karo. Sannadka danbe GDP wuxuu siyaadayaa 2,5 boqolkiiba, sidoo kale 1.7 boqolkiiba 2022 sida ay saadaalisay wasaaradda maaliyadda.

Maalgashiga khaaska ah ayaa hoos u dhacaya, helitaanka shaqo ayaa hoos u dhacaysa 2,5 boqolkiiba. Adeegyada la xiriira safarka ayaa si tartiib ah u soo kabanaya. Sidoo kale dhaqaalaha guud ayaa si deg deg ah u qaamoobaya sanadkaan, barnaamijka bad baadinta darteed.

Tirada shaqaaluhu si aad ah ayey hoos ugu dhici doonaan sannadka 2020. Shaqada ayaa la saadaalinayaa inay hoos udhaceyso boqolkiiba 2,5, halka heerka shaqaaleyntu uu ka hooseeynayo 71 boqolkiiba.

Shaqaalaha shaqada laga fadhiisay ayaa xiliga gu’ga si xawaare aad ah kor ugu kacay. Hoos u dhaca shaqada iyo tirada shaqaalaha laga fadhiisiyay shaqada ayaa sare u qaadaya heerka shaqo la aanta in ka badan 8%.

Saadaasha wasaaradda maaliyadda waxaa loo qaatay in faafidda cudurka karona fayrus uu si tartiib ah u dhammaan doono. Isla markaana aysan jiri doonin mowjad labaad oo cudurka faafa ah xiliga dayrta. Kalsoonida qarash gareeyeyaasha iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ayaa ahaan doona mid daciif ah illaa daaweyn wax ku ool ah ama tallaal loo helo cudurka.

TE-toimiston kyltti Pasilassa Helsingissä
Kuva: Pekka Tynell / Yle

15.6.2020

Guddigu wuxuu soo jeedinayaa in si tartiib tartiib ah loga baxo xayiraadaha safarka ee xuduudaha dibedda ee EU laga bilaabo bilowga Luulyo

Guddiga Yurub wuxuu soo jeedinayaa in si tartiib tartiib ah looga baxo xayiraadaha safarka ee xuduudaha dibedda ee Midowga Yurub durbaba laga bilaabo bilowga Luulyo.

Guddigu wuxuu soo jeedinayaa in Dawladaha xubinta ka ah ay isla meel dhigaan dalalka aan EU ahayn ee xayiraadaha la qaadi karo bilowga bisha.

Finland xuduudaha dibedda ee EU macnaheedu waa, tusaale ahaan xadka Ruushka. Si kastaba ha noqotee, sida ku xusan tilmaamaha Khamiista, dalka Finland kuma sii soconayo talo soo jeedinta guddiga , iyadoo dowladdu ay sheegtay inay sii wadi doonto xayiraadaha dhanka xuduudaha dibedda ah ugu yaraan illaa inta laga gaarayo 14ka Luulyo.

Marka la eego gaadiidka xadka ka gudba, Guddigu wuxuu soosaari doona talooyin ku aadan arintaas, go'aanka ugu dambeeya waxaa iska leh Dowladaha xubinta ka ah laftooda.

Autio Helsinki-Vantaan lentoasema.
Kuva: Tiina Jutila / Yle

Dhacdooyinka banaanka ah in kabadan 500 oo qof ayaa suurta gal bisha Luuliyo in la qabto iyadoo la tixraacayo shuruudaha qaarkood

Dowladdu waxay fududeyneysaa xannibaadaha ku aaddan munaasabadaha dadweynaha. Laga soo billaabo bilowga Luulyo, xaflado dibedda ah oo in kabadan 500 oo kasoo qeybgalayaal ah ay isugu imaan karaan ayaa la qaban karaa.

Si kastaba ha noqotee, tani waxay u baahan tahay qaban-qaabooyin gaar ah, sida suurtagalnimada in lakala goo goooyo oo qeybqeyb loo qeybiyo goobaha ay dadku wax ka fiirsanayaan sida garoomada, kuwaasoo midba midka kale laga xirayo.

Inkasta oo aan xayiraadaha oo dhan la qaadi karin, haddana waxaan aaminsanahay inay tahay soo dhaweyn loo maro jidka saxda ah, ayay tidhi Wasiirka Sayniska iyo Dhaqanka Hanna Kosonen (dhexda).

Kirittäret JoMa yleisö kesäkuu 2020
Kuva: Vesa Pöppönen / AOP

U safridda Norwey, Danmark, Iceland iyo waddamada Baltic ayaa la ogolyahay karantiil la'aan

Dowlada ayaa fududeyneysa xayiraadaha saaran safarka ee loo saaray sababo la xiriira caabuqa korona. U safridda waddamada Baltic iyo waddamada Waqooyiga, iyo kuwa kaleba, way fududaan doonaan laga bilaabo Isniinta. Xakameynta xuduuda gudaha ayaa laga tanaasuli doonaa inta udhaxeysa Finland iyo Estonia, Latvia, Lithuania, Denmark, Norway iyo Iceland.

Waxaa sidoo kale loo safri karaa wadamadan iyadoo uusan jirin karantiil qofka safarka ah uu gali doono marka uu wadamadan kasoo laabto.

Taas bedelkeeda, Iswidhan, xannibaadahii horay usaarnaa ayaa wali sii socondoona iyagoo isla markaana ahaanaya mid isku mid ah. Sida ay sheegtay wasiirka arimaha gudaha Maria Ohisalo (Cagaar), tani waxaa ugu wacan xaalada cudurka faafa ee Sweden. Illaa iyo Jimcihii, Iswiidhan in kabadan 4,850 qof ayaa u dhintey cudurka dilaaga ah ee korona.

Sida dawladdu sheegtay, dhammaan dadka deggan EU ee ku nool waddamada Schengen waxaa loo oggolaan doonaa inay ka gudbaan xuduudaha gudaha ee EU laga bilaabo Isniinta soo socota haddii sababta safarku ay la xariirto mid qoys ama guri ku yaal Finland, sida aqalka dalxiiska.

Xayiraadaha saaran soohdimaha ayaa dib loo eegi doonaa labada toddobaad ee soo socda. Sida uu sheegayo Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Timo Haraka (sd), furitaanka taraafikada ama dhaqdhaqaaqa gaadiidka xuduudaha ee wadamada kale ee Schengen ayay u badan tahay in laga wada hadlo wakhtigaas.

Autio Helsinki-Vantaan lentoasema.
Kuva: Tiina Jutila / Yle

Bangiga Finland: Hoos udhac gaaraya 7 boqolkiiba ayaa ku imaanaya dhaqaalaha

Koronaha ayaa dhaqaalaha Finland ku keeni doona hoos u dhac aad u wayn. Bangiga Finland ayaa sidaas ku sheegay saadaalin uu soo bandhigay, saadiilintaas oo qusaysay sanadada 2020 -2022.

Saadaasha ayaa lagu sheegay inuu dhaqaalaha Finland hoos udhici doono boqolkiiba 7 sanadka 2020-ka. Sanadada 2021 iyo 2022, waxaa la saadaalinayaa inuu dhaqaaluhu kobci doono boqolkiiba 3.

Soo kabashada ayaa la saadaalinayaa inay si tartiib-tartiib ah ku bilaaban doonto iyadoo sababtana la filayo inay noqon doonto wax iibsiga dadka caadiga ah oo kobci doonta. Intuu jiray koronaha ayaa waxaa dhaqaaliha wiiqay xaalada dhaqaale ee caalamka dhan iyo talaabooyinkii ad-aadkaa ee gudaha dalka laga fuliyay si loo xakameeyo cudurka.

Nosto-automaatin näppäimet
Kuva: Petri Kivimäki/Yle

Waxaa haboon in layska ilaaliyo, basaska iyo tareemada buuxa

Madasha gaadiidka dadweynahu ayaa isniintii isku raacay xeerarka gaadiidka. Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Timo Haraka (sd.) wuxuu qabaa in - maadaama fikradaha dhicayada ay qusayso ay midaysantahay - aan loo baahnayd in xeerar gaar ah oo hor leh loo dejiyo.

Waxaa jira rabitaan ah in la raaco tilmaamaha THL, kuwasoo la xiriira isticmaalka tareemmada, basaska, diyaaradaha iyo tagaasidaba. si kastaba hanoqotee, basaska iyo tareemmada ayaa hadda tikidhadooda, gadiidka muggiisa oon dhan la iibiyaa haddiiba la helayo macaamiil ku filan oo gadaaysa. Arintaanna waxaa tusaale ahaan laga soo sheegay VR iyo Onnibus.

Borofaysarka cilmi-baarista ee THL Hannu Kiviranta ayaa sheegay inay tahay in rakaabku kala fogaadaan haddiiba ay taasu suurtagal tahay. Tilmaamaha THL ee gaadiidka dadweynaha ayaa lagu xusay in kala fogaanshuhu uu yaraynayo halista ah in cudurka lagu faafiyo dhibic qoyan oo laysgaarsiiyo.

Kiviranta ayaa soo jeediyay in layska ilaaliyo raacida gaadiidka waqtiyada saxmadu badantahay iyo sidoo kale in madaxda shaqada lagala heshiiso inay waqtiga imaatinka dabacsanaan ka muujiyaan, si safarka shaqada looga wareejiyo waqtiyada ugu saxmadda badan.

Si kastaba ha noqotee, waqtiga safarka shaqada ee magaalooyinka dhexdooda ah waa kuwo gaagaaban. Saa daraadeedna, halistuna waa mid yar, khatarta saxmada basaskuna ma ahan mid laga walwalo.

Konduktööri astumassa paikallisjunaan.
Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

12.6.2020

Borofisar ku takhasusay difaaca jirka ayaa rumeyn inaysan mawjad labaad ee cudurada ku dhaca cudurka wadnaha

Seppo Meri, oo ah borofisar jaamacadda Helsinki ka dhiga is-difaaca jirka ayaa qiyaasay inaysan Finland ka dhici doonin mawjad labaad oo cudurka, taas oo cabsi laga qabay.

Meri ayaa qiray inaysan arintaan ahayn wax la hubo, laakiin waxaa qiimeyntaan lagu salaynayaa xaqiiqada ah in fayraska waxbadan laga ogaaday, lana bartay sidii loo xakameyn lahaa faafiddiisa.

Wuxuu borofaysarku Finnishaka uga mahadcelinayay inay si fiican u raaceen tilmaamahii badbaado ee la bixiyay. In kastoo faafifida cudurka ee Finland aysan la ekayn intii hore, hadana waxay taasu noqotay, welina tahay midda wax wayn ka tartay xal helidda.

Marka la fiiriyo tirada cudurka, xaaladdu haddda waxay u muuqataa mid aad u wanaagsan, laakiin waxaa jirta cabsi laga qabo in hab dhaqanka dadku dib isu bedelo oo la iska illoobo kala durkiddii iyo iska ilaalinta kulammada balbalaaran ee dadka badani isugu imaanayaan, ayuu yiri Meri.

koronavastaanotto ovi
Kuva: Marko Väänänen / Yle

Calaamadaha koronaha ayaa qofka kasii muuqan karaan todobaadyo amaba bilo dambe

Dadka uu koronuhu sida daran u asiibay ayaa astaamahii cudurku kasii muuqan karaan toddobaadyo ama xitaa bilo. Bukaannadu waxay sheegeen qandho marba heer ah iyo xanuun kala goysyada ah, daal, iyo tabardarri, neefsasho adayg, iyo qufac adag. Ilaa hadda wax yar ayaa laga ogyahay saamaynta waqtiga dheer ku yeelan karo qofkii fayrasku uu haleelay.

Liikkumisrajoituksia koskevia ilmotuksia teho-osaston ovessa Keski-Suomen keskussairaalassa.
Kuva: Tommi Anttonen / Lehtikuva

10.6.2020

Ma waxaa lagaa fadhiisiyay shaqada wax ka badan bil? Fasaxyadaadu way yaraan karaan sanadka dambe

Soo gaabinta fasaxa sanadka soo socda waa run inay dad badani wajihidoonaan ,kuwaas oo ka shaqeeya warshadaha, makhaayadaha, hoteelada iyo ganacsiga sababtoo ah horay ayaa shaqo joojin loogu sameeyay.

Dad badan oo shaqo joojin lagu sameeyay kaliya ma waayi doonaan mushaharkooda gu'gan, laakiin waxay sidoo kale ku noqon karaan fasaxyada sannadka dambe inuu ka gubto amay waayaan fasaxa khasabka ah oo ay hadda heleen darteed.

Fasaxyada ayaa aruuraya kaliya 30ka maalmood ee ugu horeysa ee shaqa joojinta. Tusaale ahaan, haddii shaqada lagaa fadhiisiyey dabayaaqadii Maarso oo markii lagaa fadhiisiyey ilaa hada oo aysan u dhexeynin hal maalin oo shaqo ah, fasaxa sannadka soo socda laga yaabaa in horeba dhawr maalmood loo soo gaabiyo. Inta maalmood oo fasaxa ah oo qofka shaqada laga fariisiyay uu helayo, waxay kuxirantahay sharciga waqtiga shaqada ama shuruudaha heshiiska shaqada.

Khasaaraha maalmaha fasaxa ayaa saameynaya in kabadan 100,000 oo qof ee gugaan lagu sameeyay shaqojoojin, Wasaaradda Shaqada iyo Dhaqaalaha ayaa xisaabisay.

Dhamaadkii bishii 5aad, waxaa jiray ku dhawaad 126,000 oo dad ah oo shaqada laga joojiyay in ka badan hal bil. Bilowgii Juun, waxaa jiray 114,000 oo iyaga ka mid ah, taas oo macnaheedu yahay in qaar ka mid ah shaqo-joojintii ay u dhammaatay.

TE-palvelutoimisto.
Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Koronavirus-ku wuxuu dilay in kabadan 400,000 oo qof oo adduunka oo dhan ah

In kabadan 400,000 oo dad ah ayaa adduunka oo dhan ugu dhimatay cudurka uu sababay caabuqa Koronaviruska. Qiyaastii rubuc dhimashada ayaa ka dhacday Mareykanka. Xilligan, fayrisku ama caabuqu si gaar ah oo dhaqso ah ayuu ugu fidayaa Brazil iyo Hindiya. Xanuunka uu keenay caabuqa koronaha ayaa waxaa u dhintay muddo shan bilood gudahood ah dad la eg intii sanad walba u dhimanjirtay cudurka malaariyada ama duumada. Duumada waxaa loo arkaa mid ka mid ah cudurada ugu dilaaga badan aduunka. Finland dhimashado waxay mareysay 323 isniintii.

Erilaisia terveydenhuoltotuotteita
Kuva: Derrick Frilund / Yle

Cudurka koronaha dadka uu ku dhacay 949 ka mid ah, waa shaqaalaha daryeelka caaimaadka

Caabuqa koronavirus-ka ee laga helay Finland, 949 ayaa laga helay shaqaalaha daryeelka caafimaadka, ayuu sheegay Machadka Caafimaadka iyo Daryeelka. Wadarta guud ee uu ku dhacay cudurka koronaha waa 7001.

Saamiga shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee uu ku dhacay cudurka koronaha ee da'da shaqada jira ayaa xoogaa ka sareeya tiradooda.

Sanadka 2019, qiyaastii 7.4 boqolkiiba dadka shaqeeya oo dhan waxay ka shaqeeynayeen adeegyada caafimaadka. Shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee qaba cudurka koronaha kuwaas oo gaaray da’da shaqada waxay gaarayaan ilaa 17 boqolkiiba.

Sida ku xusan diiwaangelinta cudurka ee 'THL', hal qof oo ka mid ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka ilaa hadda uma uusan dhiman fayraska koroana.

hoitaja työssään
Kuva: Laura Hyyti / Yle

8.6.2020

Borograam koronaha loogu talo galay ayaa la qorsheeynaya bisha agoosto

Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha bulshada iyo caafimaadka Päivi Salo ayaa warbixintii dib qiimaynta xaalada koronaha STM iyo THL ka sheegtay in lagu gudo jiro samaynta borogaraam mobilka ah oo fududaynaya la socoshada koronaha. Ilaa hadda inta la ogyahahay waxaa borogaraamkaan isticmaalikiisa la bilaabi doonaa bisha sideedaad.

Borogaraamkaan oo dabagal ku samaynaya fayraska kooranaha ayaa samayntiisa loo doortay shirkadda istiraatiijiyadda iyo tiknoolojiyada ee Soli.

Isla munaasabaddaas ayaa waxaa la sheegay in agabka la dagaalanka kooraanaha ee ilaa hadda la haysto ay yihiin kuwo ku filan. Xaaladda gafuur-saabka ayaa ah mid dhex-dhexaad ah. laakiin inta kale si wanaagsan ayaa loo hayaa.

koronasovellus
Kuva: AOP

Sahan la sameeyay: Faafidda cudurka ayaa shirkadaha soo galootiga gaarisiisay dhib ka badan kuwa kale

Sahan ay samaysay Suomen Yrittäjät ayaa lagu ogaaday in dhibaatada uu koronuhu u gaystay shirkadaha soo galootigu leeyihiin ay ka badantahay tan uu gaystay shirkadaha kale.

Ganacsato gaaraysa 113 ayaa ka jawaabtay sahanka, sidaas darteedna natiijada ka soo baxday waxa noqotay mid tilmaan bixinaye uun ah. Si walba ha noqotee, ku dhowaad boqolkiiba 92 intii ka jawaabtay ayaa sheegay inay dareemeen xaalad adag.

Seddex meelood laba kamdida ganacstada ayaa iibkoodii hoos u dhacay halka in ka yar saddex meelood meelna ay dalbadeen ama qorshaynayaan inay dalbadaan lacagta shaqo la’aanta. Shan meelood hal meel intii sahanka ka jawaabtay, waxay shaki ka muujiyeen inaysan shirkadohoodu ka badbaadi doonin dhibaatada gaartay oo aysan sii jiri doonin.

Tamperelaisen ravintola Puiston työntekijä siistii terassin myyntitiskiä
Kuva: Matias Väänänen / Yle

Waxaa dayrtaan suurtagal ah in waxbarashada online iyo isu imaatin laysugu bed bedelo

Xukuumadda ayaa khamiistii meel marisay hindise sharciyeed si ku meel gaar ah loogu bedelayo sharciga waxbarashada aasaasiga ah iyo kuwa xirfadaha. Isbeddelka ayaa hadii faafida cudurku ay sababto suurto gelin doona in wax barashada marna online laga dhigo marna fool-ka-fool.

Markii waxbarashada onlineka loo wareejiyaba waxay socon karaa hal bil. Habka ugu muhiimsan ee dayrta soo socota dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe wax ku baran doonaan waa fool-ka-fool.

Is bedelkaan sharciga waxbarashada aasaasiga ah ma quseeyo galaasyada billowga ah ee 1-3-ka iyo fasallada ay dhigtaan ardayda taageerada gaar ah u baahan. Isbedelkaanu sidoo kale ma quseeyo ardayda waqtiga waxbarashada khasabka ah loo dheereeyay iyo ardayda ku jirta waxbarashooyinka diyaarinta ee jaanibta.

Oppilaat istuvat väljästi pulpettiensa takana liikuntasaliin järjestetyssä luokassa Peltosaaren koululla Riihimäellä.
Kuva: Jyrki Ojala / Yle

5.6.2020

Hoyga aqoonta ee dowladda ayaa ku talinaya isticmaalka maasgarada wajiga

Guddiga aqooneed ee dawladdu dhistay ayaa ku taliynaya in la isticmaalo maasgarada wajiga meelaha dadka ka dhexeysa iyo gaadiidka dadweynaha si loola dagaallamo caabuqa koronafayrus.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen golaha cilmiga Isniintii, halista mowjadaha cusub ee faafidda cudurka ayaa ah wax muddo dheer ah oon la dhayalsan karin. Soosaaridda iyo qaybinta tallaallada waxtarka leh, xitaa marka la eego qiyaasta laga qabo helitaankoodu waa mid la rajaynayo in la helayo sanadka danbe guduhiisa.

Ilaa iyo inta waqtigaas laga gaarayo, sida laga soo xigtay guddiga cilmiga, isticmaalka maaskaro ayaa lagu talinayaa meelaha dadweynaha ka dhaxeeya iyo gaadiidka dadweynaha, iyadoo ku xiran xaaladda cudurka faafa ee meeshaas. Sida lagu sheegay warbixinta, isticmaalka maaskaro, gaar ahaan xaaladaha khatarta ah, ayaa wax weyn ka tari doona ka hortagga faafitaanka cudurka, gaar ahaan dadka qaba cudurka een looga jeedin astaamahiisa.

Hawsha guddiga cilmiga waxay ahayd in lagu taageero kooxda daraasadda ee uu hogaaminayo Xoghayaha dowladda Martti Hetemäki qiimeynta iyo kahortagga dhibaatooyinka xun ee korona, iyo sidoo kale arrimaha la xiriira ka hortaga iyo joojinta xanibaadyada iyo su’aalaha ku saabsan dib u dhiska Finland.

Xubnaha guddiga saynisku waxaa ka tirsan khubaro dhowr ah oo ku takhasusay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Olli Vapalahti, borofisor ku takhasusay cilmiga Zoonotic Virology ee Jaamacadda Helsinki.

Mies kävelee Vuosaaren metroasemalla hengitysmaski kasvoillaan.
Kuva: Eleni Paspatis / Yle

Biyaha wasaqaysan (ee socda) ayaa isbuuc kahor laga ogaan karaa in tirada faafidda cudurka koronafayrus siyaadayo

Biyaha wasaqda ee Helsinki iyo Turku ayaa baaritaan ay sameeysay Machadka Caafimaadka iyo Fayaqabka (THL) laga helay koronafayrus. Baaritaanada kale ee isbuuc ee laga sameeyay meelaha ay ka midka yihiin Tampere, Kuopio iyo Oulu ayaan laga helin wax calaamado ah ee cudurka fayruska. Natiijooyinka hada la sheegay ayaa ku saleysan baaritaanadii la sameeyay 24-25_tii bishii meey.

Sida ay sheegtay Tarja Pitkänen, oo ah cilmi-baarto khaas ah ee THL, natiijooyinka waxay xaqiijineysaa in cadaymaha la helay owgeed ay xaaladda faafitaanka cudurka koronafayrus yaraatay. Baadhis hore oo adduunka oo dhan laga sameeyay ayaa muujisay in biyaha wasakhda ah hore looga sii ogaan karo haddii fayrasku ku dhex faafayo bulshada si xad dhaaf ah.

– Warbixin horudhac oo ka timid Holland iyo Mareykanka ayaa ah, in haddii baaritaanka biyaha wasaqda laga dareemo kacsanaan, ama siyaadid tirada koronafayruska, waxaa bukaanka laga heli lahaa natiijada cudurka usbuuc ka hor midka baaritaanka lagu sameeyay ayeey Pitkänen STT u sheegtay.

Sida laga soo xigtay Pitkänen, baarista biyaha wasakhda ah waxay suurtogal ka dhigaysaa in la helo digniin hore oo ku saabsan inuu soo noqdo mowjadd labaad oo cudurka ah.

– Ka dib waxay qaadan lahayd dhowr maalmood in ficil la sameeyo oo diirada la saaro, tusaale ahaan, tillaabooyinka dagaan walba gaarka u ah, ama ugu yaraan in loo diyaar garoobo in mustaqbalka dhow ay imanayso baahi loo qabo in la daweeyo bukaanno badan.

Vesijohtoputki ja oranssia vettä.
Kuva: Veeti Lustig / Yle

3.6.2020

Xafiiska cudurrada faafa ee EU: Meel kastoo ay dunda ka tahayba, in dadka badankooda ay yeeshaan is-difaaca jirka sidaana uu cudurku ku istaago (is-difaac wadareed), suurtogal ma ahaan doonto ilaa laga gaaro dayrta 2021

Sida laga soo xigtay Xarunta Kahortagga iyo Xakamaynta cudurrada faafa ee Yurub, is-difaac wadadareed joojiya cudurka lama gaari doono ilaa deyrta 2021.

Josep Jansa oo ah khabiirka cudurka faafa ee ECDC ayaa qiyaasey inay jiri doonto xoogaa is-difaac wadareed ah, laakiin gaarista is-difaac wadareed ku filan waxay ubaahantahay in 60% dadka in cudurku uu maro.

Xarunta ECDC waxay ku taal Solna oo ku dhaw magaalada Stockholm, laakiin Jansa wuxuu aaminsanyajay inaan is-difaac wadareedka, Stolkholmba ha noqotee aan la gaaraynin. Waxaa magaalada Stockholm ilaa isniintii la xaqiijiyay in ka badan 12,000 oo kiis oo koronha ah, waxaana u dhintey in ka badan 2,000 oo qof.

Jansa wuxuu kaloo qabaa inaan wali wax macluumaad ah oo la hubo laga ahayn sida uu noqonayo is difaaca qofka cudurku ku dhacay oo ka baxay.

Sairaanhoitaja ottaa  COVID-19 testiä
Kuva: Mahmoud Khaled / EPA

Dawladdu waxay si dhakhso leh u joojinaysaa talo soo jeedinta ahayd in laga fogaado dalxiiska gudaha - wali waxaa lagu talinayaa in laga fogaado safarka dibada

Dowladda ayaa si dhakhso leh uga laabanayso talo soo jeedintii hore ee ka fogaanshaha dalxiiska gudaha. Dawladdu waxay cadeysay jimcihii, Meey 29, in dalka gudahiisa loo safri karo laga bilaabo maanta, waa hadii la raaco tilmaamaha badqabid ee la xiriira karona fayruska.

Joojinta talo soojeedin ee dalxiiska waxay quseysaa oo keliya dalxiiska gudaha, tusaale ahaan safarada iska caadiga ah ee dibedda waa in laga fogaadaa sida ay dowladu sheegtay. Si kastaba ha noqotee, Finlandeystku waxaa loo oggol yahay inay u safraan tusaale ahaan Estonia, laga bilaabo Isniinta iyada oon la karantiilayn.

Tusaale ahaan wadamada kale sida Giriiga, waxay xuduudaha u furi doonaan rakaabka ku imaanaya diyaaradaha 29 dal laga bilaabo bartamaha bisha June. Dalalkaas waxaa ka mid ah Finland.

Sida ay dawladdu sheegtay, furitaanka safarka gudaha xaaladda faafitaan ee cudurka hadda lama qiyaasayo inuu si weyn u kordho faafitaankiisa, mana keeni doono in daryeelka caafimaad galo ciriirir, iyo sidoo kale meesha safarka loo tagayaba.

Ilmakuva Mustasaaren Svedjehamnista merenkurkusta
Ulkomaalaisten asiakkaiden puute tuntuu matkailu- ja ravintola-alalla. Myös erilaiset rajoitukset ja etätyöt vähentävät tuloja. Kuva: Ismo Pekkarinen / AOP

STM: Saamaynta isticmaalka gafuur-saabka ee faafitaanka cudurrada neef-mareenka ee ku dhaca dadka ayaa ah wax yar ama aan jirin

Sida lagu sheegay daraasad ay sameysay Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Caafimaadka, cadeymaha cilmi baarista ayaa muujinaya in isticmaalka gafuur-saab saameyntiisa ay ku leedahay faafitaanka cudurada ku dhaca neef mareenka dadka ay tahay wax aad u yar ama aan jirin.

STM waxay sheegeen in daraasadaha la sameeyay ay adag tahay in lagu kala saaro saamaynta dadka aan isticmaalin gafuur-saabka.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda ayaa sheegtay inay adag tahay in lagu dabaqo natiijooyinkan baarista cudurka faafa ee karona fayrus ee Finland, sababtoo ah isticmaalka guud ee gafuur-saabka waxay halkan ahayd mid xaaladeedu ay aad uga duwan tahay marka loo fiiriyo meesha uu ka dhacay baaritaanka aan joogtada ahayn.

Sida laga soo xigtay STM, aragti ahaan, gafuur-saabka ayaa ilaa xad ilaalin kara in isticmaalaha uusan faafin fayruska, laakiin kama bad baadinayo isticmaalaha inuusan ku dhicin cudurka.

Waxaa sidoo kale jirta khataro la xiriira adeegsiga gafuur-saabka sida ay sheegtay STM, waana in isticmaalka qalabka ka hortagga noqdaan kuwo wanaagsan oo nadaafad leh. Sida lagu xusay daraasadda la sameeyay. Sida la cadeeyay sixun oo loo isticmaalo ayaa xitaa loo arkaa inay halis weyn u keento faafitaanka cudurka.

Hengityssuojainta käyttävä nainen kadulla.
Kuva: Mikko Ahmajärvi / Yle

Makhaayadaha iyo goobaha dabbaasha ayaa albaabadoodii la furay

Xayiraadihii koronaha ee xilliga koronaha ka jirtay Finland oo tartatiib-tartiibloo qaadayay ayaa Isniinta 1.6 qayb kale la qaaday.

Makhaayadaha ayaa albaabadooda furi doona iyagoo raacaya shuruudo gaar ah.

Tartamada isboortiga ayaa la bilaabi doonaa, kulanka dadka oo awal la ogalaa 10

qof ayaa loo laga dhidi doonaa xadka 50 qof.

Matxayada, tiyaatarada, maktabadaha iyo barkadaha dabbaasha ayaa tusaale

ahaan, albaabadooda fur kara. Goobaha ururada, baxnaaninta iyo xarumaha shaqada ayaa iyana furmi doona.

Makhaayadaha, ugu badnaan kala bar kuraasta macaamiisha ayaa laga buuxin.

Ihmisiä Lasipalatsin Laiturin terassilla Helsingissä.
Kuva: Antti Aimo-Koivisto / Lehtikuva

Qofka kaalmeeya dhalidda ayaa markale awoodi doono inuu raaco

Qofka dhalaya qofka kaalmeynaya een qabin astaamo jiro ayaa booqon karo isbitaalka qeybta dhalmada, wuxuuna ka qeyb qaadan karaa qaliinka dhalmada. Laga bilaabo 1.6-aad isbitaalo badan ayaa bilaaban inay si tartiib ah u dhimaan xayiraadaha.

Arintaan qeybtooda uga aadan waxaa sheegay isbitaalada HUS,Pirkanmaan sairaanhoitopiiri ja Päijät-Hämeen hyvinvointiyhtymä.

Sida laga soo xigtay Anu Nieminen, oo ah Madaxa dhakhtarka Päijät-Hämeen hyvinvointiyhtymän, inay tahay arintaan nidaam qaran oo salka ku haya in xarumaha kala duwan ee dagaan ay xalisan karaan arimaha la xiriira dhalmada.

Go'aankan waxaa si wada jir ah u gaaray xaruntooda dhexe ee isla isbitaaladaas dhaqaatiirta leh taqasuska dheeriga ah & quburada qaran qayb shaqo oo laga dhex sameeyay, kuwaas oo horey u go’aamiyay xannibaadaha.

Xannibaadaha xarumaha daryeelka hooyada ayaa weli jiri doona.

Mies pitää kättään odottavan naisen paljaalla vatsalla.
Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

29.5.2020

Daryeelka deg-degga ah dadka kujira intooda badan waxay ka yar yihiin 60 sano

Finland, 53 boqolkiiba bukaannada karonaha ee ku jiray daryeelka degdegga ah waxay da'doodu ka hooseysay 60 sano, tiradaas ku dhawaad 70% waa rag.

Dhalinyarada karonaha dartiis u gashay gargaarka deg degga ayaa xoogaa ka yara badan kuwa cudurada kale u galay gar gaarka deg degga.

Dadka u dhintay cudurkan 70% waxay qabeen xanuun waqti dheer ah. Sonkorowga iyo cudurka sambabka ee raaga ayaa ka dhex muuqday cudurada kale. Neefsasho yari ayaa ahayd dhibka ugu badan ee daryeelka degdegga ah.

Waqtigan waxay Finland leedahay in ka yar 100 boos oo daryeelka caafimaadka degdeg ah oo loogu tala galay bukaanada qaba karonaha, iyo 250 boos oo loogu talagalay dadka qaba cudurada kale.

Kuvassa sairaanhoitohenkilökunta työskentelee.
Kuva: Markku Ulander / Lehtikuva

Wasaaradda: Soo jeedin adag, waa inaan gudaha dalka lagu safrin xiligaan

In kastoo xaaladda koronaha ee Finland ay hoos u dhacday, haddana halista in cudurka si daran loogu xanuunsado ma dhammaan. Wali waxaa taagan khatar ah in cudurku markale faafo.

Kirsi Varhila, Madaxa Shaqaalaha ee Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Caafimaadka, waxay xasuusinaysaa in dowladdu ku talisay in dalxiiska gudaha aan la badsan.

Mika Salminen, oo ah agaasimaha waaxda amniga ee THL, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in talo soo jeedinta adag ay tahay in dadku aysan wali u safrin dibada hadii aysan ahayn daruuri.

Linnanmäki-kyltti.
Kuva: Lukas Rusk / Yle

THL: Xanuunka saf-marka ayaa siiyaraanaya Finland

Sida laga soo xigtay THL, cudurka faafa ee korona ayaa si muuqata uga yaraanayay gudaha Finland. Dhamaadkii bishii 5aad, qiyaastii 6,700 oo qof ayaa laga helay cudurka inuu ku dhacay karona fayrus.

Sida laga soo xigtay Mika Salminen, oo ah agaasimaha waaxda badbaadada caafimaadka ee Machadka Caafimaadka iyo Fayaqabka (THL), hoos u dhaca ayaa ahaa mid cad mudo bil ah. Helitaanka gafuur-saabka ayaa sidoo kale u muuqda mid sidii hore ka wanaagsan. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Caafimaadka, agabka ilaalinta ayaa ah mid dadka ku filan, helitaankiisuna way fiicnaatay. Agab ilaalin oo dheeraad ayaa 100 milyan oo euro loogu soo iibin doonaa bakhaarka kaytka ee Finland.

Vantaan kaupungin koronaviruksen drive in -testauspiste toukokuussa.
Jos ei ole altistunut koronavirukselle, lähete vasta-ainetestiin jää todennäköisesti saamatta. Arkistokuvassa tehdään koronavirustestejä Vantaalla toukokuun puolivälissä. Kuva: Emmi Korhonen / Lehtikuva

Goobaha diinta iyo meelaha dalxiiska oo la furayo

Dhowr meelood oo dalxiis oo caan ka ah adduunka ayaa si tartiib ah u furmaya ka dib markii la xakameeyay faafidda cudurka karona. Tusaale ahaan Beytilxammaas oo ah dhulka Falastiin kaniisadda uu ku dhashay nabi ciise ayaa loo furay dadka soo booqanaya maanta markii ugu horreysay muddo ka badan laba bilood.

Dhanka kale dalka Talyaaniga, waxaa la furay wixii ka haray magaalada Pompei oo qaraxyo folkanaha burburiyeen. Meeshaas oo sanadkii lasoo dhaafay ay booqdeen in kabadan afar milyan oo qof, si kasta ay noqotaba waxay ahayd mid arbacadii faaruq ah. Dalxiisayaasha ajnabiga ah weli looma oggola inay galaan dalka Talyaaniga.

Rooman Colosseum ayaa la furi doonta 1da Juun. Dadka soo booqanaya waa inay isticmaalaan gafuur-saab waxaana la cabbirayaa qandhadooda kahor intaysan galin.

Sidoo kale Fatikaanka ayaa xayiraadaha laga fududeeyay. Baadariga Francis ayaa qorsheynaya inuu mar kale salaamo dadka ku sugan barxadda kaniisadda Pietar axadda soo socota.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya, magaalada barakeysan ee Makka wey xirnaan doontaa, laakiin masaajidda kale ee dalka ayaa dib u furi doonta salaadda Jimcaha. Sidoo kale, gudaha Iiraan, goobaha cibaado ee Shiicada ayaa mar kale loo furay dadka cibaadaysanaya.

Rooman Colosseum valaistuna
Kuva: Angelo Carconi / EPA

Dabaasha gudaha iyo midda banaanka ayaa la furayaa

Isbuuca danbe goobaha lagu dabaasho ee gudaha iyo banaanka ayaa ka xoroobaya xanibaadii karonaha. Xiliga la furayo iyo xayiraadaha ay samayn doonaan waa mid gabi ahaan ku xiran maamulka maxaliga ee degaanka ay ku yaalaan. Ma jiraan tilmaamo karona oo gaar ah oo la siinayo, laakiin maamulayaasha meelaha dabbaasha ayaa diyaariyay ama diyaarin doona awaamiirtooda iyaga oo ku salaynaya tilmaamaha Hay'adda Maamulka Gobolka iyo ururada kala ah midka Barashada dabaasha Finland iyo Badbaadinta nolasha.

Halis gooni ah ma ahan tagitaanka dabaasha, sida ay sheegtay Machadka Caafimaadka iyo Fayaqabka (THL), ma jirto wax caddeyn ah oo sheegaya in cudurka cusub ee karona faysrus uu ku faafi karo biyaha dhexdooda. Barkadaha lagu dabaasho waxaa si joogto ah loo isticmaalaa kiimikooyin jeermis dile ee kaloora, taasoo macnaheedu yahay in fayrasku si dhakhso ah u dhimanayo markay galaan barkadda dabbaasha.

Khatarta infekshinka ee dabaasha barkadaha iyo kuwa banaanka waxay ka imaan kartaa isku dhawaanshaha dadka, sida meelaha kaleba. Dadka imaanaya waxaa la isku dayayaa in lakala fogeeyo, tusaale ahaan in la xiro saunada, in lagu soo rogo xannibaad tirada dadka markiiba ku dhex jiri kara barkadda dabaasha iyo goobaha kale ee dadka ka dhexeeya, iyo in la joojiyo qalabka dabaasha ee la amaahsado.

Oulussa Raksilan uimahalli on nyt tyhjillään, ovet avautuvat taas toukokuun 14. päivä.
Kuva: Päivi Seeskorpi / Yle

llaa nus malyuun Finnish ah ah ayaa astaamaha ay iska dareemayaan uga warbixiyay Omaolo

Faafitaanka korona wuxuu durba sababay in nus milyan finnish ah ay xaaladooda caafimaad baaraan isla markaana ay warbixin kaga soo gudbiyaan adeegooda internetka ee Omaolo.

Markaad geliso astaamo kooronaha suurto gelin kara, waxaad helaysaa hagid la xiriirta sidoo loola tacaali lahaa.

Machadka caafimaadka iyo fayaqabka ayaa usbuucaan furay bog layiraa Oirekarta, kaasoo muujinaya tirada qiimeynta astaamaha ee muwaadiniinta kala degan dacallada Finland ay sameeyeen. Waxaa kaliya oo bogaan lagu soo bandhigayo waa qiimeyntii astaamaha ee markii la sameeyay ka dib uu boga Omaolo isticmaalaha kula taliyay inuu raadsado daryeel caafimaad.

THL:n kyltti Mannerheimintiellä Helsingissä.
Kuva: Tiina Jutila / Yle

Finnair gelitaanka diyaaradda ma u diidi kartaa qofkii diida inuu xirto gafuur-saabka. Sidaan ayuu qareenku uga jawaabay.

Shirkadda waxay ku khasbi kartaa macmiilka inuu isticmaalo maaskarada wajiga, ayay tiri Tuula Sario, oo ah qareen ku takhasusay xuquuqda macaamiisha.

Inta la ogyahay Finnair ayaa ah shirkadii ugu horeysay ee finnish ah, taas oo fayraska koronhana awgiisa macaamiisha ku khasabta inay saabaan (daboolaan) afkooda iyo sankooda . Khasabka gafuur-saabka ayaa la sheegay inuu socon doono ilaa dhamaadka bisha sideedaad.

– Shirkadda ayaa mas'uuliyad ka saarantahay hubinta amaanka adeegyadeeda. Saas daraadeed, shirkaddu waxay ku qasbi kartaa adeegsiga agabka badbaadada ayay tiri Tuula Sario.

Satu Toepfer, oo ah maamulaha koox wakaaladda macaamilka (kuluttajavirasto) ah ayaa fikirkaas mid la mid ah qabta. Qasabka gafuur-saabka waxaa lasoo rogi karaa hadii ay jiraan sababo caafimaad iyo waxyaabo kale oo is kaabaya.

VR (shirkadda tareemada) xilligaan ma qorshaynayso inay khasab ka dhigto isticmaalka gafuur-saabka. Sidoo kale isticmaalkooda ayaanan lagula talinaynin macaamiisha.

Arrinta wali kama aysan wada hadlin dukaamadu. Waxaana sidaas sheegay Yle iyo midowga dukaamada.

Kuvassa on suu- ja nenäsuojainta käyttävä Finnairin työntekijä.
Kuva: Markku Ulander / Lehtikuva

WHO ayaa joojisay tijaabooyinka hydroxychloroquine

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa joojisay tijaabinta daawada la dagaalanka duumada (mallaariyada) ee loo yaqaano hydroxychloroquine, taas oo lagu samaynayay bukaannada qaba fayraska koronaha.

Tijaabinta ayaa loo joojiyay sababao badbaado awgood. Bukaannada qaar ayaa daawadaas kala kulmay waxyeelooyin nafta halis u soo jiidaya. Madaxweyne Donald Trump iyo dadka kale ayaa u arkay inay dawadaasu tahay mid ay suurto gal tahay in lagula tacaali karo cudurka. Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu Trump sheegay inuu si ka hortag ah u cuno hydroxychloroquine, arintaas ayaa khubaro badan oo caafimaad ah u arkeen inay tahay khatar toos ah.

WHO:n koronasivut netissä
Kuva: Stephen Frost / Alamy / AOP

Ra'iisul Wasaarada ayaa rajeynaya inaan loo baahan doonin sii wadida sharciga diyaargarowga wixii ka dambeeya dhamaadka bisha dambe

Rai’iisul wasaarad Sanna Marin ayaa rajeyneysa inaan loo baahan doonin kordhinta sharciga diyaargarowga (valmiuslaki) wixii ka dambeeya bisha lixaad. Sharcigaan oo loo dhaqan geliyay duruufaha gaarka ah ee jira awgood ayaa suurto geliyay in faragelin lagu sameeyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadka.

Tusaale ahaan, mudada ogeysiiska ruqsadaynta shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa la dheereeyay, waxaana la xadaday xaquuqahooda fasaxa shaqada.

Marin ayaa qabta in adeegsiga sharciga diyaar-garowga la joojiya marka ugu horeysa ee ay suurtogal tahay.

Waxay kaloo Marin aaminsantay in xilligan lagu jiro uu u muuqato, inuu suurto gal ka dhigayo sii wadida qaadista xayiraadaha. Fidida cudurka ayaa sii yaraanaysa culayska cusbitaaladana saaranna hoos ayuu u sii dhacayaa.

Pääministeri Sanna Marin Valtioneuvoston tiedotustilaisuudessa 1.4.2020.
Kuva: Ilkka Klemola / Yle

27.5.2020

Maaskarada ama gafuur saabka dadka goor dhaw waxaa laga heli doonaa dukaamada cuntada

Toddobaadyo yar gudahood, gafuur saabyo laga soo saaray dalkan Finland ayaa laga heli kari doonaa tukaanno badan oo kuwa cuntada ah. Shirkada ganacsiga ee Kesko ayaa waxaa kula tartami doona suuqa maaskarooyinka shirkad kale oo weyn oo ka mid ah kuwa ku wehlin doona suuqa, taasoo lagu magacaabo kooxda 'S'.

Kesko ayaa mar hore sheegtay mashruucan iyada u khaaska ah , kaasoo loogu yeero maaskarada muwaadiniin. Qiimaha maaskarada la tuuri karo oo laga sameeyay dharka aan dhogorta lahayn, ayaa noqon doonta qiyaastii hal euro dukaamada K-da, Mikko Helander, oo ah maamulaha guud, ayaa shaaca ka qaaday arrintaas mar lagu wareysanayay barnaamijka ”ykkösaamu” ee TV-ga Yle sabtidii.

Maaskarooyinka la tuuro ee kooxda 'S ' ee lagu sameeyay Finland ayaa marka hore ku soo dhacaya qaanadaha alaabta la iibinayo la saaro ee dukaamada ugu waaweeyn, sida dukaanka Prisma. Marka alaabada ku filan la helo, waxaa sidoo kale lagu iibin doonaa dukaamada kale ee kooxda, ayuu yiri maamulaha xulashada Ville Vahla.

Maaskarooyinka ka samaysan dharka aan dhogorta laheyn ee mar isticmaalka ah ee kooxda 'S' waxaa soo saari doona Teho Filter. Qiimahooduna wuxuu la mid yahay kan la tartamaha.

Lähikuvassa kaksi ihmistä seisoo kassajonossa.
/ Kuva: Eleni Paspatis / Yle

Saadaasha Etla: GDP waxay hoos u dhici doontaa 8%, waxaa kaloo hoos u dhac ku imaan doonaa hoteellada iyo maqaayadaha 30%

Marka loo eego saadaasha dhaqaalaha ee ay maanta daabacday machadka cilmi baarista ganacsiga ee Etla, waxsoosaarka guud ee Finland wuxuu hoos u dhici doonaa 8 boqolkiiba sanadkaan, laakiin wuxuu isu beddeli doonaa 4 boqolkiiba kobaca sanadka soo socda

Isniinta, Etla waxay daabacday saadaasha sanadkan ee warshadaha kala duwan. Sida laga soo xigtay Etla, hoyga iyo kaafinta bulshada sida makhaayadaha iyo hoteellada ayey aad arrintani u saamayn doontaa , iyada oo qiimaha saadaalinta lagu daray ay hoos u dhici doonto 30 boqolkiiba sanadkan.

Qiimaha lagu daro warshadaha guud ahaan waxaa lagu qiyaasaa inuu hoos udhici doono boqolkiiba 9 sanadkan iyo sidoo kale adeegyada bulshada ayaa iyana hoos u dhici doona ku dhawaad 7 boqolkiiba.Sida laga soo xigtay Etla, qiimeynta saameynta cudurkan faafa ee corona uu ku leeyahay horumarka iyo kobaca warshadaha ama shirkadaha kaladuwan waa mid aad u adag, sidaa daraadeed saadaasha la soo bandhigay waxay muujineysaa uun tilmaan.

Suljettu ravintola-alue Espoon Tapiolassa.
Suljettu ravintola-alue Espoon Tapiolassa. Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Shaqooyinka xagaaga ee loogu talagalay dhalinyarada dhagxaanta ayeey ka hoos martay 'korona' darteed

Sida ku xusan qiyaasta Ururka Awoodda Warshadaha ee Finland, sida caadiga ah waxaa jira qiyaastii 200,000 shaqooyin xagaaga ah oo ay heli karaan dhalinyarada ee ku nool Finland.

Sannadkan xaaladdu si cad ayeey uga sii liidataa sidii hore, korona darteed.

Marka loo eego Ururka Warshadaha ee Finland, waxaa jira sanadkan kumanaan kun oo shaqooyinka xagaaga ah oo ka yar kuwii caadiga ahaa.

Tusaale ahaan, silsiladaha ay ku mideysanyihiin dukaamada waaweeyn ee cuntada waa shaqo bixiyeyaalka xagaaga ugu muhiimsan dhalinyarada. Kooxda S waxay ku qiyaaseysaa inay bixin doonto 4,000 shaqooyin xagaagan ah sanadkaan, marka la barbar dhigo qiyaastii ay sheegeen bilowgii sanadkaan taasoo aheyd ilaa 14,000.

Kooxda-K, dhanka kale, waxay ku qiyaaseyaan in tirada shaqaalaha xagaagan in yar ay ka yarayn doonaan xagaaga caadiga ah, oo ay ka yarayn doonaan qiyaastii 5,000.

Lidl wuxuu ku qiyaasey in tirada shaqaalaheeda xagaaga ay ku dhowaan doonaan ilaa 1000 sanadkan, iyo saameynta korona ee tirada shaqaalaha ay qaadanayaan yaraatay. Silsiladda tukaamada cuntada ayaa wali fureya tababar shaqo oo loogu talo galay carruurta 14- 17 sano jirka ah.

Nuori ajaa ruohonleikkuria puistossa.
Kuva: Malin Valtonen / Yle

26.5.2020

25.5.2020

Dalka Sweden ayaa hadda maraya heerka ugu dhimashada badan adduunka

Dalka Sweden, tirada dhimashada ka dhalatay COVID-19 ayaa gaartay meeshii ugu sareysay dunida asbuucii la soo dhaafay marka tirada dhimashada la barbar dhigo dadka ku nool wadamadaas.

Arintan ayaa ka muuqanaysa websaydhka tirakoobka dunida ee magaciisa la yiraahdo Our world in Data Xogtan waxaa soo sheegay, tusaale ahaan, Warbaahinta Iswiidishka ee SVT.

Bishii Meey 20 keedii , iswiidhan waxaa ku dhintay 6.08 qof markii la barbar dhigo hal milyan ee dadka wadankaas ku nool ah.Tirada labaad ee dhimashada ugu badan waxay ahayd Ingiriiska, oo ahaa 5.57.

Gudaha Finland, tirada dhimashada ayaa bisha shanaad waxay hoos ugu dhacday in ka yar hal markii la barbar dhigo hal milyan oo ah dadka ku nool wadankaan.

Anders Tegnell oo ku takhasusay cilmiga cudurada faafa ee dalka iswiidhan ayaa dhaleeceeyey tirakoobkan.

Aragtidiisa, tani ma tixgelineyso in dalal kala duwan ay ku kala jiraan heerar kaladuwan ee hor u socodka faafitaanka cudurka korona. Hal maalin in lagala soo dhex baxo isla markaana loo adeegsado sameynta tirakoobka, ma bixinayso sawir macquul ah oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee faafitaanka cudurka.

Halka Dan Hedlin, oo ah borofisar ku takhasusay tirakoobka ee jaamacadda Stockholm, uusan ku raacsaneyn arinkaas. Wuxuu fiiriyay tirakoob asbuuc ah wuxuuna xusey in tirakoobkani siinayo sawirka saxda ah ee xaalada jirta.

Isla mar ahaantaana, Hedlin wuxuu tilmaamay in eegidda xaaladda celcelis ahaan ee waddanka oo dhan ay sawirka khaldan bixinayso, maxaa yeelay qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah waxay ku sugnaan karaan xaalado aad u kala duwan.

Tukholma
Kuva: EPA/ AOP

Gudaha Finland, inka badan 6,500 ayaa la xaqiijiyey in ay qaadeen cudurka korona

Machadka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee THL ayaa sheegay Jimcihii, in dalka Finland cudurka koronaha laga helay 44 qof oo horleh.

Isugeyn caabuqyada la xaqiijiyay waa 6 537.

306 dhimasho ah oo laxiriira korona ayaa la sheegay khamiistii. Tirada dhimashadu waxay ahaayen kuwa lamid ah intaas jimcihii oo wax koror dhimasho ah kuma imaanin tiradaas.

Wasaaradda arrimaha bulshada iyo caafimaadka iyo Waaxda Caafimaadka iyo Daryeelka THL ayaa ku qiyaasay in cudurka faafitaankiisu uu Finland hoos u dhacayo. Tirada celceliska ah ee kiisaska la soo gudbiyo ee Diiwaangelinta Cudurrada la kala Qaado toddobaad kasta waxay si wanaagsan hoos ugu dhacaysaa hadda muddo bil ka badan. Tirada dadka ku jira isbitaalka iyo daryeelka degdegga ah ayaa sidoo kale hoos u dhacaya, iyo heerka qaadista ama faafinta caabuqa ayaa sidoo kale hoos u dhacaya.

Koronavirustestinäyte
Kuva: Perttu Ruokangas / Yle

Sharciga ku saabsan xiritaanka qasabadaha qamriga biirka, dhaqangal ahaan wuxuu dhaqangalayaa inyar kahor inta aan makhaayadaha la furin

Makhaayado badan ayaa isku diyaarinaya inay albaabadooda furaan muddo toddobaad kadib ah, laakiin xaqiiqada ugu dambeysa ee ku saabsan xayiraadaha makhaayadaha xagaaga waxay halis ugu jiraan inay kusii fidaan heerarka ugu dambeeya. Go'aan ka gaaridda tubooyinka qamriga biirka ah waxay waqti badan ka qaadatay siyaasiyiinta xilligan lagu jiro duruufaha aan caadiga ahayn.

Dawladdu go'aan ayay ka soo saartay xayiraadaha cusub ee saaran makhaayadaha ugu danbeyn illaa Talaadadii, taasoo ah ku dhawaad asbuuc ka dib markii horay loo qorsheeyay.

Makhaayadaha ayaa albaabadooda furi kara horraanta bisha Juun, laakiin waxay buuxin karaan ilaa kalabar kuraastooda isla markaana qasabadaha qamriga biirku waa inay xirmaan saacadu markay tahay 10ka habeenimo.

Si kastaba ha noqotee, soo-jeedinta xukuumaddu wali ma aysan ka gudbin meel marinta go'doonka guddiga dastuurka iyo baarlamaanka, taasoo aan ahayn hawl fudud.

Ujeeddadu waxay ahayd in soojeedinta xannibaadda ay si dhakhso ah ugu gudubto baarlamaanka, laakiin, tusaale ahaan, khubarada oo dhan ma aysan suurtagalin in la wada dhageysto mudada ogeysiinta ah oo gaaban awgeed.

Tampereen Kauppahallin Neljä Vuodenaikaa-ravintola oli suljettuna 25. maaliskuuta 2020.
Tampereen Kauppahallin Neljä Vuodenaikaa-ravintola oli suljettuna 25. maaliskuuta. Kuva: Miikka Varila / Yle

22.5.

Isbedel ayaa si deg deg ah loogu samayn karaa gaadiidka dadweynaha - tirada rakaabka tareenka iyo basaska waa la xaddidi doonaa haddii loo baahdo

Waddanka Finland, tirada rakaabka safarka dadweynaha ayaa xoogaa koreysa, laakiin weli dawladdu ma aysan saadaalin tilmaamaha qaaska ah ee gaadiidka dadweynaha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Timo Harakka ayaa bartiisa ku qoray in kuraasta lagu fadhiisto iyo tirada rakaabka la xaddidi karo haddii loo baahdo.

Harakka wuxuu xooga saarayaa mas'uuliyadda gaadiidlayda. Tusaale ahaan, VR waxay diyaarisay tilmaamo u gaar ah cudurka karonaha oo loogu talagalay rakaabka tareenka. Lambarada rakaabka ee VR ayaa hoos u dhacay in kabadan 90 boqolkiiba, laakiin hadda waxyar ayey kordheen.

Nawaaxiga magaalo madaxda tirada dadka rakaabka ah ee metrooga ayaa in ka badan 60 boqolkiiba ka yaraa, marka loo eego sidii caadiga ahayd, laakiin sidaas oo ay tahay tirada rakaabka ayaa kordhay toddobaad kadib 8,000 wuxuuna ahaa 112,000.

Bishii Abriil 20, basaska agagaarka caasimadda waxay bilaabeen inay shaqeeyaan jadwalka la dhimay ee xilliga xagaaga. Si kastaba ha noqotee, madaxa waaxda HSL Mari Flink ayaa ku qiyaastay in gaadiidka dadweynaha ee agagaarka magaalo-weynta Helsinki inuusan qatar ugu jirin inuu noqdo fayras keene, inkastoo fasaxidda bulshadu ay keentay in tirada rakaabku korodho.

HSL waxay sidoo kale kordhisay basaska iyo tareennada markii iskuulada la furay, markii danbana waxay sidoo kale siyaadisay socodka metrooga waqtiga baahida ugu badan jirto.

Baarlamaanku wuxuu talaadadii ansixiyay isbedelo ku meel gaar ah oo loogu talagalay fududeynta la qabsiga gaadiidka dadweynaha ee is beddelka tirada rakaabka.

Isbeddelka sharciga ayaa lagu sahlayaa in la beddelo jadwalka. Jadwalka hadda waxaa lagu beddeli karaa wargalin shan maalmood ah, halkii 60 maalmood lagu badali jiray.

Ihmisiä Helsingin rautatieaseman laiturilla.
Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

**Dadka Finland ka bixi waayay waxay helayaan raqiisin dalabkooda dagenaanshada
**

Waxaa aad looga raqiisanayaa khidmadda laga qaado codsiyada oggolaanshaha degenaanshaha dadka ay ruqsaddooda degenaansho wakhtigeedu dhammaan rabo ama ay dhamaatay, laakiin ku noqoshada waddankoodii aysan suurtogal u noqon karin xaddidaadda safarka awgeed.

Caadi ahaan, khidmadda dalabka degenaanshuhu waa 520 euro dadka qaangaarka ah iyo 270 euro dadka da'da yar. Isbeddelkan ku-meelgaarka ah, qidmadda shaqo ee dalabka ogolaanshaha cusub waa 150 qofka qaangaarka ah iyo 100 ilmaha yar, hadii dalabkaagu ku saleysan yahay xaddidaadda safarka ee cudurkan dartiis.

Waxaa loo ogol yahay tusaale ahaan, dadka waqtigooda safarka bilaa fiisaha la dhaaftay, laakiin xaddidaadda safarka ay ka horjoogsanayso inay ku noqdaan waddankooda.

”Hoos udhigga khidmooyinka ayaa macquul ah, maadaama dadku si ay ku qasban yihiin dalka u joogaan, joogitaanka waxaa lagu qiyaasaa inuu yahay mid gaaban, sidoo kale waqtiga ay shaqeynayso ogolaanshaha ayaa ka yar sidii caadiga ahayd” arintaan ayaa lagu soo qoray war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Isbedelku wuxuu shaqeynayaa ilaa dhamaadka Oktoobar.

Maahanmuuttoviraston myötämiä asiakirjoja
Kuva: Kare Lehtonen / Yle

Jaamacadda Helsinki ayaa baaraysa: In Eygu urin karo korona fayrus

Baarayaasha cilmi-baarista ee Jaamacadda Helsinki ee Xannaanada xoolaha iyo Machadka Caafimaadka ayaa daraasad ku sameynaya in dadka uu ku dhaco cudurka COVID-19 lagu ogaado isbadalka urka.

Eeyaha tababaran ayaa ku guuleystay sida ay sheegtay daraasaddan hordhaca ah ee la sameeyay inay kala soocaan baaritaanka kaadida caafimaadka qabta iyo mida qabta infekshinka cudurka korana fayruska.

Iyadoo la raacayo tijaabooyinkan horudhaca ah, eeyaha ayaa dhaqso u samayn kara howshan ay sida deg degga ah u fahmayaan, isla markaana ay gaaraan natiijooyin aad loogu kalsoonaan karo oo ka badan baaritaanadii shaybaarka.

Eeyaha lagu tababaray kala-soocidda urka ayaa hore u baari jiray waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin sida dadka qaba kansarka.

Kössi-koira haistelutehtävissä.
Kössi-koira haistelutehtävissä. Kuva: Susanna Paavilainen

Howlaha u adeeggidda alle way ka qeyb qaadan karaan xagaaga tiro kabadan 50 qof, haddii loo hogaansanaado hagida dowladda

Laga bilaabo maalinta koowaad ee bisha Juun, in ka badan 50 qof ayaa ka qeyb qaadan kara howlaha u adeeggidda alle waa haddii ay raacaan tilmaamaha dowladda ee loo diyaarin karo munaasabadaha si nabad galyo leh ayee ku sheegeen baadariyiinta efankeli-luuteriga finland warbixinadoodii kaniisadda. Hagid la mid ah midaas ayaa la siinayaa dadka ku qabsada kaniisadda ama goobaha lagu cibaadeeysto xafladd-diimeedka sida meherka ama waqlalka.

Tirada ugu badan ee kaqeybgalayaasha munaasabadaha waa 500, laakiin tirada dadka ayaa had iyo jeer u dhiganta kufilnaanshaha goobta, si markaas u suurto gasho masaafadd hal illaa laba mittir si loo kala nabad helo.

Iso kynttilä Oulun tuomiokirkon alttarin edessä.
Kuva: Wasim Khuzam / Yle

Xagaaga, munaasabadaha caamka ah ee wax ka yar 500 oo qof ayaa suurtogal ah iyada oo qabanqaabooyin gaar ah la samaynayo.

Wakaaladda Maamulka Degaanka ayaa dhammaystirtay hagitaankeedii la sugaayay ee ku aaddanayd abaabulka dhacdooyinka kala duwan. AVI ayaa siidaysay warbixin ku saabsan mawduucan talaadadii.

Sida laga soo xigtay AVI, munaasabadaha dadweynaha iyo shirarka guud ee dad ka badan 50 qof laakiin aan ka badnayn 500 oo qof oo gudaha ah iyo kuwo bannaanka ah ee xaddidan ayaa lagu abaabuli karaa qaban-qaabooyin gaar ah.

Nabadgalyada dadka waxaa lagu hubinayaa iyadoo la xaddidayo tirada macaamiisha iyo in la ilaaliyo inaysan dadku isku dhawaan, sidoo kale in la raaco talooyinka nadaafadda.

Qabashada isku imaatin dadweynaha iyo shirarka guud ee tiro ka badan 500 oo qof ayaa la mamnuucay ugu yaraan illaa dhammaadka bisha Luulyo, mana jirto wax ogolaansho gooni ah oo ay bixinayso hay'adda dawladda ee degaanka.

Jalkapallokannattajat
Kuva: Tomi Hänninen

20.5.2020

Dowladda ayaa go’aamisay shuruudaha funaanshaha makhaayadaha – Kala bar macaamiishii caadiga ahayd ayaa markiiba geli kara, xayiraaduhuna waxay shaqeyn doonaan ilaa dhamaadka Oktoobar.

Dowladda waxay maalintii talaadada ahayd go’aamisay shuruudaha ay maqaayaduhu ku ballaarin karaan adeegyaooda laga bilaabo horraanta bish lixaad.

Makhaayadahu waxay furnaan karaan ilaa saacadu marka tahay 23:00, khamri cabidana waxaa la ogolyahay ilaa 22:00. Makhaayadaha waxaa la furi karaa lixda subaxnimo, halka khamri-cabiddu ay bilaaban karto saacadu markay tahay sagaalka.

Waxay makhaayaduhu sii dayn karaan in la eg kala bar macaamiishoodii caadiga ahayd, laakiin xadiidadda kuraasta macaamiishu ma qusayso banaanka makhaayadaha ee wax lagu cabo.

Dowladdu waxay hadba qiimayn doontaa xaalada, xayiraadahana markii loo baahdo waa la qaadi karaa.

Krista Kiuru, oo ah Wasiirka Qoyska iyo Adeegyada Aasaasiga ah, ayaa sheegtay inay xannibaadahani soconayaan ilaa dhamaadka bisha tobanaad, laakiin qodobadooda ku meel gaarka ah, ayaa hadii loo baahdo la qaadi doonaa intaan waqtigaas la gaarin. Xannibaadaha ma quseeyaan maqaayadaha shaqaalahu wax ka cunaan iyo meelaha cuntada iyo cabitaanka dalabka looga qaato.

Marka la fiiriyo soo jeedinta dowlada, macaamil kastaa waa inuu helaa kursi u gaar ah. Intaas waxaa dheer, inuusan macaamilku cuntada ama cabitaanka ku guri karin meel ka baxsan miiskiisa, tusaale ahaan buffeega ayaa la ogolayn.

Sidoo kale, waa inay makhaayadu samaysaa qorshe qoraal ah oo ku saabsan sida ay ugu talagashay inay u fuliso waajibaadka iyo xayiraadaha la soo rogay.

Soo jeedinta xukuumadda ayaa marka xigta looga doodi doonaa baarlamaanka. Dowladdu waxay rajeyneysaa inuu baarlamaanku sida ugu dhaqsaha badan uga xaajoodo hindisaha sharciga ah, si xadidaadaha loo dhaqan geliyo horraanta bisha lixaad, mar ahaantii ay maqaayaduhu albaabadooda furaanba.

Suljettu ravintola-alue Espoon Tapiolassa.
Suljettu ravintola-alue Espoon Tapiolassa. Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Dadka ka weyn 70 sano waxay Finland ka helayaan xornimo dheeraad ah

Waaxda Caafimaadka iyo Daryeelka ayaa dhammaystirtay tilmaamaha loogu talagalay dadka ka weyn 70 sano jir ka. Mar kale waxay la kulmi karaan dadka kale, laakiin nadaafadda iyo kala fogaanshaha amniga ah waa in laga taxadaraa. Tilmaamaha cusub waxaa ogolaaday Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Caafimaadka. Tilmaamahan ayaan quseynin inay la kulmi karaan ilmaha ay ayeeyada ama awoowaha u yihiin, asxaabta ama ehelka kale midna.

Haddii la booqanayo qof ka mid ah dadka halista kujira, booqashooyinka gudaha ah waa in ay ahaadaan kuwa gaaban. Markaad kulmeysaan, waa inaad isticmaashaan afjeeb , tusaale ahaan midka marada ah ama wax kale oo ilaalin kara afkaaga. Si kastaba ha noqotee, afjeebku ama maaskaradu wuxuu u baahan yahay in badanaa si joogto ah loo beddelo.
Waagii hore, waayeelka ayaa lagula taliyay in ay ka fogaadaan u bixista guriga dibaddiisa. Talooyinkii hore ee waayeelka waa la baajiyay, maxaa yeelay cudurkan faafitaankiisu ma ahan mid hadda maraya heerkii ugu xumaa. Qaar badan oo ka weyn da'da 70 ayaa sidoo kale la kulmay dareemis ay dareemayaan kelinnimo, kaasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid aad iyo aad uga badiyay.

Vanhus
Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Helsinki, arday iyo shaqaale ku kala sugan laba iskuul ayaa la karantiilay

Ardayda iyo shaqaalaha iskuullada hoose- dhexe ee Itäkeskus iyo Kannelmäki ayaa loo karantiilay soo-gaarista caabuqa korona. Liisa Pohjolainen, oo ah agaasimaha waxbarashada ee Helsinki, ayaa u sheegtay Helsingin Sanomat in caabuqa korona laga helay labada iskuul.

Iskuulka hoose-dhexe ee Itäkeskus, hal arday iyo laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha iskuulka ayaa la galiyay karantiil guriga ah. Dhinaka kale, iskuulka hoose-dhexe ee Kannelmäki, ayaa 14 arday iyo afar shaqaalaha iskuulka ah ayaa la galiyay karantiil guriga ah.

Waaliddiinta labada iskuul iyo shaqaalaha iskuulka ayaa la ogeysiiyay soo-gaadhista cudurka. Waaxda daryeelka bulshada iyo daryeelka caafimaadka u qaabilsan la socoshada talaabada cudurada faafa waxay xariir la sameyn doonaan dadka lagu xukumay karantiilka guriga iyo qoysaskooda. Waxbarashada dhaw ee iskuulka toos loo tagayo ayaa ahaa mid ka sii socday iskuuladan si caadi ah Isniinta. Dhamaan ardayda kale, marka laga reebo kuwa hada karantiilka ah, waxay caadi ahaan u yimaadeen iskuulka.

Ivalon koululaiset palaavat kouluun.
Kuva: Vesa Toppari / Yle

Finnair waxay joojineysaa duulimaadyada gudaha wadanka ee xagaagan

Finnair waxay leedahay uma duuli doono Joensuu, Jyväskylä, Kajaani, Kemi ama Kokkola inta lagu jiro xagaagan 2020. Shirkadda ayaa go'aan ka gaari doonta jiilaalka (talvikautta) 2020-2021 go'aan kaaso oo quseeya duulimaadyada goobaha kor ku xusan, markii ay aragto sida baahida guud ee safarka duulimaadka uu hadba isu beddeleyo.

Finnair waxay leedahay, waxaa laga yaabaa inay Finnair joojiso duullimaadyada ay ku tagi jirtay garoomo badan oo gobolada ah muddo ugu yaraan hal sano ah. Wadooyinka duulimaad ee khatarta ugu jira in la xiro waa kuwa ugu wax soo saarka hooseeya ee Finnair.

Kuvassa on Finnairin lentokoneita toukokuussa Helsinki-Vantaan lentokentällä. Koneet ovat maassa koronaviruspandemian vuoksi.
Koronapandemia on pitänyt lentokoneet parkissa kentillä. Kuva: Silja Viitala / Yle

App-ka lagu raadraaci doono caabuqa karona, ayaa lagu tijaabinayaa Vaasa

Toddobaadkan, tijaabinta barnaamij casri ah oo loo sameeyay si loola socdo dadka cudurka caabuqa Korona qaba ayaa laga bilaabay Cisbitaalka Dhexe ee Vaasa. App-ka waxaa la tijaabin doonaa muddo seddex toddobaad ah. Ujeeddada mashruucu waa in la hubiyo in app-ku u shaqeeynayo si ku-habboon magangalyada macluumaadka oo aamin ah.

Shaqaalaha waaxda gurmadka degdega ah ee Isbitaalka Dhexe ee Vaasa,ayaa ka qeyb qaadan doona tijaabada baraawada ah ee qalabkan, kuwaasoo dabagal ku sameyn doona muwaadiniinta iyo xirfadleyda daryeelka caafimaadka. Shaqaaluhu waxay ku soo degsanayaan app-ka taleefanka casriga ah ee ay ku isticmaalaan shaqada, qaarkoodna waxay isla markaa diiwaangelin doonaan dadkii ay la soo kulmeen. Tani waxay noo oggolaaneysaa inaan isbarbar dhigno taariikhda kulanka dhabta ah iyo kan dhijitaalka ah.

App-ku wuxuu isticmaalayaa teknolojiyad Bluetooth ah, si qarsoodi ah uu ula socon karaa dadka uu la kulmay isticmaalaha taleefoonka, kuwaasoo iyaguna taleefankooda ku shubteen isla App-kaas.

Isticmaalaha app-ka lama weydiinayo macluumaadkiisa shaqsiyeed. Isticmaalaha kulamada uu dadka kula kulmayo ayaa si qarsoodi ah ugu kaydsami doona taleefankiisa oo xataa isaga laftiisu ma arki karo. Haddii isticmaalaha laga helo cudurka oo uu u sheego app-ka, barnaamijku wuxuu u dirayaa ogeysiin dadkii xiriirka dhow la sameeyay isticmaalaha.

Tijaabadan waxaa loo adeegsan doonaa oo keliya baaritaannada cudurrada faafa ee been-abuur ah, app-kuna sinnaba kuma xirna nidaamka lagu keydiyo macluumaadka bukaanka.

Älypuhelinsovellusta testataan
Kuva: Vaasan sairaanhoitopiiri

HUS Ayaa tijaabinaya inuu bukaanka koronaha ku daaweeyo shucaaca (radiotherapy)

Isbitaalllada Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri (HUS) ayaa sheegay inay bilaabayaan daraasad cilmiyaysan oo lagu ogaanayo saameynta daawaynta shucaacu ay ku leedahay bukaanada cudurka koronaha. Daraasadu waxay eegaysaa bal in shucaaca hal mar ah oo lagu lagu bartilmaamsanayo meel yar oo sambabada ka mid ah, ay saamayn wax-gal ah ku yeelan karto cudurka koronaha oo meesha daran gaaray.

Sida laga soo xigtay HUS, shucaaca lagu daaweynayo bukaanka fayraska koronaha qaba ayaa waxaa looga dan leeyahay in la yreeyo fal-celinta is-difaaca jirka, taasoo uu caabuqa fayrasku sababay, waxaana loo malaynayaa inay fal-celintaasu gacan ka geyto sidii uu cudurku uga sii dari lahaa.

Sida laga soo xigtay HUS, shucaacaan kuwo la mid ah ayaa tobanaan sano loo adeegsadanayay si uusan jirka qoka dhuuxa laga bedelay u diidin dhuuxa cusub. Hadafku wuxuu ahaa in la xakameeyo fal-celinta is difaac jirka qofka.

Ujeeddada daraasadda waa in laga hortago caabuqa fayraska koronaha ee u baahan isbitaal dhigid iyo inuusan sii adkaan oo uusan noqon mid aad u daran una baahan in la dhigo qaybta daryeel degdeg ah. HUS waxay qiyaaseen in waxtarka suurto galka ah ee daawaynta noocaan ah loo arki doono si dhaqso ah.

Fiisigis-yahanka sare Mikko Tenhunen oo ka tirsan Xarunta Kansarka ee HUS ayaa war-saxaafadeedka ku sheegay in qaddarka shucaaca ee cilmi-baaristaan la adeegsanayo ay keeni karto halis qiyaastii ah boqolikiiba hal, halistaasu waa inuu qofkaas kansar kaga dhici karo meeshii shucaaca looga daweeyay 10–20 sano ka dib. Khatartaan yar oo jirta owgeed, waxaa daraasadaan loo adeegsan doonaa dadka ka waawayn 50 sano oo kaliya.

Sida laga soo xigtay HUS, laba daraasadood oo kale oo midaan la mid ah ayaa dhowaan laga bilaabay adduunka intiisa kale.

Vanhan hoitoyksikön sädehoitolaite Kerttu.
Kuva: Antti-Jussi Korhonen

19.5.2020

18.5.2020

Dawladdu waxay isku khilaafeen saacadaha furitaanka makhaayadaha iyo kuraasta macaamiisha

Makhaayadaha ayay tahay inay furaan albaabadooda dhowr toddobaad gudahood, laakiin waxaa jira khilaaf dowladda gudaheeda ka jira oo ku saabsan tirada kuraasta makhaayadaha iyo waqtiyada furitaanka makhaayadaha iyo sidoo kale cabitaanka qamriga ku iibintiisa xilliyada la ogolyahay.

Xukuumadda ayaa laga sugayay inay soo bandhigto ugu horrayn illaa Arbacadii sida maqaayadaha ay albaabadooda u furi karaan horaanta bisha Juun ka dib xiriddii caabuqa korona dartiis, laakiin arrintii mid ka soo horjeedda ayaa dhacday.

Dawladdu waxay bilawday inay soo jeediso yareynta tirada kuraasta macaamiisha ee makhaayadaha si loo xakameeyo faafitaanka caabuqa korona. Soo jeedinta aasaasiga ahi waxay ahayd in cabitaanka aalkoladu ay joogsato 9-ka fiidnimo makhaayaduhuna ayaa xirmaan 10-ka habeenimo.

– Waxaan soo bandhigeynaa qaabka noorwiijiga ah oo ah in maqaayadaha ay cabitaanka aalkoladu u furantahay illaa 11ka fiidnimo isla markaana ay xirmayaan horaanta saqda dhexe, saacadda 24. Toddobaadyo yar gudahood, waa la arki karaa bal inay suurtagal tahay in laga sii qafiifiyo xeerarka sidaas ay yihiin, Timo Lappi, oo ah madaxa dalxiiska iyo Adeegyada makhaayadaha Mara, ayaa dalbanaya.

Dowladda ayaa sidoo kale leh aragtiyo kaladuwan oo ku saabsan in makhaayadaha ay ku furmi doonaan shuruuc wadajir ah dalka oo dhan. Sida laga soo xigtay Yle, furitaanka tartiib tartiibta ah ee maqaayadaha waxay ka macno tahay in marka hore ay jiri doonaan xeerar isku mid ah oo si wadajir ah uga dhaqan gala dalka oo dhan. Ka dib muddo dabagal ah oo dhowr toddobaad ah, waxaa la qiimeyn doonaa in xannibaadaha laga fududeyn karo meel uun.

ravintolan tiski ja menu
/ Kuva: Rami Moilanen / Yle

Ilaa 5000 oo Finlandays ah ayaa ilaa iyo hadda hore uga bogsooday fayruska karonaha

In kabadan 6200 oo cudurka covid-19 uu ku dhacay ayaa la xaqiijiyay Finland. Tiradaas waxaa cudurka hore uga bogsooday qiyaastii 5000 oo Finlandays ah.

Sida ay sheegtay THL, tirada dadka ka bogsooday ayaa waqtigan u kordhaya si ka badan kiisaska cusub ee cudurka, sidoo kale faafidda cudurka ayaa si aad ah hoos ugu dhacday. Iyadoo la raacayo kiisaska la xisaabiyay ee maalinle ee cudurka, bishii abril ayaa noqonaysa waqtigii caabuqa ugu sareeyay la arkay, bil gudaheedna tirada caabuqa si tartiib ah ayuu hoos ugu dhacay. Si kastaba ha noqotee kala duwanaanshaha maalinle ee cudurka ayaa aad u badan.

Sida ay qabto THL, heerka faafidda cudurka ee usbuucii la soo dhaafay ayaa ahaa 0.60-0,85. Hadii heerka faafiddu ka hooseeyo hal, faafidda cudurku way sii yaraanaysaa.

Taneli Puumalainen, oo ah dhaqtar sare ee THL sida uu sheegay, tani waxay u saamaxaysaa Finland iyo wadamo badan in bulshada loo kala fasaxo heerar kala duwan, waa hadii la hubinayo isla waqtigaas inuusan cudurku si aad ah u socon.

Terveydenhoitaja Pia ja lääkäri tutkivat potilastietoa Malmin korona-asemalla.
Hoitohenkilökunta tutkii potilastietoja. Kuvituskuva. Kuva: Mårten Lampén / Yle

Baaritaanka cudurka karona fayrus waxaad Helsinki ballan ka qabsan kartaa websaytka

Ballamaha laga sameeysto websaytka ee korona fayruska waxaa lagu baaraa kulttuuritalo Stoa oo ku taallo Itäkeskus. Baaritaanka Stoa waxay shaqeeysaa maalmaha shaqada 8-da subaxnimo ilaa 6-da galabnimo, sabtida iyo Axadda 12-ka ilaa 4-ta galabnimo.

Hadii loo baahdo qofka isaga shakiya karona fayrus wuxuu balan ka qabsan karaa websaytka, isagoo buuxinaya astaamaha cudurka adareeska omaolo.fi.

Stoa waxay ku taalaa Itäkeskus adareeska Turunlinnantie 1.

Hab kale oo lagu dalbado baarista karona fayrus waa in la waco la-talinta karona fayrus, teleefon 09 310 10024 (maalmaha shaqada 7-da aroornimo ilaa 8-da habeenimo) iyo waqtiyada kale ee heeganka, teleefon 116 117.

Tartuntavaarasta kertova Pääsy kielletty -kielto laboratoriossa, jossa analysoidaan koronavirusnäytteitä.
/ Kuva: Markku Ulander / Lehtikuva

Codsiyada magangalyo oo aad u yar ayaa la gudbiyay intii lagu guda jiray cudurka faafa ee karona fayrus

Sida ay sheegeen Xafiiska waaxda socdaalka ee Finland, waxaa si cad hoos ugu dhacay tirada dadka magangalyo-doonka ah ee cusub intii uu socday cudurka faafa ee karona fayrus. Majiro wax codsiyo magangalyo ah oo laga dalbaday xuduuddaha Finland tan iyo markii ay dhaqan gashay xayiraada xudduudda lagu soo rogay 19 maarso

Codsiyada magangalyo ee ugu horeeyey waxaa la xareeyay intii u dhaxeysay 19.3 – 30.4 wadartooda guudna waa 78. Codsadeyaashu waxay inta badan hore u deggenaayeen Finland kahor inta aan xaddidaadda soo gelista la dhaqan gelin.

Maahanmuuttovirasto / Migri / Ratapihantie 11 / Pasila / Helsinki 13.04.2020
Kuva: Jouni Immonen / Yle

EU: Tallaalka koronaha ayaa markuu ugu soo hormaro sanad kadib soo baxaya

Tallaal looga hortagayo cudurka uu faryrsaka koronaha keeno ee covid-19 ayaa markuu ugu soo hormaro diyaar noqon kara sanad kadib. Sidaasna waxaa laga sheegay wakaalada daawada.

- Marco Cavaleri oo ah madaxa wakaalada qaybteeda u qaabilsan tallaalka iyo la dagaallankaa hallista caafimaadka ayaa yiri: haddii wax walba sidii loogu talo galay ku socdaan, waxaa suurtogal ah in tallaallada qaarkood ay ansixin diyaar u noqon karaan sannad gudihiis. Si kastaba ha noqotee, waxaan cadaynayaa inay arintaanu suurto gal noqon karto, hadii wax walba sida ugu wanaagsan u hirgalaan oo kaliya.

Waxaan ognahay inaysan tallaalada dhammaantood u gudbin heerka ansixinta ama ay dhici karaan dib u dhacyo kale, ayuu Cavaleri ku sii daray.

Wakaalada daawadu waxay aaminstahay, in saadaalintii ay dhowaan soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), taasoo sheegaysay inuu fayrasku noqon karo mid aan tallaal loo helin, ay tahay rajo tirid ka badbadis ah.

- Cavaleri wuxuu ku daray, in kastoo ay wali xilli hore oon wax la saadaalin karin tahay, hadana waxaan u arkaa inay jiraan sabab wanaagsan oon u aaminno in tallaallo soo bixi doonaan. Waan la yaabi lahaa ayuu yiri, haddii aan tallaalka covid-19 la helin ugu dambeynta.

Kuvassa on kokeellinen rokote koronavirusta vastaan.
Kiinalaisessa laboratoriossa kehitetään koronarokotetta. Kuva: Nicolas Asfouri / AFP

THL: Faafida caabuqa korona uma muuqato inay kordhisay culeyska maskaxda

Faafitaanka corona iyo siyaabaha kala duwan ee xakameyntiisa ilaa iyo hadda waxay u muuqdaan inay ka yaraadeen saameyntiisu cabsidii laga qabay fayo qabka maskaxda ee dadweynaha. Arrintaan ayaa ka soo baxday natiijooyinka horudhaca ah ee sahanka dadka oo uu sameeyay Waaxda Qaranka ee Caafimaadka iyo Daryeelka (THL).

Sida laga soo xigtay THL, qaar badan ayaa siyaabo kala duwan uga walaacsan saameynta caabuqa korona, laakiin xaaladda adag ee xirxiran oo gaarka ah iyo walaacyada la xiriira uma muuqdaan inay horseedeen inay sii kordhaan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ee dadka da'da shaqada ku jira. Welwelka ugu badan ee la xiriira cudurka koronada faafa waa in qofka qof qaraabadiisa ah ama ehelkiisa ah uu xanuunku ku dhacaa. 45% jawaab bixiyayaasha aya arintaan ka walaacsan.

Soddon iyo shan boqolkiiba jawaabeyaasha ayaa gabigood ama intooda badan aad uga walaacsanaa inay iga laftoodu qaadsiisaan ama ku daartaan dadka kale. 31 boqolkiiba ayaa sidoo kale ka walaacsan saameynta dhaqaale ee qaabuqa koronada faafa. In caabuqa korona uu qofka isaga laftiisa ku dhacdo walwalka laga qabo, wuxuu ahaa kaliya walaaca afaraad ee ugu badan.

Waaxda Caafimaadka iyo Daryeelka ayaa soo saartey daraasad lagu baarayo saameynta cudurka faafa ee korona iyo siyaabaha kala duwan ee lagu xakameynayo ay ku leeyihiin caafimaadka iyo fayodhowrka bulshada.

THL:n koteihin lähettämä koronavirukseen liittyvä ohjekirje.
/ Kuva: Tiina Jutila / Yle

15.5.2020

Markab ayaa looga soo bixi karaa Sweden laguna imaan karaa Finland markale

Finland ayaa fasaxday 14.5 hal qayb oo ah isku socodka xuduudaha. Gaadiidka rakaabka ee ka talaabaya badweynta una socdo Sweden ayaa bilaaban doono markale, marka la ogolaado isku socodka shaqo ama midka lagama maarmaanka ah ee la isku dhaafayo xuduuddaha EU.

Safarka doomaha ee u dhaxeeya Istokholm iyo Turku ayaa la bilaabay in macaamiisha laga iibiyo tigidho. Todobaadyadii hore waxaa wadadaas marayay oo kaliya xamuul

Weli suurto gal ma ahan safardoomeedka caadiga ama kuwa dalxiiska ah, laakiin isbadalkaan wuxuu u fududayn doonaa tusaale ahaan iswiidish_finlandayska soo booqanaya dalkooda kale. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iswiidhan waxay ku talineysaa in la iska ilaaliyo safarada dibadda een loo baahnayn ilaa 15.7.

Isku socodka xadka ayaa si adag loo xakameeyay bishii maarso faafitaanka karonafayrus dartiis.

Viking Lines passagerarfärja Amorella glider förbi Folkparkens badstrand i Åbo en tidig morgon då morgonsolen lyser upp allt i gult och orange.
Kuva: Linus Hoffman / Yle

Wasaaradda ayaa soo saartay amar ku saabsan isticmaalka badbaaddiyaha dadka ka tirsan daryeelka caafimaadka

Wasaaradda arimaha bulshada iyo caafimaadka ayaa amartay in dadka shaqadoodu tahay inay macaamiisha la sameeya xiriirka dhaw isticmaalaan gafuur-saab, kuwaas oo jooga xarumaha shaqo ee daryeelka bulshada ee saacad kasta shaqeeya, iyo kuwa guryaha macaamiisha ugu adeega. Hadafku waa in la ilaaliyo macaamiisha, kuwaas oo qatar badan ugu jira inay si daran ugu xanuunsadaan ku daarasho lagu daartay cudurka karona fayrus darteed.

Hadii aan la heli karin gafuur-saabka qaliinka ee sanka, waa in la isticmaalaa mid la dhaqi karo ama midka marada ah ee halka mar la isticmaalo amaba mid leh arag laakiin wajiga oo dhan lagu daaboolayo.

Go’aanku wuxuu ilaalinayaa dhammaan macaamiisha ku jira dadka halista u ah, kuwaas oo ah dadka isticmaala adeegga daryeelka bulshada una badan dadka waayeelka ah. Go’aanka waxaa lagu saleeyay xeerka jaangooyada. Wuxuu dhaqan galaa Isla markiiba, wuxuuna ansax yahay ilaa 30ka juun.

mies käyttää suojamaskia
Joensuun kaupungissa on voimassa tiukennettu kasvomaskisuositus. Kuva: Marja Väänänen / Yle

14.5.2020

Faafida cudurka koronaha waxay yareeysay shaqada ee dhakhaatiirta

Sida laga soo xigtay sahan dhowaan ay sameeyeen Ururka Caafimaadka ee Finland, culayska shaqada ee ku dhawaad kalabar dhakhaatiirta ayaa hoos u dhacay xaalada caabuqa koronada darteed.

Dhakhaatiirtu waxay ka walaacsan yihiin bukaanada oo aananba imaanaynin ama dalbanaynin baariitaanno, isla markaana faafida koronaha awigiis, baajiyanaya ballamihii qalliinnada horay loogu qaabtay.

Sida laga soo xigtay ururka, imaanshaha bukaanada ayaa hoos u dhacay ilaa kalabar. Toddobaad kasta, 100,000 oo kulammada bukaan ah ayaan baaqda. Gaar ahaan goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ayay dhakhaatiirtu dareemeen hoos u dhac ku yimid tirada bukaannada iyo shaqadaba.

Ururka dhakhaatiirta ayaa ku qiyaasay inay sababi karto hoos u dhaca ku yimid la kulanka dhakhaatiirta, xaaladda guud ee caafimaad oo ka sii darta isla markaana caafimaadka bukaannada ay qatar galaan maadaama aan cudurada la daweyneynin. Sida laga soo xigtay ururka , tani waxay mar dambe horseedi kartaa bukaanada oo aad u bata, helitaanka ballamaha oo aad u adkaada iyo shaqo aad u badan oo soo wajahda dhakhaatiirta.

Dhakhaatiirtu waxay aad u adkeeyeen inay aamin tahay in la yimaado goobaha caafimaadka.

Lääkäri tietokoneen äärellä.
/ Kuva: Derrick Frilund / Yle

Finland waxay heleysaa tiro badan oo qalab cusub oo ilaalin ah

Xarunta xaqiijinta agabka daryeelka (HVK) ayaawar-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegtay in iyaga iyo shirkada qaabilsan kaynta UPM ay wada saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan suurtagalnimada in tiro badan oo agabka badbaadada ah, laga keeno Shiinaha. Sida ku xusan heshiiska, qaybta iibka u qaabilsan UPM ayaa raadinaysa cida agabka badbaadada soo saaraysa, isla markaana wada xaajood ka galaysa shuruudaha lagu soo gaarsiinayo agabka. HVK go'aan ka ka gaaraysa shirkada agabaka soo saaraysa, dalbka iyo fulinta qandaraaska kama dambaynta ah.

Shirkadda UPM ayaa ka soo iibsatay qalab ilaaliyayaal ah oo tijaabo ah in ka badan toban shirkadood oo agabkaas soo saara , kuwaasoo horay loo soo xushay, agabka badbaadada waxaa lagu tijaabiyey Xarunta Cilmi-baarista Tiknolojiyadda VTT. Dhammaan alaabada la tijaabiyey waxay ahaayeen af-saabyada qalliinka kuwaasoo dhamaantood buuxiyay shuruudaha tayada. Sida laga soo xigtay HVK, UPM waxay u shaqeyneysaa ujeedo aan macaash doon ahayn, taasoo ay micnaheedu tahay inay xirfadlayaasheeda wax soo iibsiga ay ku wareejisay HVK iyadoo aan ku dooneynin caawimaadeeda wax magdhaw ah.

Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka, ayaa dhinaceeda, leh, in guddiga Yurub uu u soo iibiyay afjeebada qaliinka loogu talagalay waddamada xubnaha ka ah EU iyada oo loo marayo qalabka cusub ee taageerada degdega ah.

Guddigu waxay soo iibsanayaan 10 milyan oo maaskarada qalliinka ah oo loogu talagalay dalalka xubnaha ka ah. Waxaa loo qaybin doonaa Dawladaha xubinta ka ah iyada oo lagu saleynayo, tirada bukaannada qaba caabuqa covid-19 ee isbitaalada ku jira.

Qaybtii ugu horreysay ee timid Yurub waxay ka kooban tahay 1.5 milyan oo maaskaro ah. Tani waa soo iibsiga tooska ah ee guddiga, ee ma ahan soo iibsiga sida wadajirka ah ee Dowladaha xubinta ka ah. Guddiga ayaa maalgalin doona soo iibsashada.

Finland waxay qayb ahaan u heli doontaa 10,000 oo maaskaro ah , qaybtaana waa qaybtiisii ugu horreysay, oo dalka timid 13kii Meey 2020. Maaskarooyinka waxaa la geyn doonaa xarunta saadka ee Helsinki iyo Isbitaalka Uusimaa ee HUS.

Hoitaja purkaa kenttälaboratoriota päivän päätteeksi Mehiläisen drive in koronatestauspaikalla.
Kuva: Mårten Lampén / Yle

Finavia iyo Finnair ayaa doonaya in la isticmaalo qalab ilaalin ah

Finavia ayaa rabta in dhamaan dadka ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ay mustaqbalka dhow wax ay ku difaacaan afka iyo sanka. Dadkaas oo hadda u adeega macaamiisha iyagoon gafuur-saabka wadanin. Sidoo kale waxay Finavia si buuxda ugu talineysaa inay rakaabku xirtaan gafuur-saabka xiliga ay dhex socdaan garoonka.

Laga bilaabo isbuuca danbe, rakaabku waa inay xirtaan gafuur-saab inta duullimaadyada Finnair lagu jiro. Sida ay sheegtay Finnair dhammaan macaamiisha waa inay xirtaan difaace (gafuur-saab) daboolaya sanka iyo afka waqtiga duullmaadka lagu jiro oo dhan. Sidoo kale shaqaalaha ayaa isticmaalaya gafuur-saabka xilliga duullimaadka oo dhan. Isbadalku wuxuu bilaabanayaa isniinta 18. maajo. Sida shirkaddu sheegtay howshan ujeedkeedu waa in la ilaaliyo caafimaadka rakaabka.

Sida sharkaddu sheegtay, waxay rakaabku isticmaali karaan waxa loogu yeero gafuur-saabka qalliinka, ama tusaale ahaan mid macmal ah oo ayagu samaysteen balse wajiga difaacaya. Muhiimaddu waa inuu qofka ka difaacayo dhibca qoyan ee hawada heehaabaysa, waana inuu daboolayo sanka iyo afka. Cidii aan haysan gafuur-saab, waxay ka heli karaa shaqaalaha diyaarada. Sida Finnair sheegtay ilmaha ka yar 7 sano uma baahna inay isticmaalaan gafuur-saabka

Sidoo kale waxay Finnair sheegtay tallaabooyinka kale ee la isku ilaalinayo. Shirkadu waxay rakaabka kula talineysaa, inay inta garoonka la joogo iska yareeyaan isu dhawaanshaha dadka kale, sida marka la qaadanayo boorsooyinka iyo marka la hubinayo dukumiitiyada. Sidoo kale waainay safka is ilaaliyaan.

Finnairs Airbus A320-plan på Helsingfors-Vanda
Kuva: Markku Ojala / AOP

Ilmay aan gaarin iskool gaarin ayaa koronaha dartiis isbitaalka loo jiifiyay

Ilmay isbitaalka lagu koontaroolayay dhib dhanka neefsashada ka jira awgiis, ayaa laba usbuuc ka hor laga helay cudurka koronaha. Dhcadadaan ayaa ahayd tii ugu horraysay Finland, ee inta la ogyahay caruur isbitaal loo dhigo koronaha dartiis. Caruurku ma uusan qabin jirooyinka aasaasigaa ee lala nooolaado.

Harri Saxén, oo dhaqtarka cudurada faafa ka ah HUS, ayaa sheegay in caruurka isbaataalka qaybta heeganka loo keenay astaamo dhanka neefsashada ah oo jiray awgeed. Caruurka oo astaamhiisa cudurku ahaayeen kuwo fudud ayaa laba maalmood oo la socosho ah lagu hayay ka dibna gurigiisa loo diray. Saxén ma sheegin halka ay Finland arintaan ka dhacday.

Saxén wuxuu carabka ku adkeeyay in xanuunka caruurka uusan ahayn mid saa usii daran. Raashin qaadashada caruurka caruurka ayaa yarayd. Waxaa kaloo hayay caabuq xagga sare ee neef mareenka ah. Sidaa darteed ayaa loo arkay inay haboontahay in xaaladiisa dabagal muddo gaaban socda lagu sameeyo. Intuu ilmaygu isbitaalka ku jiray uma baahnayn daryeel gaar ah. Sida laga soo xigtay Saxén, qaabka loo wajahay arinka caruurkaan, waxay ahayd mid iska caadi ah oo la mid ah sida loo dhaqmo caruur walba oo lagu arko astaamaha neefsashada.

Illaa iyo hadda, Finland ma jiro wax caruur ah oo koronaha dartiisiis ilaa hadda gargaarka degdega ah loo dhigay.

koronavastaanotto ovi
/ Kuva: Marko Väänänen / Yle

Cabashooyin badan ayaa laga keenay gafuur-saabyada

Wakaalada xuquuqda macaamilka iyo tartanka (Kilpailu- ja kuluttajavirasto) oo magaceeda loo soo gaabiyo KKV, ayaa bil iyo bar gudohood lasoo gaarsiiyay cabashooyin gaaraya qiyaastii 40. Tirada cabashooyinku aad ayay uga sarreysay sidoo horay looga bartay.

Wakiilka macaamiilka ayaa dhamaadkii bishii sadaxaad ka digay, in ogaal la’aanta dadka ee ku aadan koraanaha looga faa’iidaysanayo, iyadoo la samaynayo dacaayado aan sali yo baar toona lahayn. Waxa kale oo jira isku day qalinshubatanimo (khayaano) oo toos ah.

Dabagalka gafuur-saabyada iyo qalabka macaamiihu u isticmaalaan ilaalinta sanka iyo afka, sida gafuur-saabka laga sameeyo marayaha, waxaa kormeerkooda iyo la socoshadooda u xilsaaran wakaalada amaanka iyo kiimikada ee Tukes. Asta Koivisto oo ah kormeere sare ayaa sheegaya in cabashooyin badan ay soo gaartay Tukes. Waxay cabooshooyinkaas qiyaastii bil gudaheed gaarayeen 30 cabasho. Waxayna cabashooyinka badi laga keenay xayaysiinta marin habaabinta ah ee loo sameeyay.

Sida laga soo xigtay Koivisto, waxaa muhiim ah in sheygu uu u shaqeeyo sidii loogu talogalay iyo in macaamiisha la siiyo sawirka saxda ah ee kala cadaynaya in shayga loogu talogalay is- difaacid, iyo inuu xakameenayo dhibicaha ka baxaya qofka wata, saasna ay ku yaraanayso cudur faafintiisa. Tukes waxay qabtaa, in hadii tusaale ahaan, sheyga sawir khaldan laga bixiyo, laguna tilmaamo inuu si xoog ah u horistaagayo fayraska koroana, hadii loo baado ay khasab noqonayso in suuqa laga saaro ama la isticmaalo hab kale oo dib loogu celiyo. Sidoo kale, waxaa hadii loo baahdo la adeegsan karaa ganaax lacageed.

mies asettaa hengityssuojainta
/ Kuva: Marja Väänänen / Yle

13.5.2020

Waxbarashada tooska waxay u sii soconaysaa si qaabaysan

Sida ay sheegtay wasiirka waxbarashada ee Li Andersson badbaadada ardayda ayaa la doonayaa in lagu xaqiijoyo si gooni ah. Waxay wasiiradu xasuusinaysaa in qofka qabo calaamadaha hargabka uusan imaan iskuulka ama xanaanada

Waxbarashada ayaa la doonayaa inay noqoto mid badbaado leh, iyadoo lakala qaybinayo ardayda wax isla baranaysa, lana kala hormarinayo saacadaha waxbarashada, saacadaha raashinka iyo gaadiidka ardayda lagu kaxeeyo. Waxaa lagu dadaalayaa inay ardaydu dhaqdaan gacmaha, isticmaalaanna jeeermis-dilaha gacmaha lagu nadiifiyo, sidoo kale waxaa la xoojinayaa nadaafadda goobaha waxbarashada. Kulamada guud ee Iskuulka oo dhan lama qaban doono.

Sida laga soo xigtay guddiga waxbarashada, ardaygu wuu maqnaan karaa isbuucyada danbe ee waxbarashadda tooska ah, hadii ilmaha ama waalidka midkood jiran yahay, ama ay ku jiraan dadka cudurka u nugul. Dhaqtarkooda ayaa u soo qori kara warqadda maqnaanshaha ee iskuulka. Laakiin sida kale waxaa la raacayaa xeerka caadiga ah ee ka maqnaanshaha iskuulka. Iskuulka waa in laga dalbadaa fasax hadii ardaygu uusan imaanayn.

Finland waxay diyaar u tahay hadii xaalada koronaha ay is badasho in ay si deg deg ah wax uga qabato. Hadii loo baahdo, loona arko in cudurku fidayana waxaa la xirayaa iskuullada.

Dowladdu waxay diyaarineysaa isbadal lagu sameeyo sharciga waxbarashada aasaasiga, si xilliga xagaaga ay suurto gal u noqoto waxbarashada tooska ah iyo mida aan la isla joogin.

Koululainen tekee kotitehtäviä.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

THL: Maahan in iskuulka la aado iyadoo la hargabsanyahay ama la hindisayo, xasaasiyadba ha ahaatee

Caruurtu ayaa laba bilood oo ay netka wax ka baranayeen ka dib ku laabanaya iskoollada khamiista. Fasalada 1-3-aad ayaa horayba waxay awoodeen inay wax barashada iskoolka ku qaataan.

Dhaktaradda Emmi Sarvikivi oo ah aqoonyahand ka ka tirsan THL, ayaa sheegtay in go'aanka ku-laabashada iskoolada lagu saleeyay xogta ay ilaa iyo hadda ay mas’uuliyiintu hayaan.

Sida laga soo xigtay Sarvikivi, fikradda ah in faafinta cudurka ee carruurta ay yartahay ayaa loo cuskaday xaqiiqda ah in carruurta uu badanaa qabto cudur fudud oo ka yar kan qabta dadka waaweyn.

Sarvikivi waxay tiri iskuullada maahan in la’aado iyadoo la hargabsanayahay ama hindhiso jirto, xattaa haddii ay u badantahay in waxa qofka haya ay yihiin xasaasiyad.

Oppilas viittaa
Kuva: Jyrki Lyytikkä / Yle

Ka waran haddii cudurku bilaabo inuu dhaqso u faafo? Yle ayaa heshay xog ku saabsan sid ay Finland dib u adkeyn xayiraadaha ugu samayn karto.

Laga bilaabo khamiista 14 bisha shanaad, oo ay iskuulladu furmayaan, waxay Finland si tartiib-tartiib ah u qaadi doontaa xayiraaddaha koronaha. Isla mar ahaantaana, mas'uuliyiinta ayaa isku diyaarinaya inay xayiraadaha adkeeyaan haddii loo baahdo oo faafida cudurku ay bilawdo inay si dhakhso ah u siyaado.

Laga bilaabo toddobaadkaan, koox howlwaeenno ah ayaa bilaabaya inay isticmaalaan lagula soconayo laguna cabirayo oo lagu garan karo dhakshaha iyo meelaha uu cudurku ku faafayo. Sidoo kale waxaa ogaan karaa sidaha goobaaha daryeelka dagdaga bukaanka ugu fialanyihiin. Xog lasoo aruuriyay ayay kooxdu ku qiimayn doontaa, bal in loo baahanyahay in la xaddido kulamada dadka iyo in kale. Dowladda iyo mas'uuliyiinta kale ayaa go’aan ka gaari doona. Sida lagu sheegay xogta ay Yle heshay, go’aanku wuxuu noqon karaa mid maxalli ama mid gobol.

Xogta Yle ayaa sheegaysa in Finland waxay u diyaar garoobayso, inay dhici karto, in iskoolada meelaha qaar la xiro usbuuc ka diba, markii iskoolka lagu laabto, waase hadii la dareemo inuu cudurka fidayo. Si kastaba ha noqotee, waxay u badan tahay in horraanta bisha lixaad, marka la furo baararka, ay faafida cudurku kasii dari karto. Sidaa daraadeed ayaa waxaa la diyaarinayaa xayiraad lagu sameeyo waqtiyada maqaayadahu furanyihiin, umana muuqdaan inay furraan doonaan fiidkii.

Dadka raaca gaadiidka dad waynaha ayaa Finland aad u yaraa ilaa hadda. Maaddaama dadka rakaabka ah mar uun intaan ka kordhi doonaan, waxaa dhici karta in loo baahdo in loo sameeyo sharciyaal, si fadhiga dadka loo kala dheereeyo.

Way adagtahay in la saadaaliyo waqtiga cudurku ugu badanyahay, waxayse aqoonyahannadu tilmaamayaan inay u egtahay inay noqon doonta xilliga dayrta.

Ulkoilijoita kevätsäässä.
/ Kuva: Marja Väänänen / Yle

11.5.2020

Fayraska koronuhu wuxuu Finland ugu faafay si ka yar intii loo malaynayay

Sidii loo filaayay fayraska koronuhu uguma faafin dadka finnishka ah dhexdooda.

Daraasad uu maalintii jimcaha soo bandhigay machadka caafimaadka iyo fayaqabka (THL) ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray, boqolkiiba 2,4 dhiigooda laga helay maadada iska difaaca koronaha. Waxaa baaritaanka lagu sameeyay 1 146 oo qof. Maadooyida ka hortagga ah waxaa laga helay sadax qof oo kaliya. Maadada ka hortagga ah waa calaamadda ugu hubaasha badan ee sheegta inuu fayrasku qofka horay ugu dhacay.

Baaritaannadaan waxaa la sameeyay todobaadyadii 16 -18, taas oo ka dhigan in kuwooda ugu dambeeyay la qaaday markay bisha shanaad bilaabanaysay. Si walboo ay noqotaba, natiijooyinku waxay tilmaamayaan kiisas xoogaa yaraha horeeyay, waayo inay jirka qofka u samaysant is-difaac s ayaa waxay qaadataa ugu yaraan laba toddobaad, marka laga soo bilaabo xilligii uu cudurku ku dhacay. Dadka la baaray waxay da’doodu u dhaxaysay 18–69 sanao.

Badi dadka la baaray waxay ka yimaadeen nawaaxiga isbitaallada Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiirin (HUS). Maxaa yeelay, fayraska koronaha ayaa goobahaas si muuqata ugu badan, marka la barbar dhigo wadanka intiisa kale. Natiijooyinku sawir xaqiiqada ah kama bixinayaaan sida fayrasku waddanka oo dhan ugu faafay. Dalka intiisa kale, isku celceliska dadka leh maadada iska difaaca koronaha ayaa la filayaa inay ka yartahay inta kor lagu sheegay. Dadka finnishka ah waxaa u wanaagsanaan lahayd, in dadka uu fayrasku horay ugu dhacay, aad u badanyihiin intii macquul ah.

Way u fiicnaan laheyd dadka Finnishka ah, inay jiraan dad aad u badan oo horey fayraska ugu dhacay. Waayo marka dambe ee uu soo laba kacleeyo, waxaa yaraan lahaa fididiisa,. Arintaan ayaa waxaa loo daliishadaa fikirka la qaqbo oo ah in helitaanka virusku uu qofka siinayo ugu yaraan xoogaa is difaac ah.

Koronaviruksen testausta terveyspalveluyritys Terveystalon Leppävaaran lääkärikeskuksessa Espoossa.
Koronaviruksen testausta terveyspalveluyritys Terveystalon Leppävaaran lääkärikeskuksessa Espoossa keskiviikkona. Kuva: Jussi Nukari / Lehtikuva

Waxaa shuruud la’aan la ogolaan doonaa safarada shaqo ee dalka guduhiisa ah

Dowlada ayaa go’aamisay inay sii wado xayiraadaha isu socodka gudaha dalka ku meel gaarka ah ee inta laga gaarayo 14 bisha lixaad. Go'aanka ayaa daba socda go’aankii horay dawladda u gaartay bishii sadaxaad, kaasoo dib loogu soo celiyay kontaroolkii xuduudaha gudaha, lagu xirxiray qaar ka mid ah xuduudaha laga gudbo, isla markaana lagu xakameeyay xuduudaha dibedda.

Xayiraadaha safarrada dibada ayaa waxay sii socon doontaa ilaa 14ka bisha lixaad.

Laga bilaabo 14ka bisha shanaad, waxaa la ogolyahay ka talaabida xuduudaha, waase hadii uu socodku yahay mid shaqo ama waxyaabo kale oo lagama maarmaan ah. Wixii markaas ka dambeeya looma baahna in la cadeeyo sababta safarka. Isla go'aankaas, waxaa kaloo lagu fududeeyay is booqashada sokeeyaha. Xakamaynta xuduudaha gudaha ee dhulka, haday noqon lahaayeen dekadaha iyo garoomada diyaaradahaba.

Tallinnan satamassa Eckerö Linen ja Tallinkin laivat.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Ku dhawaad 90% dadka u geeriyooday fayraska koronaha waxay da'doodu ka waynayd 70 sano – Sida badanna waxaa uu wehliyay cudurro kale

Siduu THL sheegay, waxaa ilaa khamiistii Finland ku geeriyooday 255 qofood oo geeridooda lala xiriirinayo fayraska koronaha. 211 ka mid ah ayaa laga hayaa macluumaad faahfaasan, kuwaasoo 88 boqolkiiba ay dadka geeriyooday da’doodu ka waynayd 70 sano. Da'da dhexe waxay ahayd 84 sano.

Dhimashada dadka waqtigii shaqada ku jira waxay ahayd mid dhif iyo naadir ah, mana jirin wax dhimasho ah oo laga soo sheegay carruurta iyo dhalinyarada.

Qiyaastii, boqolkiiba 96 dadka dhintey waxay qabeen hal cudur oo soo jireen ah ama kabadan. Jirrooyinka ugu badan ee ay dadkaasu qabeen waxay ahaayeen wadne xanuunka iyo sokorta. Sida dalal badan oo kale oo reer Yurub ah, geerida dhacaday, ku dhawaad kalabar waxay ka dhacday qeybaha daryeelka ee afar iyo labaatanka saac furan. Cudurka koronuhu sare uma qaadin dhimashada guud ee Filand. Bilihii kowaad ilaa sadaxaad, waxaa guud ahaan dalka Finland ku geeriyooday dad gaaraya 14000, tiradaas oo sida laga soo xigtay xarunta tirakoobka, wax yar ka yar sidii looga bartay horraanta sanadka.

THL ayaa sheegay inay suurtogal tahay in qayb ka mid ah dadka koronaha u geeriyooday ay u dhiman lahaayeen cudurro kale, sida hargabka. Si kastaba ha noqotee, waxaa gugaan aad u yaraaday, jirrooyinkii xilliyada guga la arki jiray, waxaana sabab u ah talaalka hargabka iyo xayiraadihii koronaha.

Vanhus
Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

Khaladaad ayaa laga helay deeqihuu ay qaybisay Business Finland K (Muuqaal muuqaal ah)

Sida ku xusan warbixinta kormeer la sameeyay, Business Finland waxay kaalmooyinkii koronaha u qaybisay si waafaqsan qawaaniinta u degan. Sidaasoo ay tahay, mid mid dhig ah ayaa kaalmooyinka iyadoo aysan shuruudihii buuxsamin.

Waxaa warbixinta lagu sheegay, in Business Finland aysan wax siinin shirkadiha waqtigii go'aanka maalgalinta lagu dhawaaqayay kacay, kuwa isla waqtigaas kharashaadka iska bixin la’aa, sidaas daraadeedna dib u habayn loogu sameeyay iyo kuwa buuga madow u galay dayn lagu lahaa, sidoo kale, shirkadaha in ka badan kala bar raasamaalkooda ku waayay khasaarooyin is biirsaday ayaan la siin.

Waxaa kormeerka lagu ogaaday dhacdooyin dhif dhif ah, oo shirkado wada lahaanshoodu xadadanyahay (kommandiittiyhtiö), aanan raasal maalkooda la diiwaangelinoon lana hubinin. Si kastaba ha noqotee, waxaa kormeerka lagu ogaaday, in marka la fiiriyo tirada lacagta kaalmadaha ah ee la qaybinayay iyo inta loo qaybiyay, cilladaha la arkay ay noqonayaa kuwo aan macno wayn ku fadhin.

Waxa ugu wayn ee ka soo baxay kormeerka waxay ahaayeen in Business Finland ay kaalmooyin koronaha u qaybisay si waafaqsan qawaaniinta. Marar dhif ah ayaa la bixiyay iyadoo shuruuduhii ku xirnaa aan la soo buuxin. Arimmahaasna kolleey wax baa laga qaban doonaa.

Si kastaba ha noqotee, aragtida guud waa in kaalmooyinku ay gaareen codsadayaasha soo buuxiyay shuruudaha iyadoo la raacayo qawaaniinta u degan. Sidaas waxaa yiri Antti Joensuu oo ka tirsan Wasaaradda shaqada iyo araimaha dhaqaalaha.

 Business Finlandin logo Helsingissä
/ Kuva: Vesa Moilanen / Lehtikuva

Xayiraadaha Koronaha ayaa sidoo kale xakameeyay cudurrada kale ee faafa

Wargeyska Lännen media ayaa sheegay in xayiraadaha fayraska koronaha ay sidoo kale si muuqata u hor istaageen cudurro kale oo faafa.

Tusaale ahaan, bilihii maarso iyo briil, hargabka la helay waxuu ahaa kala bar intii horay loo heli jiray sanadadii lasoo dhaafay.

Sida uu sheegayo Jussi Sane, oo khabiir hormuud ah ka ah machadka caafimaadka iyo fayaqabka, saameyn midaas la mid ah ayaa lagu arkay dalalka kale ee Waqooyiga Yurub. Sane wuxuu kaloo aaminsanyahay inay suurtagal tahay, in xayiraadaha koronaha ay sidoo kale yareeyeen dhimashada hargabka.

Fayraska noro, cagaarshowga iyo kalamiidiyada ayaa iyagana hoos u dhacay.

Nainen niistää paperinenäliinaan.
/ Kuva: Jarno Mela / Lehtikuva

Waqtigaan la joogo, isticmaalka gafuur-saabka laguma waajib yeelayo rakaabka gaadiidka dad waynaha ee Helsinki iyo nawaaxideeda

HSL oo u xilsaaran gaadiidka dadweynaha ee caasimadda Helsinki iyo nawaaxigeeda, kuma talo jirto inay rakaabka kula taliso isticmaalka gafuur-saabka markay raacayaan mitarooga, basaska, tareennada meelaha dhow taga iyo taraamyadaba.

Tero Anttila oo ah agaasimaha waaxda gaadiidka dadweynaha ee HSL ayaa sheegay, inay HSL sugayso aragtida wasaaradda caafimaadka iyo arimaha iyo ee ku aadan isticmaalka iyo badbaadada gafuur-saabka.

Sida uu qabo Anttila, waajibyeelida gafuur-saabka gaadiidka dadweynaha ayaa laga fakari doonaa, haddii faafidu caabuqyadu koror billowdo. Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda HSL waxay soo dhaweyneysaa ilaalinta cafimaadka rakaabka.

Ulkoilijoilla suojamaskit
/ Kuva: Heikki Saukkomaa / Lehtikuva

**Finland waxaa ka jira talaal koronaha ah oo aan weli la tijaabin **

Jaamacadda bariga Finland (Itä-Suomen yliopisto) ayaa heer ka gaartay samaynta talaal koronaha ah, kaasoo sanka lagu buufinayo. Cilmi-baarayaasha ayaa aaminsan inay macquul tahay ayanaba wanaagsantahay in laysku tashado oo aan dhamaystirka talaalka loo kaashan shirkadaha waawayn ee daawooyinka ee caalamiga ah. Barofisooryaal Finnish ah ayaa sheegay inay suurtogal tahay in la bilaabo tijaabooyinka tallaalka waqti aan ka dheerayn maalinta juhannuska (munaasabada bartamaha xagaaga)

Waxaa suurtagal ah in si dhakhso leh loo bilaabo soo saaris talaal aan annagu leenahay.

Tusaale ahaan, Timo Ristola oo ah agaasimaha shirkadda Finvector, taasoo degan magaalada Kuopio, ayaa sheegay inay leeyihiin dhammaan aqoonta lagama maarmaanka u ah soo-saaridda tallaalka. Ristola wuxuu aaminsanyahay inay dhici karto, inay Finland ka jiraan afar shirkadood oo kale, kuwaas oo leh aqoon ku filan sameynta talaalada.

Baahida loo qabo talaalka ayaa la filayaa inay noqoto mid aad u wayn, waxayna abuuri kartaa shaqo ku filan dhammaan shaqalaha xirfadda u leh.

Kalle Saksela oo Jaamacada Helsinki ka ah barofisoor ku takhasusay fayrasyada, ayaa sheegay in masuuliyiinta go'aanka leh ay door intaan ka firfircoon ka qaadan karaan horumarinta talaalka. Waxaa jira halis ah, inaysan Finland si dhakhso ah u helin tallaalo ku filan, haddii aan sugno oon ku jirno safka suuqyada caalimiga ah, isla markaana ka sugno tallaal diyaar ah.

In ka badan boqol sano ayay Finland soo saaraysay talaalada, laakiin 17 sano ka hor ayaa la go’aamiyay in la joojiyo.

Laboratoriomestari Eila korhonen tutkii soluviljelmää.
Kuva: Sami Takkinen / Yle

8.5.2020

Waalidiinta qaar ayaa qalad ka fahmay iskool-guriga (waxbarashada guriga lagu dhigo)

Waalidiin badan ayaa qalad u fahmay macnaha iskool-guriga. Sidaa darteed, maamulayaasha iskoollada iyo degmooyinkuba waxay hada isku dayayaan inay waalidiinta ka dhadhacsiiyaan macnaha dhabta ah ee iskool-guriga. Waalidiinta waxaa lagula taliyay inay si taxaddar leh uga fiirsadaan, bal inay habboon tahay in waxbarashada caruurka loo bedelo iskool-guri, laga billaabo 14 bisha shanaad, markii iskoollada lagu laabto.

Iskool-guri iyo waxbarashada masaafada (onlinka ah) way kala duwanyiin. Waxbarashada masaafada, isoolka ayay tusaale ahaan masuuliyad ka saarantahay waxbarashada, baridda, qalabka iyo diyaarinta cashirrada, caruurkuna wuxuu ku jiraa caymis uu iskoolku u qaaday.

Iskool-guriga macnihuusa waa inuusan caruurku ka qayb qaadanayn waxbarashada ay degmadiisu u diyaarisay. Hadii tusaale ahaan waaridku wargeliyo inuu caruurkiisu guriga wax ku baranayo, waxaa gabi ahaanba caruurka laga saarayaa diiwaanka iskoolka, markaas oo uusan xaq u yeelanaynin in laga taageero tusaale ahaan buugaagta iyo raashinka iskoolka ah-

Mas'uulka caruurka ayaa go'aan ka gaari kara, islamarkaana warglin kara hadii uu caruurkiisu u wareegayo iskool-guri. Masuulka ilmayga ayayna markaas saarantahay masuuliyadda waxbarsho.

lapsi opiskelee matikkaa pädillä kotona
Kuva: Marja Väänänen / Yle

Tirada tuugada aqoonsiga ayuu koronuhu kordhiyay

In kabadan nus milyan qof oo Finnish ah ayaa bartilmaameed u noqday iskudayga xatooyada aqoonsiga (istimaalka aqoonsi qof kale) sanadkii la soo dhaafay. Sahan ay dhowaan samaysay shirkadda adeegyada caymiska ee mySafety ayaa muujinaya in khayaanooyinku ay siyaadeen xilliga Koronaha.

Gaar ahaan dhallinyarada waayweyn ayaa dhibka ugu badani soo gaaray intii koronaha lagu gudajiray. Ku dhawaad shantiiba hal dhallinyarta 25-34-jirka ah ayaa sahanka la sameeyay ku sheegay inay yihiin dhibanayaasha tuugada aqoonsiga ama laysku dayay in la bartilmaameesado.

Shirkadda adeegga caymisku waxay aaminstahay, in shaqooyinka u wareegay onlinka iyo wax ku iibsashada internetka ay kordhiyeen khiyaanooyinka. Emailka ayaa ah sida ugu badan oo laysku dayay in lagu xado macluumaadka qofka. Sidaasoo ay tahay isku dayada emailka intooda badan lagu guulaysto. Sahanka ayaa sheegay, in inta badan xadida aqoonsida ee dhacay sanadkii hore ay ka billowdeen baraha kulanka bulshada ee internetka.

Booliiska ayaa si joogta ah uga digayay khayaanooyinka sii badanaya xilliga koronaha. Iskudayga khiyaanooyin kala duwan ayaa kordhay intii lagu jiray marxaladaan koronaha. Fayraska koronaha ayaa loogu soo gabada si loo helo macluumaadka qofka iyo kaararka lacagtaba.

Xarumaha amniga internetka Finland ayaa waxaa soo gaaray tobaneeyo farriimood oo loogu sheegayo, in iyadoo ayadoo lagu gabanayo fayraska koronaha, la soo dirayo eimallo khayaamooyin ah, kuwaas oo laysku dayayo in lagu ogaado macluumaadka shakhsiyadeed ee qofka iyo kuwa kaarkiisa lacag-bixinta. Khayaanoolayaasha internetka ayaa isku dayaya inay ka faa'iidaystaan baahida weyn ee dadku u qabaan macluumaadka iyo xaalada aan deganayn ee taagan.

Teija Ruokamo
Kuva: Marko Väänänen

Dowladu waxay maqaayadaha u ogolaatay 120 milyan oo taageero ah

Dowladda ayaa ka dhawaajisay taageeradii la sugayay, taas oo lagu taageerayo maqaayadaha xirnaa. Maqaayadaha xirnaa in ka badan bil ayaa waxaa lagu taageeri doonaa lacag gaaraysa 120 milyan oo euro.

Maqaayadahu waxay weli sii xirnaan doona illaa dhammaadka bisha shanaad, sidaa darteed, xisaabinta taageeradaan waxaa lagu saleeyay khasaaraha soo gaaraya muddo laba bilood ah. 40 milyan oo ka mid ah taageerada ayaa lagu magacaabay gargaarka shaqaalaynta halka qiyaastii 83 milyan ay tahay magdhow laga siinayo khasaarahii soo gaaray.

Taageerada shaqaalaynta waxay ugu badnaan noqonaysaa 1000 euro halkii shaqaaleba, codis la’aanna lama bixin doonoi. Si kastaba ha noqotee, waxaa jira shuruudo badan ah oo lagu xiray taageerada. Shuruudaha waxaa ka mid ah, in dhammaadka xayiraadaha ka dib, muddo saddex bilood ah, ay shirkadu shaqaalaha mushaar ahaan u siinayso lacag aan ka yarayn 2500 marka laysku daro. Kabitaannada kale ee ay shirkadda hesho ayaa iyana saameyn ku yeelan doona taageerada lacageed ee la siinayo.

Qaybta ugu weyn ee taageerada waa magdhowga khasaaraha maqaaaya soo gaaray intii ay xiritaanaayeen. Taageeradaan waxaa inta badan la qaybinayaa iyadoo lagu salayn lana raadin macluumaadka canshuuraha. Taageeradu waxay qusaysaa waqtiga ay maqaayaduhu xiran yihiin, taasoo ka dhigaysa qiyaastii laba bilood.

mies annostelee ruokaa
Kuva: Silja Viitala / Yle

Isbitaallada jaamacadaha ayaa diyaarinaya qoraal loogu talogalay caruurta fayraska koronaha u nugul

Isbitaalka jaamacadda Helsinki oo la kaashanaya isbitaallada kale ee jaamacadaha ku yaal Finland ayaa diyaariyay qoraallo loogu talagalay carruurta halista ugu jirta fayraska koronaha. Marka kaliya oo lagu talinayo in caruurku iskoolka iyo xanaanada ka joogo ayaa ah hadii uu caruurku qabo cudurada sambabada ama wadnaha. Bukaanada kansarka qaba amaba xubnaha jirkooda wax laga bedelay iyo bukaanada qaba cudurada maskaxda qaarkood ayaa iyana la mid ah. Tirada caruurta halista ugu jirta fayraska waxay ka yaryihiin boqolkiiba hal marka la babardhigo ardayda guud ee waxbarashada waajibka ah ku jirta.

Sida ay daabaceen isbitaalada jaamacadaha, way yartahay halista ah inuu caruur caafimaad qaba qaado fayraska koronaha ee daran. Sidoo kale haddii daryeelka cudurada lala noolaado sida neefta ama cudurka wadnaha ay dheelitiranyihiin, khatartu way yartahay. Caruurta qaba cudurka sokorta, isla markaana aan qabin cudurro kale oo daran, iyagana kuma jiraan inta cudurka u nugul.

Warbixinta isbitaallada jaamacadda ayaa sheegaysa in carruurta inta badan uu faryraska koronaha ugu dhaco si ka jilicsan kana astaamo yar dadka waaweyn. Intaa waxaa sii dheer, carruurta uu ku dhaco in aad u yar oo ka mid ah ayaa u baahda in isbitaal la jiifiyo.

Isbitaalladu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in nadaafadda gacamaha la ilaaliyo iyo inay caruurtu ka fogaadaan caruurta kale iyo dadka waaweyn. Waxay kaloo dadka xasuusinayaan inaanan iskoollada iyo xanaanooyinka la aadin iyadoo la xanuunsanyahay.

Dhakhtarka caruurka ayaa hadii loo baahdo go'aan ka gaaraya inay caruurka iyo weliba walaalihiis guriga joogayaan iyo in kale. Waxayna go’aankaas dhakhaatiirtu ku salayn doonaan qiimeyn u gaar ah oo caruurka.

Lapsia kiipeilytelineessä
Kuva: Jyrki Lyytikkä / Yle

Mucaaradka ayaa dowlada ku dhaleeceeyay istiraatiijiyadda bixitaanka

Baarlamaanka ayaa arbacadii looga dooday waxa lagasamaynayo xayiraadahii loo soo rogay faafidda cudurka karona darteed. Isla mar ahaantaana, ra’iisul wasaaradda Sanna Marin ayaa si tafatiran u soo bandhigtay istiraatiijiyadda looga baxayo xayiraadaha, taas oo ay Finland doodayso inay uga badbaado dhibaatooyinka uu koronuhu keenay, haday ahaan lahaayeen kuwo dhaqaale iyo kuwo arimaha bulshadaba.

Dadkii ugu horeeyay ee hadalka waqtiga u helay ayaa waxaa ka mid ahaa Riika Purra oo ka tirsan xisbiga perussuomlainen, waxayna dhalleecaysay, su’aalna gelisay warbixintii khubarada, taasoo qayb ahaan lagu saleeyay istiraatiijiyadda bixitaanka. Antti Häkkänen oo hadlay Purra kadib, kana tirsan xibiga kokoomus ayaa dowlada ku dhaleeceeyay inay la daahday samaynta go’aannada quseeya sharciyada maqaayadaha iyo in qorshaha dowlada ee heerarka kala duwan loo marayo aysan ahayn kuwo banaanka yaalla, oo la wada aqrin karo.

Sidoo kale xildhibaanka kaliya ee ka tirsan xisbiga Liike nyt, lana yiraahdo Hjallis Harkimo ayaa isna dowladda ku dhalleeceeyay gaabinta, kuna tilmaamay kaalmooyinkii la qeybiyay ee la marsiiyay Business Finland iyo Ely-keskus inay ahaayeen kuwo jahwareer ah isla markaana qasan.

Li Andersson, Katri Kulmuni, Sanna Marin, Maria Ohisalo och Anna-Maja Henriksson på rad under en presskonferens.
Kuva: Emmi Korhonen / Lehtikuva

Matxafyada ayaa albaabadooda loo furi doona bisha Juun, shineemooyinkana waxaa la sugayaa macluumaad dheeraad ah

Madxafyada farshaxanka Finland kuwooda ugu muhiimsan ayaa ka mid ah waxa ugu horreeya ee albaabadooda furnaya laga bilaabo kowda bisha lixaad, markii ay degto faafida cudurka koronaha. Tirada dadka isku soo ururi kara oo hadda ah 10 qof ayaa waqtigaas kor loogu qaadi doonaa 50 qof. Waxaa kaloo la furi doonaa goobo caam ah sida madxafyada iyo laybareeiyaasha qaranka iyo kuwa degaannadu leeyihiin.

Xarunta bandhiga qaranka ayaa horyaba diyaargarow hordhac ah loogu sameeyay furtaanka suurtogalka ah ee madxafyada. Madxafyada farshaxanka ee Ateneum, Kiasma iyo Sinebrychoff ayaa waxay albaabyadooda furi doonaan maalinta talaadada ee 2-da Juun. Madxafyadu waxay wali masuuliyiinta ka sugayaan faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta, bal in xadka 50-ka qof ay iyagana quseyso, maadaama dadku aysan isla hal goob ku sugnayn isku waqti xilliga ay madxafka ku jiraan.

Inkastoo ay dawladdu isniintii sheegtay inay tiyaataradu albaabadooda furi karaan horraanta bisha lixaad, hadana furitaanka shineemooyinka ee billowga bisha lixaad ayaa wali u muuqda mid aan la hubin. Aku Jaakkola, Gudoomiyaha Ururka Shineemooyinka ee Finlaand, ayaa sheegay, inay faahfaahin dheeraad ah ka sugayaan dowlada, intaysan gelin qorshaha shaqada lagu bilaabayo. Sida uu aaminsanayahy Jaakkola, furitaanka shineemooyinka waxaa saameyn ku leh saddex waxyaabood: mowqifka mas'uuliyiinta, soo bixidda filimada cusub ee caalamiga ah iyo rabitaanka dadku ay ku doonayaan inay galaan shinoomooyink iyadoo lagu jiro xaaladaan aan caadiga aheyn.

Tilmaaha cusub ee dowlada kuna wajahan masraxyada xagaaga maahan kuwo lagu diirsado. Sida laga soo xigtay xarunta macluumaadka tiyaatarrada, inta badan bandhigyadii xagaaga horay ayaaba loo baajiyay. Sdioo kale shabakadda ballaaran ee tiyaatarrada Finland waxba kama faa iideyso furitaanka bisha lixaad horraanteeda ah, waayo guryaha tiyaatarka waxay waqtigaas ku jiraan fasax.

Kaisman taidemuseo yövalaistuksessa
Kuva: AOP

THL: Baaritaannada dadka koronaha ee garoonka diyaaradaha ayaa lagu helay tiro yar oo cudurka ah

Baaritaannada koronaha oo lagu samaynayay garoonka diyaaradaha ee Helsinki-Vantaa ayaa waxaa lagu helay sagaal kiis oo kaliya. Baadhitaannada waxaa la sameenayay ilaa 27-dii bishii sadaxaad, waxaana lagu xaqiijiyay 9 kiis oo fayraka koronaha ah.

Dhammaan dadka soo galaya Finland ayaa buuxiya foom su’aalo lagu sahminayo astaamaha cudurka, iyadoo lagu saleynayo xogta sahankaas ayaa qofkii laga shakiyo loo gudbiyaa baaritaanka fayraska koronaha. Ilaa dhamaadkii Abriil, 8,837 rakaab ah ayaa soo buuxiyay foomka. Kuwaas oo 204 ka mid ah ay sheegeen inay iska dareemeen calaamadaha caabuqa neef-mareenka.

Sida uu qabo machadka caafimaadka iyo fayaqabka, waxay u muuqataa in kiisaska koronaha ee baaritaannadaan lagu helaayo ay yihihiin kuwo aad iyo aad u yar. Waxaa macquul ah in dadka safarka ah qaarkood aysan astaamahoodu soo ifbixin illaa goor dambe, sidaa daraadeedna, waxaa muhiim ah in la raaco talobixinta howl-wadeennada, isla markaana, haddii astaamaha cudurka layku arko, si dhaqso ah loo dalbado baaritaan.

Autio Helsinki-Vantaan lentoasema.
Kuva: Tiina Jutila / Yle

Waxaa iskuuullada iyo xanaanooyinku soo gaaray tilmaamo faahfaahsan oo ku saabsan koronaha

Markay ardayda dugsiga hoose ay ku laabtaan iskuullada, waxaa waxbarashada loo dhigan doonaa si ka dabacsan sidii hore. Gacmaha ayaa la dhaqi doonaa in kabadan intii hore. Xaaladda ardayda halista ugu jira cudurka ayaa si gaar ah loo qiimeeyn doonaa. Gudoonka waxbarashada iyo machadka caafimaadka iyo fayaqabka (THL) ayaa soo saaray tilmaamo faahfaahsan oo ku saabsan shaqada iyo joogidda iskuulada iyo xanaanooyinka.

Tilmaamaha ayaa awoodda saaraya sidii iskuulada iyo xanaanooyinka ay dadaal ka badan intii hore u gelin lahaayeen nadaafada. Tusaale ahaan, xaaqidda iyo gacmo dhaqashadawaa la kordhin doonaa. Maadaama koronaha uu ku faafo is dhibic qoyan oo laysku gudbiyo, iskuulada waxay isku dayayaan in sida ugu macquulsan loo kala fogaado.

Si kastaba ha noqotee, waxbarashada iskoolka ayaa waxaa lagu koobi doonaa inta lagama maarmaanka ah. Tusaale ahaan, Wasaaradda waxbarashadu kama dalbin dugisyadu inay qeybiyaan fasallada. Taas ayaa macnaheedu yahay, in masaafada kala fogaanshaha ee 1-2 mitir aanan marwalba la samayn karin iyo inaanan mar kasta la cabiraynin. Dugisyda ayaa la qorsheeyay inay markiiba joogaan arday ka yar sidii caadiga ahayd. Waqtiyada waxbaristana waa lakala qaad-qaadi karaa (kala qaybin karaa). Galaasyada wax lagu baranayo waxay noqon doonaan kuwo waasac ah, waxaana xiisadaha lagu qaban karaa dugsiyada sare iyo machadyada xirfadaha.

Dugsiyadu waxay isku dayayaan inaan ardayda si aan loo baahnayna marba meel loogu rarin oo galaas ama koox kale lagu darin.

Cuntada iskuulka waxaa lagu cunayaa ama lala cunayaa fasalkaagaaga ama kooxdaada. In allaale iyo intii macquul ah ayay macallimiintu ku ekaan la joogi doonaan kooxdooda, kuna ekaan doonaan. Dugsiyada sare, macallimiinta dhiga maadooyiinku sidoodii caadiga ahayd aya u shaqeyn karaan, taas oo macnaheedu yahay inay galaasyo kala duwan ka dhigi doonaan. Isku dhowaanshaha shaqaalaha ayaa iyana la yareeyn doonaa, tusaale ahaan, shirarka macallimiinta waxaa lagu qaban doonaa internetka.

Luokkahuone ja käsienpesupiste Naistenmatkan koulussa.
Kuva: Miikka Varila / Yle

7.5.2020

Finland waxay daraasad ku samaynaysaa saamaynta gafuur-saabka (maaskarada)

In ka badan 50 dal ayuu isticmaalka gafuur-saabku khasab ka yahay. Khasabidda gafuursaabka waxaa lagu saleeyay daraasado la sameeyay. Finland ilaa hadda isticmaalka gafuur-saabku layskuma boorriyo.

Madaxa xafiiska wasaarada caafimaadka iyo arimaha bulshada Kirsi Varhila ayaa Yle u sheegtay in daraasad lagu wado isticmaalka gafuur-saabka. Waxaa daraasadaas looga dan leeyahay in la ogaado saamaynta gafuur-saabku leeyahay. Wasaaraddu waxay sheegtay inay ilaa hadda isticmaalka gafuur-saabka kala sinnayd wadamada kale ee waqooyiga Yurub. Varhila waxay aaminsantahay in loo baahanyahay in la ogaado wax galnimada gafuur-saabka, maadaama ka hadalkiisa uu batay. Hadda ka hor looma arkayn in daraasad lagu sameeyo gafuur-saabka loo baahanyahay.

Varhila waxay sheegtay, in soo bixida natiijada daraasada ay kuxirantahay balaarka waxa la baarayo . Waxay horay u qiyaastay inay natiijadu diyaar noqonayso dhamaadka bisha lixaad. Varhila waxay intaa ku dartay inay dowladu ka fakarayso samaynta daraasad cilmiyaysan oo lagu sameeyo gafuur-saabka. Daraasada dowladdu ka fakaraysso ayaa ayaa qaadan lahayd waqti ka dheer tan hadda la wadao. Daraasada hadda socota waxaa la rabaa ina lagu ogaad wixii cilmi-baaris ah oo hadda jira.

Madaxa baaritaannada ee HUS Lasse Lehtonen, isla markaana jaamacada Helsnki ka barofisoor dhiga sharciyada caafimaadka wuxuu aaminsanyahay in baaritaankaas lala daahay. Wuxuu sheegay inay dunida kale baaritaannadaas horay loo sameeyay. Lehtonen wuxuu sheegay inay aqoonyahannadu aaminsanyihiin, in isticmaalka gafuur-saabku yahah talaabo xoogaa horay loogu qaaday sidii loo xakamayn lahaa faafida cudurka. Varhila ayaa iyana sidoo kale aamnisan in isticmaalka gafuur-saabku yahay wax wanaagsan xilliyada uu qofku iska rabo inuu meel ka soo danaysto.

mies käyttää suojamaskia
Joensuun kaupungissa on voimassa tiukennettu kasvomaskisuositus. Kuva: Marja Väänänen / Yle

Mucaaradka ayaa dowlada ku dhaleeceeyay istiraatiijiyadda bixitaanka

Baarlamaanka ayaa arbacadii looga dooday waxa lagasamaynayo xayiraadahii loo soo rogay faafidda cudurka karona darteed. Isla mar ahaantaana, ra’iisul wasaaradda Sanna Marin ayaa si tafatiran u soo bandhigtay istiraatiijiyadda looga baxayo xayiraadaha, taas oo ay Finland doodayso inay uga badbaado dhibaatooyinka uu koronuhu keenay, haday ahaan lahaayeen kuwo dhaqaale iyo kuwo arimaha bulshadaba.

Dadkii ugu horeeyay ee hadalka waqtiga u helay ayaa waxaa ka mid ahaa Riika Purra oo ka tirsan xisbiga perussuomlainen, waxayna dhalleecaysay, su’aalna gelisay warbixintii khubarada, taasoo qayb ahaan lagu saleeyay istiraatiijiyadda bixitaanka. Antti Häkkänen oo hadlay Purra kadib, kana tirsan xibiga kokoomus ayaa dowlada ku dhaleeceeyay inay la daahday samaynta go’aannada quseeya sharciyada maqaayadaha iyo in qorshaha dowlada ee heerarka kala duwan loo marayo aysan ahayn kuwo banaanka yaalla, oo la wada aqrin karo.

Sidoo kale xildhibaanka kaliya ee ka tirsan xisbiga Liike nyt, lana yiraahdo Hjallis Harkimo ayaa isna dowladda ku dhalleeceeyay gaabinta, kuna tilmaamay kaalmooyinkii la qeybiyay ee la marsiiyay Business Finland iyo Ely-keskus inay ahaayeen kuwo jahwareer ah isla markaana qasan.

Eduskunta järjestäytynyt poikkeuksellisesti koronaviruksen takia. Hallitus jakautunut myös virkamiesaitioon ja edustajia vain n. 60 salissa. Loput etänä.
/ Kuva: Jani Saikko / Yle

Laga bilaabo horraanta bisha lixaad waxaa dadka loo ogoyahay inay ka qayb galaan munaasabadaha ciyaaraha

Dowlada ayaa todobaadkaan tilmaantay, in tartamada ciyaaraha iyo kuwa taxanaha ahba wixii ka billowda1. bisha lixaad la bilaabi karo iyadoo la raacayo qaban-qaabooyin gaar ah. Waxay kaloo dowladu tilmaantay in bisha lixaad horraanteeda wixii ka dambeeya, xadaydeyntii saarnayd kulamada dadka kor loogu qaaday 50 qof.

Wasiiradda isboortiga Hanna Kosonen waxay sheegtay, in wixii ciyaaro ah oo la qabanayo 1. bisha lixaad ka dib, ay ka qaybgeli karaan ugu badnaan 50 qof. Waase hadii loo qaban-qaabiyo hab ay ka qayb galayaashu ka dadaadli karaan nadaafada, isla markaana ilaalin karaan masaafada kala fogaanshaha.

Kosonen waxay intaas ku dartay, inay waajib tahay in layska xilsaaro sidii aysan munaasabada ciyaaraha uga dhalan dad isku xoomsan (isku dhow), sida safka loo gelayo tikiddhada iyo meelaha kale ee wax laga iibsanayo. Sidoo kale waa in laga dadaal badbaadada ciyaar yahanka iyo caafimaadkiisaba. Tusaale ahaan waa inay qolalka dharka laysaga bedelo noqodaan waasac saamaxaya kala fogaanshaha. Qabanqaabooyinka gaarka ah ayaa tusaale ahaan awoodda lagu saari doonaa, waxyaabo ay ka mid yihiin nadaafadda. Ka qayb galayaashu waa inay heleen meelo ay gacmaha ku dhaqan karaan ama jeermis-dile.

Laga bilaabo bartamihii bisha sadaxaad ayaa koronuhu sababay kala go’ ku yimid isboortiga Finland. Iskaashatooyinka kala duwan ee ay leeyihiin ciyaaraha noocyadooda kala duwan ayaa hadda ka fakaraya sidii ciyaaraha xagaaga loo qabanqaabin lahaa.

RoPS
/ Kuva: Juha Tamminen / AOP

Baahida ay qabaan reeraha caruurlayda ah ayaa sii kordhaysa

Pelastakaa Lapset ry iyo Imetyksen tuki ry ayaa sheegay in faafidda fayraska korona ay qoysas badan oo caruur leh galisay xaalad adag.

Pelastakaa Lapset ayaa sheegtay iney 300 000 Euro oo tabarucaad ah ku bixisay reeraha si ay ug taageeto raashinka. Ururka ayaa aaminsan in baahida loo qabo caawimaadu ay tahay mid weyn, waayo reero badan ayay soo foodsartay dhaqaalo xumo ay keentay faafida fayraska koronaha.

Lacagahaas tabarucaadka ah ayaa lagu soo gaday kaarar lagu gadan karo cuntada, mid walbana ay ku jiraan 70 euro. Intaa waxaa sii dheer, Pelastakaa Lapset ayaa siyaadiyay adeegyada bogaga internetka ee carruurta iyo dhalinyarada.

Sida ururku aaminsanyahay, qoysaska ay nolol maalmeedkoodu horayba u adkayd, ayaa xaalkoodu hadda gaaray heer aad u adag. Waxaase hadda sidoo kale kaalmo u baahan reerahii aan xiisaddaan ka hor qabin wax dhib ah.

Lapsi katsoo ikkunasta ulos.
Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

6.5.2020

Fimea ayaa mamnuucday in macaamiisha laga gado alaab lagu xayaysiiyay in lagu baaro koronaha

Xarunta horumarinta iyo badbaadada daawooyinka ee Fimea waxay mamnuucday iibinta alaab lagu sheegay in koronaha lagu baaro. Fimea waxay mamnuucday iibinta qalabka ay Hengityssuojainkauppa.fi iyo ProCure Finlandia xayeysiiyaan, isla markaana qaybiyaan. Mamnuucidaan oo durbaba dhaqan gashay ayaa socon doonta ilaa dhamaadka bisha sideedaad.

Fimea waxay sheegtay inaysan bogaga internetka ee shirkadaha iibinaya si muuqata ugu cadayn inaan qalabkaan loogu talo gelin macaamiisha guryaha.

Intaas waxay Fimea ku dartay inaysan qalabkaan baakadeeyntiisu waafaaaqsanayn shuruudihii la rabay. Sidoo kale ma jirto wax cadayanaya in turjubaada luqada finishka ee buuga isticmaalku tahay mid ay ogoshahay shirkada samaysay qalabka.

Fimean kyltti Kuopiossa.
/ Kuva: Timo Hartikainen / AOP

Fayraska koronaha ayaa hadda waxaa lagu tijaabinayaa biyaha dacda (wasakhda) ah

Shirkado finisha oo gaaray 28 ayaa tan iyo horraantii bisha shanaad bilaabay inay biyaha wasakhda ah ka baaraan haraadiga fayraska koronaha.

Machadka daryeelka caafimaadka iyo fayaqabka (THL) ayaa raba inuu helo hab sawir guud looga heli karo heerka faafida fayraska koronaha. Tijaabooyin laga qaadayo biyaha wasakhda ah ayaa loo isticmaali karaa in wax laga ogaado heerka uu koronahaug faafayo bulshada. Waxaa la qiyaasay, inay kiisaska koronuhu dhowr jeer kusoo laalaabmaan inta la xaqiijiyay. THL wuxuu rajaynayaa in tijaabooyinka laga qaadayo biyaha waskhda ah lagu ogaan karo macluumaad dheeri ah oo la xiriira kiisaska koronaha.

Isla habkaan waxaa lagu saadaalin karaa inay faafida cudurku sii yaraanayso iyo inay mowjadda labaad ee faafiddu soo socoto.

Biyaha wasakhda waxaa tusaale ahaan hadda ka hor loo adeegsaday baaris lagu samaynayay haraadiga maandooriyayaasaha (daroogada) inta ay la egatahay. Sdia labaadan arimood loo baaro waa isku mid. In kastoo ay saas tahay, hadana falaqaynta (qiimaynta) natiijada baarista koronaha, waxay u baahantahay in si aad ah laysaga hubiyo. Waxaa dhici karta in cadadka la helayo koronaha ay aad u yartahay. Waxaana loo baahanyahay in la isticmaalo farsamooyin gaar ah si loo helo haraadiga dhaxal-sidaha fayraska koronaha ee loo yaqaanno RNA.

Näytepullo Lahden jätevedenpuhdistamolla
/ Kuva: Juha-Petri Koponen / Yle

Fayraska koronaha ayaa saamayn ku yeeshay saadaashii hawada

Fayraska koronaha wuxuu saadaalinta hawada ka dhigay mid intii hore ka khalad badan, waayo diyaaradaha hawada ku jira ayaa aad uga yaraaday intii hore. Diyaaraduhu waxay door muhiim ah ka qaataan saadaalinta hawada.

Diyaaraddu markay hawada ku jirto, waxay soo dirtaa macluumaadka isla waqtigaas ah, kaas oo sheegaya heerkulka, cadaadiska hawada, dabayshu dhankay u socoto iyo dhakhsaheedaba. Macluumaadkaan waxaa la dhexgeliyaa xisaabaha kale ee loo adeegsanayo saadaalinta, sidaas ayayna saadaaliyayaasha cimalada ku qiyaasaan.

Inta uu jiro koronaha ayaa waxaa lagu khasbanaaday in macluumaadkii laga heli jiray diyaaradaha lagu bedelo habab kale. Saadaalinta hawada waxaa tusaale ahaan loo adeegsan karaa signallada raadiya (baarashuud iwm laga soo diro), satelaydka, raadeerrada dhulka, signal-dirayaal badda dusheeda la dhigo, saldhigyada saadaalinta hawada ee biyaha dushooda ah iyo cabirrada ay maraakiibtu sameeyaan.

Machadka saadaalinta hawada wuxuu kaloo qiimeeyn ku samayeeyaa, sida ay u saxantay saadaalaha cimilada ee la sameeyay. In kastoo la ogaaday in marka la fiiriyo waqti xoogaa dheer, macluumaadka ay diyaaraduhu soo dirayaaan uu hubaal kasii dhigaaan saadaasha howada, hadana waxay uma muuqataa in la’aantooda aysan waxba ilaa hadda u dhimin. Machadka saadasha hawadu wuxuu qabaa in saadaasha cimiladu ay marxaladaha gaar sidii hore ka adagtahay.

Lentomekaanikot asentavat suojia lentokoneen moottorin päälle lentokoneiden säilytyshallissa Oslossa.
Lentomekaanikot asensivat suojia lentokoneen moottorin päälle lentokoneiden säilytyshallissa Oslossa viime viikon maanantaina. Kuva: Håkon Mosvold Larsen / AFP

5.5.2020

Billowga bisha lixaad waxay Finland dabcin doontaa xayiraadii kulammada

Maadaama xakamayntii faafidda cudurka loogu guulaystay si wanaagsan, waxaa macquula inay dowladu ku dhaqaado istraatiijiyado isku darsan: baaritaanka cudurka, dabagalkiisa, iyo go’doominta bukaanka. Dowladda waxaa weli ka go'an, inay si gaar ah u badbaadiso dadka cudurka u nugul.

Horraanta bisha lixaad ayay dowladu dabcin doontaa xayiraadii kulamada ee horay loo soo rogay koranaha awgiisa. Tirada kulanka oo hada ah 10 ayaa la gaarsiin doonaa 50 qof. Kulammada 50 ka qof ah ayaa tusaale ahaan saamaynaya munaasabadaha dhaqanka, hiwaayadaha iyo kuwa diiniga ah. Si badbaado loo helo ayaa waxaa la hubin doonaa tirada dadka isku imanaya, masaafada ay isu jirsanayaan iyo nadaafadda.

Bisha lixaad horraanteeda waxaa qorshayaal gooni ah lagu billaabi karaa tartamada ciyaaraha iyo kuwa taxanaha ahba. Sidoo kale maqaayadaha ayaa loo furi karaa si tartiib tartiib ah. Madxafyada, tiyaatarrada iyo laybareeri (maktabadaha) waxay albaabadooda furi karaan horraanta bisha lixaad. Laybareeriyadu, buugaagta iyo waxyaabaha kaleba way daymin karaan macaamiisha, iyadoon xattaa waqtiagaas la gaarin.

Laga bilaabo 14.5, waxaa la ogolyahay socodka shaqada iyo kuwa kale ee lagama maarmaanka ah. Si kastaba ha noqotee, kontaroolka xuduudaha gudaha ee dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ayaa sii socon doona. Xayiraadda xuduuda dibadda ayaa bil lagu dari doonaa khamiista. Dadka safarka uga imanaya debada waa inay weli u hogaansamaan shuruuduhii karantiilka. Safarada debadda ee baashaalka ah, weli laguma talinayo.

In kastoo dugisyada hoose-dhexe lagu laabanayo todobaadka soo socda, hadana waxay u badantahay in waxbarashada darajada labaad (dugsiga sare iyo iskoollada xirfadaha) ay ku sii socoon doonto si online ah. Dowladu waxay ku talinaysaa in waxbarashadooda online lagu sii wado, laakiin hadana qolo xal u gaar ah way samaysan karaan.

Shaqooyinka guriga laga shaqaynayo sidoodii ayay weli u taaganyihiin. Sidoo kale, taladu waa inaan layska ilaaliyo booqashada dadka da’doodu ka wayntahay 70. Dowladu waxay dadka 70 ka kor u dhaafay kula talinaysaa inaysan gurigooda ka dheeraan, isla markaana ay iska ilaaliyaan dadka kale.

In kastaoo xaiyaaradaha la qaadayo, hadana waxay dowladu dadka xasuusuniysaa, inay khatarta koronuhu weli wayntahay. Waana in masafada kala fogaansha weli sideedii loo ilaaliyo.

Li Andersson, Katri Kulmuni, Sanna Marin, Maria Ohisalo och Anna-Maja Henriksson håller presskonferens.
/ Kuva: Emmi Korhonen / Lehtikuva

4.5.2020

Hal curuurna ha noqotee, Finland koronaha dartiis looma jiifin isbitaal

Finland ayaa qiyaastii 5000 oo qofood ilaa hadda lagu xaqiijiyay fayraska koronaha. Tiro wax yar ka badan 200 ayaa dadka la xaqiijiyay da’doodu ka yarayd 16 sano. Kiiska koronaha caruurta 75 boqlkiiba waxaa lagu xaqiijiyay isbitallada Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri.

Warbixinnada caalamiga ah ayaa iyana sheegaya in fayraska koronaha ee caruurta lagu xaqiijiyay ay ahaayeen kuwo fudud. Xaalada Finland ayaa iyana sidaas la mid ah. Hal caruurna xattaa weli isbitaal looma jiifin xaalada cudurka oo daran awgeed.

Caalamka kale, Shiinaha ayaa tusaale ahaan tirada dadka koronaha lagu xaqiijiyay boqolkiiba hal ay da’doodu ka yartahay 20 sano, halaka Maraykankana ay 1,7 boqolkiiba ka yaryihiin 18 sano.

Kahden lapsen siluetit kadulla. Lapsilla on käsissään tikkarit.
/ Kuva: Andreu Dalmau / EPA

Kelada ayaa diiday boqolkiiba 80 codsiyadii lagu rabay gunnada karantiilka

Inta badan dadkii codsaday gunnada karantiilka koronaha ayaanan helin dalabkoodii. Keladu waxay diiday boqolkiiba 80 codsiyada dadkii helay lacagta nolol maalmeedka lasiiyo qofka uu haleelo cudur faafa, taas oo ka dhigan gunno loogu bedelay dhakligii uu ku waayay karntiilka dartiis.

Sababaha ugu badan ee diidmada keenay waxay ahaayeen, iyadoo aysan codisyada la socon caddeyn uu qoray dhaqtarka cudurada faafa.

Si loo helo gunnada nolol-maalmeedka, waa inuuu codsiga la socdaa amar karartiil, is go’doomin ama ka maqnaasho shaqo oo uu qoray dhakhtarka cudurrada faafa. Sharci ahaan, cadaymaha ay bixiyaan dhakhaatiirta kale ma ahan ku ku filan.

Degaan (magaalo) kasta iyo isbitaal kasta waxay leeyihiin dhakhtar cudurada faafa oo u gaar ah. Dhakhtarkaasi ma qoro amar karartiil, is go’doomin ama ka maqnaasho shaqo iyadoo sababtu tahay taxadar oo kali ah, laakiin waa inay mar walba sababtu noqotaa jirro fayraska koronaha ah ama khatar loo galay ku dhicidda cudurka amaba ay jiraan sababo kale oo abuuri kara shaki dhanka cudurka ah oo loo cuskado.

Waxaa kaloo gunnada nolol-maalmeedka la siini karaa waaridka shaqada uga haray, si uu guriga uga hayo caruur ka yar 16 oo karantiil dartiis iskoolka looga joojiyay. Hadii tusaale ahaan galaaska caruurka oo dhan la karantiilo, waarikdu wuxuu hellli karaa lacatga nolol-maalmaalmeedka, taasoo uga dhigan dakhligii uu waayay.

Kuvassa on Kelan kyltti.
Kuva: Ismo Pekkarinen / AOP

Inta hadda la ogyahay, furitaankii xadka Uusimaa masii xumayn xaalka koronaha

Laba todobaad ayaa laga joogaa tan iyo markii la furay xadka Uusimaa, natiijooyinkii ugu horreeyayna hadda ayay muuqdaan. Xilliga ay ku qaadato koronaha inuu qofka ka soo muuqdo isku celcelis ahaan waa 5 maalmood, laakin waxay noqon kartaa inta u dhaxaysa 1–14 maalmood.

Idaacada Yle oo adeegsanaysa tirakoob ay shirkadda taleefonnada Telia samaysay ayaa ogaatay, siduu ahaa isu socodka dadka ee gobolka Uusimaa iyo gobollada ka baxsan ka hor intaan xadka la xirin, intii uu xadka xirnaa iyo markii xadka la furay wixii ka dambeeyay.

Tirakoobkaan waxaa lagu ogaaday in xiridda xadku ay u dhamaysay iso socdkii Uusimaa iyo Finland inteeda kale. Inta aan xadka la xirin 12. bishii sadaxaad, isu socodka Uusimaa iyo gobollada kale wuxuu ahaa 132 500 safar.

Markii xuduuda la xiray, waxay tiradu hoos ugu dhacday toban meelood meel, ama qiyaastii 14,000 oo safar. Furitaanka xuduuda kadib, ayay hadana safaradu kor u kaceen oo gaareen 62 000, laakiin tiradaasu weli way ka yartahay kala bar intay horay u ahaan jirtay. Xorriyada safarka dib loogu helay, kuma dhalin dadka inay iyagoo koox-koox ah u baqoolaan guryhooda fasaxa.

Isku soo duuboo, furitaanka xuduudaha Uusimaa kama uusan darin xaaladii koronaha. Sidaas ayayna arintu hadda u egtahay.

Borofisoor Pekka Nuorti wuxuu hogaamiyaa barnaamij caafimaadka dadwaynaha iyo ka hortagga cudurrada faafa oo caalami ah ayna wado jaamacada Tampere. Wuxuuna cadeeyay inaysan tirada cudurku mar kale cirka isku shareerin.

–Waxay u muuqataa inay dadku maqleen talobixintii ra’iisul ee ahayd in la iska ilaaliyo safarka.

Nuorti wuxuu kaloo aaminsanyahay inay dadku raaceen tilmaamihii kale, sida gacmaha oo la dhaqo ayana iska ilaaliyeen isu dhowaansha dadka.

Betoniesteitä poistetaan Uudenmaan rajalta.
/ Kuva: Petteri Juuti / Yle

3.5.2020

Welwel ay qabaan bukaannada ayaa ka dhashay xarumaha caafimaadka

Qaabilaadii dhakhaatiirta ee xarumaha caafimaadka ayaa intuu koronaha jiray aad u yaraatay. Qaabiliaada dhijitalka ah oo bukaanku guryahooda dhakhtarka kala xirirayaan oo loo sameeyay xaalada koronaha darteed ayaanan weli gaarin dadka dhan. Waxaa siyaabo kala duwan loogu guulaystay meelo kala duwan oo Finland ah.

THL ayaa aaminsan inay sababta qaabilaada u yaraysay tahay cabsi ama ogaansho la’aan dadku qabaan. Taas oo keentay inaysan dadku daryeel caafimaad doonan, xattaa haday u baahanyihiin.

Farriinta xarumaha caafimaadka waa inay dadku arimaha caafimaadka, xattaa hadii aysan xaalad degdega ahayn, la xiriiraan xarumaha caafimaadka iyagoo isticmaalaya taleefonnada ama internetka.

Maamulayaasha caafimaadka qiray in laga yaabo, in billowgii koronaha si aan loo baahnayn loo yareeyay daryeellada caafimaad ee aan degdega ahayn. Marka la fiiriyo waqtiga dheer, koronaha goortuu dhamaado ayay arintani culays ku keeni doontaa caafimaadka dadka. Waxayna kordhin doontaa waqtiga daryeelku qaato iyo kharashaadka ku baxa ku intaba. Qiyaastii ugu dambaysa ee THL waxay sheegaysaa in kala fududaynta daryeelka caafimaad ee is saarmaya ay qaadan doonto muddo aad u dheer.

Lääkäri terveysasemalla Espoossa.
Kuva: Hanna Matikainen / Lehtikuva

Dadka la jiifiyay isbitaalka qaybta gargaarka degdega ah ayaa aad u yaraaday bishii afraad

Warbixintii u dambaysay ee THL kuna saabsanayd gargaarka degdega ah ee koronaha ayaa sheegaysa, in dadka koronaha dartiis loo jiifiyay qaybta gargaarka dedaga ah uu sii yaraanayay tan iyo todobaadkii ugu horree\u0009 yay bisha afraad.

Todobaadkii ay tirada jiifintu ugu badnayd wuxuu ahaa todobaadkii labaad, waqtigaas oo gargaarka degdega ah la dhigay 19 bukaan. Tan iyo markaas, inta ay bukaanku ku jirayaan gargaarka degdega ah way sii yaraanaysay. Bukaannada qaar ayaa dhowr jeer lagu celiyay gargaarka degdega ah.

Warbixintu waxay sheegtay in guud ahaa dadka u baahday gargaarka degdega ah bishii afraad ay ahaayeen 172 bukaan oo koronaha qabay. Boqolkiiba 70 dadkaasu waxay ahaayeen rag.

Ilaa hadda wax da’doodu ka yartahay 17 sano, koronaha dartiis Finland looma jiifin qaybta gargaarka degdega. Bukaanka galay gargaarka degdega ah ayaa boqolkiiba 52 ka yaraa 60 sano, halka 77 boqolkiiba ay ka yaraayeen 70 sano.

Sairaanhoitaja käsittelee hengityskonetta Meilahden tornisairaalassa,
/ Kuva: Anni Reenpää / Lehtikuva

Baaritaanka Fayraska koronaha iyo is-difaaca jirka ayaa hadda waxaa kaalmo lacageed looga heli karaa Kelada

Baaritaannada faraska koronaha iyo kuwa lagu hubinaya maadada isdifaaca ee ku jirta jirka qofka ee lagu sameeyo goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ayaa Kelada

hada kaalmo lacageed looga heli karaa. Kaalmadaan ayaa lagu bixinayaa baaritaannadii la galay wixii ka dambeeyay 1. bish afraad.

Kaalmada Kelada waxaa heli kara qofkii uu dhakhtar u diro baaritaanka isla markaana iska baaritaankiisa uu ka dhaco goobaha caamidaadke ee gaarka loo leeyahay.

Kalmadaan oo loogu talo galay baaritaanka fayraska koronaha iyo maadada is difaaca ayaa waxay qayb ka tahay, isla m

Annette Asplund ja Henni Tuomala tutkivat laboratoriossa bakteriofageja.
/ Kuva: Kristiina Lehto / Yle

Tirada baaritaannada koronaha ee Finland ayaa ku dhowaad inteedii hore

Ujeedadii Finland oo ahayd in si aad ah loo kordhiyo baaritaanka koranaha ayaan ilaa hadda miro dhalin.

Idaacada Yle ayaa akhrisay tiro ay soo daabacay THL oo sheegaysa inta qof ee isku celcelis maalin walba Finland lagu baaro marka la barbar dhigo isku celceliska todobaadka oo dhan. Waxaa cadaatay in tirada baaritaanku ay u korortay si gaabis ah. Todobaadkii ay ugu badnayd waxaa isku celcelis ahaan la baaray 2 800 qof maalintiiba, taas oo ka dhigan wax ka yar sadax qaybood qayb ka mid ah inta ay wasaarada caafimaadka iyo arimah bulshadu tiigsanayso mustaqbalka dhow.

Markay ugu wanaagsanayd waxaa kaliya oo dadka finnishka ah laga baaray kala bar intii ay suurto galka ahay in la baaro, waayo awoodda Finland ayaa hadda dabooli karta qiyaastii 5500 oo baaris maalintiiba.

Anni Virolainen-Julkunen oo ah la taliso caafimaad kana tirsan STM ayaa sababta baaritaanka yaraysa ku tilmaantay tahay dad la baaro oon la hayn.

Lähikuva laboratorion työstä.
/ Kuva: Nella Nuora / Yle

Haddii hoos u dhaca faafida cudurka ay mudo dheer qaadato, waxaa ka dhalanaya khatar ah inuu mar dambe xoog u faafo

Machadka caafimaadka iyo fayaqabka (THL) ayaa qiyaasaya in hadii hoos u dhaca faafida cudurka koronaha ay qaadato mudo dheer ay ka dhalan karto khatar wayn oo ah inuu mar kale dib u qarxo ah, isla mar ahaantaana.

THL ayaa aaminsan in faafida fayraska koronaha Finland ay si ka xoogandalalka deriska ah hoos ugu dhacaday. Daryeel caafimaadka iyo gargaarka degdega ah weli lama aysan kulmin culays xad dhaaf ah. Culayska lala kulmay ayaa la mid ah intii horay loo qiyaasayay, mararka qaarna wayba ka hoos martay. THL ayaa aamnisan inay xaalada hadda saamaxayso, in wada hadal laga galo sidii xayiraadaha qayb ahaan loo qaadi lahaa. Waxaan hadda daliil loo helayn in xayaraadaha lasii kordhiyo.

Si kastaba ha noqotee,, THL ayaa ku talinaya in xayiraadaha loo qaado si tartiib-tartiib ah, isla markaana si aad ah loola socdo saamayntooda. Wuxuu kaloo qabaa in baaritaanka koronaha iyo dabagalkiisa oo la kordiyo ay tahay hab cusub oo lagu xakamayn karo cudurka, balse intaas kaliya kuma filna.

Hoitaja ottaa näytettä koronaepäillyltä koronapotilaiden testaamiseen ja hoitoon tarkoitetulla osastolla Turun yliopistollisessa keskussairaalassa
/ Kuva: Roni Lehti / Lehtikuva

Sadaxdii shirkadoodba mid ayaa koronaha dartiis ijaarka looga dhimay markay dalbadeen

Sahay uu sameeyay Suomen Yittjät (midowga shirkadaha Finland) ayaa lagu ogaaday in shirkadaha boqolkiiba 15 ay isku dayeen inay wada hadal ka galaan sidii xilliga koronaha kirada looga dhimi lahaa. Boqolkiiba toban ka mid ah ntii su’aalaha sahanka kasoo jawaabtay ayaa ijaarka laga dhimay.

Taas macnaheedu wuxuu noqonayaa in shirkadihii dalbaday kiro dhimida ay sadax qaybood laba qayb oo ka mid ah heleen. Shirkado aad u badan ayay xilliga koronaha muhiim u tahay in kharashaadka joogtada ah laga dhimo. Agaasimha Suomen yrittäjat Mikael Pentikäinen ayaa sheegay in kharashaadka joogtada ah ay qayb aad u wayn ka yihiin kharashaadka guud ee shirkadahaas ka baxa.

Marka laga tago agaasimaha Suomen yrittäjät, wasiirka ganacsiga Mika Lintilä ayaa dhowr mar ka codsaday in milkiilayaasha goobaha ijaarka loogu jiro ay culuska shirkadaha haysta xilliga koronaha ugu dhimriyaan. Si walba hanoqotee, dhammaan milkiilayaashu kama qayb qaadan kiro dhimadda.

– Waxay u muuqataa inuu dhibka ugu badan ka taaganayahay shirkadaha wax kireeya ee ay wada leeyihiin dhowr milkiile. Pentikäinen ayaa sheegay in culayska ugu badan uu ka jiro suuq-dukaameedyada dibadaha laga leeyahay. Shirkadaha dhisan caasimadda iyo nawaaxigeeda ayaa ugu badan shirkahad Finland ee ijaar dhimidda dalbaday. Shirkadahaan, ku dhowaad afartiiba hal ayaa dalbatay ijaar dhimidda. intaa ka jawaabtay su’aalihii sahanka boqolkiib 14 ayaa laga dhimay ijaarkii.

Pöydille nostettuja tuoleja tyhjässä ravintolassa kauppakeskuksessa.
/ Kuva: Henrietta Hassinen / Yle

30.4.2020

Iskoollada ayaa si xikmadaysan loo loo furi doonaa

Xayiraadihii iskoollada ee la xiriiray koronaha ayaa la qaadi doonaa. Si xikmadaysan isla markaana kala qaad-qaadan ayaa iskoollada loogu laaban doonaa 14.5. Googbaha waxbarashada waxaa loogu hor furi doonaa dugsiyada wax barashada aasaasiga ah iyo xanaanooyinka. Furitaanka iskuullda wax barashada darajada labaad (dugsiyda sare iyo kuwa xirfadaha) ayaa goor dambe go’aan laga gaari doonaa.

Habab kala duwan oo loogu dan leeyahay in lagu yareeyo khatarta koronaha ayaa lagu isticmaali doonaa iskoollada. Ardayda ayaa tusaale ahaan lakala qaybin doonaa. Ardayda yaryar waxay wax baran doonaan subaxa hore, halka kuwa waawaynna ay galabtii wax baran doonaan. Iskoolladu waxay raaci doonaan qawaaniin nadaafadeed iyo kala fogaansho ka adag kuwii hore.

Wasiirka waxbarahshada Li Andersson ayaa sheegay in aragtida howl-wadeennada caafimaadku ay tahay in furitaanka iskoollada oo qaabkaan loo maro ay badbaado u tahay ardayda iyo shaqaalaha iskuulladaba. Andersson wuxuu kaloo intaa ku daray in is-taabasho la’aanta ardayda sideedii weli loo ilaalin doono. Ardayda hal goob kuwada jiraysa ay tiro ahaan ka yaraan doonaan sidii hore. Meelaha firaaqada ah ayaa la isticmaali doonaa si arintaan loo hirgeliyo.

Waxaa kaloo intaas dheer inaysan shaqaalaha waxbarashadu ukala wareegi dooniin iskoollo kala duwan, laakiin taas bedelkeedii uu mid walba joogi doono hali skool. Ardayda isku kooxda ah oo kaliya ayaa markiiba maqaaxida iskuulka cuntada u doonan doona. Xafladihii guga iyo munaasabadaha la mid ahaana lama qaban doono.

Go’aankaan dowladda waxaa saamayn ku yeeshay qiimayntii THL iyo wasaarada caafimaadka iyo arimaha bulshada ay sheegeen.

Doorka caruurtu ku leeyhihiin faafidda cudurka ayaa u muuqataa mid aad yar.

Seitsenvuotias poika matkalla Kirstin kouluun Espoon Suvelassa.
/ Kuva: Heikki Saukkomaa / Lehtikuva

Sahan ay samaysay Yle: Badi dadku waxay u arkaan inay si wanaagsan ugu dulqan karaan xayiraadaha koronaha

In kastoo isbedelka koronaha uu ku keenay nolol maalmeedka dadka finnishka ah ay tahay mid culus, hadana dadka badankoodu waxay u arkaan, inay ilaa intii loo baahdo u dulqaadan karaan iyo guri-kujirka is go’doominta looga hortagayo koronaha.

In ku dhow sadax qaybood hal qayb ayaa sheegay inay weli u dulqaadan karaan go’odoonka, hadiiba xaaladan laga baxay ilaa xagaaga. Boqolkiiba laba kaliya ayaa sheegay inaysan u sii dulqaadan karin xayiraadaha lagu hakinayo hakinta koronaha.

Waxaa cad in xayiraadaha ku adagyihiin dhallinyarada marka la barbar dhigo dadka intooda kale. In kastoo xiriirka iyo kulanka asxaabtaba kala fog loo adeegsanayo taleefonnada gacanta, hadana waxaa loo arkaa inay taasu tahay mid adag.

Wadajirka xubnaha reerka ayaa u muuqda mid fududaynaya guri-kujirka, waayo dadka kaligood nool ayaa isu arka inay xaaladoodu ka liidato kuwa la nool lamaanahooda ama caroortooda

Etätyön tekemistä ruokapöydän äärellä.
/ Kuva: Niko Mannonen / Yle

Tukes: Ma ahan in ozonation (hab ka madax banaan kiimikada oo urka loo saaro) loo isticmaalo ka hortagga koronaha

Wakaalada kiimikada iyo badbaadada (Tukes) ayaa sheegtay in dadka, si ay u iibsadaan mashiinnada dhaliya neefta ozoniga, laga dhaadhacsiinayo in looga hortago koronaha.

Si walba ha noqotee Tukes ayaa tiri, waa inaan ozonationka loo isticmaali ka hortagga fayraska koronaha, waayo wax ku oolnimadiisa weli si cilmiyaysan loo baarin. Mashiinadaas markay ugu daranyihiin waxay khatar gelin karaan nolosha.

Wakaaladda ayaa ka digaysa in xattaa neefta ozonega yar ay waxyeello u leedahay caafimaadka. Tusaale ahaanna waxay xanuun ku keentaa neef mareeka. Sababda oo xoogaa yar gaaraanna waxay daciifin kartaa shaqayntooda, waxayna sii xumayn kartaa jirrada neefta.

Ugu darnaan ilaa kalabar dadka baaritaanku sheegay inaysan qabin korona ayaa been noqon kara

War bixinta ey soo gudbiso Yle MOT ayaa lagu sheegay in kiisas badan oo bukaanadu astaamaha ay sheegeen aheyd midka lagu yaqaano cudurka koronaha, iyadoo sanka xuubkiisa guduha baaritaan laga soo qaaday aan wax cudurkaas ah laga helin, dadkii calaamadaha qabay looma gudbin meel ka baxsan xaruntii caafimaadka si loo sameeyo baaritaan kale. Laakiin waxaa lagula taliyay in xaaladooda ey ku daweeyaan guriga.

Fayraska koronaha waxaa lagu ogaadaa baaritaan laga qaado gudaha duleelka sanka ama dalqada. Aaminaada baaritaanka waxaan ku hubin karnaa iyadoo afar iyo labaatan saac gudahood la qaadayo labo baaritaan. Waxyaalaha keeni karo in baaritaanku shaki galo waa arimo la xiriira baaritaanka.

Baaritaanka PCR sidiisa kale waa mid si aad ah loo aamini karo. Laakiin marka baaritaanka loo isticmaalo waxaa la helaa natiijo saxan inta ugu badan 80 boqolkiiba kaliya kiisaska la baaray. Laakiin ugu darnaan ilaa kalabar dadka baaritaanku sheegay inaysan qabin korona ayaa been noqon kara ayeey sheegtay dhaqtarka sare ee Maija Lappalainen oo ka socota shaybaarka microbiolojiga ee HUS.

Halista ugu horreysa ee natiijada baaritaanka qaldan waa waqtiga. Sida daraasaduhu sheegeen fayraska karonuhu wuxuu bilaabaa in uu galo bukaanka dheefmareenkiisa inta uusan isku arag calaamadaha cudurka. Marxalada hore ee cudurka ayaa ugu badnaan soo saarida dheecaanka feyruska. Waqtigaan ayaa ugu fiican in baaritaanka la sameeyo, taas oo macnaheedu yahay in baaritaanku fiican yahay maalmo yar gudahood marka astaamaha la isku arko.

Hadii cudurku sii fiday, waxaa dhici karta in fayrasku ka wareego mareenka sare ee neefmareenka una gudbo sambabbada, waxaana dhici karta inaan si fiican hoos loogu gaarin baaritaan laga qaado sanka neefmareenkiisa.

Hadii dhinaca kale baaritaanka la qaado goor hore, tirade fayraska weli wey yar yihiin, oo fayraska waxaa dhici karta in waxa la baaray uusan ku jirin.

Khibradlayaal badan ayaa sheegaya in ixtimaalka helitaanka fayraska lagu baaro qoriga yar ee sanka la galiyo ay tahay natiijadiisu 70-90 boqolkiiba sida uu sheegay agaasimaha baaritaanka Lasse Lehtonen oo ka socda HUS.

Sida uu qiyaasay Lehtonen ku dhawaad halkiiba shan dadka uu ku dhacay cudurkan ayaan baaritaan looga helin.

Waqtiga ka sokow, shakiga laftiisa ayaa keena habab kala duwan ee baaritaan. Neefmareenka sare ee sanka in qori yar lagu wareejiyo waxey uga baahan tahay qofka samaynaya xirfad, isla markaasna waa mid bukaanka ku ah wax la dhibsado. Mar walbana ma ahan mid si hagaagsan loo sameeyo.

Mies tutkii mikroskoopilla näytettä Jyväskylän yliopiston bio- ja ympäristötieteiden laitoksen laboratoriossa.
Kuva: Jarkko Riikonen / Yle

Xarunta xaqiijinta agabka daryeelka ayaa gashay heshiis malaayiin agabka badbaadada ah lagu keenayo

Xarunta xaqiijinta agabka daryeelka (HVK) waxay sheegtay inay todobaadkii hore gashay heshiis soconaya ilaa billowga luuliyo kaas oo si joogta ah loogu keenayo agabka badbaadada.

Inta u dhaxaysa bilaha shanaad iyo todobaad ayaa Finland la keeni doonaa 12,5 milyan gafuur-saab ah kuwa ay isticmaalaan dhakhaatiirta qalliinka. HVK ayaa waxay sheegtay inay heshiis agab tayo leh la galeen warshad shiinays ah oo horay u keentay agabkaas.

Xarunta daraasaadka teknoolojiyada VTT ayaa tijaabisay agabka warshadaas, kuwaas oo horay bishii afraad loo keenay Finland. Waxaa tijaabooyinkaas lagu ogaaday in gafuur-saabyada dhakhaatiirta qalliinku ay buuxiyeen heerkii loo baahnaa, ayna waafaqsanyihiin standardka hawo sifaynta ee loo baahanyahay, saas daraadeedna ay ku haboonyihiin u adeegsiga isbitaallada.

Finnairin kone toi Kiinasta tilattuja suojavarusteita Helsinki-Vantaan lentoasemalle 15. huhtikuuta.
/ Kuva: Petteri Sopanen / Yle

29.4.2020

Dadka qaba karonaha daaweyntooda bil gudaheed wax badan ayaa laga bartay

Cudurka karonaha oo keena caabuqa COVID-19 ee ku dhaca sambabyada darteed waxaa Finland qaybta daryeelka deg degga ugu jiray ilaa sadax boqol oo bukaan, kuwaas oo intooda badan ku jiray isbitaallada HUS (Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiirin). Waxyaabaha khatarta ah ee cudurkaan dadka u nugleeya ka sokow, Dadka galay qaybta daryeelka deg degga ah waxaa hayay waxyaabbo kale oo ay ka mid