Fahamka Koronada

Wararka iyo Idaacadaha Yle ayaad kala socon kartaa, Sida Finland looga hadlayo Cudurkaan Koronaha. Waxaa kaloo laga helayaa luuqadaha kala ah Carabi, Perisia, Kurdi iyo Soomaali. Wararka waxaa laga soo Xigan doonaa Yle Uutiset, kaas oo ku baxa luuqada Finnishka.

Koronatietoa monikielisesti
Somalinkielinen teksti, jossa lukee koronatietoa somaliksi
Maiju Hakalahti / Yle

27.5.2020

Maaskarada ama gafuur saabka dadka goor dhaw waxaa laga heli doonaa dukaamada cuntada

Toddobaadyo yar gudahood, gafuur saabyo laga soo saaray dalkan Finland ayaa laga heli kari doonaa tukaanno badan oo kuwa cuntada ah. Shirkada ganacsiga ee Kesko ayaa waxaa kula tartami doona suuqa maaskarooyinka shirkad kale oo weyn oo ka mid ah kuwa ku wehlin doona suuqa, taasoo lagu magacaabo kooxda 'S'.

Kesko ayaa mar hore sheegtay mashruucan iyada u khaaska ah , kaasoo loogu yeero maaskarada muwaadiniin. Qiimaha maaskarada la tuuri karo oo laga sameeyay dharka aan dhogorta lahayn, ayaa noqon doonta qiyaastii hal euro dukaamada K-da, Mikko Helander, oo ah maamulaha guud, ayaa shaaca ka qaaday arrintaas mar lagu wareysanayay barnaamijka ”ykkösaamu” ee TV-ga Yle sabtidii.

Maaskarooyinka la tuuro ee kooxda 'S ' ee lagu sameeyay Finland ayaa marka hore ku soo dhacaya qaanadaha alaabta la iibinayo la saaro ee dukaamada ugu waaweeyn, sida dukaanka Prisma. Marka alaabada ku filan la helo, waxaa sidoo kale lagu iibin doonaa dukaamada kale ee kooxda, ayuu yiri maamulaha xulashada Ville Vahla.

Maaskarooyinka ka samaysan dharka aan dhogorta laheyn ee mar isticmaalka ah ee kooxda 'S' waxaa soo saari doona Teho Filter. Qiimahooduna wuxuu la mid yahay kan la tartamaha.

Lähikuvassa kaksi ihmistä seisoo kassajonossa.
/Eleni Paspatis / Yle

Saadaasha Etla: GDP waxay hoos u dhici doontaa 8%, waxaa kaloo hoos u dhac ku imaan doonaa hoteellada iyo maqaayadaha 30%

Marka loo eego saadaasha dhaqaalaha ee ay maanta daabacday machadka cilmi baarista ganacsiga ee Etla, waxsoosaarka guud ee Finland wuxuu hoos u dhici doonaa 8 boqolkiiba sanadkaan, laakiin wuxuu isu beddeli doonaa 4 boqolkiiba kobaca sanadka soo socda

Isniinta, Etla waxay daabacday saadaasha sanadkan ee warshadaha kala duwan. Sida laga soo xigtay Etla, hoyga iyo kaafinta bulshada sida makhaayadaha iyo hoteellada ayey aad arrintani u saamayn doontaa , iyada oo qiimaha saadaalinta lagu daray ay hoos u dhici doonto 30 boqolkiiba sanadkan.

Qiimaha lagu daro warshadaha guud ahaan waxaa lagu qiyaasaa inuu hoos udhici doono boqolkiiba 9 sanadkan iyo sidoo kale adeegyada bulshada ayaa iyana hoos u dhici doona ku dhawaad 7 boqolkiiba.Sida laga soo xigtay Etla, qiimeynta saameynta cudurkan faafa ee corona uu ku leeyahay horumarka iyo kobaca warshadaha ama shirkadaha kaladuwan waa mid aad u adag, sidaa daraadeed saadaasha la soo bandhigay waxay muujineysaa uun tilmaan.

Suljettu ravintola-alue Espoon Tapiolassa.
Suljettu ravintola-alue Espoon Tapiolassa.Henrietta Hassinen / Yle

Shaqooyinka xagaaga ee loogu talagalay dhalinyarada dhagxaanta ayeey ka hoos martay 'korona' darteed

Sida ku xusan qiyaasta Ururka Awoodda Warshadaha ee Finland, sida caadiga ah waxaa jira qiyaastii 200,000 shaqooyin xagaaga ah oo ay heli karaan dhalinyarada ee ku nool Finland.

Sannadkan xaaladdu si cad ayeey uga sii liidataa sidii hore, korona darteed.

Marka loo eego Ururka Warshadaha ee Finland, waxaa jira sanadkan kumanaan kun oo shaqooyinka xagaaga ah oo ka yar kuwii caadiga ahaa.

Tusaale ahaan, silsiladaha ay ku mideysanyihiin dukaamada waaweeyn ee cuntada waa shaqo bixiyeyaalka xagaaga ugu muhiimsan dhalinyarada. Kooxda S waxay ku qiyaaseysaa inay bixin doonto 4,000 shaqooyin xagaagan ah sanadkaan, marka la barbar dhigo qiyaastii ay sheegeen bilowgii sanadkaan taasoo aheyd ilaa 14,000.

Kooxda-K, dhanka kale, waxay ku qiyaaseyaan in tirada shaqaalaha xagaagan in yar ay ka yarayn doonaan xagaaga caadiga ah, oo ay ka yarayn doonaan qiyaastii 5,000.

Lidl wuxuu ku qiyaasey in tirada shaqaalaheeda xagaaga ay ku dhowaan doonaan ilaa 1000 sanadkan, iyo saameynta korona ee tirada shaqaalaha ay qaadanayaan yaraatay. Silsiladda tukaamada cuntada ayaa wali fureya tababar shaqo oo loogu talo galay carruurta 14- 17 sano jirka ah.

Nuori ajaa ruohonleikkuria puistossa.
Malin Valtonen / Yle

26.5.2020

25.5.2020

Dalka Sweden ayaa hadda maraya heerka ugu dhimashada badan adduunka

Dalka Sweden, tirada dhimashada ka dhalatay COVID-19 ayaa gaartay meeshii ugu sareysay dunida asbuucii la soo dhaafay marka tirada dhimashada la barbar dhigo dadka ku nool wadamadaas.

Arintan ayaa ka muuqanaysa websaydhka tirakoobka dunida ee magaciisa la yiraahdo Our world in Data Xogtan waxaa soo sheegay, tusaale ahaan, Warbaahinta Iswiidishka ee SVT.

Bishii Meey 20 keedii , iswiidhan waxaa ku dhintay 6.08 qof markii la barbar dhigo hal milyan ee dadka wadankaas ku nool ah.Tirada labaad ee dhimashada ugu badan waxay ahayd Ingiriiska, oo ahaa 5.57.

Gudaha Finland, tirada dhimashada ayaa bisha shanaad waxay hoos ugu dhacday in ka yar hal markii la barbar dhigo hal milyan oo ah dadka ku nool wadankaan.

Anders Tegnell oo ku takhasusay cilmiga cudurada faafa ee dalka iswiidhan ayaa dhaleeceeyey tirakoobkan.

Aragtidiisa, tani ma tixgelineyso in dalal kala duwan ay ku kala jiraan heerar kaladuwan ee hor u socodka faafitaanka cudurka korona. Hal maalin in lagala soo dhex baxo isla markaana loo adeegsado sameynta tirakoobka, ma bixinayso sawir macquul ah oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee faafitaanka cudurka.

Halka Dan Hedlin, oo ah borofisar ku takhasusay tirakoobka ee jaamacadda Stockholm, uusan ku raacsaneyn arinkaas. Wuxuu fiiriyay tirakoob asbuuc ah wuxuuna xusey in tirakoobkani siinayo sawirka saxda ah ee xaalada jirta.

Isla mar ahaantaana, Hedlin wuxuu tilmaamay in eegidda xaaladda celcelis ahaan ee waddanka oo dhan ay sawirka khaldan bixinayso, maxaa yeelay qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah waxay ku sugnaan karaan xaalado aad u kala duwan.

Tukholma
EPA/ AOP

Gudaha Finland, inka badan 6,500 ayaa la xaqiijiyey in ay qaadeen cudurka korona

Machadka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee THL ayaa sheegay Jimcihii, in dalka Finland cudurka koronaha laga helay 44 qof oo horleh.

Isugeyn caabuqyada la xaqiijiyay waa 6 537.

306 dhimasho ah oo laxiriira korona ayaa la sheegay khamiistii. Tirada dhimashadu waxay ahaayen kuwa lamid ah intaas jimcihii oo wax koror dhimasho ah kuma imaanin tiradaas.

Wasaaradda arrimaha bulshada iyo caafimaadka iyo Waaxda Caafimaadka iyo Daryeelka THL ayaa ku qiyaasay in cudurka faafitaankiisu uu Finland hoos u dhacayo. Tirada celceliska ah ee kiisaska la soo gudbiyo ee Diiwaangelinta Cudurrada la kala Qaado toddobaad kasta waxay si wanaagsan hoos ugu dhacaysaa hadda muddo bil ka badan. Tirada dadka ku jira isbitaalka iyo daryeelka degdegga ah ayaa sidoo kale hoos u dhacaya, iyo heerka qaadista ama faafinta caabuqa ayaa sidoo kale hoos u dhacaya.

Koronavirustestinäyte
Perttu Ruokangas / Yle

Sharciga ku saabsan xiritaanka qasabadaha qamriga biirka, dhaqangal ahaan wuxuu dhaqangalayaa inyar kahor inta aan makhaayadaha la furin

Makhaayado badan ayaa isku diyaarinaya inay albaabadooda furaan muddo toddobaad kadib ah, laakiin xaqiiqada ugu dambeysa ee ku saabsan xayiraadaha makhaayadaha xagaaga waxay halis ugu jiraan inay kusii fidaan heerarka ugu dambeeya. Go'aan ka gaaridda tubooyinka qamriga biirka ah waxay waqti badan ka qaadatay siyaasiyiinta xilligan lagu jiro duruufaha aan caadiga ahayn.

Dawladdu go'aan ayay ka soo saartay xayiraadaha cusub ee saaran makhaayadaha ugu danbeyn illaa Talaadadii, taasoo ah ku dhawaad asbuuc ka dib markii horay loo qorsheeyay.

Makhaayadaha ayaa albaabadooda furi kara horraanta bisha Juun, laakiin waxay buuxin karaan ilaa kalabar kuraastooda isla markaana qasabadaha qamriga biirku waa inay xirmaan saacadu markay tahay 10ka habeenimo.

Si kastaba ha noqotee, soo-jeedinta xukuumaddu wali ma aysan ka gudbin meel marinta go'doonka guddiga dastuurka iyo baarlamaanka, taasoo aan ahayn hawl fudud.

Ujeeddadu waxay ahayd in soojeedinta xannibaadda ay si dhakhso ah ugu gudubto baarlamaanka, laakiin, tusaale ahaan, khubarada oo dhan ma aysan suurtagalin in la wada dhageysto mudada ogeysiinta ah oo gaaban awgeed.

Tampereen Kauppahallin Neljä Vuodenaikaa-ravintola oli suljettuna 25. maaliskuuta 2020.
Tampereen Kauppahallin Neljä Vuodenaikaa-ravintola oli suljettuna 25. maaliskuuta.Miikka Varila / Yle

22.5.

Isbedel ayaa si deg deg ah loogu samayn karaa gaadiidka dadweynaha - tirada rakaabka tareenka iyo basaska waa la xaddidi doonaa haddii loo baahdo

Waddanka Finland, tirada rakaabka safarka dadweynaha ayaa xoogaa koreysa, laakiin weli dawladdu ma aysan saadaalin tilmaamaha qaaska ah ee gaadiidka dadweynaha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Timo Harakka ayaa bartiisa ku qoray in kuraasta lagu fadhiisto iyo tirada rakaabka la xaddidi karo haddii loo baahdo.

Harakka wuxuu xooga saarayaa mas'uuliyadda gaadiidlayda. Tusaale ahaan, VR waxay diyaarisay tilmaamo u gaar ah cudurka karonaha oo loogu talagalay rakaabka tareenka. Lambarada rakaabka ee VR ayaa hoos u dhacay in kabadan 90 boqolkiiba, laakiin hadda waxyar ayey kordheen.

Nawaaxiga magaalo madaxda tirada dadka rakaabka ah ee metrooga ayaa in ka badan 60 boqolkiiba ka yaraa, marka loo eego sidii caadiga ahayd, laakiin sidaas oo ay tahay tirada rakaabka ayaa kordhay toddobaad kadib 8,000 wuxuuna ahaa 112,000.

Bishii Abriil 20, basaska agagaarka caasimadda waxay bilaabeen inay shaqeeyaan jadwalka la dhimay ee xilliga xagaaga. Si kastaba ha noqotee, madaxa waaxda HSL Mari Flink ayaa ku qiyaastay in gaadiidka dadweynaha ee agagaarka magaalo-weynta Helsinki inuusan qatar ugu jirin inuu noqdo fayras keene, inkastoo fasaxidda bulshadu ay keentay in tirada rakaabku korodho.

HSL waxay sidoo kale kordhisay basaska iyo tareennada markii iskuulada la furay, markii danbana waxay sidoo kale siyaadisay socodka metrooga waqtiga baahida ugu badan jirto.

Baarlamaanku wuxuu talaadadii ansixiyay isbedelo ku meel gaar ah oo loogu talagalay fududeynta la qabsiga gaadiidka dadweynaha ee is beddelka tirada rakaabka.

Isbeddelka sharciga ayaa lagu sahlayaa in la beddelo jadwalka. Jadwalka hadda waxaa lagu beddeli karaa wargalin shan maalmood ah, halkii 60 maalmood lagu badali jiray.

Ihmisiä Helsingin rautatieaseman laiturilla.
Henrietta Hassinen / Yle

*Dadka Finland ka bixi waayay waxay helayaan raqiisin dalabkooda dagenaanshada
*

Waxaa aad looga raqiisanayaa khidmadda laga qaado codsiyada oggolaanshaha degenaanshaha dadka ay ruqsaddooda degenaansho wakhtigeedu dhammaan rabo ama ay dhamaatay, laakiin ku noqoshada waddankoodii aysan suurtogal u noqon karin xaddidaadda safarka awgeed.

Caadi ahaan, khidmadda dalabka degenaanshuhu waa 520 euro dadka qaangaarka ah iyo 270 euro dadka da'da yar. Isbeddelkan ku-meelgaarka ah, qidmadda shaqo ee dalabka ogolaanshaha cusub waa 150 qofka qaangaarka ah iyo 100 ilmaha yar, hadii dalabkaagu ku saleysan yahay xaddidaadda safarka ee cudurkan dartiis.

Waxaa loo ogol yahay tusaale ahaan, dadka waqtigooda safarka bilaa fiisaha la dhaaftay, laakiin xaddidaadda safarka ay ka horjoogsanayso inay ku noqdaan waddankooda.

”Hoos udhigga khidmooyinka ayaa macquul ah, maadaama dadku si ay ku qasban yihiin dalka u joogaan, joogitaanka waxaa lagu qiyaasaa inuu yahay mid gaaban, sidoo kale waqtiga ay shaqeynayso ogolaanshaha ayaa ka yar sidii caadiga ahayd” arintaan ayaa lagu soo qoray war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Isbedelku wuxuu shaqeynayaa ilaa dhamaadka Oktoobar.

Maahanmuuttoviraston myötämiä asiakirjoja
Kare Lehtonen / Yle

Jaamacadda Helsinki ayaa baaraysa: In Eygu urin karo korona fayrus

Baarayaasha cilmi-baarista ee Jaamacadda Helsinki ee Xannaanada xoolaha iyo Machadka Caafimaadka ayaa daraasad ku sameynaya in dadka uu ku dhaco cudurka COVID-19 lagu ogaado isbadalka urka.

Eeyaha tababaran ayaa ku guuleystay sida ay sheegtay daraasaddan hordhaca ah ee la sameeyay inay kala soocaan baaritaanka kaadida caafimaadka qabta iyo mida qabta infekshinka cudurka korana fayruska.

Iyadoo la raacayo tijaabooyinkan horudhaca ah, eeyaha ayaa dhaqso u samayn kara howshan ay sida deg degga ah u fahmayaan, isla markaana ay gaaraan natiijooyin aad loogu kalsoonaan karo oo ka badan baaritaanadii shaybaarka.

Eeyaha lagu tababaray kala-soocidda urka ayaa hore u baari jiray waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin sida dadka qaba kansarka.

Kössi-koira haistelutehtävissä.
Kössi-koira haistelutehtävissä.Susanna Paavilainen

Howlaha u adeeggidda alle way ka qeyb qaadan karaan xagaaga tiro kabadan 50 qof, haddii loo hogaansanaado hagida dowladda

Laga bilaabo maalinta koowaad ee bisha Juun, in ka badan 50 qof ayaa ka qeyb qaadan kara howlaha u adeeggidda alle waa haddii ay raacaan tilmaamaha dowladda ee loo diyaarin karo munaasabadaha si nabad galyo leh ayee ku sheegeen baadariyiinta efankeli-luuteriga finland warbixinadoodii kaniisadda. Hagid la mid ah midaas ayaa la siinayaa dadka ku qabsada kaniisadda ama goobaha lagu cibaadeeysto xafladd-diimeedka sida meherka ama waqlalka.

Tirada ugu badan ee kaqeybgalayaasha munaasabadaha waa 500, laakiin tirada dadka ayaa had iyo jeer u dhiganta kufilnaanshaha goobta, si markaas u suurto gasho masaafadd hal illaa laba mittir si loo kala nabad helo.

Iso kynttilä Oulun tuomiokirkon alttarin edessä.
Wasim Khuzam / Yle

Xagaaga, munaasabadaha caamka ah ee wax ka yar 500 oo qof ayaa suurtogal ah iyada oo qabanqaabooyin gaar ah la samaynayo.

Wakaaladda Maamulka Degaanka ayaa dhammaystirtay hagitaankeedii la sugaayay ee ku aaddanayd abaabulka dhacdooyinka kala duwan. AVI ayaa siidaysay warbixin ku saabsan mawduucan talaadadii.

Sida laga soo xigtay AVI, munaasabadaha dadweynaha iyo shirarka guud ee dad ka badan 50 qof laakiin aan ka badnayn 500 oo qof oo gudaha ah iyo kuwo bannaanka ah ee xaddidan ayaa lagu abaabuli karaa qaban-qaabooyin gaar ah.

Nabadgalyada dadka waxaa lagu hubinayaa iyadoo la xaddidayo tirada macaamiisha iyo in la ilaaliyo inaysan dadku isku dhawaan, sidoo kale in la raaco talooyinka nadaafadda.

Qabashada isku imaatin dadweynaha iyo shirarka guud ee tiro ka badan 500 oo qof ayaa la mamnuucay ugu yaraan illaa dhammaadka bisha Luulyo, mana jirto wax ogolaansho gooni ah oo ay bixinayso hay'adda dawladda ee degaanka.

Jalkapallokannattajat
Tomi Hänninen

20.5.2020

Dowladda ayaa go’aamisay shuruudaha funaanshaha makhaayadaha – Kala bar macaamiishii caadiga ahayd ayaa markiiba geli kara, xayiraaduhuna waxay shaqeyn doonaan ilaa dhamaadka Oktoobar.

Dowladda waxay maalintii talaadada ahayd go’aamisay shuruudaha ay maqaayaduhu ku ballaarin karaan adeegyaooda laga bilaabo horraanta bish lixaad.

Makhaayadahu waxay furnaan karaan ilaa saacadu marka tahay 23:00, khamri cabidana waxaa la ogolyahay ilaa 22:00. Makhaayadaha waxaa la furi karaa lixda subaxnimo, halka khamri-cabiddu ay bilaaban karto saacadu markay tahay sagaalka.

Waxay makhaayaduhu sii dayn karaan in la eg kala bar macaamiishoodii caadiga ahayd, laakiin xadiidadda kuraasta macaamiishu ma qusayso banaanka makhaayadaha ee wax lagu cabo.

Dowladdu waxay hadba qiimayn doontaa xaalada, xayiraadahana markii loo baahdo waa la qaadi karaa.

Krista Kiuru, oo ah Wasiirka Qoyska iyo Adeegyada Aasaasiga ah, ayaa sheegtay inay xannibaadahani soconayaan ilaa dhamaadka bisha tobanaad, laakiin qodobadooda ku meel gaarka ah, ayaa hadii loo baahdo la qaadi doonaa intaan waqtigaas la gaarin. Xannibaadaha ma quseeyaan maqaayadaha shaqaalahu wax ka cunaan iyo meelaha cuntada iyo cabitaanka dalabka looga qaato.

Marka la fiiriyo soo jeedinta dowlada, macaamil kastaa waa inuu helaa kursi u gaar ah. Intaas waxaa dheer, inuusan macaamilku cuntada ama cabitaanka ku guri karin meel ka baxsan miiskiisa, tusaale ahaan buffeega ayaa la ogolayn.

Sidoo kale, waa inay makhaayadu samaysaa qorshe qoraal ah oo ku saabsan sida ay ugu talagashay inay u fuliso waajibaadka iyo xayiraadaha la soo rogay.

Soo jeedinta xukuumadda ayaa marka xigta looga doodi doonaa baarlamaanka. Dowladdu waxay rajeyneysaa inuu baarlamaanku sida ugu dhaqsaha badan uga xaajoodo hindisaha sharciga ah, si xadidaadaha loo dhaqan geliyo horraanta bisha lixaad, mar ahaantii ay maqaayaduhu albaabadooda furaanba.

Suljettu ravintola-alue Espoon Tapiolassa.
Suljettu ravintola-alue Espoon Tapiolassa.Henrietta Hassinen / Yle

Dadka ka weyn 70 sano waxay Finland ka helayaan xornimo dheeraad ah

Waaxda Caafimaadka iyo Daryeelka ayaa dhammaystirtay tilmaamaha loogu talagalay dadka ka weyn 70 sano jir ka. Mar kale waxay la kulmi karaan dadka kale, laakiin nadaafadda iyo kala fogaanshaha amniga ah waa in laga taxadaraa. Tilmaamaha cusub waxaa ogolaaday Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Caafimaadka. Tilmaamahan ayaan quseynin inay la kulmi karaan ilmaha ay ayeeyada ama awoowaha u yihiin, asxaabta ama ehelka kale midna.

Haddii la booqanayo qof ka mid ah dadka halista kujira, booqashooyinka gudaha ah waa in ay ahaadaan kuwa gaaban. Markaad kulmeysaan, waa inaad isticmaashaan afjeeb , tusaale ahaan midka marada ah ama wax kale oo ilaalin kara afkaaga. Si kastaba ha noqotee, afjeebku ama maaskaradu wuxuu u baahan yahay in badanaa si joogto ah loo beddelo.
Waagii hore, waayeelka ayaa lagula taliyay in ay ka fogaadaan u bixista guriga dibaddiisa. Talooyinkii hore ee waayeelka waa la baajiyay, maxaa yeelay cudurkan faafitaankiisu ma ahan mid hadda maraya heerkii ugu xumaa. Qaar badan oo ka weyn da'da 70 ayaa sidoo kale la kulmay dareemis ay dareemayaan kelinnimo, kaasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid aad iyo aad uga badiyay.

Vanhus
Henrietta Hassinen / Yle

Helsinki, arday iyo shaqaale ku kala sugan laba iskuul ayaa la karantiilay

Ardayda iyo shaqaalaha iskuullada hoose- dhexe ee Itäkeskus iyo Kannelmäki ayaa loo karantiilay soo-gaarista caabuqa korona. Liisa Pohjolainen, oo ah agaasimaha waxbarashada ee Helsinki, ayaa u sheegtay Helsingin Sanomat in caabuqa korona laga helay labada iskuul.

Iskuulka hoose-dhexe ee Itäkeskus, hal arday iyo laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha iskuulka ayaa la galiyay karantiil guriga ah. Dhinaka kale, iskuulka hoose-dhexe ee Kannelmäki, ayaa 14 arday iyo afar shaqaalaha iskuulka ah ayaa la galiyay karantiil guriga ah.

Waaliddiinta labada iskuul iyo shaqaalaha iskuulka ayaa la ogeysiiyay soo-gaadhista cudurka. Waaxda daryeelka bulshada iyo daryeelka caafimaadka u qaabilsan la socoshada talaabada cudurada faafa waxay xariir la sameyn doonaan dadka lagu xukumay karantiilka guriga iyo qoysaskooda. Waxbarashada dhaw ee iskuulka toos loo tagayo ayaa ahaa mid ka sii socday iskuuladan si caadi ah Isniinta. Dhamaan ardayda kale, marka laga reebo kuwa hada karantiilka ah, waxay caadi ahaan u yimaadeen iskuulka.

Ivalon koululaiset palaavat kouluun.
Vesa Toppari / Yle

Finnair waxay joojineysaa duulimaadyada gudaha wadanka ee xagaagan

Finnair waxay leedahay uma duuli doono Joensuu, Jyväskylä, Kajaani, Kemi ama Kokkola inta lagu jiro xagaagan 2020. Shirkadda ayaa go'aan ka gaari doonta jiilaalka (talvikautta) 2020-2021 go'aan kaaso oo quseeya duulimaadyada goobaha kor ku xusan, markii ay aragto sida baahida guud ee safarka duulimaadka uu hadba isu beddeleyo.

Finnair waxay leedahay, waxaa laga yaabaa inay Finnair joojiso duullimaadyada ay ku tagi jirtay garoomo badan oo gobolada ah muddo ugu yaraan hal sano ah. Wadooyinka duulimaad ee khatarta ugu jira in la xiro waa kuwa ugu wax soo saarka hooseeya ee Finnair.

Kuvassa on Finnairin lentokoneita toukokuussa Helsinki-Vantaan lentokentällä. Koneet ovat maassa koronaviruspandemian vuoksi.
Silja Viitala / Yle

App-ka lagu raadraaci doono caabuqa karona, ayaa lagu tijaabinayaa Vaasa

Toddobaadkan, tijaabinta barnaamij casri ah oo loo sameeyay si loola socdo dadka cudurka caabuqa Korona qaba ayaa laga bilaabay Cisbitaalka Dhexe ee Vaasa. App-ka waxaa la tijaabin doonaa muddo seddex toddobaad ah. Ujeeddada mashruucu waa in la hubiyo in app-ku u shaqeeynayo si ku-habboon magangalyada macluumaadka oo aamin ah.

Shaqaalaha waaxda gurmadka degdega ah ee Isbitaalka Dhexe ee Vaasa,ayaa ka qeyb qaadan doona tijaabada baraawada ah ee qalabkan, kuwaasoo dabagal ku sameyn doona muwaadiniinta iyo xirfadleyda daryeelka caafimaadka. Shaqaaluhu waxay ku soo degsanayaan app-ka taleefanka casriga ah ee ay ku isticmaalaan shaqada, qaarkoodna waxay isla markaa diiwaangelin doonaan dadkii ay la soo kulmeen. Tani waxay noo oggolaaneysaa inaan isbarbar dhigno taariikhda kulanka dhabta ah iyo kan dhijitaalka ah.

App-ku wuxuu isticmaalayaa teknolojiyad Bluetooth ah, si qarsoodi ah uu ula socon karaa dadka uu la kulmay isticmaalaha taleefoonka, kuwaasoo iyaguna taleefankooda ku shubteen isla App-kaas.

Isticmaalaha app-ka lama weydiinayo macluumaadkiisa shaqsiyeed. Isticmaalaha kulamada uu dadka kula kulmayo ayaa si qarsoodi ah ugu kaydsami doona taleefankiisa oo xataa isaga laftiisu ma arki karo. Haddii isticmaalaha laga helo cudurka oo uu u sheego app-ka, barnaamijku wuxuu u dirayaa ogeysiin dadkii xiriirka dhow la sameeyay isticmaalaha.

Tijaabadan waxaa loo adeegsan doonaa oo keliya baaritaannada cudurrada faafa ee been-abuur ah, app-kuna sinnaba kuma xirna nidaamka lagu keydiyo macluumaadka bukaanka.

Älypuhelinsovellusta testataan
Vaasan sairaanhoitopiiri

HUS Ayaa tijaabinaya inuu bukaanka koronaha ku daaweeyo shucaaca (radiotherapy)

Isbitaalllada Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri (HUS) ayaa sheegay inay bilaabayaan daraasad cilmiyaysan oo lagu ogaanayo saameynta daawaynta shucaacu ay ku leedahay bukaanada cudurka koronaha. Daraasadu waxay eegaysaa bal in shucaaca hal mar ah oo lagu lagu bartilmaamsanayo meel yar oo sambabada ka mid ah, ay saamayn wax-gal ah ku yeelan karto cudurka koronaha oo meesha daran gaaray.

Sida laga soo xigtay HUS, shucaaca lagu daaweynayo bukaanka fayraska koronaha qaba ayaa waxaa looga dan leeyahay in la yreeyo fal-celinta is-difaaca jirka, taasoo uu caabuqa fayrasku sababay, waxaana loo malaynayaa inay fal-celintaasu gacan ka geyto sidii uu cudurku uga sii dari lahaa.

Sida laga soo xigtay HUS, shucaacaan kuwo la mid ah ayaa tobanaan sano loo adeegsadanayay si uusan jirka qoka dhuuxa laga bedelay u diidin dhuuxa cusub. Hadafku wuxuu ahaa in la xakameeyo fal-celinta is difaac jirka qofka.

Ujeeddada daraasadda waa in laga hortago caabuqa fayraska koronaha ee u baahan isbitaal dhigid iyo inuusan sii adkaan oo uusan noqon mid aad u daran una baahan in la dhigo qaybta daryeel degdeg ah. HUS waxay qiyaaseen in waxtarka suurto galka ah ee daawaynta noocaan ah loo arki doono si dhaqso ah.

Fiisigis-yahanka sare Mikko Tenhunen oo ka tirsan Xarunta Kansarka ee HUS ayaa war-saxaafadeedka ku sheegay in qaddarka shucaaca ee cilmi-baaristaan la adeegsanayo ay keeni karto halis qiyaastii ah boqolikiiba hal, halistaasu waa inuu qofkaas kansar kaga dhici karo meeshii shucaaca looga daweeyay 10–20 sano ka dib. Khatartaan yar oo jirta owgeed, waxaa daraasadaan loo adeegsan doonaa dadka ka waawayn 50 sano oo kaliya.

Sida laga soo xigtay HUS, laba daraasadood oo kale oo midaan la mid ah ayaa dhowaan laga bilaabay adduunka intiisa kale.

Vanhan hoitoyksikön sädehoitolaite Kerttu.
Antti-Jussi Korhonen

19.5.2020

18.5.2020

Dawladdu waxay isku khilaafeen saacadaha furitaanka makhaayadaha iyo kuraasta macaamiisha

Makhaayadaha ayay tahay inay furaan albaabadooda dhowr toddobaad gudahood, laakiin waxaa jira khilaaf dowladda gudaheeda ka jira oo ku saabsan tirada kuraasta makhaayadaha iyo waqtiyada furitaanka makhaayadaha iyo sidoo kale cabitaanka qamriga ku iibintiisa xilliyada la ogolyahay.

Xukuumadda ayaa laga sugayay inay soo bandhigto ugu horrayn illaa Arbacadii sida maqaayadaha ay albaabadooda u furi karaan horaanta bisha Juun ka dib xiriddii caabuqa korona dartiis, laakiin arrintii mid ka soo horjeedda ayaa dhacday.

Dawladdu waxay bilawday inay soo jeediso yareynta tirada kuraasta macaamiisha ee makhaayadaha si loo xakameeyo faafitaanka caabuqa korona. Soo jeedinta aasaasiga ahi waxay ahayd in cabitaanka aalkoladu ay joogsato 9-ka fiidnimo makhaayaduhuna ayaa xirmaan 10-ka habeenimo.

– Waxaan soo bandhigeynaa qaabka noorwiijiga ah oo ah in maqaayadaha ay cabitaanka aalkoladu u furantahay illaa 11ka fiidnimo isla markaana ay xirmayaan horaanta saqda dhexe, saacadda 24. Toddobaadyo yar gudahood, waa la arki karaa bal inay suurtagal tahay in laga sii qafiifiyo xeerarka sidaas ay yihiin, Timo Lappi, oo ah madaxa dalxiiska iyo Adeegyada makhaayadaha Mara, ayaa dalbanaya.

Dowladda ayaa sidoo kale leh aragtiyo kaladuwan oo ku saabsan in makhaayadaha ay ku furmi doonaan shuruuc wadajir ah dalka oo dhan. Sida laga soo xigtay Yle, furitaanka tartiib tartiibta ah ee maqaayadaha waxay ka macno tahay in marka hore ay jiri doonaan xeerar isku mid ah oo si wadajir ah uga dhaqan gala dalka oo dhan. Ka dib muddo dabagal ah oo dhowr toddobaad ah, waxaa la qiimeyn doonaa in xannibaadaha laga fududeyn karo meel uun.

ravintolan tiski ja menu
/Rami Moilanen / Yle

Ilaa 5000 oo Finlandays ah ayaa ilaa iyo hadda hore uga bogsooday fayruska karonaha

In kabadan 6200 oo cudurka covid-19 uu ku dhacay ayaa la xaqiijiyay Finland. Tiradaas waxaa cudurka hore uga bogsooday qiyaastii 5000 oo Finlandays ah.

Sida ay sheegtay THL, tirada dadka ka bogsooday ayaa waqtigan u kordhaya si ka badan kiisaska cusub ee cudurka, sidoo kale faafidda cudurka ayaa si aad ah hoos ugu dhacday. Iyadoo la raacayo kiisaska la xisaabiyay ee maalinle ee cudurka, bishii abril ayaa noqonaysa waqtigii caabuqa ugu sareeyay la arkay, bil gudaheedna tirada caabuqa si tartiib ah ayuu hoos ugu dhacay. Si kastaba ha noqotee kala duwanaanshaha maalinle ee cudurka ayaa aad u badan.

Sida ay qabto THL, heerka faafidda cudurka ee usbuucii la soo dhaafay ayaa ahaa 0.60-0,85. Hadii heerka faafiddu ka hooseeyo hal, faafidda cudurku way sii yaraanaysaa.

Taneli Puumalainen, oo ah dhaqtar sare ee THL sida uu sheegay, tani waxay u saamaxaysaa Finland iyo wadamo badan in bulshada loo kala fasaxo heerar kala duwan, waa hadii la hubinayo isla waqtigaas inuusan cudurku si aad ah u socon.

Terveydenhoitaja ja lääkäri tutkivat potilastietoa korona-asemalla.
Hoitohenkilökunta tutkii potilastietoja. Kuvituskuva. Mårten Lampén / Yle

Baaritaanka cudurka karona fayrus waxaad Helsinki ballan ka qabsan kartaa websaytka

Ballamaha laga sameeysto websaytka ee korona fayruska waxaa lagu baaraa kulttuuritalo Stoa oo ku taallo Itäkeskus. Baaritaanka Stoa waxay shaqeeysaa maalmaha shaqada 8-da subaxnimo ilaa 6-da galabnimo, sabtida iyo Axadda 12-ka ilaa 4-ta galabnimo.

Hadii loo baahdo qofka isaga shakiya karona fayrus wuxuu balan ka qabsan karaa websaytka, isagoo buuxinaya astaamaha cudurka adareeska omaolo.fi.

Stoa waxay ku taalaa Itäkeskus adareeska Turunlinnantie 1.

Hab kale oo lagu dalbado baarista karona fayrus waa in la waco la-talinta karona fayrus, teleefon 09 310 10024 (maalmaha shaqada 7-da aroornimo ilaa 8-da habeenimo) iyo waqtiyada kale ee heeganka, teleefon 116 117.

Tartuntavaarasta kertova Pääsy kielletty -kielto laboratoriossa, jossa analysoidaan koronavirusnäytteitä.
/Markku Ulander / Lehtikuva

Codsiyada magangalyo oo aad u yar ayaa la gudbiyay intii lagu guda jiray cudurka faafa ee karona fayrus

Sida ay sheegeen Xafiiska waaxda socdaalka ee Finland, waxaa si cad hoos ugu dhacay tirada dadka magangalyo-doonka ah ee cusub intii uu socday cudurka faafa ee karona fayrus. Majiro wax codsiyo magangalyo ah oo laga dalbaday xuduuddaha Finland tan iyo markii ay dhaqan gashay xayiraada xudduudda lagu soo rogay 19 maarso

Codsiyada magangalyo ee ugu horeeyey waxaa la xareeyay intii u dhaxeysay 19.3 – 30.4 wadartooda guudna waa 78. Codsadeyaashu waxay inta badan hore u deggenaayeen Finland kahor inta aan xaddidaadda soo gelista la dhaqan gelin.

Maahanmuuttovirasto / Migri / Ratapihantie 11 / Pasila / Helsinki 13.04.2020
Jouni Immonen / Yle

EU: Tallaalka koronaha ayaa markuu ugu soo hormaro sanad kadib soo baxaya

Tallaal looga hortagayo cudurka uu faryrsaka koronaha keeno ee covid-19 ayaa markuu ugu soo hormaro diyaar noqon kara sanad kadib. Sidaasna waxaa laga sheegay wakaalada daawada.

- Marco Cavaleri oo ah madaxa wakaalada qaybteeda u qaabilsan tallaalka iyo la dagaallankaa hallista caafimaadka ayaa yiri: haddii wax walba sidii loogu talo galay ku socdaan, waxaa suurtogal ah in tallaallada qaarkood ay ansixin diyaar u noqon karaan sannad gudihiis. Si kastaba ha noqotee, waxaan cadaynayaa inay arintaanu suurto gal noqon karto, hadii wax walba sida ugu wanaagsan u hirgalaan oo kaliya.

Waxaan ognahay inaysan tallaalada dhammaantood u gudbin heerka ansixinta ama ay dhici karaan dib u dhacyo kale, ayuu Cavaleri ku sii daray.

Wakaalada daawadu waxay aaminstahay, in saadaalintii ay dhowaan soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), taasoo sheegaysay inuu fayrasku noqon karo mid aan tallaal loo helin, ay tahay rajo tirid ka badbadis ah.

- Cavaleri wuxuu ku daray, in kastoo ay wali xilli hore oon wax la saadaalin karin tahay, hadana waxaan u arkaa inay jiraan sabab wanaagsan oon u aaminno in tallaallo soo bixi doonaan. Waan la yaabi lahaa ayuu yiri, haddii aan tallaalka covid-19 la helin ugu dambeynta.

Kuvassa on kokeellinen rokote koronavirusta vastaan.
Kiinalaisessa laboratoriossa kehitetään koronarokotetta.Nicolas Asfouri / AFP

THL: Faafida caabuqa korona uma muuqato inay kordhisay culeyska maskaxda

Faafitaanka corona iyo siyaabaha kala duwan ee xakameyntiisa ilaa iyo hadda waxay u muuqdaan inay ka yaraadeen saameyntiisu cabsidii laga qabay fayo qabka maskaxda ee dadweynaha. Arrintaan ayaa ka soo baxday natiijooyinka horudhaca ah ee sahanka dadka oo uu sameeyay Waaxda Qaranka ee Caafimaadka iyo Daryeelka (THL).

Sida laga soo xigtay THL, qaar badan ayaa siyaabo kala duwan uga walaacsan saameynta caabuqa korona, laakiin xaaladda adag ee xirxiran oo gaarka ah iyo walaacyada la xiriira uma muuqdaan inay horseedeen inay sii kordhaan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ee dadka da'da shaqada ku jira. Welwelka ugu badan ee la xiriira cudurka koronada faafa waa in qofka qof qaraabadiisa ah ama ehelkiisa ah uu xanuunku ku dhacaa. 45% jawaab bixiyayaasha aya arintaan ka walaacsan.

Soddon iyo shan boqolkiiba jawaabeyaasha ayaa gabigood ama intooda badan aad uga walaacsanaa inay iga laftoodu qaadsiisaan ama ku daartaan dadka kale. 31 boqolkiiba ayaa sidoo kale ka walaacsan saameynta dhaqaale ee qaabuqa koronada faafa. In caabuqa korona uu qofka isaga laftiisa ku dhacdo walwalka laga qabo, wuxuu ahaa kaliya walaaca afaraad ee ugu badan.

Waaxda Caafimaadka iyo Daryeelka ayaa soo saartey daraasad lagu baarayo saameynta cudurka faafa ee korona iyo siyaabaha kala duwan ee lagu xakameynayo ay ku leeyihiin caafimaadka iyo fayodhowrka bulshada.

THL:n koteihin lähettämä koronavirukseen liittyvä ohjekirje.
/Tiina Jutila / Yle

15.5.2020

Markab ayaa looga soo bixi karaa Sweden laguna imaan karaa Finland markale

Finland ayaa fasaxday 14.5 hal qayb oo ah isku socodka xuduudaha. Gaadiidka rakaabka ee ka talaabaya badweynta una socdo Sweden ayaa bilaaban doono markale, marka la ogolaado isku socodka shaqo ama midka lagama maarmaanka ah ee la isku dhaafayo xuduuddaha EU.

Safarka doomaha ee u dhaxeeya Istokholm iyo Turku ayaa la bilaabay in macaamiisha laga iibiyo tigidho. Todobaadyadii hore waxaa wadadaas marayay oo kaliya xamuul

Weli suurto gal ma ahan safardoomeedka caadiga ama kuwa dalxiiska ah, laakiin isbadalkaan wuxuu u fududayn doonaa tusaale ahaan iswiidish_finlandayska soo booqanaya dalkooda kale. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iswiidhan waxay ku talineysaa in la iska ilaaliyo safarada dibadda een loo baahnayn ilaa 15.7.

Isku socodka xadka ayaa si adag loo xakameeyay bishii maarso faafitaanka karonafayrus dartiis.

Viking Lines passagerarfärja Amorella glider förbi Folkparkens badstrand i Åbo en tidig morgon då morgonsolen lyser upp allt i gult och orange.
Linus Hoffman / Yle

Wasaaradda ayaa soo saartay amar ku saabsan isticmaalka badbaaddiyaha dadka ka tirsan daryeelka caafimaadka

Wasaaradda arimaha bulshada iyo caafimaadka ayaa amartay in dadka shaqadoodu tahay inay macaamiisha la sameeya xiriirka dhaw isticmaalaan gafuur-saab, kuwaas oo jooga xarumaha shaqo ee daryeelka bulshada ee saacad kasta shaqeeya, iyo kuwa guryaha macaamiisha ugu adeega. Hadafku waa in la ilaaliyo macaamiisha, kuwaas oo qatar badan ugu jira inay si daran ugu xanuunsadaan ku daarasho lagu daartay cudurka karona fayrus darteed.

Hadii aan la heli karin gafuur-saabka qaliinka ee sanka, waa in la isticmaalaa mid la dhaqi karo ama midka marada ah ee halka mar la isticmaalo amaba mid leh arag laakiin wajiga oo dhan lagu daaboolayo.

Go’aanku wuxuu ilaalinayaa dhammaan macaamiisha ku jira dadka halista u ah, kuwaas oo ah dadka isticmaala adeegga daryeelka bulshada una badan dadka waayeelka ah. Go’aanka waxaa lagu saleeyay xeerka jaangooyada. Wuxuu dhaqan galaa Isla markiiba, wuxuuna ansax yahay ilaa 30ka juun.

mies käyttää suojamaskia
Marja Väänänen / Yle

14.5.2020

Faafida cudurka koronaha waxay yareeysay shaqada ee dhakhaatiirta

Sida laga soo xigtay sahan dhowaan ay sameeyeen Ururka Caafimaadka ee Finland, culayska shaqada ee ku dhawaad kalabar dhakhaatiirta ayaa hoos u dhacay xaalada caabuqa koronada darteed.

Dhakhaatiirtu waxay ka walaacsan yihiin bukaanada oo aananba imaanaynin ama dalbanaynin baariitaanno, isla markaana faafida koronaha awigiis, baajiyanaya ballamihii qalliinnada horay loogu qaabtay.

Sida laga soo xigtay ururka, imaanshaha bukaanada ayaa hoos u dhacay ilaa kalabar. Toddobaad kasta, 100,000 oo kulammada bukaan ah ayaan baaqda. Gaar ahaan goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ayay dhakhaatiirtu dareemeen hoos u dhac ku yimid tirada bukaannada iyo shaqadaba.

Ururka dhakhaatiirta ayaa ku qiyaasay inay sababi karto hoos u dhaca ku yimid la kulanka dhakhaatiirta, xaaladda guud ee caafimaad oo ka sii darta isla markaana caafimaadka bukaannada ay qatar galaan maadaama aan cudurada la daweyneynin. Sida laga soo xigtay ururka , tani waxay mar dambe horseedi kartaa bukaanada oo aad u bata, helitaanka ballamaha oo aad u adkaada iyo shaqo aad u badan oo soo wajahda dhakhaatiirta.

Dhakhaatiirtu waxay aad u adkeeyeen inay aamin tahay in la yimaado goobaha caafimaadka.

Lääkäri tietokoneen äärellä.
/Derrick Frilund / Yle

Finland waxay heleysaa tiro badan oo qalab cusub oo ilaalin ah

Xarunta xaqiijinta agabka daryeelka (HVK) ayaawar-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegtay in iyaga iyo shirkada qaabilsan kaynta UPM ay wada saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan suurtagalnimada in tiro badan oo agabka badbaadada ah, laga keeno Shiinaha. Sida ku xusan heshiiska, qaybta iibka u qaabilsan UPM ayaa raadinaysa cida agabka badbaadada soo saaraysa, isla markaana wada xaajood ka galaysa shuruudaha lagu soo gaarsiinayo agabka. HVK go'aan ka ka gaaraysa shirkada agabaka soo saaraysa, dalbka iyo fulinta qandaraaska kama dambaynta ah.

Shirkadda UPM ayaa ka soo iibsatay qalab ilaaliyayaal ah oo tijaabo ah in ka badan toban shirkadood oo agabkaas soo saara , kuwaasoo horay loo soo xushay, agabka badbaadada waxaa lagu tijaabiyey Xarunta Cilmi-baarista Tiknolojiyadda VTT. Dhammaan alaabada la tijaabiyey waxay ahaayeen af-saabyada qalliinka kuwaasoo dhamaantood buuxiyay shuruudaha tayada. Sida laga soo xigtay HVK, UPM waxay u shaqeyneysaa ujeedo aan macaash doon ahayn, taasoo ay micnaheedu tahay inay xirfadlayaasheeda wax soo iibsiga ay ku wareejisay HVK iyadoo aan ku dooneynin caawimaadeeda wax magdhaw ah.

Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka, ayaa dhinaceeda, leh, in guddiga Yurub uu u soo iibiyay afjeebada qaliinka loogu talagalay waddamada xubnaha ka ah EU iyada oo loo marayo qalabka cusub ee taageerada degdega ah.

Guddigu waxay soo iibsanayaan 10 milyan oo maaskarada qalliinka ah oo loogu talagalay dalalka xubnaha ka ah. Waxaa loo qaybin doonaa Dawladaha xubinta ka ah iyada oo lagu saleynayo, tirada bukaannada qaba caabuqa covid-19 ee isbitaalada ku jira.

Qaybtii ugu horreysay ee timid Yurub waxay ka kooban tahay 1.5 milyan oo maaskaro ah. Tani waa soo iibsiga tooska ah ee guddiga, ee ma ahan soo iibsiga sida wadajirka ah ee Dowladaha xubinta ka ah. Guddiga ayaa maalgalin doona soo iibsashada.

Finland waxay qayb ahaan u heli doontaa 10,000 oo maaskaro ah , qaybtaana waa qaybtiisii ugu horreysay, oo dalka timid 13kii Meey 2020. Maaskarooyinka waxaa la geyn doonaa xarunta saadka ee Helsinki iyo Isbitaalka Uusimaa ee HUS.

Hoitaja purkaa kenttälaboratoriota päivän päätteeksi Mehiläisen drive in koronatestauspaikalla.
Mårten Lampén / Yle

Finavia iyo Finnair ayaa doonaya in la isticmaalo qalab ilaalin ah

Finavia ayaa rabta in dhamaan dadka ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ay mustaqbalka dhow wax ay ku difaacaan afka iyo sanka. Dadkaas oo hadda u adeega macaamiisha iyagoon gafuur-saabka wadanin. Sidoo kale waxay Finavia si buuxda ugu talineysaa inay rakaabku xirtaan gafuur-saabka xiliga ay dhex socdaan garoonka.

Laga bilaabo isbuuca danbe, rakaabku waa inay xirtaan gafuur-saab inta duullimaadyada Finnair lagu jiro. Sida ay sheegtay Finnair dhammaan macaamiisha waa inay xirtaan difaace (gafuur-saab) daboolaya sanka iyo afka waqtiga duullmaadka lagu jiro oo dhan. Sidoo kale shaqaalaha ayaa isticmaalaya gafuur-saabka xilliga duullimaadka oo dhan. Isbadalku wuxuu bilaabanayaa isniinta 18. maajo. Sida shirkaddu sheegtay howshan ujeedkeedu waa in la ilaaliyo caafimaadka rakaabka.

Sida sharkaddu sheegtay, waxay rakaabku isticmaali karaan waxa loogu yeero gafuur-saabka qalliinka, ama tusaale ahaan mid macmal ah oo ayagu samaysteen balse wajiga difaacaya. Muhiimaddu waa inuu qofka ka difaacayo dhibca qoyan ee hawada heehaabaysa, waana inuu daboolayo sanka iyo afka. Cidii aan haysan gafuur-saab, waxay ka heli karaa shaqaalaha diyaarada. Sida Finnair sheegtay ilmaha ka yar 7 sano uma baahna inay isticmaalaan gafuur-saabka

Sidoo kale waxay Finnair sheegtay tallaabooyinka kale ee la isku ilaalinayo. Shirkadu waxay rakaabka kula talineysaa, inay inta garoonka la joogo iska yareeyaan isu dhawaanshaha dadka kale, sida marka la qaadanayo boorsooyinka iyo marka la hubinayo dukumiitiyada. Sidoo kale waainay safka is ilaaliyaan.

Finnairs Airbus A320-plan på Helsingfors-Vanda
Markku Ojala / AOP

Ilmay aan gaarin iskool gaarin ayaa koronaha dartiis isbitaalka loo jiifiyay

Ilmay isbitaalka lagu koontaroolayay dhib dhanka neefsashada ka jira awgiis, ayaa laba usbuuc ka hor laga helay cudurka koronaha. Dhcadadaan ayaa ahayd tii ugu horraysay Finland, ee inta la ogyahay caruur isbitaal loo dhigo koronaha dartiis. Caruurku ma uusan qabin jirooyinka aasaasigaa ee lala nooolaado.

Harri Saxén, oo dhaqtarka cudurada faafa ka ah HUS, ayaa sheegay in caruurka isbaataalka qaybta heeganka loo keenay astaamo dhanka neefsashada ah oo jiray awgeed. Caruurka oo astaamhiisa cudurku ahaayeen kuwo fudud ayaa laba maalmood oo la socosho ah lagu hayay ka dibna gurigiisa loo diray. Saxén ma sheegin halka ay Finland arintaan ka dhacday.

Saxén wuxuu carabka ku adkeeyay in xanuunka caruurka uusan ahayn mid saa usii daran. Raashin qaadashada caruurka caruurka ayaa yarayd. Waxaa kaloo hayay caabuq xagga sare ee neef mareenka ah. Sidaa darteed ayaa loo arkay inay haboontahay in xaaladiisa dabagal muddo gaaban socda lagu sameeyo. Intuu ilmaygu isbitaalka ku jiray uma baahnayn daryeel gaar ah. Sida laga soo xigtay Saxén, qaabka loo wajahay arinka caruurkaan, waxay ahayd mid iska caadi ah oo la mid ah sida loo dhaqmo caruur walba oo lagu arko astaamaha neefsashada.

Illaa iyo hadda, Finland ma jiro wax caruur ah oo koronaha dartiisiis ilaa hadda gargaarka degdega ah loo dhigay.

koronavastaanotto ovi
/Marko Väänänen / Yle

Cabashooyin badan ayaa laga keenay gafuur-saabyada

Wakaalada xuquuqda macaamilka iyo tartanka (Kilpailu- ja kuluttajavirasto) oo magaceeda loo soo gaabiyo KKV, ayaa bil iyo bar gudohood lasoo gaarsiiyay cabashooyin gaaraya qiyaastii 40. Tirada cabashooyinku aad ayay uga sarreysay sidoo horay looga bartay.

Wakiilka macaamiilka ayaa dhamaadkii bishii sadaxaad ka digay, in ogaal la’aanta dadka ee ku aadan koraanaha looga faa’iidaysanayo, iyadoo la samaynayo dacaayado aan sali yo baar toona lahayn. Waxa kale oo jira isku day qalinshubatanimo (khayaano) oo toos ah.

Dabagalka gafuur-saabyada iyo qalabka macaamiihu u isticmaalaan ilaalinta sanka iyo afka, sida gafuur-saabka laga sameeyo marayaha, waxaa kormeerkooda iyo la socoshadooda u xilsaaran wakaalada amaanka iyo kiimikada ee Tukes. Asta Koivisto oo ah kormeere sare ayaa sheegaya in cabashooyin badan ay soo gaartay Tukes. Waxay cabooshooyinkaas qiyaastii bil gudaheed gaarayeen 30 cabasho. Waxayna cabashooyinka badi laga keenay xayaysiinta marin habaabinta ah ee loo sameeyay.

Sida laga soo xigtay Koivisto, waxaa muhiim ah in sheygu uu u shaqeeyo sidii loogu talogalay iyo in macaamiisha la siiyo sawirka saxda ah ee kala cadaynaya in shayga loogu talogalay is- difaacid, iyo inuu xakameenayo dhibicaha ka baxaya qofka wata, saasna ay ku yaraanayso cudur faafintiisa. Tukes waxay qabtaa, in hadii tusaale ahaan, sheyga sawir khaldan laga bixiyo, laguna tilmaamo inuu si xoog ah u horistaagayo fayraska koroana, hadii loo baado ay khasab noqonayso in suuqa laga saaro ama la isticmaalo hab kale oo dib loogu celiyo. Sidoo kale, waxaa hadii loo baahdo la adeegsan karaa ganaax lacageed.

mies asettaa hengityssuojainta
/Marja Väänänen / Yle

13.5.2020

Waxbarashada tooska waxay u sii soconaysaa si qaabaysan

Sida ay sheegtay wasiirka waxbarashada ee Li Andersson badbaadada ardayda ayaa la doonayaa in lagu xaqiijoyo si gooni ah. Waxay wasiiradu xasuusinaysaa in qofka qabo calaamadaha hargabka uusan imaan iskuulka ama xanaanada

Waxbarashada ayaa la doonayaa inay noqoto mid badbaado leh, iyadoo lakala qaybinayo ardayda wax isla baranaysa, lana kala hormarinayo saacadaha waxbarashada, saacadaha raashinka iyo gaadiidka ardayda lagu kaxeeyo. Waxaa lagu dadaalayaa inay ardaydu dhaqdaan gacmaha, isticmaalaanna jeeermis-dilaha gacmaha lagu nadiifiyo, sidoo kale waxaa la xoojinayaa nadaafadda goobaha waxbarashada. Kulamada guud ee Iskuulka oo dhan lama qaban doono.

Sida laga soo xigtay guddiga waxbarashada, ardaygu wuu maqnaan karaa isbuucyada danbe ee waxbarashadda tooska ah, hadii ilmaha ama waalidka midkood jiran yahay, ama ay ku jiraan dadka cudurka u nugul. Dhaqtarkooda ayaa u soo qori kara warqadda maqnaanshaha ee iskuulka. Laakiin sida kale waxaa la raacayaa xeerka caadiga ah ee ka maqnaanshaha iskuulka. Iskuulka waa in laga dalbadaa fasax hadii ardaygu uusan imaanayn.

Finland waxay diyaar u tahay hadii xaalada koronaha ay is badasho in ay si deg deg ah wax uga qabato. Hadii loo baahdo, loona arko in cudurku fidayana waxaa la xirayaa iskuullada.

Dowladdu waxay diyaarineysaa isbadal lagu sameeyo sharciga waxbarashada aasaasiga, si xilliga xagaaga ay suurto gal u noqoto waxbarashada tooska ah iyo mida aan la isla joogin.

Koululainen tekee kotitehtäviä.
/Henrietta Hassinen / Yle

THL: Maahan in iskuulka la aado iyadoo la hargabsanyahay ama la hindisayo, xasaasiyadba ha ahaatee

Caruurtu ayaa laba bilood oo ay netka wax ka baranayeen ka dib ku laabanaya iskoollada khamiista. Fasalada 1-3-aad ayaa horayba waxay awoodeen inay wax barashada iskoolka ku qaataan.

Dhaktaradda Emmi Sarvikivi oo ah aqoonyahand ka ka tirsan THL, ayaa sheegtay in go'aanka ku-laabashada iskoolada lagu saleeyay xogta ay ilaa iyo hadda ay mas’uuliyiintu hayaan.

Sida laga soo xigtay Sarvikivi, fikradda ah in faafinta cudurka ee carruurta ay yartahay ayaa loo cuskaday xaqiiqda ah in carruurta uu badanaa qabto cudur fudud oo ka yar kan qabta dadka waaweyn.

Sarvikivi waxay tiri iskuullada maahan in la’aado iyadoo la hargabsanayahay ama hindhiso jirto, xattaa haddii ay u badantahay in waxa qofka haya ay yihiin xasaasiyad.

Oppilas viittaa
Jyrki Lyytikkä / Yle

Ka waran haddii cudurku bilaabo inuu dhaqso u faafo? Yle ayaa heshay xog ku saabsan sid ay Finland dib u adkeyn xayiraadaha ugu samayn karto.

Laga bilaabo khamiista 14 bisha shanaad, oo ay iskuulladu furmayaan, waxay Finland si tartiib-tartiib ah u qaadi doontaa xayiraaddaha koronaha. Isla mar ahaantaana, mas'uuliyiinta ayaa isku diyaarinaya inay xayiraadaha adkeeyaan haddii loo baahdo oo faafida cudurku ay bilawdo inay si dhakhso ah u siyaado.

Laga bilaabo toddobaadkaan, koox howlwaeenno ah ayaa bilaabaya inay isticmaalaan lagula soconayo laguna cabirayo oo lagu garan karo dhakshaha iyo meelaha uu cudurku ku faafayo. Sidoo kale waxaa ogaan karaa sidaha goobaaha daryeelka dagdaga bukaanka ugu fialanyihiin. Xog lasoo aruuriyay ayay kooxdu ku qiimayn doontaa, bal in loo baahanyahay in la xaddido kulamada dadka iyo in kale. Dowladda iyo mas'uuliyiinta kale ayaa go’aan ka gaari doona. Sida lagu sheegay xogta ay Yle heshay, go’aanku wuxuu noqon karaa mid maxalli ama mid gobol.

Xogta Yle ayaa sheegaysa in Finland waxay u diyaar garoobayso, inay dhici karto, in iskoolada meelaha qaar la xiro usbuuc ka diba, markii iskoolka lagu laabto, waase hadii la dareemo inuu cudurka fidayo. Si kastaba ha noqotee, waxay u badan tahay in horraanta bisha lixaad, marka la furo baararka, ay faafida cudurku kasii dari karto. Sidaa daraadeed ayaa waxaa la diyaarinayaa xayiraad lagu sameeyo waqtiyada maqaayadahu furanyihiin, umana muuqdaan inay furraan doonaan fiidkii.

Dadka raaca gaadiidka dad waynaha ayaa Finland aad u yaraa ilaa hadda. Maaddaama dadka rakaabka ah mar uun intaan ka kordhi doonaan, waxaa dhici karta in loo baahdo in loo sameeyo sharciyaal, si fadhiga dadka loo kala dheereeyo.

Way adagtahay in la saadaaliyo waqtiga cudurku ugu badanyahay, waxayse aqoonyahannadu tilmaamayaan inay u egtahay inay noqon doonta xilliga dayrta.

Ulkoilijoita kevätsäässä.
/Marja Väänänen / Yle

11.5.2020

Fayraska koronuhu wuxuu Finland ugu faafay si ka yar intii loo malaynayay

Sidii loo filaayay fayraska koronuhu uguma faafin dadka finnishka ah dhexdooda.

Daraasad uu maalintii jimcaha soo bandhigay machadka caafimaadka iyo fayaqabka (THL) ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray, boqolkiiba 2,4 dhiigooda laga helay maadada iska difaaca koronaha. Waxaa baaritaanka lagu sameeyay 1 146 oo qof. Maadooyida ka hortagga ah waxaa laga helay sadax qof oo kaliya. Maadada ka hortagga ah waa calaamadda ugu hubaasha badan ee sheegta inuu fayrasku qofka horay ugu dhacay.

Baaritaannadaan waxaa la sameeyay todobaadyadii 16 -18, taas oo ka dhigan in kuwooda ugu dambeeyay la qaaday markay bisha shanaad bilaabanaysay. Si walboo ay noqotaba, natiijooyinku waxay tilmaamayaan kiisas xoogaa yaraha horeeyay, waayo inay jirka qofka u samaysant is-difaac s ayaa waxay qaadataa ugu yaraan laba toddobaad, marka laga soo bilaabo xilligii uu cudurku ku dhacay. Dadka la baaray waxay da’doodu u dhaxaysay 18–69 sanao.

Badi dadka la baaray waxay ka yimaadeen nawaaxiga isbitaallada Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiirin (HUS). Maxaa yeelay, fayraska koronaha ayaa goobahaas si muuqata ugu badan, marka la barbar dhigo wadanka intiisa kale. Natiijooyinku sawir xaqiiqada ah kama bixinayaaan sida fayrasku waddanka oo dhan ugu faafay. Dalka intiisa kale, isku celceliska dadka leh maadada iska difaaca koronaha ayaa la filayaa inay ka yartahay inta kor lagu sheegay. Dadka finnishka ah waxaa u wanaagsanaan lahayd, in dadka uu fayrasku horay ugu dhacay, aad u badanyihiin intii macquul ah.

Way u fiicnaan laheyd dadka Finnishka ah, inay jiraan dad aad u badan oo horey fayraska ugu dhacay. Waayo marka dambe ee uu soo laba kacleeyo, waxaa yaraan lahaa fididiisa,. Arintaan ayaa waxaa loo daliishadaa fikirka la qaqbo oo ah in helitaanka virusku uu qofka siinayo ugu yaraan xoogaa is difaac ah.

Koronaviruksen testausta terveyspalveluyritys Terveystalon Leppävaaran lääkärikeskuksessa Espoossa.
Koronaviruksen testausta terveyspalveluyritys Terveystalon Leppävaaran lääkärikeskuksessa Espoossa keskiviikkona.Jussi Nukari / Lehtikuva

Waxaa shuruud la’aan la ogolaan doonaa safarada shaqo ee dalka guduhiisa ah

Dowlada ayaa go’aamisay inay sii wado xayiraadaha isu socodka gudaha dalka ku meel gaarka ah ee inta laga gaarayo 14 bisha lixaad. Go'aanka ayaa daba socda go’aankii horay dawladda u gaartay bishii sadaxaad, kaasoo dib loogu soo celiyay kontaroolkii xuduudaha gudaha, lagu xirxiray qaar ka mid ah xuduudaha laga gudbo, isla markaana lagu xakameeyay xuduudaha dibedda.

Xayiraadaha safarrada dibada ayaa waxay sii socon doontaa ilaa 14ka bisha lixaad.

Laga bilaabo 14ka bisha shanaad, waxaa la ogolyahay ka talaabida xuduudaha, waase hadii uu socodku yahay mid shaqo ama waxyaabo kale oo lagama maarmaan ah. Wixii markaas ka dambeeya looma baahna in la cadeeyo sababta safarka. Isla go'aankaas, waxaa kaloo lagu fududeeyay is booqashada sokeeyaha. Xakamaynta xuduudaha gudaha ee dhulka, haday noqon lahaayeen dekadaha iyo garoomada diyaaradahaba.

Tallinnan satamassa Eckerö Linen ja Tallinkin laivat.
/Henrietta Hassinen / Yle

Ku dhawaad 90% dadka u geeriyooday fayraska koronaha waxay da'doodu ka waynayd 70 sano – Sida badanna waxaa uu wehliyay cudurro kale

Siduu THL sheegay, waxaa ilaa khamiistii Finland ku geeriyooday 255 qofood oo geeridooda lala xiriirinayo fayraska koronaha. 211 ka mid ah ayaa laga hayaa macluumaad faahfaasan, kuwaasoo 88 boqolkiiba ay dadka geeriyooday da’doodu ka waynayd 70 sano. Da'da dhexe waxay ahayd 84 sano.

Dhimashada dadka waqtigii shaqada ku jira waxay ahayd mid dhif iyo naadir ah, mana jirin wax dhimasho ah oo laga soo sheegay carruurta iyo dhalinyarada.

Qiyaastii, boqolkiiba 96 dadka dhintey waxay qabeen hal cudur oo soo jireen ah ama kabadan. Jirrooyinka ugu badan ee ay dadkaasu qabeen waxay ahaayeen wadne xanuunka iyo sokorta. Sida dalal badan oo kale oo reer Yurub ah, geerida dhacaday, ku dhawaad kalabar waxay ka dhacday qeybaha daryeelka ee afar iyo labaatanka saac furan. Cudurka koronuhu sare uma qaadin dhimashada guud ee Filand. Bilihii kowaad ilaa sadaxaad, waxaa guud ahaan dalka Finland ku geeriyooday dad gaaraya 14000, tiradaas oo sida laga soo xigtay xarunta tirakoobka, wax yar ka yar sidii looga bartay horraanta sanadka.

THL ayaa sheegay inay suurtogal tahay in qayb ka mid ah dadka koronaha u geeriyooday ay u dhiman lahaayeen cudurro kale, sida hargabka. Si kastaba ha noqotee, waxaa gugaan aad u yaraaday, jirrooyinkii xilliyada guga la arki jiray, waxaana sabab u ah talaalka hargabka iyo xayiraadihii koronaha.

Vanhus
Henrietta Hassinen / Yle

Khaladaad ayaa laga helay deeqihuu ay qaybisay Business Finland K (Muuqaal muuqaal ah)

Sida ku xusan warbixinta kormeer la sameeyay, Business Finland waxay kaalmooyinkii koronaha u qaybisay si waafaqsan qawaaniinta u degan. Sidaasoo ay tahay, mid mid dhig ah ayaa kaalmooyinka iyadoo aysan shuruudihii buuxsamin.

Waxaa warbixinta lagu sheegay, in Business Finland aysan wax siinin shirkadiha waqtigii go'aanka maalgalinta lagu dhawaaqayay kacay, kuwa isla waqtigaas kharashaadka iska bixin la’aa, sidaas daraadeedna dib u habayn loogu sameeyay iyo kuwa buuga madow u galay dayn lagu lahaa, sidoo kale, shirkadaha in ka badan kala bar raasamaalkooda ku waayay khasaarooyin is biirsaday ayaan la siin.

Waxaa kormeerka lagu ogaaday dhacdooyin dhif dhif ah, oo shirkado wada lahaanshoodu xadadanyahay (kommandiittiyhtiö), aanan raasal maalkooda la diiwaangelinoon lana hubinin. Si kastaba ha noqotee, waxaa kormeerka lagu ogaaday, in marka la fiiriyo tirada lacagta kaalmadaha ah ee la qaybinayay iyo inta loo qaybiyay, cilladaha la arkay ay noqonayaa kuwo aan macno wayn ku fadhin.

Waxa ugu wayn ee ka soo baxay kormeerka waxay ahaayeen in Business Finland ay kaalmooyin koronaha u qaybisay si waafaqsan qawaaniinta. Marar dhif ah ayaa la bixiyay iyadoo shuruuduhii ku xirnaa aan la soo buuxin. Arimmahaasna kolleey wax baa laga qaban doonaa.

Si kastaba ha noqotee, aragtida guud waa in kaalmooyinku ay gaareen codsadayaasha soo buuxiyay shuruudaha iyadoo la raacayo qawaaniinta u degan. Sidaas waxaa yiri Antti Joensuu oo ka tirsan Wasaaradda shaqada iyo araimaha dhaqaalaha.

 Business Finlandin logo Helsingissä
/Vesa Moilanen / Lehtikuva

Xayiraadaha Koronaha ayaa sidoo kale xakameeyay cudurrada kale ee faafa

Wargeyska Lännen media ayaa sheegay in xayiraadaha fayraska koronaha ay sidoo kale si muuqata u hor istaageen cudurro kale oo faafa.

Tusaale ahaan, bilihii maarso iyo briil, hargabka la helay waxuu ahaa kala bar intii horay loo heli jiray sanadadii lasoo dhaafay.

Sida uu sheegayo Jussi Sane, oo khabiir hormuud ah ka ah machadka caafimaadka iyo fayaqabka, saameyn midaas la mid ah ayaa lagu arkay dalalka kale ee Waqooyiga Yurub. Sane wuxuu kaloo aaminsanyahay inay suurtagal tahay, in xayiraadaha koronaha ay sidoo kale yareeyeen dhimashada hargabka.

Fayraska noro, cagaarshowga iyo kalamiidiyada ayaa iyagana hoos u dhacay.

Nainen niistää paperinenäliinaan.
/Jarno Mela / Lehtikuva

Waqtigaan la joogo, isticmaalka gafuur-saabka laguma waajib yeelayo rakaabka gaadiidka dad waynaha ee Helsinki iyo nawaaxideeda

HSL oo u xilsaaran gaadiidka dadweynaha ee caasimadda Helsinki iyo nawaaxigeeda, kuma talo jirto inay rakaabka kula taliso isticmaalka gafuur-saabka markay raacayaan mitarooga, basaska, tareennada meelaha dhow taga iyo taraamyadaba.

Tero Anttila oo ah agaasimaha waaxda gaadiidka dadweynaha ee HSL ayaa sheegay, inay HSL sugayso aragtida wasaaradda caafimaadka iyo arimaha iyo ee ku aadan isticmaalka iyo badbaadada gafuur-saabka.

Sida uu qabo Anttila, waajibyeelida gafuur-saabka gaadiidka dadweynaha ayaa laga fakari doonaa, haddii faafidu caabuqyadu koror billowdo. Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda HSL waxay soo dhaweyneysaa ilaalinta cafimaadka rakaabka.

Ulkoilijoilla suojamaskit
/Heikki Saukkomaa / Lehtikuva

**Finland waxaa ka jira talaal koronaha ah oo aan weli la tijaabin **

Jaamacadda bariga Finland (Itä-Suomen yliopisto) ayaa heer ka gaartay samaynta talaal koronaha ah, kaasoo sanka lagu buufinayo. Cilmi-baarayaasha ayaa aaminsan inay macquul tahay ayanaba wanaagsantahay in laysku tashado oo aan dhamaystirka talaalka loo kaashan shirkadaha waawayn ee daawooyinka ee caalamiga ah. Barofisooryaal Finnish ah ayaa sheegay inay suurtogal tahay in la bilaabo tijaabooyinka tallaalka waqti aan ka dheerayn maalinta juhannuska (munaasabada bartamaha xagaaga)

Waxaa suurtagal ah in si dhakhso leh loo bilaabo soo saaris talaal aan annagu leenahay.

Tusaale ahaan, Timo Ristola oo ah agaasimaha shirkadda Finvector, taasoo degan magaalada Kuopio, ayaa sheegay inay leeyihiin dhammaan aqoonta lagama maarmaanka u ah soo-saaridda tallaalka. Ristola wuxuu aaminsanyahay inay dhici karto, inay Finland ka jiraan afar shirkadood oo kale, kuwaas oo leh aqoon ku filan sameynta talaalada.

Baahida loo qabo talaalka ayaa la filayaa inay noqoto mid aad u wayn, waxayna abuuri kartaa shaqo ku filan dhammaan shaqalaha xirfadda u leh.

Kalle Saksela oo Jaamacada Helsinki ka ah barofisoor ku takhasusay fayrasyada, ayaa sheegay in masuuliyiinta go'aanka leh ay door intaan ka firfircoon ka qaadan karaan horumarinta talaalka. Waxaa jira halis ah, inaysan Finland si dhakhso ah u helin tallaalo ku filan, haddii aan sugno oon ku jirno safka suuqyada caalimiga ah, isla markaana ka sugno tallaal diyaar ah.

In ka badan boqol sano ayay Finland soo saaraysay talaalada, laakiin 17 sano ka hor ayaa la go’aamiyay in la joojiyo.

Laboratoriomestari Eila Korhonen tutkii soluviljelmää.
Sami Takkinen / Yle

8.5.2020

Waalidiinta qaar ayaa qalad ka fahmay iskool-guriga (waxbarashada guriga lagu dhigo)

Waalidiin badan ayaa qalad u fahmay macnaha iskool-guriga. Sidaa darteed, maamulayaasha iskoollada iyo degmooyinkuba waxay hada isku dayayaan inay waalidiinta ka dhadhacsiiyaan macnaha dhabta ah ee iskool-guriga. Waalidiinta waxaa lagula taliyay inay si taxaddar leh uga fiirsadaan, bal inay habboon tahay in waxbarashada caruurka loo bedelo iskool-guri, laga billaabo 14 bisha shanaad, markii iskoollada lagu laabto.

Iskool-guri iyo waxbarashada masaafada (onlinka ah) way kala duwanyiin. Waxbarashada masaafada, isoolka ayay tusaale ahaan masuuliyad ka saarantahay waxbarashada, baridda, qalabka iyo diyaarinta cashirrada, caruurkuna wuxuu ku jiraa caymis uu iskoolku u qaaday.

Iskool-guriga macnihuusa waa inuusan caruurku ka qayb qaadanayn waxbarashada ay degmadiisu u diyaarisay. Hadii tusaale ahaan waaridku wargeliyo inuu caruurkiisu guriga wax ku baranayo, waxaa gabi ahaanba caruurka laga saarayaa diiwaanka iskoolka, markaas oo uusan xaq u yeelanaynin in laga taageero tusaale ahaan buugaagta iyo raashinka iskoolka ah-

Mas'uulka caruurka ayaa go'aan ka gaari kara, islamarkaana warglin kara hadii uu caruurkiisu u wareegayo iskool-guri. Masuulka ilmayga ayayna markaas saarantahay masuuliyadda waxbarsho.

lapsi opiskelee matikkaa pädillä kotona
Marja Väänänen / Yle

Tirada tuugada aqoonsiga ayuu koronuhu kordhiyay

In kabadan nus milyan qof oo Finnish ah ayaa bartilmaameed u noqday iskudayga xatooyada aqoonsiga (istimaalka aqoonsi qof kale) sanadkii la soo dhaafay. Sahan ay dhowaan samaysay shirkadda adeegyada caymiska ee mySafety ayaa muujinaya in khayaanooyinku ay siyaadeen xilliga Koronaha.

Gaar ahaan dhallinyarada waayweyn ayaa dhibka ugu badani soo gaaray intii koronaha lagu gudajiray. Ku dhawaad shantiiba hal dhallinyarta 25-34-jirka ah ayaa sahanka la sameeyay ku sheegay inay yihiin dhibanayaasha tuugada aqoonsiga ama laysku dayay in la bartilmaameesado.

Shirkadda adeegga caymisku waxay aaminstahay, in shaqooyinka u wareegay onlinka iyo wax ku iibsashada internetka ay kordhiyeen khiyaanooyinka. Emailka ayaa ah sida ugu badan oo laysku dayay in lagu xado macluumaadka qofka. Sidaasoo ay tahay isku dayada emailka intooda badan lagu guulaysto. Sahanka ayaa sheegay, in inta badan xadida aqoonsida ee dhacay sanadkii hore ay ka billowdeen baraha kulanka bulshada ee internetka.

Booliiska ayaa si joogta ah uga digayay khayaanooyinka sii badanaya xilliga koronaha. Iskudayga khiyaanooyin kala duwan ayaa kordhay intii lagu jiray marxaladaan koronaha. Fayraska koronaha ayaa loogu soo gabada si loo helo macluumaadka qofka iyo kaararka lacagtaba.

Xarumaha amniga internetka Finland ayaa waxaa soo gaaray tobaneeyo farriimood oo loogu sheegayo, in iyadoo ayadoo lagu gabanayo fayraska koronaha, la soo dirayo eimallo khayaamooyin ah, kuwaas oo laysku dayayo in lagu ogaado macluumaadka shakhsiyadeed ee qofka iyo kuwa kaarkiisa lacag-bixinta. Khayaanoolayaasha internetka ayaa isku dayaya inay ka faa'iidaystaan baahida weyn ee dadku u qabaan macluumaadka iyo xaalada aan deganayn ee taagan.

Teija Ruokamo
Marko Väänänen

Dowladu waxay maqaayadaha u ogolaatay 120 milyan oo taageero ah

Dowladda ayaa ka dhawaajisay taageeradii la sugayay, taas oo lagu taageerayo maqaayadaha xirnaa. Maqaayadaha xirnaa in ka badan bil ayaa waxaa lagu taageeri doonaa lacag gaaraysa 120 milyan oo euro.

Maqaayadahu waxay weli sii xirnaan doona illaa dhammaadka bisha shanaad, sidaa darteed, xisaabinta taageeradaan waxaa lagu saleeyay khasaaraha soo gaaraya muddo laba bilood ah. 40 milyan oo ka mid ah taageerada ayaa lagu magacaabay gargaarka shaqaalaynta halka qiyaastii 83 milyan ay tahay magdhow laga siinayo khasaarahii soo gaaray.

Taageerada shaqaalaynta waxay ugu badnaan noqonaysaa 1000 euro halkii shaqaaleba, codis la’aanna lama bixin doonoi. Si kastaba ha noqotee, waxaa jira shuruudo badan ah oo lagu xiray taageerada. Shuruudaha waxaa ka mid ah, in dhammaadka xayiraadaha ka dib, muddo saddex bilood ah, ay shirkadu shaqaalaha mushaar ahaan u siinayso lacag aan ka yarayn 2500 marka laysku daro. Kabitaannada kale ee ay shirkadda hesho ayaa iyana saameyn ku yeelan doona taageerada lacageed ee la siinayo.

Qaybta ugu weyn ee taageerada waa magdhowga khasaaraha maqaaaya soo gaaray intii ay xiritaanaayeen. Taageeradaan waxaa inta badan la qaybinayaa iyadoo lagu salayn lana raadin macluumaadka canshuuraha. Taageeradu waxay qusaysaa waqtiga ay maqaayaduhu xiran yihiin, taasoo ka dhigaysa qiyaastii laba bilood.

mies annostelee ruokaa
Silja Viitala / Yle

Isbitaallada jaamacadaha ayaa diyaarinaya qoraal loogu talogalay caruurta fayraska koronaha u nugul

Isbitaalka jaamacadda Helsinki oo la kaashanaya isbitaallada kale ee jaamacadaha ku yaal Finland ayaa diyaariyay qoraallo loogu talagalay carruurta halista ugu jirta fayraska koronaha. Marka kaliya oo lagu talinayo in caruurku iskoolka iyo xanaanada ka joogo ayaa ah hadii uu caruurku qabo cudurada sambabada ama wadnaha. Bukaanada kansarka qaba amaba xubnaha jirkooda wax laga bedelay iyo bukaanada qaba cudurada maskaxda qaarkood ayaa iyana la mid ah. Tirada caruurta halista ugu jirta fayraska waxay ka yaryihiin boqolkiiba hal marka la babardhigo ardayda guud ee waxbarashada waajibka ah ku jirta.

Sida ay daabaceen isbitaalada jaamacadaha, way yartahay halista ah inuu caruur caafimaad qaba qaado fayraska koronaha ee daran. Sidoo kale haddii daryeelka cudurada lala noolaado sida neefta ama cudurka wadnaha ay dheelitiranyihiin, khatartu way yartahay. Caruurta qaba cudurka sokorta, isla markaana aan qabin cudurro kale oo daran, iyagana kuma jiraan inta cudurka u nugul.

Warbixinta isbitaallada jaamacadda ayaa sheegaysa in carruurta inta badan uu faryraska koronaha ugu dhaco si ka jilicsan kana astaamo yar dadka waaweyn. Intaa waxaa sii dheer, carruurta uu ku dhaco in aad u yar oo ka mid ah ayaa u baahda in isbitaal la jiifiyo.

Isbitaalladu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in nadaafadda gacamaha la ilaaliyo iyo inay caruurtu ka fogaadaan caruurta kale iyo dadka waaweyn. Waxay kaloo dadka xasuusinayaan inaanan iskoollada iyo xanaanooyinka la aadin iyadoo la xanuunsanyahay.

Dhakhtarka caruurka ayaa hadii loo baahdo go'aan ka gaaraya inay caruurka iyo weliba walaalihiis guriga joogayaan iyo in kale. Waxayna go’aankaas dhakhaatiirtu ku salayn doonaan qiimeyn u gaar ah oo caruurka.

Lapsia kiipeilytelineessä välitunnilla.
Jyrki Lyytikkä / Yle

Mucaaradka ayaa dowlada ku dhaleeceeyay istiraatiijiyadda bixitaanka

Baarlamaanka ayaa arbacadii looga dooday waxa lagasamaynayo xayiraadahii loo soo rogay faafidda cudurka karona darteed. Isla mar ahaantaana, ra’iisul wasaaradda Sanna Marin ayaa si tafatiran u soo bandhigtay istiraatiijiyadda looga baxayo xayiraadaha, taas oo ay Finland doodayso inay uga badbaado dhibaatooyinka uu koronuhu keenay, haday ahaan lahaayeen kuwo dhaqaale iyo kuwo arimaha bulshadaba.

Dadkii ugu horeeyay ee hadalka waqtiga u helay ayaa waxaa ka mid ahaa Riika Purra oo ka tirsan xisbiga perussuomlainen, waxayna dhalleecaysay, su’aalna gelisay warbixintii khubarada, taasoo qayb ahaan lagu saleeyay istiraatiijiyadda bixitaanka. Antti Häkkänen oo hadlay Purra kadib, kana tirsan xibiga kokoomus ayaa dowlada ku dhaleeceeyay inay la daahday samaynta go’aannada quseeya sharciyada maqaayadaha iyo in qorshaha dowlada ee heerarka kala duwan loo marayo aysan ahayn kuwo banaanka yaalla, oo la wada aqrin karo.

Sidoo kale xildhibaanka kaliya ee ka tirsan xisbiga Liike nyt, lana yiraahdo Hjallis Harkimo ayaa isna dowladda ku dhalleeceeyay gaabinta, kuna tilmaamay kaalmooyinkii la qeybiyay ee la marsiiyay Business Finland iyo Ely-keskus inay ahaayeen kuwo jahwareer ah isla markaana qasan.

Li Andersson, Katri Kulmuni, Sanna Marin, Maria Ohisalo och Anna-Maja Henriksson på rad under en presskonferens.
Emmi Korhonen / Lehtikuva

Matxafyada ayaa albaabadooda loo furi doona bisha Juun, shineemooyinkana waxaa la sugayaa macluumaad dheeraad ah

Madxafyada farshaxanka Finland kuwooda ugu muhiimsan ayaa ka mid ah waxa ugu horreeya ee albaabadooda furnaya laga bilaabo kowda bisha lixaad, markii ay degto faafida cudurka koronaha. Tirada dadka isku soo ururi kara oo hadda ah 10 qof ayaa waqtigaas kor loogu qaadi doonaa 50 qof. Waxaa kaloo la furi doonaa goobo caam ah sida madxafyada iyo laybareeiyaasha qaranka iyo kuwa degaannadu leeyihiin.

Xarunta bandhiga qaranka ayaa horyaba diyaargarow hordhac ah loogu sameeyay furtaanka suurtogalka ah ee madxafyada. Madxafyada farshaxanka ee Ateneum, Kiasma iyo Sinebrychoff ayaa waxay albaabyadooda furi doonaan maalinta talaadada ee 2-da Juun. Madxafyadu waxay wali masuuliyiinta ka sugayaan faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta, bal in xadka 50-ka qof ay iyagana quseyso, maadaama dadku aysan isla hal goob ku sugnayn isku waqti xilliga ay madxafka ku jiraan.

Inkastoo ay dawladdu isniintii sheegtay inay tiyaataradu albaabadooda furi karaan horraanta bisha lixaad, hadana furitaanka shineemooyinka ee billowga bisha lixaad ayaa wali u muuqda mid aan la hubin. Aku Jaakkola, Gudoomiyaha Ururka Shineemooyinka ee Finlaand, ayaa sheegay, inay faahfaahin dheeraad ah ka sugayaan dowlada, intaysan gelin qorshaha shaqada lagu bilaabayo. Sida uu aaminsanayahy Jaakkola, furitaanka shineemooyinka waxaa saameyn ku leh saddex waxyaabood: mowqifka mas'uuliyiinta, soo bixidda filimada cusub ee caalamiga ah iyo rabitaanka dadku ay ku doonayaan inay galaan shinoomooyink iyadoo lagu jiro xaaladaan aan caadiga aheyn.

Tilmaaha cusub ee dowlada kuna wajahan masraxyada xagaaga maahan kuwo lagu diirsado. Sida laga soo xigtay xarunta macluumaadka tiyaatarrada, inta badan bandhigyadii xagaaga horay ayaaba loo baajiyay. Sdioo kale shabakadda ballaaran ee tiyaatarrada Finland waxba kama faa iideyso furitaanka bisha lixaad horraanteeda ah, waayo guryaha tiyaatarka waxay waqtigaas ku jiraan fasax.

Kaisman taidemuseo yövalaistuksessa
AOP

THL: Baaritaannada dadka koronaha ee garoonka diyaaradaha ayaa lagu helay tiro yar oo cudurka ah

Baaritaannada koronaha oo lagu samaynayay garoonka diyaaradaha ee Helsinki-Vantaa ayaa waxaa lagu helay sagaal kiis oo kaliya. Baadhitaannada waxaa la sameenayay ilaa 27-dii bishii sadaxaad, waxaana lagu xaqiijiyay 9 kiis oo fayraka koronaha ah.

Dhammaan dadka soo galaya Finland ayaa buuxiya foom su’aalo lagu sahminayo astaamaha cudurka, iyadoo lagu saleynayo xogta sahankaas ayaa qofkii laga shakiyo loo gudbiyaa baaritaanka fayraska koronaha. Ilaa dhamaadkii Abriil, 8,837 rakaab ah ayaa soo buuxiyay foomka. Kuwaas oo 204 ka mid ah ay sheegeen inay iska dareemeen calaamadaha caabuqa neef-mareenka.

Sida uu qabo machadka caafimaadka iyo fayaqabka, waxay u muuqataa in kiisaska koronaha ee baaritaannadaan lagu helaayo ay yihihiin kuwo aad iyo aad u yar. Waxaa macquul ah in dadka safarka ah qaarkood aysan astaamahoodu soo ifbixin illaa goor dambe, sidaa daraadeedna, waxaa muhiim ah in la raaco talobixinta howl-wadeennada, isla markaana, haddii astaamaha cudurka layku arko, si dhaqso ah loo dalbado baaritaan.

Autio Helsinki-Vantaan lentoasema.
Tiina Jutila / Yle

Waxaa iskuuullada iyo xanaanooyinku soo gaaray tilmaamo faahfaahsan oo ku saabsan koronaha

Markay ardayda dugsiga hoose ay ku laabtaan iskuullada, waxaa waxbarashada loo dhigan doonaa si ka dabacsan sidii hore. Gacmaha ayaa la dhaqi doonaa in kabadan intii hore. Xaaladda ardayda halista ugu jira cudurka ayaa si gaar ah loo qiimeeyn doonaa. Gudoonka waxbarashada iyo machadka caafimaadka iyo fayaqabka (THL) ayaa soo saaray tilmaamo faahfaahsan oo ku saabsan shaqada iyo joogidda iskuulada iyo xanaanooyinka.

Tilmaamaha ayaa awoodda saaraya sidii iskuulada iyo xanaanooyinka ay dadaal ka badan intii hore u gelin lahaayeen nadaafada. Tusaale ahaan, xaaqidda iyo gacmo dhaqashadawaa la kordhin doonaa. Maadaama koronaha uu ku faafo is dhibic qoyan oo laysku gudbiyo, iskuulada waxay isku dayayaan in sida ugu macquulsan loo kala fogaado.

Si kastaba ha noqotee, waxbarashada iskoolka ayaa waxaa lagu koobi doonaa inta lagama maarmaanka ah. Tusaale ahaan, Wasaaradda waxbarashadu kama dalbin dugisyadu inay qeybiyaan fasallada. Taas ayaa macnaheedu yahay, in masaafada kala fogaanshaha ee 1-2 mitir aanan marwalba la samayn karin iyo inaanan mar kasta la cabiraynin. Dugisyda ayaa la qorsheeyay inay markiiba joogaan arday ka yar sidii caadiga ahayd. Waqtiyada waxbaristana waa lakala qaad-qaadi karaa (kala qaybin karaa). Galaasyada wax lagu baranayo waxay noqon doonaan kuwo waasac ah, waxaana xiisadaha lagu qaban karaa dugsiyada sare iyo machadyada xirfadaha.

Dugsiyadu waxay isku dayayaan inaan ardayda si aan loo baahnayna marba meel loogu rarin oo galaas ama koox kale lagu darin.

Cuntada iskuulka waxaa lagu cunayaa ama lala cunayaa fasalkaagaaga ama kooxdaada. In allaale iyo intii macquul ah ayay macallimiintu ku ekaan la joogi doonaan kooxdooda, kuna ekaan doonaan. Dugsiyada sare, macallimiinta dhiga maadooyiinku sidoodii caadiga ahayd aya u shaqeyn karaan, taas oo macnaheedu yahay inay galaasyo kala duwan ka dhigi doonaan. Isku dhowaanshaha shaqaalaha ayaa iyana la yareeyn doonaa, tusaale ahaan, shirarka macallimiinta waxaa lagu qaban doonaa internetka.

Luokkahuone ja käsienpesupiste Naistenmatkan koulussa.
Miikka Varila / Yle

7.5.2020

Finland waxay daraasad ku samaynaysaa saamaynta gafuur-saabka (maaskarada)

In ka badan 50 dal ayuu isticmaalka gafuur-saabku khasab ka yahay. Khasabidda gafuursaabka waxaa lagu saleeyay daraasado la sameeyay. Finland ilaa hadda isticmaalka gafuur-saabku layskuma boorriyo.

Madaxa xafiiska wasaarada caafimaadka iyo arimaha bulshada Kirsi Varhila ayaa Yle u sheegtay in daraasad lagu wado isticmaalka gafuur-saabka. Waxaa daraasadaas looga dan leeyahay in la ogaado saamaynta gafuur-saabku leeyahay. Wasaaraddu waxay sheegtay inay ilaa hadda isticmaalka gafuur-saabka kala sinnayd wadamada kale ee waqooyiga Yurub. Varhila waxay aaminsantahay in loo baahanyahay in la ogaado wax galnimada gafuur-saabka, maadaama ka hadalkiisa uu batay. Hadda ka hor looma arkayn in daraasad lagu sameeyo gafuur-saabka loo baahanyahay.

Varhila waxay sheegtay, in soo bixida natiijada daraasada ay kuxirantahay balaarka waxa la baarayo . Waxay horay u qiyaastay inay natiijadu diyaar noqonayso dhamaadka bisha lixaad. Varhila waxay intaa ku dartay inay dowladu ka fakarayso samaynta daraasad cilmiyaysan oo lagu sameeyo gafuur-saabka. Daraasada dowladdu ka fakaraysso ayaa ayaa qaadan lahayd waqti ka dheer tan hadda la wadao. Daraasada hadda socota waxaa la rabaa ina lagu ogaad wixii cilmi-baaris ah oo hadda jira.

Madaxa baaritaannada ee HUS Lasse Lehtonen, isla markaana jaamacada Helsnki ka barofisoor dhiga sharciyada caafimaadka wuxuu aaminsanyahay in baaritaankaas lala daahay. Wuxuu sheegay inay dunida kale baaritaannadaas horay loo sameeyay. Lehtonen wuxuu sheegay inay aqoonyahannadu aaminsanyihiin, in isticmaalka gafuur-saabku yahah talaabo xoogaa horay loogu qaaday sidii loo xakamayn lahaa faafida cudurka. Varhila ayaa iyana sidoo kale aamnisan in isticmaalka gafuur-saabku yahay wax wanaagsan xilliyada uu qofku iska rabo inuu meel ka soo danaysto.

mies käyttää suojamaskia
Marja Väänänen / Yle

Mucaaradka ayaa dowlada ku dhaleeceeyay istiraatiijiyadda bixitaanka

Baarlamaanka ayaa arbacadii looga dooday waxa lagasamaynayo xayiraadahii loo soo rogay faafidda cudurka karona darteed. Isla mar ahaantaana, ra’iisul wasaaradda Sanna Marin ayaa si tafatiran u soo bandhigtay istiraatiijiyadda looga baxayo xayiraadaha, taas oo ay Finland doodayso inay uga badbaado dhibaatooyinka uu koronuhu keenay, haday ahaan lahaayeen kuwo dhaqaale iyo kuwo arimaha bulshadaba.

Dadkii ugu horeeyay ee hadalka waqtiga u helay ayaa waxaa ka mid ahaa Riika Purra oo ka tirsan xisbiga perussuomlainen, waxayna dhalleecaysay, su’aalna gelisay warbixintii khubarada, taasoo qayb ahaan lagu saleeyay istiraatiijiyadda bixitaanka. Antti Häkkänen oo hadlay Purra kadib, kana tirsan xibiga kokoomus ayaa dowlada ku dhaleeceeyay inay la daahday samaynta go’aannada quseeya sharciyada maqaayadaha iyo in qorshaha dowlada ee heerarka kala duwan loo marayo aysan ahayn kuwo banaanka yaalla, oo la wada aqrin karo.

Sidoo kale xildhibaanka kaliya ee ka tirsan xisbiga Liike nyt, lana yiraahdo Hjallis Harkimo ayaa isna dowladda ku dhalleeceeyay gaabinta, kuna tilmaamay kaalmooyinkii la qeybiyay ee la marsiiyay Business Finland iyo Ely-keskus inay ahaayeen kuwo jahwareer ah isla markaana qasan.

Eduskunta järjestäytynyt poikkeuksellisesti koronaviruksen takia. Hallitus jakautunut myös virkamiesaitioon ja edustajia vain n. 60 salissa. Loput etänä.
/Jani Saikko / Yle

Laga bilaabo horraanta bisha lixaad waxaa dadka loo ogoyahay inay ka qayb galaan munaasabadaha ciyaaraha

Dowlada ayaa todobaadkaan tilmaantay, in tartamada ciyaaraha iyo kuwa taxanaha ahba wixii ka billowda1. bisha lixaad la bilaabi karo iyadoo la raacayo qaban-qaabooyin gaar ah. Waxay kaloo dowladu tilmaantay in bisha lixaad horraanteeda wixii ka dambeeya, xadaydeyntii saarnayd kulamada dadka kor loogu qaaday 50 qof.

Wasiiradda isboortiga Hanna Kosonen waxay sheegtay, in wixii ciyaaro ah oo la qabanayo 1. bisha lixaad ka dib, ay ka qaybgeli karaan ugu badnaan 50 qof. Waase hadii loo qaban-qaabiyo hab ay ka qayb galayaashu ka dadaadli karaan nadaafada, isla markaana ilaalin karaan masaafada kala fogaanshaha.

Kosonen waxay intaas ku dartay, inay waajib tahay in layska xilsaaro sidii aysan munaasabada ciyaaraha uga dhalan dad isku xoomsan (isku dhow), sida safka loo gelayo tikiddhada iyo meelaha kale ee wax laga iibsanayo. Sidoo kale waa in laga dadaal badbaadada ciyaar yahanka iyo caafimaadkiisaba. Tusaale ahaan waa inay qolalka dharka laysaga bedelo noqodaan waasac saamaxaya kala fogaanshaha. Qabanqaabooyinka gaarka ah ayaa tusaale ahaan awoodda lagu saari doonaa, waxyaabo ay ka mid yihiin nadaafadda. Ka qayb galayaashu waa inay heleen meelo ay gacmaha ku dhaqan karaan ama jeermis-dile.

Laga bilaabo bartamihii bisha sadaxaad ayaa koronuhu sababay kala go’ ku yimid isboortiga Finland. Iskaashatooyinka kala duwan ee ay leeyihiin ciyaaraha noocyadooda kala duwan ayaa hadda ka fakaraya sidii ciyaaraha xagaaga loo qabanqaabin lahaa.

RoPS
/Juha Tamminen / AOP

Baahida ay qabaan reeraha caruurlayda ah ayaa sii kordhaysa

Pelastakaa Lapset ry iyo Imetyksen tuki ry ayaa sheegay in faafidda fayraska korona ay qoysas badan oo caruur leh galisay xaalad adag.

Pelastakaa Lapset ayaa sheegtay iney 300 000 Euro oo tabarucaad ah ku bixisay reeraha si ay ug taageeto raashinka. Ururka ayaa aaminsan in baahida loo qabo caawimaadu ay tahay mid weyn, waayo reero badan ayay soo foodsartay dhaqaalo xumo ay keentay faafida fayraska koronaha.

Lacagahaas tabarucaadka ah ayaa lagu soo gaday kaarar lagu gadan karo cuntada, mid walbana ay ku jiraan 70 euro. Intaa waxaa sii dheer, Pelastakaa Lapset ayaa siyaadiyay adeegyada bogaga internetka ee carruurta iyo dhalinyarada.

Sida ururku aaminsanyahay, qoysaska ay nolol maalmeedkoodu horayba u adkayd, ayaa xaalkoodu hadda gaaray heer aad u adag. Waxaase hadda sidoo kale kaalmo u baahan reerahii aan xiisaddaan ka hor qabin wax dhib ah.

Lapsi katsoo ikkunasta ulos.
Henrietta Hassinen / Yle

6.5.2020

Fimea ayaa mamnuucday in macaamiisha laga gado alaab lagu xayaysiiyay in lagu baaro koronaha

Xarunta horumarinta iyo badbaadada daawooyinka ee Fimea waxay mamnuucday iibinta alaab lagu sheegay in koronaha lagu baaro. Fimea waxay mamnuucday iibinta qalabka ay Hengityssuojainkauppa.fi iyo ProCure Finlandia xayeysiiyaan, isla markaana qaybiyaan. Mamnuucidaan oo durbaba dhaqan gashay ayaa socon doonta ilaa dhamaadka bisha sideedaad.

Fimea waxay sheegtay inaysan bogaga internetka ee shirkadaha iibinaya si muuqata ugu cadayn inaan qalabkaan loogu talo gelin macaamiisha guryaha.

Intaas waxay Fimea ku dartay inaysan qalabkaan baakadeeyntiisu waafaaaqsanayn shuruudihii la rabay. Sidoo kale ma jirto wax cadayanaya in turjubaada luqada finishka ee buuga isticmaalku tahay mid ay ogoshahay shirkada samaysay qalabka.

Fimean kyltti Kuopiossa.
/Timo Hartikainen / AOP

Fayraska koronaha ayaa hadda waxaa lagu tijaabinayaa biyaha dacda (wasakhda) ah

Shirkado finisha oo gaaray 28 ayaa tan iyo horraantii bisha shanaad bilaabay inay biyaha wasakhda ah ka baaraan haraadiga fayraska koronaha.

Machadka daryeelka caafimaadka iyo fayaqabka (THL) ayaa raba inuu helo hab sawir guud looga heli karo heerka faafida fayraska koronaha. Tijaabooyin laga qaadayo biyaha wasakhda ah ayaa loo isticmaali karaa in wax laga ogaado heerka uu koronahaug faafayo bulshada. Waxaa la qiyaasay, inay kiisaska koronuhu dhowr jeer kusoo laalaabmaan inta la xaqiijiyay. THL wuxuu rajaynayaa in tijaabooyinka laga qaadayo biyaha waskhda ah lagu ogaan karo macluumaad dheeri ah oo la xiriira kiisaska koronaha.

Isla habkaan waxaa lagu saadaalin karaa inay faafida cudurku sii yaraanayso iyo inay mowjadda labaad ee faafiddu soo socoto.

Biyaha wasakhda waxaa tusaale ahaan hadda ka hor loo adeegsaday baaris lagu samaynayay haraadiga maandooriyayaasaha (daroogada) inta ay la egatahay. Sdia labaadan arimood loo baaro waa isku mid. In kastoo ay saas tahay, hadana falaqaynta (qiimaynta) natiijada baarista koronaha, waxay u baahantahay in si aad ah laysaga hubiyo. Waxaa dhici karta in cadadka la helayo koronaha ay aad u yartahay. Waxaana loo baahanyahay in la isticmaalo farsamooyin gaar ah si loo helo haraadiga dhaxal-sidaha fayraska koronaha ee loo yaqaanno RNA.

Näytepullo Lahden jätevedenpuhdistamolla
/Juha-Petri Koponen / Yle

Fayraska koronaha ayaa saamayn ku yeeshay saadaashii hawada

Fayraska koronaha wuxuu saadaalinta hawada ka dhigay mid intii hore ka khalad badan, waayo diyaaradaha hawada ku jira ayaa aad uga yaraaday intii hore. Diyaaraduhu waxay door muhiim ah ka qaataan saadaalinta hawada.

Diyaaraddu markay hawada ku jirto, waxay soo dirtaa macluumaadka isla waqtigaas ah, kaas oo sheegaya heerkulka, cadaadiska hawada, dabayshu dhankay u socoto iyo dhakhsaheedaba. Macluumaadkaan waxaa la dhexgeliyaa xisaabaha kale ee loo adeegsanayo saadaalinta, sidaas ayayna saadaaliyayaasha cimalada ku qiyaasaan.

Inta uu jiro koronaha ayaa waxaa lagu khasbanaaday in macluumaadkii laga heli jiray diyaaradaha lagu bedelo habab kale. Saadaalinta hawada waxaa tusaale ahaan loo adeegsan karaa signallada raadiya (baarashuud iwm laga soo diro), satelaydka, raadeerrada dhulka, signal-dirayaal badda dusheeda la dhigo, saldhigyada saadaalinta hawada ee biyaha dushooda ah iyo cabirrada ay maraakiibtu sameeyaan.

Machadka saadaalinta hawada wuxuu kaloo qiimeeyn ku samayeeyaa, sida ay u saxantay saadaalaha cimilada ee la sameeyay. In kastoo la ogaaday in marka la fiiriyo waqti xoogaa dheer, macluumaadka ay diyaaraduhu soo dirayaaan uu hubaal kasii dhigaaan saadaasha howada, hadana waxay uma muuqataa in la’aantooda aysan waxba ilaa hadda u dhimin. Machadka saadasha hawadu wuxuu qabaa in saadaasha cimiladu ay marxaladaha gaar sidii hore ka adagtahay.

Lentomekaanikot asentavat suojia lentokoneen moottorin päälle lentokoneiden säilytyshallissa Oslossa.
Lentomekaanikot asensivat suojia lentokoneen moottorin päälle lentokoneiden säilytyshallissa Oslossa viime viikon maanantaina.Håkon Mosvold Larsen / AFP

5.5.2020

Billowga bisha lixaad waxay Finland dabcin doontaa xayiraadii kulammada

Maadaama xakamayntii faafidda cudurka loogu guulaystay si wanaagsan, waxaa macquula inay dowladu ku dhaqaado istraatiijiyado isku darsan: baaritaanka cudurka, dabagalkiisa, iyo go’doominta bukaanka. Dowladda waxaa weli ka go'an, inay si gaar ah u badbaadiso dadka cudurka u nugul.

Horraanta bisha lixaad ayay dowladu dabcin doontaa xayiraadii kulamada ee horay loo soo rogay koranaha awgiisa. Tirada kulanka oo hada ah 10 ayaa la gaarsiin doonaa 50 qof. Kulammada 50 ka qof ah ayaa tusaale ahaan saamaynaya munaasabadaha dhaqanka, hiwaayadaha iyo kuwa diiniga ah. Si badbaado loo helo ayaa waxaa la hubin doonaa tirada dadka isku imanaya, masaafada ay isu jirsanayaan iyo nadaafadda.

Bisha lixaad horraanteeda waxaa qorshayaal gooni ah lagu billaabi karaa tartamada ciyaaraha iyo kuwa taxanaha ahba. Sidoo kale maqaayadaha ayaa loo furi karaa si tartiib tartiib ah. Madxafyada, tiyaatarrada iyo laybareeri (maktabadaha) waxay albaabadooda furi karaan horraanta bisha lixaad. Laybareeriyadu, buugaagta iyo waxyaabaha kaleba way daymin karaan macaamiisha, iyadoon xattaa waqtiagaas la gaarin.

Laga bilaabo 14.5, waxaa la ogolyahay socodka shaqada iyo kuwa kale ee lagama maarmaanka ah. Si kastaba ha noqotee, kontaroolka xuduudaha gudaha ee dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ayaa sii socon doona. Xayiraadda xuduuda dibadda ayaa bil lagu dari doonaa khamiista. Dadka safarka uga imanaya debada waa inay weli u hogaansamaan shuruuduhii karantiilka. Safarada debadda ee baashaalka ah, weli laguma talinayo.

In kastoo dugisyada hoose-dhexe lagu laabanayo todobaadka soo socda, hadana waxay u badantahay in waxbarashada darajada labaad (dugsiga sare iyo iskoollada xirfadaha) ay ku sii socoon doonto si online ah. Dowladu waxay ku talinaysaa in waxbarashadooda online lagu sii wado, laakiin hadana qolo xal u gaar ah way samaysan karaan.

Shaqooyinka guriga laga shaqaynayo sidoodii ayay weli u taaganyihiin. Sidoo kale, taladu waa inaan layska ilaaliyo booqashada dadka da’doodu ka wayntahay 70. Dowladu waxay dadka 70 ka kor u dhaafay kula talinaysaa inaysan gurigooda ka dheeraan, isla markaana ay iska ilaaliyaan dadka kale.

In kastaoo xaiyaaradaha la qaadayo, hadana waxay dowladu dadka xasuusuniysaa, inay khatarta koronuhu weli wayntahay. Waana in masafada kala fogaansha weli sideedii loo ilaaliyo.

Li Andersson, Katri Kulmuni, Sanna Marin, Maria Ohisalo och Anna-Maja Henriksson håller presskonferens.
/Emmi Korhonen / Lehtikuva

4.5.2020

Hal curuurna ha noqotee, Finland koronaha dartiis looma jiifin isbitaal

Finland ayaa qiyaastii 5000 oo qofood ilaa hadda lagu xaqiijiyay fayraska koronaha. Tiro wax yar ka badan 200 ayaa dadka la xaqiijiyay da’doodu ka yarayd 16 sano. Kiiska koronaha caruurta 75 boqlkiiba waxaa lagu xaqiijiyay isbitallada Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri.

Warbixinnada caalamiga ah ayaa iyana sheegaya in fayraska koronaha ee caruurta lagu xaqiijiyay ay ahaayeen kuwo fudud. Xaalada Finland ayaa iyana sidaas la mid ah. Hal caruurna xattaa weli isbitaal looma jiifin xaalada cudurka oo daran awgeed.

Caalamka kale, Shiinaha ayaa tusaale ahaan tirada dadka koronaha lagu xaqiijiyay boqolkiiba hal ay da’doodu ka yartahay 20 sano, halaka Maraykankana ay 1,7 boqolkiiba ka yaryihiin 18 sano.

Kahden lapsen siluetit kadulla. Lapsilla on käsissään tikkarit.
/Andreu Dalmau / EPA

Kelada ayaa diiday boqolkiiba 80 codsiyadii lagu rabay gunnada karantiilka

Inta badan dadkii codsaday gunnada karantiilka koronaha ayaanan helin dalabkoodii. Keladu waxay diiday boqolkiiba 80 codsiyada dadkii helay lacagta nolol maalmeedka lasiiyo qofka uu haleelo cudur faafa, taas oo ka dhigan gunno loogu bedelay dhakligii uu ku waayay karntiilka dartiis.

Sababaha ugu badan ee diidmada keenay waxay ahaayeen, iyadoo aysan codisyada la socon caddeyn uu qoray dhaqtarka cudurada faafa.

Si loo helo gunnada nolol-maalmeedka, waa inuuu codsiga la socdaa amar karartiil, is go’doomin ama ka maqnaasho shaqo oo uu qoray dhakhtarka cudurrada faafa. Sharci ahaan, cadaymaha ay bixiyaan dhakhaatiirta kale ma ahan ku ku filan.

Degaan (magaalo) kasta iyo isbitaal kasta waxay leeyihiin dhakhtar cudurada faafa oo u gaar ah. Dhakhtarkaasi ma qoro amar karartiil, is go’doomin ama ka maqnaasho shaqo iyadoo sababtu tahay taxadar oo kali ah, laakiin waa inay mar walba sababtu noqotaa jirro fayraska koronaha ah ama khatar loo galay ku dhicidda cudurka amaba ay jiraan sababo kale oo abuuri kara shaki dhanka cudurka ah oo loo cuskado.

Waxaa kaloo gunnada nolol-maalmeedka la siini karaa waaridka shaqada uga haray, si uu guriga uga hayo caruur ka yar 16 oo karantiil dartiis iskoolka looga joojiyay. Hadii tusaale ahaan galaaska caruurka oo dhan la karantiilo, waarikdu wuxuu hellli karaa lacatga nolol-maalmaalmeedka, taasoo uga dhigan dakhligii uu waayay.

Kuvassa on Kelan kyltti.
Ismo Pekkarinen / AOP

Inta hadda la ogyahay, furitaankii xadka Uusimaa masii xumayn xaalka koronaha

Laba todobaad ayaa laga joogaa tan iyo markii la furay xadka Uusimaa, natiijooyinkii ugu horreeyayna hadda ayay muuqdaan. Xilliga ay ku qaadato koronaha inuu qofka ka soo muuqdo isku celcelis ahaan waa 5 maalmood, laakin waxay noqon kartaa inta u dhaxaysa 1–14 maalmood.

Idaacada Yle oo adeegsanaysa tirakoob ay shirkadda taleefonnada Telia samaysay ayaa ogaatay, siduu ahaa isu socodka dadka ee gobolka Uusimaa iyo gobollada ka baxsan ka hor intaan xadka la xirin, intii uu xadka xirnaa iyo markii xadka la furay wixii ka dambeeyay.

Tirakoobkaan waxaa lagu ogaaday in xiridda xadku ay u dhamaysay iso socdkii Uusimaa iyo Finland inteeda kale. Inta aan xadka la xirin 12. bishii sadaxaad, isu socodka Uusimaa iyo gobollada kale wuxuu ahaa 132 500 safar.

Markii xuduuda la xiray, waxay tiradu hoos ugu dhacday toban meelood meel, ama qiyaastii 14,000 oo safar. Furitaanka xuduuda kadib, ayay hadana safaradu kor u kaceen oo gaareen 62 000, laakiin tiradaasu weli way ka yartahay kala bar intay horay u ahaan jirtay. Xorriyada safarka dib loogu helay, kuma dhalin dadka inay iyagoo koox-koox ah u baqoolaan guryhooda fasaxa.

Isku soo duuboo, furitaanka xuduudaha Uusimaa kama uusan darin xaaladii koronaha. Sidaas ayayna arintu hadda u egtahay.

Borofisoor Pekka Nuorti wuxuu hogaamiyaa barnaamij caafimaadka dadwaynaha iyo ka hortagga cudurrada faafa oo caalami ah ayna wado jaamacada Tampere. Wuxuuna cadeeyay inaysan tirada cudurku mar kale cirka isku shareerin.

–Waxay u muuqataa inay dadku maqleen talobixintii ra’iisul ee ahayd in la iska ilaaliyo safarka.

Nuorti wuxuu kaloo aaminsanyahay inay dadku raaceen tilmaamihii kale, sida gacmaha oo la dhaqo ayana iska ilaaliyeen isu dhowaansha dadka.

Betoniesteitä poistetaan Uudenmaan rajalta.
/Petteri Juuti / Yle

3.5.2020

Welwel ay qabaan bukaannada ayaa ka dhashay xarumaha caafimaadka

Qaabilaadii dhakhaatiirta ee xarumaha caafimaadka ayaa intuu koronaha jiray aad u yaraatay. Qaabiliaada dhijitalka ah oo bukaanku guryahooda dhakhtarka kala xirirayaan oo loo sameeyay xaalada koronaha darteed ayaanan weli gaarin dadka dhan. Waxaa siyaabo kala duwan loogu guulaystay meelo kala duwan oo Finland ah.

THL ayaa aaminsan inay sababta qaabilaada u yaraysay tahay cabsi ama ogaansho la’aan dadku qabaan. Taas oo keentay inaysan dadku daryeel caafimaad doonan, xattaa haday u baahanyihiin.

Farriinta xarumaha caafimaadka waa inay dadku arimaha caafimaadka, xattaa hadii aysan xaalad degdega ahayn, la xiriiraan xarumaha caafimaadka iyagoo isticmaalaya taleefonnada ama internetka.

Maamulayaasha caafimaadka qiray in laga yaabo, in billowgii koronaha si aan loo baahnayn loo yareeyay daryeellada caafimaad ee aan degdega ahayn. Marka la fiiriyo waqtiga dheer, koronaha goortuu dhamaado ayay arintani culays ku keeni doontaa caafimaadka dadka. Waxayna kordhin doontaa waqtiga daryeelku qaato iyo kharashaadka ku baxa ku intaba. Qiyaastii ugu dambaysa ee THL waxay sheegaysaa in kala fududaynta daryeelka caafimaad ee is saarmaya ay qaadan doonto muddo aad u dheer.

Lääkäri terveysasemalla Espoossa.
Hanna Matikainen / Lehtikuva

Dadka la jiifiyay isbitaalka qaybta gargaarka degdega ah ayaa aad u yaraaday bishii afraad

Warbixintii u dambaysay ee THL kuna saabsanayd gargaarka degdega ah ee koronaha ayaa sheegaysa, in dadka koronaha dartiis loo jiifiyay qaybta gargaarka dedaga ah uu sii yaraanayay tan iyo todobaadkii ugu horree\u0009 yay bisha afraad.

Todobaadkii ay tirada jiifintu ugu badnayd wuxuu ahaa todobaadkii labaad, waqtigaas oo gargaarka degdega ah la dhigay 19 bukaan. Tan iyo markaas, inta ay bukaanku ku jirayaan gargaarka degdega ah way sii yaraanaysay. Bukaannada qaar ayaa dhowr jeer lagu celiyay gargaarka degdega ah.

Warbixintu waxay sheegtay in guud ahaa dadka u baahday gargaarka degdega ah bishii afraad ay ahaayeen 172 bukaan oo koronaha qabay. Boqolkiiba 70 dadkaasu waxay ahaayeen rag.

Ilaa hadda wax da’doodu ka yartahay 17 sano, koronaha dartiis Finland looma jiifin qaybta gargaarka degdega. Bukaanka galay gargaarka degdega ah ayaa boqolkiiba 52 ka yaraa 60 sano, halka 77 boqolkiiba ay ka yaraayeen 70 sano.

Sairaanhoitaja käsittelee hengityskonetta Meilahden tornisairaalassa,
/Anni Reenpää / Lehtikuva

Baaritaanka Fayraska koronaha iyo is-difaaca jirka ayaa hadda waxaa kaalmo lacageed looga heli karaa Kelada

Baaritaannada faraska koronaha iyo kuwa lagu hubinaya maadada isdifaaca ee ku jirta jirka qofka ee lagu sameeyo goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ayaa Kelada

hada kaalmo lacageed looga heli karaa. Kaalmadaan ayaa lagu bixinayaa baaritaannadii la galay wixii ka dambeeyay 1. bish afraad.

Kaalmada Kelada waxaa heli kara qofkii uu dhakhtar u diro baaritaanka isla markaana iska baaritaankiisa uu ka dhaco goobaha caamidaadke ee gaarka loo leeyahay.

Kalmadaan oo loogu talo galay baaritaanka fayraska koronaha iyo maadada is difaaca ayaa waxay qayb ka tahay, isla m

Annette Asplund ja Henni Tuomala tutkivat laboratoriossa bakteriofageja.
/Kristiina Lehto / Yle

Tirada baaritaannada koronaha ee Finland ayaa ku dhowaad inteedii hore

Ujeedadii Finland oo ahayd in si aad ah loo kordhiyo baaritaanka koranaha ayaan ilaa hadda miro dhalin.

Idaacada Yle ayaa akhrisay tiro ay soo daabacay THL oo sheegaysa inta qof ee isku celcelis maalin walba Finland lagu baaro marka la barbar dhigo isku celceliska todobaadka oo dhan. Waxaa cadaatay in tirada baaritaanku ay u korortay si gaabis ah. Todobaadkii ay ugu badnayd waxaa isku celcelis ahaan la baaray 2 800 qof maalintiiba, taas oo ka dhigan wax ka yar sadax qaybood qayb ka mid ah inta ay wasaarada caafimaadka iyo arimah bulshadu tiigsanayso mustaqbalka dhow.

Markay ugu wanaagsanayd waxaa kaliya oo dadka finnishka ah laga baaray kala bar intii ay suurto galka ahay in la baaro, waayo awoodda Finland ayaa hadda dabooli karta qiyaastii 5500 oo baaris maalintiiba.

Anni Virolainen-Julkunen oo ah la taliso caafimaad kana tirsan STM ayaa sababta baaritaanka yaraysa ku tilmaantay tahay dad la baaro oon la hayn.

Lähikuva laboratorion työstä.
/Nella Nuora / Yle

Haddii hoos u dhaca faafida cudurka ay mudo dheer qaadato, waxaa ka dhalanaya khatar ah inuu mar dambe xoog u faafo

Machadka caafimaadka iyo fayaqabka (THL) ayaa qiyaasaya in hadii hoos u dhaca faafida cudurka koronaha ay qaadato mudo dheer ay ka dhalan karto khatar wayn oo ah inuu mar kale dib u qarxo ah, isla mar ahaantaana.

THL ayaa aaminsan in faafida fayraska koronaha Finland ay si ka xoogandalalka deriska ah hoos ugu dhacaday. Daryeel caafimaadka iyo gargaarka degdega ah weli lama aysan kulmin culays xad dhaaf ah. Culayska lala kulmay ayaa la mid ah intii horay loo qiyaasayay, mararka qaarna wayba ka hoos martay. THL ayaa aamnisan inay xaalada hadda saamaxayso, in wada hadal laga galo sidii xayiraadaha qayb ahaan loo qaadi lahaa. Waxaan hadda daliil loo helayn in xayaraadaha lasii kordhiyo.

Si kastaba ha noqotee,, THL ayaa ku talinaya in xayiraadaha loo qaado si tartiib-tartiib ah, isla markaana si aad ah loola socdo saamayntooda. Wuxuu kaloo qabaa in baaritaanka koronaha iyo dabagalkiisa oo la kordiyo ay tahay hab cusub oo lagu xakamayn karo cudurka, balse intaas kaliya kuma filna.

Hoitaja ottaa näytettä koronaepäillyltä koronapotilaiden testaamiseen ja hoitoon tarkoitetulla osastolla Turun yliopistollisessa keskussairaalassa
/Roni Lehti / Lehtikuva

Sadaxdii shirkadoodba mid ayaa koronaha dartiis ijaarka looga dhimay markay dalbadeen

Sahay uu sameeyay Suomen Yittjät (midowga shirkadaha Finland) ayaa lagu ogaaday in shirkadaha boqolkiiba 15 ay isku dayeen inay wada hadal ka galaan sidii xilliga koronaha kirada looga dhimi lahaa. Boqolkiiba toban ka mid ah ntii su’aalaha sahanka kasoo jawaabtay ayaa ijaarka laga dhimay.

Taas macnaheedu wuxuu noqonayaa in shirkadihii dalbaday kiro dhimida ay sadax qaybood laba qayb oo ka mid ah heleen. Shirkado aad u badan ayay xilliga koronaha muhiim u tahay in kharashaadka joogtada ah laga dhimo. Agaasimha Suomen yrittäjat Mikael Pentikäinen ayaa sheegay in kharashaadka joogtada ah ay qayb aad u wayn ka yihiin kharashaadka guud ee shirkadahaas ka baxa.

Marka laga tago agaasimaha Suomen yrittäjät, wasiirka ganacsiga Mika Lintilä ayaa dhowr mar ka codsaday in milkiilayaasha goobaha ijaarka loogu jiro ay culuska shirkadaha haysta xilliga koronaha ugu dhimriyaan. Si walba hanoqotee, dhammaan milkiilayaashu kama qayb qaadan kiro dhimadda.

– Waxay u muuqataa inuu dhibka ugu badan ka taaganayahay shirkadaha wax kireeya ee ay wada leeyihiin dhowr milkiile. Pentikäinen ayaa sheegay in culayska ugu badan uu ka jiro suuq-dukaameedyada dibadaha laga leeyahay. Shirkadaha dhisan caasimadda iyo nawaaxigeeda ayaa ugu badan shirkahad Finland ee ijaar dhimidda dalbaday. Shirkadahaan, ku dhowaad afartiiba hal ayaa dalbatay ijaar dhimidda. intaa ka jawaabtay su’aalihii sahanka boqolkiib 14 ayaa laga dhimay ijaarkii.

Pöydille nostettuja tuoleja tyhjässä ravintolassa kauppakeskuksessa.
/Henrietta Hassinen / Yle

30.4.2020

Iskoollada ayaa si xikmadaysan loo loo furi doonaa

Xayiraadihii iskoollada ee la xiriiray koronaha ayaa la qaadi doonaa. Si xikmadaysan isla markaana kala qaad-qaadan ayaa iskoollada loogu laaban doonaa 14.5. Googbaha waxbarashada waxaa loogu hor furi doonaa dugsiyada wax barashada aasaasiga ah iyo xanaanooyinka. Furitaanka iskuullda wax barashada darajada labaad (dugsiyda sare iyo kuwa xirfadaha) ayaa goor dambe go’aan laga gaari doonaa.

Habab kala duwan oo loogu dan leeyahay in lagu yareeyo khatarta koronaha ayaa lagu isticmaali doonaa iskoollada. Ardayda ayaa tusaale ahaan lakala qaybin doonaa. Ardayda yaryar waxay wax baran doonaan subaxa hore, halka kuwa waawaynna ay galabtii wax baran doonaan. Iskoolladu waxay raaci doonaan qawaaniin nadaafadeed iyo kala fogaansho ka adag kuwii hore.

Wasiirka waxbarahshada Li Andersson ayaa sheegay in aragtida howl-wadeennada caafimaadku ay tahay in furitaanka iskoollada oo qaabkaan loo maro ay badbaado u tahay ardayda iyo shaqaalaha iskuulladaba. Andersson wuxuu kaloo intaa ku daray in is-taabasho la’aanta ardayda sideedii weli loo ilaalin doono. Ardayda hal goob kuwada jiraysa ay tiro ahaan ka yaraan doonaan sidii hore. Meelaha firaaqada ah ayaa la isticmaali doonaa si arintaan loo hirgeliyo.

Waxaa kaloo intaas dheer inaysan shaqaalaha waxbarashadu ukala wareegi dooniin iskoollo kala duwan, laakiin taas bedelkeedii uu mid walba joogi doono hali skool. Ardayda isku kooxda ah oo kaliya ayaa markiiba maqaaxida iskuulka cuntada u doonan doona. Xafladihii guga iyo munaasabadaha la mid ahaana lama qaban doono.

Go’aankaan dowladda waxaa saamayn ku yeeshay qiimayntii THL iyo wasaarada caafimaadka iyo arimaha bulshada ay sheegeen.

Doorka caruurtu ku leeyhihiin faafidda cudurka ayaa u muuqataa mid aad yar.

Seitsenvuotias poika matkalla Kirstin kouluun Espoon Suvelassa.
/Heikki Saukkomaa / Lehtikuva

Sahan ay samaysay Yle: Badi dadku waxay u arkaan inay si wanaagsan ugu dulqan karaan xayiraadaha koronaha

In kastoo isbedelka koronaha uu ku keenay nolol maalmeedka dadka finnishka ah ay tahay mid culus, hadana dadka badankoodu waxay u arkaan, inay ilaa intii loo baahdo u dulqaadan karaan iyo guri-kujirka is go’doominta looga hortagayo koronaha.

In ku dhow sadax qaybood hal qayb ayaa sheegay inay weli u dulqaadan karaan go’odoonka, hadiiba xaaladan laga baxay ilaa xagaaga. Boqolkiiba laba kaliya ayaa sheegay inaysan u sii dulqaadan karin xayiraadaha lagu hakinayo hakinta koronaha.

Waxaa cad in xayiraadaha ku adagyihiin dhallinyarada marka la barbar dhigo dadka intooda kale. In kastoo xiriirka iyo kulanka asxaabtaba kala fog loo adeegsanayo taleefonnada gacanta, hadana waxaa loo arkaa inay taasu tahay mid adag.

Wadajirka xubnaha reerka ayaa u muuqda mid fududaynaya guri-kujirka, waayo dadka kaligood nool ayaa isu arka inay xaaladoodu ka liidato kuwa la nool lamaanahooda ama caroortooda

Etätyön tekemistä ruokapöydän äärellä.
/Niko Mannonen / Yle

Tukes: Ma ahan in ozonation (hab ka madax banaan kiimikada oo urka loo saaro) loo isticmaalo ka hortagga koronaha

Wakaalada kiimikada iyo badbaadada (Tukes) ayaa sheegtay in dadka, si ay u iibsadaan mashiinnada dhaliya neefta ozoniga, laga dhaadhacsiinayo in looga hortago koronaha.

Si walba ha noqotee Tukes ayaa tiri, waa inaan ozonationka loo isticmaali ka hortagga fayraska koronaha, waayo wax ku oolnimadiisa weli si cilmiyaysan loo baarin. Mashiinadaas markay ugu daranyihiin waxay khatar gelin karaan nolosha.

Wakaaladda ayaa ka digaysa in xattaa neefta ozonega yar ay waxyeello u leedahay caafimaadka. Tusaale ahaanna waxay xanuun ku keentaa neef mareeka. Sababda oo xoogaa yar gaaraanna waxay daciifin kartaa shaqayntooda, waxayna sii xumayn kartaa jirrada neefta.

Ugu darnaan ilaa kalabar dadka baaritaanku sheegay inaysan qabin korona ayaa been noqon kara

War bixinta ey soo gudbiso Yle MOT ayaa lagu sheegay in kiisas badan oo bukaanadu astaamaha ay sheegeen aheyd midka lagu yaqaano cudurka koronaha, iyadoo sanka xuubkiisa guduha baaritaan laga soo qaaday aan wax cudurkaas ah laga helin, dadkii calaamadaha qabay looma gudbin meel ka baxsan xaruntii caafimaadka si loo sameeyo baaritaan kale. Laakiin waxaa lagula taliyay in xaaladooda ey ku daweeyaan guriga.

Fayraska koronaha waxaa lagu ogaadaa baaritaan laga qaado gudaha duleelka sanka ama dalqada. Aaminaada baaritaanka waxaan ku hubin karnaa iyadoo afar iyo labaatan saac gudahood la qaadayo labo baaritaan. Waxyaalaha keeni karo in baaritaanku shaki galo waa arimo la xiriira baaritaanka.

Baaritaanka PCR sidiisa kale waa mid si aad ah loo aamini karo. Laakiin marka baaritaanka loo isticmaalo waxaa la helaa natiijo saxan inta ugu badan 80 boqolkiiba kaliya kiisaska la baaray. Laakiin ugu darnaan ilaa kalabar dadka baaritaanku sheegay inaysan qabin korona ayaa been noqon kara ayeey sheegtay dhaqtarka sare ee Maija Lappalainen oo ka socota shaybaarka microbiolojiga ee HUS.

Halista ugu horreysa ee natiijada baaritaanka qaldan waa waqtiga. Sida daraasaduhu sheegeen fayraska karonuhu wuxuu bilaabaa in uu galo bukaanka dheefmareenkiisa inta uusan isku arag calaamadaha cudurka. Marxalada hore ee cudurka ayaa ugu badnaan soo saarida dheecaanka feyruska. Waqtigaan ayaa ugu fiican in baaritaanka la sameeyo, taas oo macnaheedu yahay in baaritaanku fiican yahay maalmo yar gudahood marka astaamaha la isku arko.

Hadii cudurku sii fiday, waxaa dhici karta in fayrasku ka wareego mareenka sare ee neefmareenka una gudbo sambabbada, waxaana dhici karta inaan si fiican hoos loogu gaarin baaritaan laga qaado sanka neefmareenkiisa.

Hadii dhinaca kale baaritaanka la qaado goor hore, tirade fayraska weli wey yar yihiin, oo fayraska waxaa dhici karta in waxa la baaray uusan ku jirin.

Khibradlayaal badan ayaa sheegaya in ixtimaalka helitaanka fayraska lagu baaro qoriga yar ee sanka la galiyo ay tahay natiijadiisu 70-90 boqolkiiba sida uu sheegay agaasimaha baaritaanka Lasse Lehtonen oo ka socda HUS.

Sida uu qiyaasay Lehtonen ku dhawaad halkiiba shan dadka uu ku dhacay cudurkan ayaan baaritaan looga helin.

Waqtiga ka sokow, shakiga laftiisa ayaa keena habab kala duwan ee baaritaan. Neefmareenka sare ee sanka in qori yar lagu wareejiyo waxey uga baahan tahay qofka samaynaya xirfad, isla markaasna waa mid bukaanka ku ah wax la dhibsado. Mar walbana ma ahan mid si hagaagsan loo sameeyo.

Mies tutkii mikroskoopilla näytettä Jyväskylän yliopiston bio- ja ympäristötieteiden laitoksen laboratoriossa.
Jarkko Riikonen / Yle

Xarunta xaqiijinta agabka daryeelka ayaa gashay heshiis malaayiin agabka badbaadada ah lagu keenayo

Xarunta xaqiijinta agabka daryeelka (HVK) waxay sheegtay inay todobaadkii hore gashay heshiis soconaya ilaa billowga luuliyo kaas oo si joogta ah loogu keenayo agabka badbaadada.

Inta u dhaxaysa bilaha shanaad iyo todobaad ayaa Finland la keeni doonaa 12,5 milyan gafuur-saab ah kuwa ay isticmaalaan dhakhaatiirta qalliinka. HVK ayaa waxay sheegtay inay heshiis agab tayo leh la galeen warshad shiinays ah oo horay u keentay agabkaas.

Xarunta daraasaadka teknoolojiyada VTT ayaa tijaabisay agabka warshadaas, kuwaas oo horay bishii afraad loo keenay Finland. Waxaa tijaabooyinkaas lagu ogaaday in gafuur-saabyada dhakhaatiirta qalliinku ay buuxiyeen heerkii loo baahnaa, ayna waafaqsanyihiin standardka hawo sifaynta ee loo baahanyahay, saas daraadeedna ay ku haboonyihiin u adeegsiga isbitaallada.

Finnairin kone toi Kiinasta tilattuja suojavarusteita Helsinki-Vantaan lentoasemalle 15. huhtikuuta.
/Petteri Sopanen / Yle

29.4.2020

Dadka qaba karonaha daaweyntooda bil gudaheed wax badan ayaa laga bartay

Cudurka karonaha oo keena caabuqa COVID-19 ee ku dhaca sambabyada darteed waxaa Finland qaybta daryeelka deg degga ugu jiray ilaa sadax boqol oo bukaan, kuwaas oo intooda badan ku jiray isbitaallada HUS (Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiirin). Waxyaabaha khatarta ah ee cudurkaan dadka u nugleeya ka sokow, Dadka galay qaybta daryeelka deg degga ah waxaa hayay waxyaabbo kale oo ay ka mid yihiin dhiig xinjirowga iyo kalyo xanuun.

Tero Varpula oo Isbitaalka Jorvi ka ah dhaqtarka sare ee daryeelka degdegga ayaa sheegay inaysan jirin cudurada la yaqaan ee fiirusku keeno midkaan wax la mid ah. Jirka oo dhan waxaa ku faafaya caabuq, midkaas oo wata qandho booskeeda joogaysa iyo mid horay iyo gadaal u socoto. Suurto gal ma ahan in la sheego isku cel celis waqtiga ay daaweyntu qaadato

Sida laga soo xigtay Varpula, xigmada ugu weyn ee ilaa hadda laga helay dadka uu ku dhacay cudurkaan intii lagu jiray bishii ugu horeysay daaweyntiisa ayaa ah in cudurkaan yahay mid aad u kala duwan, waxa laga hadlaayana tahay cudur aan ku socon wado isku mid ah, waana arinta cudurkaan ka dhigaysa mid ay adag tahay in la saadaaliyo xanuunkiisa. Xaaladaha la arko ayaa ah sida uu Varpula sheegay in xaaladda adag iyo baahida loo qabo daryeelka mashiinada neefta la galo 10- 14 maalin gudaheed. Si kasta ay noqotaba waxaa sidoo kale jira bukaano neefsashad oo ku yar awgeed si dhaqsa ah ugu baahdo mashiinada neefta.

Daryeelka neefsashada ayaa shaqo badan u baahan, maadaama ay tahay in mashiinka neefsashada had iyo jeer la badalo iyo in laga warqabo. Marar badan waxaa intaas sii dheer in bukaanka laga caawiyo wareega dhiigga, iyadoo la siinayo daawo ama dareere, sidoo kale waxaa la isticmaalaa dawooyinka dajiya bukaanka iyo kuwa xanuunka, si ay suurto gal u noqoto in bukaanku u adkeysto waxa loogu yeero baahida neefta iyo dhibaatada ay tubada lagaliyay neef mareenka qofka ku hayso.

Sida Varpula ayaa sheegay inuu cudurkaan yahay mid aad u dhib badan, waayo malahan wax daaweyn toos ah, waxa kaliya oo la samayn karo waa in xooga la saaro sidii xubnaha nolosha muhiimka ah u sii shaqayn lahaayeen.

Sairaanhoitaja käsittelee hengityskonetta Meilahden tornisairaalassa.
/Anni Reenpää / Lehtikuva

In laga adkaado cudurka karonaha waxay u baahan tahay shaqo badan oo dabagal leh.

Shaqaalaha daryeelka caafimaadku waxaa soo wajahaya shaqo culus, maadama sidii hore si kabadan loo dabagelayo dadka ay dhici karto inay curuka ka qaadeen kuwa lagu xaqiijiyay, isla markaana la amri doono karantil. Magaalooyinka waaweyn oo uu cudurka karonaha si xun u saameeyay, qof kasta oo cudurku ku dhacay waxaa loo karantiilay qiyaastii 2-3 qof, kuwaas oo ay suurto gal tahay inuu ku daartay. Tusaale ahaan, ilaa jimcadii 4000 qof ayaa la amray inay joogaan guryahooda, halka inta cudurka u xanuunsatayna ay ahaayeen 1642.

Tirada ayaa la filayaa inay kordhaan, markii la qaado xanibaadaha hada jira, dadkuna bilaabaan inay sidii hore si ka badan u kulmaan. Baaritaannada cudurka oo la kordhiyay ayaa iyana la filayaa inay siyaadiso kiiskasaka cudurka la helayo, taas oo iyana ka siyaadin doonta go’aannada karantiilka.

Karantiilka macnahiisu waa xorriyadda dhaq dhaqaaqa qofka oo la xadido. Marka la gaarayo go’aan xaddidaad qofka waxaa la hubiyaa inuu jiro qof kale oo u keeni kara raashin iyo waxyaabaha kale ee uu u baahan yahay, waayo qofka karantiilan looma ogola inuu dukaan aado. Sidoo kale waxaa la qiimaynayaa inay reerka ku jiraan dad cudurka u nugul, si loogu wareejiyo meel kale oo ay ku noolaadaan. Banaanka wax waa laga cuni karaa, laakiin waa in isku dhowaanshaha layska ilaaliyo. Dakhliga uu qofku ku waayay kartaiilka iwm. waxaa loogu bedeli doonaa oo loo siin doonaa kaalmada lacageed ee cuduradda faafa (tartuntatautipäivärahalla).

koronavirus näytteenotto Porvoossa 23. maaliskuuta.
/Markku Rantala / Yle

KELA ayaa bilaabaysa inay koronaha dartiis u bixiso kaalmo cusub

Kelada ayaa billaabaysa kaalmooyin nooc cusub ah oo uu koronuhu sababay. Kaalmadaan ayaa dhan 700 oo euro bishii. Dakhliga dalbadaha iyo tirada caruurtu saamayn kuma lahan bixinta kaalmadaan. Kaalmadaan ku meelgaarka ah waxaa heli kara waaridka ay duruuftu ku qasabtay inuu fasax mushaaar la’aan ah ka qaato shaqada si uu caruurta guriga ugu haya koronaha dartiis.

Taageerada waxaa heli doonaa waaridka ama qofka caruurka masuulka ka ah ee guruga ku haya caruur heer xanaano, iskuulka galaasyada 1. – 3, galaasyada diyaarinta ee ajaanibta iyo ardayda haysta go’aannada baahida loo qabo taageero gaar ah ama waqtiga waxbarashada asaasiga oo la dheereeyay ah.

Waxaa kaloo kaalmadaan heli doona dadka galay kaarantiilka ama xaalad la mid ah, iyadoo sababtu tahay safar dibadda ah oo ayka yimaadeen awgeed.

Kaalmadaan ma heli doonaan dadaka shaqada laga fadhiisiyay ama shaqo la’aanta ah. Sidoo kale waxaan kaalmadaan heli doonin dadka ku jira fasaxa hooyanimada, aabanimada ama waaridnimada amaba sidiisa kale fasax xanaanayn darteed ugu jira.

Kaalmadaan waxaa la bixin doonaa inta ay jirto xaalada aan caadiga ahay. Markay u yaraato ilaa16.3.‒13.5.2020 inta u dhaxayso. Hadii xaalada aan caadiga ahyn dhamaato waqtigaas ka hor, kaalmadana waa la joojin doonaa.

Mies menossa Kelan toimistoon Itäkeskuksessa
Vesa Moilanen / Lehtikuva

27.4.2020

Booliska ayaa dardaaran u soo jeedanaya dabaal degayaasha maalinta May.

Booliiska ayaa degayaasha munaasabada 1. May kula dar daarmaya dabaal iney iska dabaal degga dadka badan isugu imaanayaan waqti kale u dhigtaan. Booliska ayaa sheegay, in gaar ahaan kulanka dhalinyarada badan isug imaanayaan ay si siyaadeen waqtiyadii dambe.

Boliiska ayaa sheegay inay si muuqata u ilaalin doonaan u hogaansanaanta xakameyna kulammada iyo googbaha wax lagu cuno lagu soo rogay. Boliisku ayaa war-saxaafadeedkiisa waaridiinta ku boorriyay inay la socdaan waxa caruurtoodu sameynayaan, isla markaana ay kula taliyaan kala fogaanshaha hadii loo baahdo.

Booliska ayaa sheegay inay waajirb tahay inuu qof walba xiligan awoodda saaro sidii uu u raaci lahaa xakamaynta iyo awaamiirta, si kusoo laabashada nolol maalmeekii caadiga ahaa u soo degdegto.

Booliisku ayaa bayaankiisa si cad ugu dalbaday, inay dadku naftooda edbiyaan oo ay mas’uuliyad iska saaraan sidii ay guryahood joogi lahaayeen, uguna qaadan lahaayeen maalinta 1 May iyagoo iska ilaaliyaan isku dhawaanshaha iyo dad badan oo isku soo urura.

Kaksi järjestyspoliisia takaapäin kuvattuna.
Eleni Paspatis / Yle

Dhakhtarka cudurrada faafa ee caruurta: Xattaa hadii caruurku qabo jirrooyinka joogtada ah, xanuunkiisa koronaha ma ahan mid daran.

Tea Nieminen oo dhakhtarka cudurrada faafa ee caruurta ka ah HUS ayaa sheegtay, in caruurta lagu tiriyo inta khatarta ugu jirta cudurku koronaha, uusan ku dhicin korona oo ka daran tan caruurta kale. Tusaale ahaan, jirrada sokorta ayaa u muuqata inaysan khatar ka badan inta caadiga ah sababayn.

Xanaanooyink caruurta ayaa lagu bartay inay yihiin meel fayrasyadu ku faafaan. Fayraska koronaha ayaa u dhaqmaya si khilaafsan sidii kuwa kale looga bartay. Nieminen ayaa sheegtay in koronaha ku dhaca caruurtu uu yahay mid khafiif ah, caruurtuna aysan gudbin.

Nieminen ayaa sheegtay inay xaaladu sidaa ku socotay ilaa uu kasoo boolowday Shiinaha. Warbixin taas la mid ah ayaa ayaa sidoo kale ka imaanaysa Sweden.

lääkäri kuuntelee lapsen keuhkoja
/AOP

Maalintii waxaa koroonaha laga baari doonaa 10 000 oo qof sida loo badinayo xiliga xagaaga.

Wasaaradda caafimaadka iyo arimaha bulshada waxay damacsantahay in baaritaanka fayraska koronaha la gaarsiiyo ilaa 10 000 baaritaan maalintii. Xiligaan waxaa la sameeyaa ugu badnaann 3500 baaritaan.

Kordhinta baaritaannada cudurka ayaa muhiim u ah, sidii silsilada isku daarasho ee cudurka loo joojin lahaa. Baaritaannada dheeriga ah iyo dabagalka dadka khatarta u galay inuu cudurku ku dhaco ayaa ah sida lagu yarayn karo ama guud ahaanba lagu joojin karo xayiraadaha jira.

Anni Virolainen Julkunen oo ah la-taliso caafimaad, kana tirsan wasaarada caafimaadka iyo arimaha bulshada ayaa sheegtay in dadka astaamaha cudurka ka muuqdaan, si ka fudud sidii hore baaraataanka loogu samyn doono, sidaasna lagu gaari doono tirada badan ee la rabo in la baaro maalintiiba.

Wasiiradda ayaa qiyaaseysa inay u badantahay, in 10 000 oo baaritaan ah maalintii la gaaro horaanta bisha lixaad. Bisha shanaad waa in la gaaraa ugu yaraan 7500 baaritaan ah maalintiiba.

Koronavirusnäytteitä
KoronavirusnäytteitäPasi Takkunen / Yle

Finnish aad u badan ayaa bangiyada ka dalbaday in dib loogu dhigo yaryarayntii daynta guryaha

Sahan ay Yle samaysay, su’aalana ugu dirtay bangiyada waawayn ayaa lagu ogaaday, in tiro aan horay loo arag oo finish ah, ay dalbadeen in koronaha dartiis, dib looga dhigo yaryaranta daynta guryaha ee xilliga gu’ga.

Bangiga OP oo kaliya ayaa horraantii todobaadka xalliyay in kabadan 30 000 oo dalab. Markii lagu daro Aktia iyo Nordea, waxay dalbadayaashu gaarayaan 60 000 oo finish ah. Bangiyada kale ma aysan sheegin tiro go’an, laakiin tobon-laab dalabyadii soo gaari jiray xilliyadan oo kale ayaa soo gaaray.

Kaisu Christie oo Osuuspankki u qaabilsan maaligelinta iyo adeegyada guryaha ayaa sheegay in dhacdadaan ay muujinaysa dhibaatada dhaqaale ee macaamiisha haysta, iyo shaqo ka fadhiisinta iyo ruqsaynta sida xowliga ah u kordhay todobaadyadii u dambeeyay.

Daynta guriga ayaa sida badan ah kharashka ugu badan ee dadka finishka ah ka baxa. Dalaadka dib u dhigidda yaryaraynta waxaa markii ugu horraysay la sameeyay bishii sadaxaad, markii ay u muuqatay in faadida koronuhu noqon doonto mid caalimi ah.

Dib udhigidda waxay noqon kartaa mid khidmad lagu bixiyo, laakiin bangiyada ayaa macaamiisha xilligaan koronaha si caadi ah ku siinayay dib u dhigis khidmad la’aan ah.

Avaimet asuntolainapapereiden päällä.
/Kimmo Hiltunen / Yle

Valvira iyo AVI ayaa baaraya cilladaha guryaha daryeelka

Wakaalada maamulka gobolladda (aluehallintovirasto) iyo Valvira ayaa baaritaan ku samayanaya cilladaha ka jira guryaha daryeelka ee la xiriira xakamaynta fayraska korona. Waxay kaloo samayn doonaan kormeerid, hadii loo baahdo.

Xilliyadii dambe waxaa cirka isku shareeray hadal haynta geerida guryaha waayeelka. Wakaalada maamulka gobolladdu waxay sheegtay inay suurtogal tahay, inaysan dhimashooyinkii guryaha waayeelku, ku imaan dayacaad jirta.

Kormeerika wakaalada maamulka gobolladda iyo Valvira bilaabayaan ayaa awoodda lagu saari doonaa meelaha ilaa hadda cilladaha lagu arkay. Waxaa marka hore looga jawaabi doonaa cabashooyinka iyo cilladaha la soo sheego. Si walba ha noqotee, masuuliyadda koowaad ee dabagalku waxay saaran degmooyinka.

Adeeg bixiyayaasha ayay masuuliyad ka saarantahay, sidii sharciga iyo talobixinta howl-wadeennada loo taaba gelin lahaa. Yle ayaa horay u sheegtay in midowga daryeelayaasha ay la yaabanyihiin badida tirada guryaha daryeelka ee iska indho tiraya talooyinka. Intaa waxaa dheer agab la’aan ka jirta qalabaka badbaadada.

Työntekijät työntävät vanhuksia pyörätuolissa vanhustenkeskuksessa.
/Eleni Paspatis / Yle

24.4.2020

Dawladda ayaa ku dhaqaaqaysa istiraatiijiyad isku-dhafan

Marin ayaa sheegtay inay dowladu ku dhaqaaqayso waxa loo yaqaanno istirtaatiijiyada isku dhafka ah, taas oo xayiraadaha looga gudbi karo, iyadoo lagu dhaqaaqayo talaabooyin waawayn oo isugu jira baaritaanno, dabagal iyo bukaanka oo daawayn iyo go’doomin laysugu daro.

Marin ayaa sheegtay inuu hadafku yahay sidii si tartiib-tartiib ah loogu laaban lahaa noloshii caadiga ahayd, iyadoo la xakamaynayo cudurka.

Inta aysan go’aan hor leh gaarin ayay dowladdu hubin doontaa saamaynta xayiraad qaadidii ka horaysay. Dowladu waxay todobaadka dambe go’aan ka gaari doonta, inay iskoolladu xirnaan doonaan iyo in ardaydu iskoollada ku laaban doonaan inta uusan sanad dugsiyeedku dhamaan.

Marin ayaa sheegtay inay dadku u diyaar garoobaan saamaynta xaaladaha aan caadiga ahayn ee koronuhu keenay inay sii jiri doonaan mudo dheer. Waxay kaloo sheegtay inay suurto gal tahay, in fayraska korona iyo saamayntiisu aysan degdeg ku harin, saa daraadeena loo baahanyahay inay dadku bartaan la noolaanshaha cudurka ilaa inta laga helayo talaal looga hortago.

Pääministeri Sanna Marin hallituksen koronatilannetta koskevassa tiedotustilaisuudessa 22. huhtikuuta
Pääministeri Sanna Marin hallituksen koronatilannetta koskevassa tiedotustilaisuudessa 22. huhtikuutaAntti Aimo-Koivisto / Lehtikuva

Waxaa dhici karta in boolisku munaasabada 1. May xiro xadiiqooyinka

Wasiiradda arimaha gudaha Maria Ohisalon ayaa sheegtay inay dhici karto, in booliska iyo degmooyinkuba xiraan xadiiqooyinka 1. May, si looga hortago faafida fayraska koronaha.

Ohisalo ayaa waraysi ay subaxii khamiista siisay Yle ku sheegtay, inaan weli loo noolaan karin si caadi ah, waayo fayraska koronaha weli Finland wuu ka jiraa, helitaanka talaal ka hortagana waqti badan ayay u baahantahay. Waxay dadka xasuusinaysaa in kala durkidda dadka weli loo baahanyahay.

Dowladda ayaa sheegtay inay isku dayayso, sidii xiyaraadaha waawayn tartiib-tartiib looga qaadi lahaa, laakiin tilmaamaha nadaafadda iyo kala fogaanshaha dadka la raaco. Dowlada ayaa aaminsan in xayiraad qaadida wehliso in la hormariyo baaritaanada iyo dabagalka cudurka.

Vapputarjoilu, simaa ja munkkeja.
/Arja Lento / Yle

Macluumaadka koronaha waxaa lagu heli karaa borogaraamka 112 Suomi

Borogaraamka taleefonnada ee 112 Suomi ayaa lagu siyaadiyayqaab cusub oo howl-wadeennadu ku gudbiyaan ogaysiisyada. Qaabkaan cusub ayaa si degdeg ah lagu sameeyay, si bulshada loo gaarsiisyo warbixinta koronaha.

Borogaraamka 112 Suomi ayaa sheegaya halka uu ku suganyahay qofka soo wacay, taas oo dedejinaysa in la gaarsiiyo gargaarka. Ilaa hadda waxaa borogaraamka soo dejistay ku dhowaad 1,6 malyan oo finnish ah. Dad uu borogramku ku doortay halka ay suganyihiin ayaa loogu diray digniino ah khatar ka jirta meesha ay joogaan. Sidaa si la’e ayaa ogaysiisyada hawl-wadeennada loogu diri karaa guud ahaan dadka isticmaala borograamka ama qayb meel gaar ah joogta.

Hadda hadafkau ugu muhiimsan waa in loo isticmaalayo waa in warbixinta koronaha loogu gudbiyo isticmaalyaasha, laakiin mustaqbalka waxaa looga faa’iidaysan karaa ogaysiisyada kale ee howl-wadeenadu rabaan inay sidoo kale u gudbiyaan.

Ogeysiiska howl-wadeennada waxaa loo isticmaalaa marka ay lagama maarmaan tahay in dadka lagu wargaliyo xaalad, balse aysan xaaladaasu gaarsiisnayn heer khatar ka digid laga digo.

Si ay isticmaalayaashu uga faa’iidaystaan dhammaan qaababka cusub ee borograamku u shqeeyo waxaa lagama maarmaan ah inay dib u cusboonaysiin ku sameeyaan marka hore.

112-sovellus kännykässä
/Ismo Pekkarinen / AOP

Ragga ayaa si aad ah uga badan faafida koronaha marka la bar bardhigo dumarka

Warar si aayar-aayar ah looga soo ururaya dunida dacaladeeda ayaa cadaynaya in geerida cudurka COVID- 19 ay ragga u badanyihiin marka la barbardhigo dumarka. Kala duwanaanshaha wayn ee ragga iyo dumarka kama muuqato tirada dadka cudurka laga helayo, laakiin darnaanshaha xanuunkaiyo dhimashada ayay ka ka muuqataa.

Xog laga soo aruuriyay bogga Global Health 5050 oo is barbar dhiga xanuunka iyo geerida cudurka ee ragga iyo dumarka ayaa sheegaysa, inay ragga COVID- 19 haleelay Finland, boqolkiiba 2,5 u geeriyoodeen, halka dumarka ay ka geeroyoodeen 0,8 boqolkiiba.

Waxaan weli ku jirnaa xilliga cudurku ugu faafida badanyahay. Climi-baarayaasha ayaa masuuliyiinta ka rajaynaya inay siiyaan tirakoobyadii ugu danbeeyay, si sababta dhabta ah dabagalo loogu sameeyo.

Kala duwanaanshaha tirada cilmi-baarayaasha kuma ahan filanwaa. Waxaa xaqiiqo ah in meel walboo la joogo xayawaanka labka ah Isku celcelis ahaan cudurrada uga nugulyihiin dhediga. Bini’aadamka ayaa sidoo kale is difaaca dumarku ka awood badanyahay ragga.

Isla markii uu cudurka COVID-19 dillaacayba waxay khuburada shiinaysku qiyaaseen in sababta keentay kala duwanaanshaha dumarka iyo ragga ay tahay hab-noleleedkooda kala duwan iyo saamaynta ka dhalatay. Intaa ka dib waxaa la tilmaamay qaab abuurkooda bayoolaji ahaaneed. Tusaale ahaan xanuunada wadnaha iyo sambabka oo qofka u nugleeyoinuu u geerido koronaha ayay raggu uga badanyihiin dumarka marka la fiiriyo caalamka dhan.

Kaksi suojavarusteisiin pukeutunutta hoitajaa auttaa vanhaa miestä, joka makaa lavitsalla.
/Rex Features / AOP

Cabashooyin ka dhan ah maalgelinta Business Finland ayaa la gaarsiiyay xeer-ilaaliyaha guud

Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa la gaarsiiyay dhowr cabasho oo ka dhan ah kaalmooyinka ay Businessa Finland siisay shirkadaha. Cabashooyinka oo gaaraya afar, lana gudbiyay billowgii usbuuca, ayaa la xiriira taageero malgelineed oo la qaybiyay dhibaatada koronaha awgeed.

Dowladda ayaa shirkadaha u ballan qaaday kaalmo lacageed oo taas ah. Kaalmadaas ayaa gaaraysa 1,5 bilyan. Business Finland ayaa loo qoondeeyay 800 oo milyan, ely-keskus (Xarunta meheradaha, gaadiidka iyo deegaanka) 400 oo milyan, degmooyinkana 250 milyan oo euro.

Ely-keskusyada ayaa lacagta loo qoondeeyay ku caawinaya shirkadaha shaqaalahoodu ka yaryahay shan qof halka Business Finland ay caawinaysao kuwa intaas ka waawayn. Degmooyinku ayaa iyagana 2000 oo euro ku taageeraya shirkadlaha kaligiisa ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa ely-keskusyada iyo Business Finlandin lagu dhaleecaynayay in lacagihii ay qaybinayeen loo leexiyay mashaariicda dib u habaynta, laakiin aan lagu bixin kirada ama mushaarka shaqaalaha, kuwaas oo dhibaato ba’an ay u qabaan shirkado badan.

Wasiirka dhaqaalaha Mika Lintilä ayaa sheegay, inay wsaarada shaqada iyo dhaqaalahu billaabi doonto xisaab hubin gudaha ah oo la xiriirta lacagtii loo qoondeeyay inay Business Finlandi ku maalgelisho shirkadaha.

Business Finlandin logo ja Ely-keskuksen logo.
Heikki Saukkomaa / Lehtikuva ja Kalevi Rytkölä / Yle

23.4.2020

Munaasabadaha ay isugu imaanayaan dad ka badan 500 ayaa la mamnuucayaa ilaa dhamaadka luuliyo

Ra’iisul wasaare Sanna Marin ayaa arbacadii shir jaraa'id ka sheegtay, in la mamnuucayo munaasabadaha ay isugu imaanayaan dad kabadan 500, ilaa 31ka Luulyo, markay u yaraato.

Munaasabadaha ka dambeeya ee inta ka dhiman xagaaga inta iyo billowga dayrta ayaa qiimayntooda dib loo dhigay.

Todobaadka soo socda ayay dowladu go’aan ka gaari doontaa xayiraadaha saaran iskoollada.

Dowadu waxay qiyaasaysaa inay suurto gal tahay, in Finland si tartiib-tartiib ah oo waafaqsan sharciga cudurrada faafa, isla markaana lagu xakamaynayo fidida cudurka, looga gudbo karo xayiraadaha guud ee bulshada.

Si walba ha noqotee, Marin ayaa sheegtay inaan hal mar xayiraadaa la wada qaadi karin, waayo xaaladda lagu jiro ayaa weli ah mid culus.

Hadafka dowlada weli wuxuu yahay in la hor istaagto faafida uu fayrasku ku hayo bulshada, inay la damaano qaado awood daryeelka caafimaad ku filan iyo in si gaar ah loo ilaaliyo dadka cudurka u nugul ee khtarta ugu jira.

Festariyleisöä Robin Packalenin Ruisrock-keikalla.
/Nelli Kenttä / Yle

Kalkaaliyeyaasha caafimaadka ayaa jahwareer koronuhu keenay ka sheegaya guryaha waayeelka lagu xanaaneeyo

Koronaha ayaa uga sii daray shaqaale yaridii ka jirtay guryaha waayeelka. Waxaa qasab noqotay in shaqaalaha ku meelgaarka loo kala bedbedelo qaybaha kala duwan. Tan ayaa waxay ka hor imaanaysaa talobixinta howlwadeennada.

Sahan ay samaysay idaacada Yle, ayna ka jawaabeen qiyaastii boqol qof oo isugu jiray kalkaaliyayaal iyo qaraabada waayeelka ayaa arintaan lagu ogaaday. Waxaa kaloo Yle soo gaaray xiriiro badan oo arintan darteed loola soo sameeya.

shaqaale la’aan aad ah ayaa horayba uga jirtay aqallada waayeelka ah lagu hayo.

Cudurka koronaha ayaa xaalada jirtay kasii daray. Tobanaan, hadii aysanba boqolaal kalkaaliye ahayn ayaa gelay karantiil amaba uu ku dhacay cadurku. Koronuhu waxa uu sabay in mararka qaar qayb dhan shaqaalaheedii lagu bedelo kuwo ku meel gaar ah.

In badan oo ka mid ah dadkii jawaabaha siiyay Yle ayaa welwel ka qaba in is bedbedelka joogtada ah ee shaqaalaha, uu siyaadinayo khatarta ah in cudurka ku faafo guryaha waayeelka lagu xanaaneeyo.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaay idaacada Yle baahisay warbixin sheegaysay sida xad dhaafka ah ee koronuhu mudo ka yar laba usbuuc ugu faafay guryaha waayeelka ee Finland. Geerida ugu badan ee koronaha waxay ka dhacday guryaha xanaanada waayeelka.

Waayeelku sida caadiga ah meelna ugama baxaan guryaha lagu xanaaneeyo, saas daraadeed, koronaha waxaa u keena shaqaalaha. Bukaanka aanan weli astaamihii cudurka laga dareemin ayaa dhankiisa ka faafin kara. Sahankii la sameeyay waxaa kaloo lgu ogaaday inay mararka qaar kalkaaliyeyaashu soo shaqo geli jireen iyagoo hargabsan. Sababta ayaa lagu sheegay cadaadis uga imaanayay horjoogayaashooda.

Asukas ja hoitaja kävelevät hoivakodin käytävällä.
Emmi Korhonen / Lehtikuva

WHO: Ilaa hadda dadka boqolkiiba laba ayaa leh maadada is-difaaca ee ka hortagta koronaha

Sida laga soo xigtay WHO, dadka aduunka ku nool 2-3 boqolkiiba ayay jirkooda ku jirtaa maadada is-difaaca ee ka hortagta koronaha. Arinkaan ayaa ka dhigan inuu difaac-wadareeka guud ee dadka aduunku u leeyihiin cudurka COVID-19, uu yahay mid aad billow u ah.

Difaac-wadareed waxaa loola jeeda, inuud dad badan ku dhaco caabuqa, sidaasna ay ku yeeshaan maadada is-difaaca ee ka hortagta koronaha. Dadka is-difaaca leh ayaa yaraynaysa jaaniska uu cudurku ku faafi karo, sidaasna difaac ugu noqonaya dadka intiisa aan weli is-difaaca yeelan.

Maadaama waxtarka difaac-wadareedku uu yahay mid aan weli wax gelin, waxay WHO ku talinaysaa inay dalalku sii wadaan amarrada lagu xadadaynayo isu soo dhowaanshaha dadka.

WHO waxay la yaabantahay tirada aadka u yar ee ilaa hadda cudurka qaaday. Dhanka kale, hay'addu waxay ku nuuxnuuxsatay in xogta cilmi-baaris ee arinkan laga hayo ay tahay mid aad u yar.WHO waxay sidoo kale xasuusinaysaa, inuusan wali jirin baaritaan laysku hubo oo lagu xaqiijin karo, inuu qofku yeeshay is-difaac, sidaasana uga badbaadayo caabuq kusoo laabta.

Pipetointia Jyväskylän yliopiston laboratoriossa.
Jarkko Riikonen / Yle

Fayraska korona ayaa murjinaya xaalada dhaqaale ee shakhsiyaadka caadiga ah

Fayraska koronaha ayaa is bedel wayn ku keenay dhaqaalaha Finland iyo dunida inteeda kale. Kumanaan dad ah ayaa xaaldooda dhaqaale koronaha dartiis is bedeshay ama is bedel qarka u saarantahay. Dadka qaar ayaa qaatay daymaha dagdaga ah ee aan damaana-qaadka u baahnayn (pikavippi).

Mia Markula oo xafiiska caawimada arimaha sharciga ee Koofurta-galbeed Finland (Varsinais-Suomi) u qaabilsan la talinta arimaha maaliyada iyo daymaha, ayaa sheegtay inay taleefonnada usoo dhacay ka badanyihiin sidii ay ahaayeen horraantii sanadka. Dadka u qaamaysan daynta guryaha ayaa ugu badan inta talada doonysa.

Markula waxay sheegtay inay dayn-qaatayaal badan ayu qaateen daynta si ay ugu bixiyaan dayntii hore, laakiin hadana qasab maahan in daymaha la qaatay lagu bixiyay si loo yareeyo midii guryaha lagu iibsaday. Waxaa lacagta loogu baahanyahay arimo kale oo la xiriira nolosha.

Macaamiisha ayaa u bartay dabqad nololeed oo aysan rabin inay ka degaan. In badan oo ka mid ah ayaa daynta u qaatay si ugu gudaan dayn kale, isla markaana u haysta inay dayn iska yaraynayaan.

Markula waxa sheegtay in macaamiisha talo-doonka ah, ay koronada ka hor u badnaayeen muwaadiniin shaqaysta oo dayntii guryaha ee ay ku jireen ay ugu biirtay amaahyo kale oo ay qaateen.

– Cabsi ayaan ka qabaa inay tani iqarso noqoto, ayna ka sii darto. Ruqsayn badan iyo shaqo layska fadhiisiyo ayaa soo socda. Hoos u dhac dhaqaale ayaa muuqda, macaamiishana aad ayay hadaba noogu badanyihiin.

Dayrtii hore ayaa dulsaarka ugu badan ee daymaha bilaa damaanada ah laga dhigay 20 boqolkiiba. Bishaan horraanteedii ayay dowladu sheegtay inay dulsaarka ugu badan ka dhigayso boqolkiiba toban. Waxay kaloo dowladu damacsantahay inay mamnuucdo xayaysiinta tooska ah ee daymaha bilaa damaanada ah. Ujeedadadu in khamiista baarlamanka la horgeeyo hindisaha lagu mamnuucayo xayaysiinta tooska ah isla markaana lagu xadadayo dulsaarka ugu badan.

Sadan euron seteleitä.
Jyrki Lyytikkä / Yle

22.4.2020

Koronaha ayaa yareeyay tookooyinkii gaadiidka dadwaynaha

Magaalooyin badan oo Finland ka mid ah ayaa bilaabay ama bilaabaya inay istcmaalaan jadwalka gaadiigka dadwayana ee xilliga kulaylaha, kaasoo lagu dhimay socodka gaadiidka.

Shirkadda gaadiidka dadwaynaha Helsinki (HSL) ayaa laga bilaabo maalinta isniinta ah ku shaqayn doonta jadwalka kulaylaha oo la yareeyay. HSL ayaa sheegtay inay - marka la barbar dhigo bishii labaad - rakaabku yaraadeen in ka badan 70% koronaha dartiis

Magaalada Oulu waxay jadwalka kulaylaha u wareegaysaa laga bilaabo 27.4. Magaalada Tampere oo dhowr usbuuc ka dambayn doonta ayaa iyana wareegi doonta 11. bisha shanaad. Intaa waxaa dheer in jadwalka shirkadda gaadiidka dadwaynaha ee Nyssen aysan daabici doonin jadwalka si dadka loogu qaybiyo ama boosteejooyinka loogu dhejiyo, Waayo fayraska ayaa sababi kara is bedello deegdeg ah oo lagu sameeyo adeega.

Magaalooyinka qaar waxaa la qaatay jadwal lasoo hormariyay. Xaalada jirta awgeed, gaadiidka maxalliga ah ee Jyväskyla, waxay tan iyo dhamaadkii bishii sadaxaad ku shaqayanayeen jadwalka kulaylaha. Sidoo kale, gaadiidka maxalliga ee Rovaniemi ayaa horraantii bishii afraad u wareegay isla jadwalka kulalaylaha. Warbixin la daabacay dhamaadkii bishii sadaxaad ayaa lagu sheegay inuu rakaabku ku dhowaad 20 boqolkiiba hoos uga dhacay intii hore

Waxaa sidoo kale horraantii bishii afraad jadwalka kulaylaha u wareeagay gaadiidka ka dhex shaqeeya ah ee magaalada Vaasa. Gaadiidka maxalliga ee Seinäjoki ayaa iyana jadwalka aan caadiga ahayn u wareegeen dhamaadkii bishii sadaxaad.

Busseja Nobinan Roihupellon varikolla.
/Petteri Sopanen / Yle

Farriimo is khilaafsan oo la xiriira dalabkii agabka badbaadada ee laga dalbaday Sarmaste ayaa ka soo baxaya Xarunta xaqiijinta agabka daryeelka

Xarunta xaqiijinta agabka daryeelka ayaa isniintii 20.4 laba sharaxaad ka bixisay waxgalnimada agabkii badbaado ee laga dalbaday ganacsade Onni Sarmaste.

Agaasisimaha ku meelgaarka ah ee Xarunta xaqiijinta agabka daryeelka Janne Känkänen ayaa waraysi uu siiyay Yle, ku sheegay inay u muuqato, in dhammaan agabkii badbaado ee laga dalbaday Sarmaste, ay yihiin kuwo waan waxba gelin.

Mudo yar ka dib, email ay HVK u dirtay Yle isla subixnimadii isniinta, ayay ku sheegtay in badi ahaan agabka badbaadadu ay ku haboonyihiin in loo isticmaalo aqallada dadka lagu xanaaneeyo iyo booqashad bukaan socodka.

Huoltovarmuuskeskuksen välittämä kuva Etelä-Suomessa sijaitsevasta varmuusvarastosta.
Huoltovarmuuskeskus

Welwelka khubarada: dhibka caruurta haysta iyo kalinimada dadka ayaan loo jeedin

Xannibaadaha uu fayraska koronuhu keenay ayaa dadka, gaar ahaan inta cudurka u nugul badbaado u ah, laakiin reero badan oo caruurleey ah iyo dadka kaligood guryaha ku nool ayaa dhib ku qaba. Tusaale ahaan, booliska laysugu yeerayo ayaa siyaaday, in badan oo wicidaas ka mid ahna, waxay la xiriiraan khilaaf ka dhexeeyay dad xiriir sokeeye leh.

Khubarada ayaa carabka ku adkeeyay, inay waajib tahay, in taageero dhaqaale iyo mid bulshanimaba si dagdag ah loo helo dadka u baahan.

Juha Hämäläinen, oo ah brofisoor arrimaha bulshada ka dhiga jaamacadda bariga Finland, ayaa dowlada ka rajayna inay qaado talaabooyin wax ku ool ah si looga hortago dhibaatooyinka.

Kaksi lasta seisoo kahden huoneen oviaukoissa.
/Henrietta Hassinen / Yle

HUS ayaa isbitaallada ku siyaadinaya adeegsiga agabka badbaadada

Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri (HUS) ayaa damacsan, inay si tartiib-tartiib ah isbitaallada ugu siyaadiyaan isticmaalka agabka badbaadada, inta ay jirto faafida cudurka.

Siyaadinta agabkan badbaadada ayaa looga dan leeyahy, in la yareeyo khatarta suurtogalka ah ee ka dhalan karta, inay cudurka faafiyaan dadka uusan weli ka muuqan. Si kastoo ay tahayba, baahida loo qabo agabka badbaadada iyo dalabkooda ayaa cirka isku shareeray intuu jiray koronaha.

HUS ayaa sheegay, in joojinta faafida cudurka ay muhiimad gaar ah leedahay marka la fiiriyo jiritaanka awoodda daryeelka caafimaad iyo dhanka badbaadada shaqada iyo bukaankaba.

Ensihoitaja Sirkku Lähteenmäki suojavarustuksessaan.
Ensihoitaja Sirkku Lähteenmäki suojavarustuksessaan.Markku Lähdetluoma / Yle

21.4.2020

Finland waxaa la xaqiijiyay 85 kiis oo korona hor leh ah

Sida ay THL laga soo xigtay, Dadka Finland koronaha lagu xaqiijiyay ayaa isku darkoodu ilaa isniintii 20.4. gaarayay 3 868. Kiisaska cudurka ee axadii la xaqiijiyay waxay ahaayeen 85.

Warbixintii isniinta ee THL waxay sheegtay in guud ahaan Finland koronaha ugu geeriyoodeen 98 qofood. Tiradaan ayaa afar qof ka badan intay ahayd maalinta axadda. Si walba ha noqotee, waxaa dhici karta inay tirada ka maqanyihiin tobonaan ku geeriyooday guryaha dadka lagu xanaaneeyo. Isbitaallada Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri kaliya ayay geerida aan la diiwaan gelin dhantahay 50 -60 qof.

Helsingin Haartmanin sairaalan ikkunoissa on lappu, jossa pyydetään koronavirustartuntaa epäileviä soittamaan sairaalan ennen sisääntuloa.
/Silja Viitala / Yle

20.4.202

Maxaa koronaha hadda laga ogyahay? Khuburada ayaa taas ka jawaabaya

Tarja Sironen oo jaamacadda Helsinki ka ah cilmi-baare cudurrada khatarta ah ee faafa iyo Jussi Sane oo ah khabiir ku xeel dheer cudurrada faafa, kana howlgala THL ayaa ka jawaabaya waxayaabaha ilaa hadda laga ogyahay fayraska koronaha.

Maxaa ilaa hadda fayraska laga ogaaday?

Sironen:Fayraska waxaa hadda laga ogyahay waxyaabo badan. Waxaa la yaqaanaa qaab dhismeedkiisa iyo hida-sidahiisa. Waxaa kaloo la ogyahay sababta uu SARS-CoV-2 sida xowliga ah ugu faafo. Waxaa la fahansayahay sida fayraska uu u dhalin karo cudurka iyo sida hab-difaaceennu ula dhaqmo fayrayska. Sidoo kale waxaa la ogyahay sida fayraska firfircoonida looga qaado, waxaana fikir fiican ka haysanaa, sida fayraska looga hortago iyo sida bukaanka loo baaro,

Sane:Fayraska iyo cudurka mar walba wax hor leh ayaa laga ogaanayaa. Warbixinno cusub oo dhinacyo kala duwanna taabanaya ayaa la helay. Waxaase weli furan su’aalo waawayn sida: waa meeqo tirada dadka cudurka qaba ee aan laga dareemayn, dadkaas waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 20%–80%. Saamayn intee la eg ayay faafida cudurka ku leeyihiin dadka aan laga dareemayn. Qaababka wax laysugu daarto ee aan ka ahayn dhibicda qoyan (qufaca iyo hindhisada) iyo taabashada, saamayntoodu waa heerkee. Waa meeqo heerka dhimashada dhabta ah ee cudurka. maxay yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee cudurka ka dhiga mid aad u daran iyo mudo intee la eg ayuu habka is-difaaca bukaanku cudurka iska caabin karaa.

Intee loo badinayaa inay la eg tahay fursada uu fayrasku u haysto inuu is bedelo

Sironen: Fayrayadu way is bedelaan, waxaase ilaa hadda lama filaan noqotay, sida tartiibta ah ee SARS-CoV-2 uu isku bedelayo. Fayrasku hadda wuu la qabsaday jirka bini’aadamka. Si walba ha noqotee, waxaa aad u muhiim ah in lala socdo fayraska, si markiiba loo ogaado wixii isbedel ah ee ku yimaada qaab dhismeedkiisa.

Sane: fayrasku inuu is bedelo 100% ayay suurtogal tahay, laakiin is bedelka macnihiisa maahan inuu wax ka tilmaamayo culayska cudurku heerka uu gaarsiisanyahay.

Henkilö aivastaa käsiin.
Eleni Paspatis / Yle

Sida fayrasku u shaqeeyo maxaa laga ogyahay? Suurtogal ma tahay in fayraska dawo loo helo?

Sironen: Sida fayrasku u shaqeeyo wax badan ayaa laga ogyahay, tusale ahaan, waxaan ognahay sababta uu sida xoogan ugu dhego unugyada jirka. Si kale hadaan u iraahdo, waxaan ognahay meelaha ay tahay in wax laga qabto si uusan fayrasku ugu gudbin unugyada kale. Daawo fayraska lagula dagaallamo waa la soo saari doonaa, laakiin waxtarka daawooyinka cusub iyo badbaadadooda waa in si taxadar leh loo baaro.

Sane: Aqoonta faryraska laga qabo way siyaadaysaa maalin walba, laakiin baaritaanada ayaa waqti qaadanaya. Haa waa macquul in fayraska koronaha dawo loo helo, taasoo dadaalkeedana, haddaba meelo badan oo dunida dacalladeeda ah ayuu ka socda. Waxaa la tiigsanayaa in daawooyin cusub la soo saaro iyo in kuwa hadda jira la tijaabiyo siday wax uga tarayaan la dagaalanka fayraska koronaha.

Haddii fayrusku uu u fidi lahaa sida hadda si ka daran, daawayn noocee ah baa Finland la isticmaali lahaa?

Sironen: Bukaanka waxaa hadda la siiyaa daryeel ku haboon astaamaha laga dareemayo. Waxaa dunida dhan si aad ah uga socda baaritaanno la rabo in lagu ogaado sida daawooyinka loo isticmaalo fayrasyada kale qaarkood ay wax uga tarayaan caabuqa koronaha. Ilaa hadda ma jirto wax daawo ah oo loo oqoonsaday inay tahay midda Covid-19 lagu daweeyo.

Fayraskaan see loo loola tacaalaa?

Sironen: Xanuunka cudurka siyaabo badan ayaa loo fudydayn karaa. Xaaladu marka ay meel daran gaartana waxaa qofka lagu tijaabin karaa hydroxychloroquine.

Hadii la barbar dhigo hargabka caadiga ah, meeqo ayeey qaadataa xilliga uu cudurku ka soo muuqdo bukaanka?

Sironen: Isku celcelis waxuu cudurku qofka kasoo muuqdaa afar-shan maalmood, laakiin hadana waxa uu noqon karaa 1 - 12 maalin inta u dhaxaysa. Waqtiga qofka laga dareemo astaamaha way ka badantahay waqtiga hargabka caadiga ah la dareemo.

Sane: Qiyaastii shan maalmood ayeey qaadataa xilliga cudurku qofka kasoo muuqdo, laakiin 2 -14 maalmoodna wuu noqon karaa. Hal baaritaan ayaa sheegay inay dadku cudurka u jiradaan qiyaastii 11,5 maalmood gudohood, taas oo marka lasku ururuyo noqonaysa 12 maalmood.

Maxaa ilaa hadda laga ogyahay isu gudbinta cudurka? Cudurka ma gudbin karaa qof qaba laakiin aysan astaamihii ka muuqan?

Sironen: Cudurka waxaa si xoogan u gudbiya dadka ay astaamuhu ka muuqdaan, laakiin baaritaanno cusub ayaa sheegaya, in dadka aysan weli kasoo muuqan amaba ay astaamahoodu yaryihiin, ilaa xad gudbin karaan.

Sane: Inta hadda la ogyahay, marka qofka cudurka qaba uu ugu gudbinta badanyahay, waa waqtiyada ugu horreeya ee astaamaha cudurku ka soo muuqdaan. Si walba ha noqotee, qofku wuxuu cudurka gudbin karaa 1 – 2 maalin ka hor inta aan asaga laga dareemin. WHO ayaa sheegtay in, inta la ogyahay, ay cudurka badankiisa gudbiyaan dadka ay astaamuhu ka muuqdaan.

Tutkija Tomas Strandin laboratoriossa.
Helsingin yliopiston Meilahden kampuksella kaikki muu laboratoriotyö on pysähdyksissä, jotta on paremmin resursseja tutkia koronavirustaKalevi Rytkölä / Yle

Numberka R0 oo ah halbeegga lagu cabiro xawliga fayrasku ku faafo ama isku cusboonaysiiyo ayaa hadda wax yar ka sarreeya laba. Tan macnaheedu waa in halkii bukaanba uu u gudbiyo isku celcelis ahaan laba qof. Halbeegaas isku daarashadu ee Finland ma is bedelay mise meeshiisii ayuu taaganyahay?

Sironen: Siyaabo aad u kala duwan ayuu hadda fayrasku ugu faafaa dalalka kala duwan, waxayse ku xirantahay marxalada lagu jiro iyo tallaabooyinka xakamaynta lee la qaatay. Waxaa intaas dheer iyadoo dalalku ku kala duwanyihiin fursadaha iyo istiraatiijiyada baaritaanka cudurka, saas daraadeed ma jirto hal lambar oo kulligood jawaab u wada noqon kara. Hadda waxaa la qiyaasayaa in halbeegga faafida cudurka Finland R0 uu hoos uga dhacay laba.

Sane: Qiyaasyo badan ayaa ka jira numbarka isku daarashada cudurka ee R0, waxaase muhiim ah in tirada lagu darsado, in numbarku si aad ah xiriir ula leedahay is socodka dadka. Waxay qiyaastii ugu dambaysay sheegaysaa in numbarka kala barka ah uu yahay 2,7. Dadku inay isu imaatinka yareeyaan iyo talaabooyinka kale ee la qaaday, waxaa looga gol leeyahay in hoos loo dhigo numbarka isku daarashada.

Halbeegga isku daarashada ee hargabka caadiga ah ayaa labadooda yar, laakiin kan hargabka naftirkiisa ayaa is bed-bedel badan ku jira.

Qofkeed is leedahay way ugu badantahay inuu si daran ugu jirrada fayraska?

Sironen: Dadka da’da ah iyo dadka qaba jirrooyinka aasaasiga ah ee daciifiya sambabada iyo shaqada wadnaha ama kuwa yareeya is difaaca jirka ayay khatarta, inuu si xun ugu jirrado ah ku badantahay. Waxyaabaha kale ee la ogyahay inay qofka u loogi karaan jirrada daran waa sigaar maalin walba la cabo iyo miisaanka siyaadada ah ee heerka jirrada gaarsiisan. Hadda waa waqti awoodda la saaro fayaqabka iyo nolol-wanaagga caafimaadka leh.

Sane: Caabuqa waxaa u jirran kara da’ walba, laakiin waxaa meesha taalla, waa kuwee kuwa ay u badantahay inay si daran ugu jirradaan. Inta badan dadka wuxuu cudurku u qabtaa si fudud. Waana hubaal inaan dadka qaar lagaba dareemin. Waxaa iska cad in kuwa aan kor ku tilmaanay ay ka badanyihiin tirada lasoo bandhigo. Khatarta cudurka waxaa siyaadiya da’da iyo jirrooyinka aasaasiga ah.

Cudurka way u jirran karaan dhallinyarada iyo dadka caafimaadka qaba, laakiin tiradooda ayaa aad uga yar tirada isku isku celceliska ah. Waxaa muhiim ah in la xasuusto, in mar walboo faafida cudurku badataba, ay khatartii yarayd sii siyaadayso. Tusaale ahaan, in kastoo waxyaabo lama filaan ah dhici karaan, hadana kiisaska caruurta iyo dhallinyarada sida aadka ah ugu jirrada ayaa aad u yar, sida badanna warbaahinta ayaa sidaa baahisa, arintaasu waa mid sawir qaldan dhiibaysa.

Waa meeqo tirada dadka cudurka ka bogsada, mudo intee la’eg ayayse ku qaadataa?

Sironen: Inta badan wuxuu cudurka dadka ku qaataa 2 - 3 todobaad. Xaaladaha aadka u daranna, kasoo kabashadu waxay qaadataa waqt intaa ka dheer.

Sane: Inta badan dadka cudurka qaada way ka kacaan. Waqtiga wuxuu ku xiranyahay heerka darnaanshaha cudurka.

Apteekki
Henrietta Hassinen / Yle

Fayraska koroonaha maku soo laaban karaa qof uu horay ugu dhacay?

Sironen: Bukaanka kasoo kacay wuxuu yeeshaa is difaac. Ilaa inta uu is difaacaas shaqaynayo, kuma soo laabto fayrasku. Inta uu sii jirayo is-difaaca, waxaa cadayn doona waqtiga, kadib markii dabagal lagu sameeyo bukaannada iyo sida maadada is difaacu jirkooda ay ugu raagto.

Sane: Marka la fiiriyo fahanka hadda jira, taasu waa wax aan suurtagal u ekayn.

Maxaad is leeday waa muhiim waqtigaan la joogo oo koronaha la xiriira?

Sironen: In layska ilaaliyo isku soo dhowaansha aadka ah ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee looga hortago cudurka. Waa muhiim in waqtigaan la raaco xakamaynta isku soo dhowaanshaha iyo in nadaafadda lagu dadaalo, si aysan isbitaallada iyo goobaha caafimaadku u buux-dhaafin. Waa sidaas sida laysku sii dabari karo ilaa inta laga helayo tijaabooyin cusub, daawooyin lagula tacaalo cudurka iyo ugu dambayn talaal looga hortago faafidiisa.

Waa meeqo heerka dhimashada hadda?

Sironen:Heerka dhimashada hadda si dhab ah looma qiimayn karo, waayo waxaanan la aqoon tirada saxda ah ee cudurku uu haleelo. Waxaa markii ugu horraysay dhimashada lagu qiyaasay 2–3 boqolkiiba, laakiin cadadka saxdaa intaas si aad ah ayuu uga hooseeyaa. Arintaan waxay kala cadaan kartaa marka la ogaado xog dhab ah oo ku saabsan dadka aysan calaamadaha cudurka ka muuqan iyo kuwa uu sida fudu u saameeyay.

Sane: Dalalka kala duwan laysma barbar dhigi karo, waayo waxaa kala duwan siday baaritaannada u samaeeyaan. Waxay aad ugu badantahay in tirada dhimashadu ay ka yartahay hal boqolkiiba (1%). Cadadkaan wuxuu ku salaysanyahay xisaab lagu saleeyay xog-aruurin iyo daraasado laysku dayay in lagu ogaado isku daarashada cudurka, loona adeedsaday tiro dad ah oo si bakhtiyanasiib ah loo doortay.

Maxaa laga ogyahay heerka dhimasho ee caruurta, dhallinyarada iyo dadka da’dii shaqada ku jira?

Sironen: Dhimashada ayaa weli ku badan dadka waayeelka ah. Nasiib darro, markii kiisaska cudurku sii bataanba, inta kale ayaa iyagana lagu arkaa kiisas dhimasho.

Sane: Tirakoobka dadka u geeriyooday cudurka ee dalalka kala duwan aad bay isu shabahdaa. Da’da isku celceliska ah ee geerudu inta badan waa 80 jir. Dad badan oo cudurka u dhintay ayaa qabay jirrooyin kale. Inta geeriyootay waxaa u badan ragga.

Dadka uu cudurku ku dhaco badi way ka kacaan. Weli ma la arkay Jirrooyin kale oo uu cudurku dadkaas ku reebay? Hadii ay jiraan, waa noocee jirooyinka uu ka tagay? Maxaase laga ogyahay?

Weli baaritaan ku filan in lagu ogaado cudurrada uu ku reebo qofka ka kacay lama hayo, laakiin arinkaan si aad ah ayaa loogu daba jiraa.

Kuvassa laatumestari Satu Eriksson puhdistaa kolmannen kerroksen tiloja.
Silja Viitala / Yle

In kastoo koronuhu jiro, hadana socdaalka hawada ee Finland ayaa shaqyanysa, waxaase ku yimid hoos u dhac aad u wayn

Gabi ahaan socdaalkii hawada ee Finland uma istaagin koronaha dartiis. Waqooyiga Ameerka, Aasia iyo Austraaliya ayaa laga imaan karaa iyadoo la soo marayo Doha. Finnair waxay weli u kacda dalalka Yurub. Si walba ha noqotee, sharkadda ayaa usbuucaan yaraysay duullimaadyadii u qorshaysnaa ilaa dhammaadka bisha lixaad ayna ku aadi lahayd dalalka Yurubta-dhexe yaraysay.

Duullimaadyadii todobaadlaha ahaa ee ay ku aadi jirtay Baariis, Münchenin, Bryssels, Amsterdam, Zürichin iyo Berliinin ayaa la yareeyay. Si kastoo ay tahayba, ma jirto meel ka mid ah dalalkaas oo gabi ahaanba la joojiyay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay. Waxaase taas bedelkeedii la baajiyay, dhammaan duullimaadyadii dhaadheeraa marka laga reebo diyaaradaha xamuulka.

Finnair ayaa qorshaysay duullimaadyo ay ku tagato garoonka Haneda ee magaalada Tokio, laakiin dalabka oo yar awgiis ayaa waqtiga la bilaabayo loogu dhigay horraanta bisha todobaad. Go’aammada dullimaadyada ee bisha todobaad, shirkaddu weli ma gaarin.

Finnairin kone toi Kiinasta tilattuja suojavarusteita Helsinki-Vantaan lentoasemalle.
Petteri Sopanen / Yle

Boostada waxay warbixin cusb kasoo saaraay waxyaabaha dibadda loo dirayo ama ka imaanaya

Boostada ayaa jimcihii bixisay macluumaad la xiriira waxyaabaha dibadda loo dirayo ama ka imaanaya. Waxyaabaha la dirayo ee mudnaanta gaarka ah, kuwa EMS iyo warqadaha caadiga ah ayay boostadu wixii hadda ka dambeeya gaarisiin doontaa 30 dal oo Yurub ah kaliya.

Dalalka kale ee Yurub ayay boostadu si ku meel gaar ah u joojisay inay gaarsiiso boostooyinka kor ku xusan.

Dalalka kale, dalalka Israel, Shiinaha iyo Maraykanka oo kali ah ayay boostooyinku u gaari doonaan sida sodonka dale Yurub.

Awoodda gudbinta oo kooban awogeed, gudbinta alaabaha ayaa qaadan doonta intii hore in ka badan. Jadwalka diyaaradaha ayaa iyana si degdeg ah isku bedeli kara.

Postin kuorma-autoja ja pakettiautoja Postintaipaleella Helsingin Ilmalassa.
Janne Järvinen / Yle

Dowladda ayaa soo jeedinaysa kaalmo ku meelgaar ah oo la siinayo dadka shaqada koronaha awgii uga maqan ee mushaar la’aantu ku dhacday

Dowladda ayaa soo jeedisay kaalmo ku meel gaar ah oo la siinayo dadka shaqada uga maqan koronaha awgii ee mushaar la’aantu ku dhacday. Tusaale ahaan, markii uusan waaridku shaqo tegin ee uu caruurta guriga ku hayo.

Kaalmadaan ayaa la siinayaa waaridka guriga ku haya caruurta dhigata xanaanada ama iskoolka galaasyada 1-3, isla markaana mushaarkooda ku waayay soo jeedintii dowladda ee lagula dagaalamayay koronada. Mushaarka waaridka seegay bedelkiisa ayaa waaridka taageeradaan loo siin doonaa.

Sidoo kale, dadka debadda ka soo laabtay, lana geliyay xaalad karantiilka la mid ah, sidaasna ku waayay dakhligii ay helii lahaayeen, ayaa la siin doonaa kaalmada si ay bedel ugu noqoto dakhligii ay waayeen.

Kaalmada lacageed ee la bixinayo waxay la egtahay midda ugu yar ee waaridka caruurka guriga ku haya la siiyo, taas oo dhan 723,50 euroa bishiiba. Bixinta taageerada ayaa la damcsanayahay in laga soo billaabo 16. bishii sadaxaad, ayana socoto inta ay duruuftaan aan caadiga ahayn ay jirto.

Waaridiinta caruurta ayaa kaalmada la siin doonaa ilaa inta uu sanad dugsiyeenku socdo. Kaalmada waqtigii lasoo dhaafay gadaal ayaa laga dalban karaa. Wixii macluumaad dheeri ah, lana xiriira sidii loo dhaqan gelin lahaa Kelada ayaa warbxinteeda dhiibi doonta. Guud ahaan kaalmadaan ayaa la rabaa in loo qoondeeyo lacag gaaraysa 94 milyan oo euro.

Tampereen keskustan Kelan julkisivu.
Miikka Varila / Yle

Agaasimaha HUS ayaa sheegaya sida fayraska laysaga ilaaliyo umadda kalena looga ilaaliyo markaad dukaamaysanayso

Agaasimaha isbitaallada Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiirin (HUS) Juha Tuominen ayaa sheegay, inay jiraan dhowr arimood oo ay tahay inuu qofku maskaxda lku hayo mar kastoo uu dukaamaysanayo xilliga koronaha..

Dad badan ayaa is waydiinaya habkii ay si badbaado leh uga danaysan lahaayeen dukaamada, iyadoo aan lagu daaran cudurka ama aysan iyagu u gudbinin dad kale.

Tuominen ayaa tixay (sheegay) afar tilmaamood oo muhiim u ah dukaamaysiga xilliga koronaha.

1. Hal qof oo kaliya reerka ha uga soo adeego dukaamada.

2. Gacmaha waa in la dhaqaa, haday macquul tahay. Hadii aysan macquul ahaynna waa in ugu yaraan la isticmaalaa jeermis-dileyaasha.

3. Masaafada badbaada ee dadka loo jirsanayo waa inay noqotaa laba mitir.

4. Wada hadalka aan faa’dada lahayn oo dhan ”see layahay iwm.” waa in layska dhaafo marka dukaanka lagu jiro. Marka aad lacagta bixinayso, si farxad leh ugu dhoolla-cadee khasnajiga madaxana waad ka salaami kartaa (nuuxin kartaa).

Hay’adda xakamaynta cudurrada faafa ee Yurub (ECDC) ayaa sheegtay inay dadku, markii ay aadayaan dukaamamada, isticmaalka gafuursaabka tixgelin siin karaan.

Intaas waxaa dheer, hay’adda cuntada (Ruokavirasto) oo carrabka ku adkaysay inaysan jirin sabab dukaamada looga aado mar hadii qofku jirranyahay.

Asiakkaita kaupassa.
Henrietta Hassinen / Yle

Fayraska korona ayaa gudashadii ramadaankana isbedel ku keenay

Fayraska koronaha ayaa is bedel ku keenay habkii muslimiinta Finland u soomi jireen bisha barakaysan ee ramadaan.

Imaamka Jaaliyadaha Islaamka ee Finland Anas Hajjari ayaa sheegay inay xaaladahadda jirta khasbayso in sanadkaan soonka bisha ramadaan loo guto si ka duwan sidii hore.

Ramadaanka oo ah bisha soonka ayaa sanadkaan bilaabanaya habeenka khamiista ee 23.bisha afraad, wuxuuna dhamaanayaa 23. bisha shanaad. Muslimiintu waxay soomaan maalin walba qorraxdu marka ay soo baxdo ilaa ay ka dhacdo.

Hijri ayaa sheegay inuu maamulka jaalliyadu xubnahiisa u diyaarinayo tilmaamo la xiriirta say u gudan lahaayeen ramadaanka. Timaamahaan ayaa raacay soo jeedintii ay soo saartay dowladda Finland, taasoo lagu sheegay in kulamada bulshada lagu koobo tooban qofood. Kulamada ka badan 10 qofood ayaa la joojiyay ilaa 13. bisha shanaad.

Tusaale ahaan, isu imaatinkii salaadihii jamaaciga ahaa (taraawiixda iyo laylka) ayaan tirada noogu jirin sanadkaan, waxaana taas u sababa masaajidka oo xiran, ayuu yiri Imaam Hijri.

Hijri ayaa sheegay inay xubnaha ku hagayaan, inuu reer walba sanadkaan gurigiisa ku afuro, isla markaaana aan la la ogolayn is booqashadii iyo afur-wadareedkii horay caadada u ahaa.

En traditionell kvällsmåltid, iftar, bestående av te och nötter.
Yle/Sari Veikkolainen

17.4.2020

Faafidda Koronaha ayaa sababtay inay finnish aad u badan dabagal ku sameeyaan caafimaadkooda

Bogga internetka ee omaolo ayaabil ka hor lasoo dhigay foomam luqadaha finnishka iyo swedishka ah, foomamkaas ayuu qofku ku qiimayn karaa astamaha uu isku arko ee suurogal ka dhigi kara inuu qabo fayraska koronaha. Foomamka waxaa durbadiiba la buuxiyay qiyaastii 356 000 oo jeer.

Qofka isakaga shakisan koronaha ayaa foomka uga jawaabaya su’aalo la xiriira calaamadaha uu isku arko. Intaa kadib ayuu qofku helayaa la la talin ah, inuu xaaladiisa guriga kula socdo, inuu la xiriiro howl-wadeennada caafimaadka si uu uga helo macluumaad dheeri ah iyo inuu si toos ah u aadayo isbitaalka heeganka ah midkood.

Xaaladda koronaha ayaa moodaa inay sidoo kale dadka ku dhalisay dabagal dheeraad ah oo dadku sida kaleba xaaldooda caafimaad ugu samaynayaan. Idaacada Yle ayaa kal hore baahisay, in xilliga guga dhexdiisa ay farmashiyayaasha, bakhaarada iyo bogaga ganacsiga internetkaba ka dhamaadeen qalabka lagu cabira heerka ogsijiinka ku jirta dhiigga.

Ilkka Julkunen, oo ah brofisoor ku takhasusay cudurka virology (fayrasyada), kana tirsan jaamacadda Turku, ayaa sheegay inay dad badani umuuqdaan kuwo welwel ka qaba caafimaadkooda. Si walbaba ha noqotee, brofisoorka ayaa dadka xasuusinaya inaysan jirin wax kalifaya, in dadka caafimaadkooda aasaasiga ah uu wanaagsanyahay ay dabagal dheeri ah ku sameeyaan xaaladooda.

Wuxuu brofisoorku sheegay, inaan loo baahnayn, in mar kastoo qofku isku arako calaamadaha hargabka sida duuf ama qufac inuu is baaro, balse taas bedelkeeda ay haboontahay inuu la socdo sida xaalku ku socdo.

Ruutukaappaus Omaolo-palvelusta
Yle

“Bukaanka ayaa xabadka loo dhigaa sidaana ahaada 15-16 saacadood” – Kalkaaliso caafimaad ayaa sharaxaysa nololsha adag ee bukaanka koronaha ugu jira isbitaalka qaybtiisa gargaarka degdega ah

Terhi Tuominen-Seittonen oo ah kalkaaliso caafimaad oo ka howlgasha HUS qaybta gargaarka degdega ah ayaa Yle barnaamijka A-studio si aan gambad lahayn uga war bixisay nolol maalmeedka bukaanka koronada darteed u yaalla isbitaalka qaybta gargaarka degdega ah. Bukaanka ayaa dhambacaad loo dhigaa markii lagu xiro mashiinka neefta siiya.

– Sidaas ayaa ah habka sambabada loo furo. Waa howl wayn marka bukaanka caloosha loo hoos mariyo, sidaana uu ahaado 15 -16 saacadood. Markaas ka dib ayaa la fiiriyaa bal in si kale loo rogi karo ayay tiri Tuominen-Seittonen.

Shaqada shaqaalaha gargaarka degdega ah ayaa iyana ah mid culus.

– Dadka qaar ayaad ka dareemaysaa inaysan dadka dhami meesha wada joogi karin. Dabcan argagax ayaa dhacaya. Waa inaad ku shaqaysaa gafuursaab (maasgarada neefta) iyo dhar kugu dhegan, waana kulayl ayay Tuominen-Seittonen ku sharaxday.

–Shaqaalaha cusub ee goor dhow shaqada loo tababaray ayaa la shaqeeya kuwa khibradd leh, gargaarka degdega ahna, majirto cid kaligeed gooni u shaqaysa, ayay ku dartay Tuominen-Seittonen.

Tuominen-Seittonen ayaa guud ahaan dadka ka rajaynaysa hal wax.

– Rajadaasu inay dadku guryohooda ku joogaan. Taas ayaa ah rajada ugu wayn ee kalkaaliyaasha caafimaadka.

Terveydenhoitohenkilökunta pukevat suojavarusteita päälleen  Ambroise Pare klinikalla Pariisissa.
Christophe Petit Tesson / EPA

THL: Baaritaannada fayraska koronaha ayaa la sii kordhin doona

Machadka caafimaadka iyo nolol wanaaga (THL) ayaa raba inuu kordhiyo dabagalka faafida cudurka iyo baaritaannada shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo arimaha bulshada.

Waqtigaan xaadirka ah ayay shaybaarrada microbiolojiyada ee ruqsadda u haysta qaadi karaan in ka badan 4000 oo sambal maalintiiba.

Qoraalka THL oo ah mid dib loo cusboonaysiiyay ayaa lagu xusay in baaritaan loo diro guud ahaan bukaannada qaba jirrooyinka aasaasiga ah iyo kuwa qaba jirrooyinka daryeelka gaarka ah u baahan, isla markaana lagu arko calaamado tilmaamaya fayraska koronaha, amaba qiimayn dhakhtar ka dib ay jirto sabab looga shakiyo inuu qabo koronaha.

Sidoo kale, waxaa baaritaannada loo diri doonaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo arimaha bulshada iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeeya meelaha lagama maarmaanka ah, hadii lagu tuhmo cudurka.

Sairaanhoitaja tekee koronavirustestiä
Pasi Takkunen / Yle

Awooda gargaarka degdega ah ee Finland way dabooli kartaa baahida jirta inta faafida koronaha socoto

Wasiiradda caafimaadka iyo arimaha bulshada ayaa qiyaastay in gargaarka degdega ah ee Finland uu dabooli karo baahida jirta intuu socdo covid-19. Wasaaradda ayaa aaminsan inay qiyaastani tahay mid ku salaysan guud ahaan xogta maanta lahayo iyo inta macquulka ah ee la saadaalin karo.

Bayaankan wuxuu qayb ka yahay waxyaabaha ay dowladdu u cuskatay go’aankeedii ku aadanaa xayiraadii laga qaaday xuduudaha gobolka Uusimaa.

Wasaaraddu waxay dabagal ku samaysaa culaysyada ka jira qaybaha jiifka ee isbitaallada iyo kuwa gargaarka degdegga ah ee la dhigo dadka aadka u liita.

Wasaaradda ayaa u aragta, inay tirada bukaanku ka yartahay intii la malaynaayay.

hoitajan ja potilaan kädet
AOP

THL: Nadaafada gacmaha weli waa la xoojin karaa

Sida uu qabo Machadka caafimaadka iyo nolol wanaaga (THL) waxaa suurto gal ah in la xoojiyo nadaafadda gacmaha.

THL ayaa ku talinaya in gacmo nadiifiyeyaal la helo mar walba oo aysan suurto gal ahayn in gacmaha biyo lagu mayrto.

Jeermis-dilayaasha ayaa lagu taliyay tusaale ahaan la dhigo halka hore ee laga soo galo xarumaha dukaamada (ostoskeskus), agagaarka albaabada iyo kaasooyinka dukaamada, boosteejooyinka, maxadooyinka waawayn iyo weliba gaadiidka dadwaynaha.

THL ayaa aaminsan in goobaha caamka ah loo isticmaali karo jeermis-dile kasta oo aalkolada ku jirta ay ay ka badantahay boqolkiiba 70.

Käsidesiä Helsingin rautatieasemalla 16.4.2020
Käsidesiannostelijoita kokeiltiin ensimmäisenä Rautatientorin metroasemalla.Petteri Juuti / Yle

Xafladihii iyo qalinjebintii ardayada dugsiyada sare ayaa dib loo dhigay

Qabanqaabiyayaasha wax barashada iyo midowga degmooyinka ee Kuntoliitto ayaa ku talinaya in qalinjebinta ardada dugsiyada sare iyo xafladdaba loo raro dhamaadka bisha sideedaad.

Soo jeedintaan ayaa lagu xusay inay iskoolladu xafladda u qaban karaan hab online ah dhammaadka bisha shanaad, shahaadooyinkana ardayda loogu diri karo boostada.

Taariikhda xafladda iyo qalin jebinta ayaa lagu wadaa maalinta inay dhacaan 28:da agoosto oo jimce ah ama 29:ka oo sabti ah. Si walba hanoqotee iskuullada ayaa awood u leh inay go’aan gaaraan marka ay qabanayaan xafladda.

ylioppilaslakki abin kädessä
Meeri Niinistö / Yle

Ilaa hadda saddex meelood laba kamid ah geerida fayraska koronahu sababay ee Finland ayaa ka dhacday guryaha daryeelka.

Guud ahaan tirada dhimasho ee la xaqiijiyay, isla markaana lala xiirinayo koronaha ayaa 14.kii bishii afraad garayay 42 kiis, halka guud ahaan dhimashaa koronaha dalka dhan ay ahayd 64.

Goobo badan oo ka mid ah kuwa daryeelka ah ayaa waxaa ka jiray baahi loo qabo agabka badbaadada. Xaaladda ayaa waxaa sii murjiyay iyadoo koronaha ka horba ay horay u jirtay kalkaaliyaasha caafimaadk oo yaraa. Maqnaanshaha kalkaalisooyinka caafimaadka ee koronuhu sababay ayaa sidoo kale xaaladda ka sii dartay.

Horay ayaa dunida loogu arkay tilmaamo cadaynaya sida dhakhsaha badan ee fayraska koronaha ugu faafi karo aqallada daryeelka.

Tusaale ahaan dalka Isbayn ayaa hal guri oo kuwa daryeelka ah waxaa ku dhintay 20 qof, halka 75 kale oo isug jiray shaqaalihii iyo dadkii lagu xanaanaynayay uu ku dhacay cudurku. Waxayna arintani dhacday ka dib markuu fayrasku soo galay aqalka.

Attendon hoivakoti Kallionsydän Kiuruvedellä.
Toni Pitkänen / Yle

16.4.2020

Kiisasaka fayraska koronaha caalamka ayaa kor u dhaafay laba milyan

Dabagal ay samaysa jaamacadda John Hopkins ayaa sheegaysa in kiisaska korana la xaqiijiyay kor u dhaafayaan laba milyan. Maraykan oo koronihiisu ku dhowyahay 683000 ayaa ah meesha koronaha ugu badan lagu xaqiijiyay koronaha. Isbayn waxaa la xaqiijiyay 170 000 halka Talyaanigana la xaqiijiyay ku dhawaad 16000 oo kiis.

Maalintii khamiista ee 2. bishii afraad oo laga joogo wax ka yar laba usbuuc ayay ahayd markii tirada dadka qaba koronaha ay kor u dhaafeen hal milyan. Ku dhowaad 120 000 oo qof ayaa dunida dhan ugu geeriyooday koronaha. Dalka ugu badan ee dadku uga geeriyooday koronaha ayaa ah Maraykanka oo ay ku dhinteen in ka badan 23 500, halka Talyaaniga iyo Isbaynna ay ku geeriyooday gaarayaan ku dhowaad 20500.

Isla khamiistii 2. afraad ayay dadka koronaha u dhintay kor u dhaafeen 50 000 oo qof.

näytteenotto covid19 porvoo
/Markku Rantala / Yle

Mowjadda labaad ee koronaha ayaa Yurub ka soo geli dunida soo koraysa

Jutta Urpilainen (sd), oo ah wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan iskaashiga caalamiga ah isla markaana ah u qaybsanaha arimaha Afrika ayaa sheegtay in, hadii aan si dagdaga loogu guulaysan hoos ridida dhibaatada koronaha, ay mowjada labaad ee koronaha Yurub ka imaan doonto dunida soo koraysa. Qaabka ay wadamada soo koraya ugu diyaarsanyihiin ka hortagga iyo la dagaallanka fayraska ayaa ah mid aad uga liidata Yurub iyo wadamada reer galbeedka.

In kastoo ay dhic ikarto inuu fayrasku Yurub xooga ka yara dego oo dabacsanaan la dareemo, isla markaana la qaado xayiraadaha, hadana mushkiladda koronaha ma dhammaanayso ilaa inta dunida dhan laga xallinayo ayay tiri Urpilainen.

Urpilainen waxay intaa ku dartay inuusan fayraska koronuhu aqoonsanayn xadaduudaha, taasna ay macnaheeda tahay in ilaa inta viruskani ku noolyahay meel dunida ka mid ah aysan jirin cid ammaan ah.

Urpilainen ayaa tusaale ahaan khatar wayn u aragta qaaradda Afrika oo ay ku noolyihiin ilaa 1,2 bilyan oo qof. Ku dhowaad guud ahaan dalalka Afrika ayaa la xaqiiyyay koronaha.

Saa daraadeed, damiir ahaan waa waajibaad nasaaran inaan caawinno dalalka soo koraya oo awooddooda ka hortagga cudurka iyo la tacaalidiisaba ay si aad ah uga hoosayso Yurub iyo wadamada reer galbeeka ah. Tan kale, danteenna ayaaba sidaa ku jirta.

Urpilainen waxay qabtaa in gudiga Yurub ay hadaba bilaabeen dardar-gelinta la dagaallanka koronaha. Waxaa dib u qiimayn lagu sameeyay lacag gaaraysa gaaraysa15,6 bilyan oo euro oo Yurub ku kaalmo ahaan u bixiso, taas oo loo wareejiyay la dagaallanka koronaha.

-Waxaan ka kaalmayn doonnaa gargaarka dagdagga ah, waxaana tusaale ahaan u gayn doonnaa mashiinnada neefta.

Dib u qiimaynta kaalmadaan ayaa looga gol leeyahay in lagu taageero nidaamka caafimaad ee ka jira dalalka soo koraya. Waxaan gacan ka gaynsan doonnaa dhibka uu koronuhu u gaystay dalalka soo koraya haday noqon lahayd xag dhaqaale iyo mi bulshaba.

Jutta Urpilainen
/Olivier Hoslet / EPA

Boliiska ayay xilligii Eesterka oo dhan khasab ku noqotay inuu faragelin ku sameeyo dhallinyarta isu soo ururaysa.

Dabayaaqadii todobaadka oo dhan ayay boolisku ku qasbanaadeen inay dhowr kulan oo dhallinyaro isugu soo ururtay kala diraan. Kullamada dhalliyarada ayaa ahaa xilligii Easterka, kana hor imaanayay talobixintii koronaha.

Booliska ayaa sheegay in koox dhalinyaro ah oo gaaraya boqol ay xilliyada fiidadkii ah isugu soo urureen magaalada Pori. Da’ yartaan oo qayb ahaan kala fikir duwanaa isla markaana hanjabayay ayay sadax habeen roondada boolisku kala direen.

Sidoo kale, magaalooyinka Seinäjoki iyo Vaasa ayaa markay ugu darnayd waxaa isugu soo ururay dhallinyaro wadatay qiyaastii 100 gaari. Booliska ayaa aaminsan inay haboontahay in waaridku xil iska saaraan sidii ay caruurtoodu uga joojin lahaayeen ka qaybqaadashada meelaha laysugu tagayo..

Ilaa hadda kulamadaan ayaa si is daba joog ah kala diridda dhallinyarada loogu adeegsaday talo, hagid, ogaysiis iyo amarro ah inay goobta isaga tagaan. Intaa waxaa xiga ganaax ku yimaada amar-diido iyo faragelin lagu sameeyo xorriyadda qofka iyadoo loo cuskanayo sharciga booliska.

Kenttäpoliisin selkämys.
/Eleni Paspatis / Yle

15.4.2020

Fidida fayraska koronaha ayaa si muuqata ugu siyaaday soomaalida degan Helsinki

Faafidda farayska koronaha ayaa si muuqata ugu siyaaday bulshada soomaaliyeed ee degan magaalada Helsinki. Shir jaraa’id oo qabatay magaalada magaalada Helsinki yaa lagu sheegay, in ilaa hadda la xaqiijiyay 200 oo qof oo soomaali ah, kuwaas oo fayrasku haleelay. Guud ahaa dadka reer Helsinki ee fayrasku haleelayay ayaa kor u dhaafaya kun qofood.

Marka loo eego dadka magaalada ku nool, soomaalida 1,8 boqolkiiba ayaa fayraska qaaday, halka dadka kale ay 0,2 boqolkiiba qaadeen cudurka.

Magaalada Helsinki iyo isbitaallada HUS (Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri) ayaa xaaladaan walwal ka muujiyay. Labaduba waxay qorsheynayaan xoojinta qaabkii ay u xakameyn lahaayeen faafidda fayraska.

Duqa magaalada Helsinki Jan Vapaavuori ayaa sheegay in loo baahanyahay inay dhinacyada kala duwani ka wada shaqeeyaan, isla markaana lasii hormariyo adeegyada iyo fariimaha ku wajahan luqadaha qaar. Magaalada Helsinki ayaa xilligaan wada hadal kula jirta Somaliliitto. Waxaa wada hadalkaa looga gol leeyahay sidii loo heli lahaa tallaabooyin cusub oo lagu hagaajiyo marxaladda. HUS ayaa tusaale ahaan wacyi gelintooda ku siyaadiyay luqado iyo weliba habab kala duwan oo muuqaalkuna ka mid yahay.

Ku xigeenka duqa magaalada Nasima Razmyar yaa carabku kudhufatay in magaalada uu xil ka saaranyahay wacyi gelinta bulshooyinka kala duwan ee ku nool. Waxay sidoo kale ka codsatay dhamaan qowmiyadaha kala duwan inay xil iska saaraan fulinta talobixinnada looga hortayo coronaha. Waqtiga Ramadaanka iyo maalinta xigta ee ciidda oo ah xuska ugu muhiimsan sanadka waa in sanadkaan loogu dabaaldegaa si ka duwan sanadadii hore.

Huslab-laboratorion kyltti seinällä.
/Silja Viitala / Yle

Xirnaanshihii xuduudaha Uusimaa ayaa dhamaanaya

Xirnaansha xadadka Uusimaa ayaa dhamaanaya 15.4. Dowladda ayaa sheegtay inaysan hadda jirin sharci loo cuskado xirnaanshaha xadka. Si walba ha noqotee dowladdu waxay dadka ku boorrinaysaa inay weli iska ilaaliyaay isu socodka aan dantu ku jirin ee dalka gudihiisa ah.

Raysil wasaaradda ayaa tusaale ahaan tiri, waa inaysan dadku aadin aqallada loo fasax baxo, ayana iska ilaaliyaan inay adeegyadooda ku dhamaystaan degaanka loogu fasaxa baxay. Wasiiradda arimaha gudaha Maria Ohisalo ayaa iyana carrabka ku dhufatay in dadka aaday aqallada fasax-baxa ay culays ku hayaan booliska degaankaas.

Dowladdu waxay ku nuuxnuuxsatay inay xaaladdu weli adagtay. In kastoo xadka Helsinki la furay, hadana guud ahaan xakamayntii kale ayaa sidoodii u taagan. Dowladdu waxay tusaale ahaan, ku talinaysaa in shaqooyinka onlinka lagu lagusii wado. Hadiiba ay suurto gal tahay waa in guriga la joogaa. Tusaale ahaan, waa inaan munaasabadda kowda may lagu qaadan banaanka.

Poliiseja Uudenmaan rajalla.
Petteri Juuti / Yle

14.4.2020

Itixaannada xulashada ardayda waxbarashada sare (Ammattikorkeakoulu) ayaa online loo qaban doonaa

Jaamcadaha (Ammattikorkeakoulu) ayaa go’aansaday, inay itixaanka xulashada ardayda ee xilliga guga u qabtaan hab online ah. Jaamacadaha caadiga ah ayaa sidoo kale ka tanaasulay habkii soo-jireenka ahaa ee ay itixaannada xulashada ardayda u qaban jireen. Waxaana taas sabab u ah xaaladda aan caadiga ahayn ee fayruska koronahu keenay.

Xulashada ardady Ammattikorkeakouluga ayaa la qabandoonaa bisha lixaad horraanteeda, iyadoo maalintana gadaal laga shaacin doono.

Habka xulashada jaamacadha caadiga ah ayaa, inta aan la gaarin dhammaadka bisha afraad, la sheegi doonaa.

Jaamacadaha caadiga ah iyo Ammattikorkeakouluyaasha ayaa sabata ay saa u samaynayaan ku sheegay, si aysan khatar u gelin caafimaadka shaqaalaha iyo ardayda wax dalbanaysa.

En kvinna studerar och skriver på datorn.
Lukeminen kannattaa, tai siis opiskelu. Ainakin yleensä.All Over Press

VR ayaa yaraynaysa socodkii tareenada gobollada

Xaaladda koronada darteed ayay VR go’aansatay inay yarayso isu socdkii tareenada gobollada.

Sababta loo dhimay ayaa ah rakaabkii oo aad u yaraaday iyo tilmaamihii dowladda ee sheegayay in la yareeyo isu socodka aan muhiimka ahayn.

Si kastoo ay saa tahayba VR way sii wadi doontaa safarrada watiyada laga maarmaanka u ah xaqiijinta shaqo-aadidda, kuwa danaha muhiimka ah iyo kuwa bulshada aan looga maarmin.

Ma jirto khad laba meelood isku xira oo gabi ahaantiisaba la joojinayo.

Jadwalkaan waqtiyada tareenada lagu dhimay ayaa shaqaynaya inta u dhaxaysa 4. -24. bisha shanaada

Turun rautatieasema
Viivi Sihvonen / Yle

Booliska ayaa ka digaya: Caruur badan ayaa laga ayaabaa in netka lagu faraxumeeyo sababo la xiriira koronaha awgood

Booliska dhexe ee dembi baarista (KRP) ayaa sheegay in khatarta faraxumaynta ee caruurtu kala kulmi karto netka ay siyaaday intii ay jirtay dhibaatada koronaha.

War-saxaafadeedka KRP ayaa lagu sheegay in calaamadahaas lagu arkay Finland iyo dunida kaleba. War-saxaafadeedka KRP ayaa sidoo tixraacay warbixintii u dambaysay ee Europol, taas oo lagu sheegay in todobaadyadii u dambeeeyay la dareemay kororka waxyaabaha netka ee la xiriira dembiyada faraxumaynta caruurta.

Maadaama waxbarashii iskoollada laga dhigay onlineka ,ayeey caruurtu xilligaan isticmaalaan netka in ka badan intii hore, iyaga oo caruurtu asxaabtooda kula xiiraraan aaldaha internetka ee kala duwan.

Booliska ayaa ku tilmaamay, nasiib-darro waqtagaan aan caadiga ahayn ee lagu jiro owgiis in eey fursad iyo waqtiba u heleen dambiilayaasha xiiseeya in eey faraxumeeyaan Caruurta.

Booliska ayaa waaridiinta ku boorrinaya in eey caruurtooda kala hadlaan hab-dhaqanka isticmaalka internetka.

Waxaa kaloo muhiim ah in uu waaridku ogaado barnaamijyada, adeegyada iyo ciyaaraha uu caruurku netka ka isticmaalayo iyo da’da loogu talogalay.

Telefon i handen
Tiia Lillkvist/ Yle

Xarunta Xaqiijinta Daryeelka lagama maarmaanka ah ayaa soo gaday maaskarooyin aan waxba gelin

Wasiiradda shaqada Tuula Haatainen ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay fasaxa Easterka ka hor ku sheegtay inaan la raacin tallaabooyinkii taxadar ee loo baahnaa markii la dalbanayay maaskarooyinka neefsashada. Haatainen ayaa intaa ku dartay, inay tahay wax la fahmi karo, inay khaladaad dhacaan markii uu dareen jiro oo lagu dhex shaqaynayo cadaadis culus.

Xarunta Xaqiijinta Daryeelka ayaa diiday inay maaskarooyinka neefta ka dalbato shairkad finnish ah oo la qadariyo magaceeda la yiraahdo Optinova. Tan bedelkeedii ayay waxay dalbka u martay Tiina Jylhä oo ka ganacsata alaabaha laysku qurxiyo. Arintaan ayaa magaalada Kuopio ka dhalisay xiisad ba’an oon horay loo arag isla markaana laysku haysto lacag gaaraysa milyan.

Haatainen waxay sheegtay insysan wasiirradu ka warqabin heshiiska HVK ee lala galay Onni Sarmaste iyo Tiina Jylhä. Haatainen waxay intaas ku dartay inay markii ugu horraysa warbaahinta ka maqashay ganacsatada heshiiska lala galay 9.4.

Warsaxaafadeedka ayay haatainen ku sheegtay in dalabyada baaritaan lagu samayn doono. Waxayna intaa ku dartay in arintu ay u dhacday si dagdag ah aakhirkiina ay sababtay inay adkaato sii haynta xilka shaqo ee madaxa Xarunta xaqiijinta daryeelka.

Madaxa Xarunta Xaqiijinta Daryeelka Tomi Lounema ayaa shaqadiisii isaga casilay xiisadaan dhacday awgeed.

Huoltovarmuuskeskuksen välittämä kuva Etelä-Suomessa sijaitsevasta varmuusvarastosta.
/Huoltovarmuuskeskus

Xaaladda aan caadiga ahayn ayaa sabab u noqotay in ajaanib laga sii daayo xarumihii khasabka loo lagu hayay

Shaqsiyaad ajaaniib ah ayaa laga siidaayay goobaha lagu xiro ajaanibta. Waxaana arintaan sababay xaaladda aan caadiga ahayn fayraska koronuhu keenay.

Xarumaha ajaanibta lagu hayo ayaa ku ala yaall Metsälä oo Helsinki ah iyo Joutseno o Lappeenranta ka mid ah. Tusaale ahaan, xarunta lagu hayo ajanibta ee Joutseno ayaa usbuucii hore laga oodda laga qaaday dhowr qof oo kasoo kala jeeday dalal kala duwan.

Qofka ayaa lagasii dayn karaa xarumahaas, hadii ay soo dhowdahay waqtiga ugu badan ee logu talo galay in lagu hayo xarumahaas, isla markaana aanan fayraska koronaha awgiis, lloo duuli karin dalkiisii. Laga billaabo marki la gaarayi go’aanka haynta ah, ilaa lix bilood sida caadiga ah, ama ugu badnaan12 bilood gudohood ayay waajib tahay in la sii daayo qofka ku xiran xarumahaas.

Xarunta Joutseno waxay qaaddaa 68 qofood, halka Metsälä oo Helsinki ahna ay qaaddo 40 qof. Ajaainbta ayaa sababo kala duwan loogu xiraa xarumahaan. Dhalashada qaar kamid ah macada, halka qaar kalena la’aaminsanyahay inay samaynayaan fal-dembiyeed hadii lasii daayo.

Qaar ka mid ah dadka ku jira xarumahaas ayaa haysta go’aanka diidmada magan-galyo doonka. Si walboo ay tahayba, diidmada kaliya ma ahan sabab qofka loogu xiro goobahaas.

Qofka go’aanka diidmada haysta ayaa qasab lagu hayn karaa, hadii boolisku aaminsanyahay inuu dhuuman karo inta aan dalkiisii loo celin.

Dalal kale ayaa sida Finland dad uga sii daayay xarumihii loogu hayay. Waxaa sii daymahaas sabab u noqday cabsi laga qabo inuu fayrasku ku faafo xarumahaas iyo xaduudaha la xiray.

Lähikuva, piikkilanka-aita, kalterit ikkunoissa
/Retu Liikanen / Yle

Dadka ayaa bilaabay la dagaallanka hargabka. Hargabku wuxuu ku dhowaaday heer uusan jirin

Tirada dadka hargabku ku dhacayo ayaa is daba joog ah hoos ugu dhacaday. Hay’adda caafimaadka iyo nolol wanaagga ayaa sheegtay, in hargabka noociisu yahay A, shaybaarraduna xaqiijiyeen uu 5000 ka yaryahay intuu ahaa sanadkii hore waqtigaas oo kale.

Bishii sadaxaad 13:keedii ayay tirada hargabku ka yarayd 3000, marka la barbar dhigo sanadkii hore. Tan ayaa macnaheedu yahay inuu si xowli ah hoos ugu dhacay.Tusaale ahaan, todobaadkii 13:aa ee sanadkan ayaa la helay 44 kiis oo hargabka nooca A:ga ah, halka tirada sanadkii hore ay ahayd 928.

Dhanka kale, hargabka nooca B, ayaa qaboobahaan la xaqiijiyay tiro 2000 ka badan qaboobahii hore. Bishii labaad ayaa hargabku ka jiray dalka dhan, laakiin tiradu aad uma badnayn.

Mid ka mid ah sababaha hoos u dhigtay hargabka ayaa laga yaabaa inay tahay, iyadoon baaritaannada hargabka sidii hore loo samayn. Sidoo kale booqashada xarumaha caafimaadka ayaa si aad ah hoos ugu dhacay todobaadyadii la soo dhaafay.

Faafidda fayraska koronaha ayaa dhankeeda badisay mayrashada gacmaha. Waxaana laga yaabaa inay taasu yaraysay isu gudbinta hargabka.

Person pumpar handdesinfektionsmedel ur en flaska
Mostphotos

Sanna Marin ayaa dhaleecaysay diyaar-garowga kala dhiman ee waaxyaha caafimaadka iyo degmooyinkaba.

Raysul wasaaradda dalka Sanna Marin (sd) ayaa barteeda Twitteka ku faafisay, inaysan dhammaan waaxyaha caafimaadku sidii la rabay isugu diyaarin faafidda cudurka.

Marin ayaa qortay, inay tahay, in qaybaha daryeelka caafimaadku kaydkooda ku haystaan agabka bad-baadada iyo waxyaabaha kale ee daryeelka caafimaadka muhiimka u ah, ayana oo ku filaadaan mudo 3 – 6 bilood ah. Masuuliyadda kaydintaas ayay sheegtay inay qolo walba iskood u saarantahay.

Marin ayaa sheegtay in bishii labaadba ay cadaatay, in diyaaar-garowga qaybaha qaar uu kala dhintaalnaa.

Isbitaalka dhalmada Naistenklinikka ayaa laga furi doonaa qayb lagu dhalo ilmaha aan bilo dhamaysan.

Isbibtaallada HUS ayaa saadaaliyay in kiisaska dhalmo ee koronuhu saamaynta ku yeesho ay si muuqata u siyaadi doonaan bilaha. Arintaan ayaa ka dhacday dalalka uu sida xun u saameeyay faafida cudurka.

Isbitaallada Uudenmaan sairaanhoitopiiri ayaa arinkaas dartiis loogu diyaar garoobi doonoo intaan la gaarin fasaxa Easterka (pääsiäinen). Naisetenklinikka ayaa bukaanka koronada qaba looga furi doonaa qayb lagu dhalo, taasoo qaadaysa 15 qof. Waxaa qaytaas lagu dawayn doonaa hooyooyinka koronada daraadeed waqtigoodii dhalmo uu soo dagdago.

Hooyada dhalaysa, loona badinayo inay u baahantahay ogsajiin dheeraad ah ama mashiinka lagu neefsado ayaa qalliin lagu samayn doonaa. Hooyada cudurku sida fudud uhayo ayaa waqtiga uurka dhamaysan doonta, waxayse ku dhali doontaa qol karantiil ah oo loo gaar yeelay. Waxaa lagu qaabili doonaa loona ogolyahay inay ku dhalaan guud ahaan isbitaallada dhalmada ee HUS.

Hooyooyinka ka cabanaya neef-mareenka ayaa si fudud loogu diri doonaa baarintaanka fayraska koronaha. Si loo badbaadiyo shaqaalaha, hooyooyinka dhalaya iyo caruurkaba, waxaa muhiim ah in hooyada cudurka qabta durbaba dhibkeeda u sheegto isbitaalka.

Ilaa hadda wax macluumaad ah lagama hayo khatarta caabuqqa neefmareeka ee fayraska korona uu ku keeno xaamilada. Waxayse u egtahay inuusan fayraska koronuhu hooyada ku hayn khatar wayn. Inta la ogyahay hooyadu si toos ah uguma gudbiso fayraska korona caruurka dhashay. Waxay u egtahay inuusan caabuqu dhex maraynin mandheerta si uu gaaro caruurka caloosha ku jira.

vauva makaa hoitopöydällä
/Antti Kolppo / Yle

Dowladda ayaa ku dhawaaqday miisaaniyad dheeri ah gaaraysa 4.1 bilyan

Dowladda ayaa arbacadii soo bandhigtay qiimayn maaliyadeed oo taariikhi ah, isla markaana ballaaran. Qiimayntaasu waxay gaaraysaa € 4.1 bilyan. Qiimayntaas ayaa 3,6 bilyan euro oo ka mid ah waxaa loo qoondeeyay sanadkaan, halka 500 oo milyan oo kalena loo qorsheeyay sanadka dambe.

Dowladda ayaa xad-ilaaliyayaasha u qoondaysay inay u siyaadiso 8,4 milyan euro. Kharashkaas wuxuu ku bixi doonaa shaqooyinka dheeriga ah ee soo siyaaday.

Booliska ayaa iyana, si loo joogteeyo waxqabadkiisa loona sugo hawlgalka, la siin doonaa maalgelin gaaraysa 10 milyan oo euro sanadka soo socda ee 2021.

Taageerada loogu talo galayo xaqiijinta hab-sami u socodka shaqada shirkadaha ayaa la kordhin doonaa qiyaastii hal bilyan. Sidoo kale, degmooyinka ayaa guud ahaantood ayaa loo qoondeeyay taageero gaaraysa qiyaastii hal bilyan.

Ciyaaraha, dhaqanka iyo isboortiga ayaa iyana lagu taageeri doonaa lacag ka badan 60 milyan oo euro. Kaalmadaas ayaa tusaale ahaan lagu dabooli doonaa dakhligii tikidhada ee aan la helin.

In ka badan hal bilyan oo qiimaynta miisaaniyadda dheeraadka ah ayaa loogu talo geli doonaa kharashaadka dheeraadka ah ee ka ku baxaya damaana qaadka arimaha bulshada (kharashaadka sooshalka). Kelada waxaa loo qoondeeyay qiyaastii 40 milyan oo loogu talo galayo in lagu fududeeyo xallinta dalaabaadayda kaalmada iyo 20 milyan oo loo talogalay khasnadaha bixiya lacagta shaqo la’aanta.

Opetusministeri Li Andersson (vas.), valtiovarainministeri Katri Kulmuni, pääministeri Sanna Marin, sisäministeri Maria Ohisalo ja oikeusministeri Anna-Maja Henriksson hallituksen kehysriihineuvotteluiden tiedotustilaisuudessa Helsingissä 8. huhtikuuta 2020.
/Markku Ulander / Lehtikuva

9.4.2020

8.4.2020

Goobaha lagu hawo-qaato ayaa la filayaa inay dadku ku bataan maalmaha fasaxa Eesterka (pääsiäinen)

Dad badan ayaa qorshihii ay maalmaha fasaxa Easterka ku aadi lahaayeen safarrada iska bedeleen fiditaanka koronaha awgiis.

Gaar ahaan dadka degan gobolka Uusimaa oo ka go’odoonsan dalka intiisa kale ayay yaraadeen fursadahoodii safar. Qaar badan ayaa baajiyay safaradii barafka ee ay waqooyiga ugu bixi jireen. Safarradii koofurtana kaba sii daran.

Lama mamnuucin in lagu hawo qaato banaan. Sidaas daraadeed waxaa la filayaa in meelaha dabiiciga ah (luonto) ee hawada lagu qaato booqdaan dad faro-badan maalmaha fasax diimeedka Easterka.

Masaafada badbaadada oo laysu jirsado iyo gacmaa oo dhaqidooda oo la xoojiyo ayaa isku si muhiim u ah magaalo hadii la joogo iyo hadii duur la joogaba. Si aanay Finland usoo rogin bandow, waa inay dadku u dhaqmaan si xilkasnimo iyo masuuliyadu ku jirto. Päivi Rosqvist oo ah madaxa is-gaarsiinta adeegyada dabiiciga kaymaha Metsohallitus ayaa dadka xasuusinaysa inay muhiimaddu ka wayntahay inaad hesho xuquuq aad hilinkaaga ku shiilato (makkaranpaisto) ama aad ku gasho meelaha ugu muhiimsan goobta hawo-qaadashada loo yimid.

Xarunta dalxiiska ee Lapland ayaa horay albaabada laysugu laabaay, wadooyinka yaryar ee dhex mara xaruntaasna wax shaqo ah lagama qabto. Matsahallitus ayaa xirtay goobaheeda dalxiiska iyo aqallada ay leedahay ee ku teedsan wadooyinka ugu caansan goobahaas. Dhowr meelood oo manaaradaha dhaadheer ee aqallada u ah shimbiraha ayaa hadda xiran.

Suomen latu oo ah urur ku howlan hawo-qaadashada iyo dhaqdhaqaaqa caafimaaka leh ayaa daabacay talobixin la xiriira hawo-qaadashada xilkasnimada leh ee waqtigaan uu faafayo fayrasku.

1. Waa la joogaa waqtigii hawo qaadashada. Soo qaado oo ku raaxayso, maskaxda ku furfur, laakiin raac amarrada iyo hagidda hawl-wadeennada.

2. Haba yaraatee hadii aad iska dareemayso xanuun, ama aad hadda kasoo kacday xanuun, gurigaaga joog.

3. Iska ilaali dhexgalka bulshada. Lugee kaligaa ama qof la lugee qof reerkaaga ka ritsan.

4. Meeshaad ku hawo-qaadanayso ha-noqoto duurka kuugu dhow oo halkaa maskaxda ku furfuro. Ka dheeraw meelaha aadka loogu badanyahay. Meelaha ugu wanaagsan ee la booqdo ka dhigo markii uu dhamaado faafitaanka cudurku.

5. Iska ilaali goobaha jimicsiga banaanka iyo qalabka yaalla, meelaha caruurutu ku cayaaraan ee ay kor-koraan iyo dhismayaasha yaryar ee ku yaalla xadiiqooyinkaas caruurta.

6. Isticmaal galoofis hadii aad taabanayso alaabaha meelaha yaalla, gaanjooyinka albaabada ama waxyaabaha kale dushoodaba inta aad socoto.

7. Istimaal warqada sanka markaad diifayso, xattaa haddii aad ordayso.

8. Ujirso masaafo ugu yaraan laba mitir ka durugsan qofkaad salaamayso ee kaa horyimaad, kana sii gudub.

Bakunkärrin parkkipaikka Knutersintiellä, Sipoonkorven vaellusreittien varrella Sipoossa 21.3.2020.
/Eleni Paspatis / Yle

Isbitaallada ayaa difaac ka gelay inaan la xadin daawooyinka iyo agabka badbaadada

Faafidda koronaha iyo xaaladda aan caadiga ahayn ee bulshada finnishku ku jirto ayaa qasbaysa in lala yimaado taxadar dheeraad ah oo la xiriira daryeelka caafimaadka. Isbitaallada ku yaalla degaanno badan ayaa la adkeeyay taxadarka. Tusaale ahaan, isbitaallada HUS ee ku yaalla koofurta Finland, ahna halka ugu badan ee fayraska koronuhu saameeyay, ayay tahay in ilaalinta agabka badbaadada si aad ah loo adkeeyo.

Aaro Toivonen oo ah u qaybsanaha badbaadada iy diyaar garowga HUS ayaa sheegay inuu

hal dacwo gudbiyay mar la xaday agabka badbaadada. Agabka la xaday ayaa ahaa maasgraooyinka lagu neefsado, kuwaas oo dembiyada xadida la xiriira markaan ku wajahanyiin.

Toivonen wuxuu intaas ku daray in faafidda koronuhu ay kordhinaysay dembiyada la xiriira samaynta agabka badbaadada oo been-abuur ah. Waxaana taas sabababay baahida agabkaas suuqyada aduunku u qabaan oo badan iyo soo saarkiisa oon ku fillan.

Ilaalinta iyo dabagalka sida loo isticmaalayo agabka isbitaallada HUS ayaa la adkeeyay. Booqashada isbittaallada gabi ahaanba waa la mamnuucay.

-Waxaase jira xaalado ay tahay in si gaar ah loo qiimeeyo. Tusaale ahaan, qofka nafbaxaya ayay qasab tahay in loo ogolaado in lasoo booqdo iyadoo xalaadaan loogu jiro.

In kastoo la mamnuucay booqashada isbitaallada, sokeeyaha bukeennada qaar ayaa isku dayay in ku soo booqdaan isbitaallada, ilaa hadase weli looma baahan in loo adeegsado boolis si loo celiyo dadkaas.

Waxaan dadka ka codsanaynaa inay fahmaan culayska ay leedahay xaaladan aan caadiga ahay ee lagu jiro. Khatarta isku daarasho ee cudurka waa in la yareeyo. Inta badan, fakar la’aanta ayaa booqashada sabab u ah ayuu ku daray Toivonen.

Ihmisiä aulassa sairaalan vahtimestarin tiskin luona.
/Heikki Haapalainen / Yle

Tallaalka fayraska koronaha ayaa lagu bilaabay dad

Dhawr tallaal oo fayraska koronaha ah ayaa gaaray heer qaybihii ugu horreeyay lagu tallaalo dad mudawiciin ah. Haddii lagu guulaysto tijaabadan ayaa loo gudbi doonaa heerka xiga oo ah in lagu tijaabiyo dad xogaa intii hore ka badan.

Tijaabada labaad waxaa xigi doona mid sadaxaad oo lagu tallaali doono kumanyaal dad ah. Hadda waxay khuburadu ka fakarayaan in tijaabada heerka sadaxaad laga boodo si loo dedejiyo soo saarka tallaalka.

Soo saaridda tallaalka ayaa waxaa dedejiyay saynisyahannada aduunka oo si furan u wadaagay macluumaadyada ay heleen. Tartanka dunidu ugu jirto in tallaal loo helo fayraska koroonaha ayaa ah mid aad u badan. Waxaa waqtigaan la joogo lagu howllanyahay samaynta ku dhowaad boqollaal tallaal oo kala duwan.

Xarunta baarista tallaalka ee jaamacadda Tampere ayaa ku howllan samaynta tallaal ay leedahay. Samaynta tallaalkan ayaa maraysa heer billow ah.

Rokotekehittelyä laboratoriossa.
.Tampereen yliopisto

HUS ayaa walaac ka muujisay cudurka ku faafaya ajaanibta

Isbitaalka Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri (HUS) ayaa walaac ka muujiyay faafidda fayraska koronaha uu ku hayo ajaanibta. Waxaa idaacada Finland laga shaaciyay faafidda fayraska koronuhu ku hayo xaafad ay ajaanibtu ka deganyihiin Stolkholm.

Isbitaalka HUS ayaa sheegay in goohaba uu ka shaqeeyo, lagu xaqiijiyay fayraska koronaha oo ku dhacay dad asal ahaan ka soo jeeda ajinabi. Tirada saxda ah ee ajaanibta uu fayrasku haleelay ayaan la ogayn, maadaama uusan HUS bukaanka u diiwaan gelin halka uu ka soo jeedo.

Waxaan xiriir wacyi gelin ah la samaynay bulshooyinka ajaanibta ah. Xiriirkaas oo lagu doonayay in ajaanibta lagu baraarujiyo fayraska koronaha iyo saamaynta uu dhexdooda ku yeelan karo. Wada shaqayntu waxay u dhacday si wanaagsan. Welwelku waa mid guud ayay warbixinta ku sheegtay Dhakhtarad sare Piia Aarnisalo.

Huslabin kyltti ikkunassa.
/Tiina Jutila / Yle

Xakamaynta xadka ayaa lagu darayaa bil, xakamaynta isu socodka shaqo ee xuduudaha saaranna waa la adkayn doonaa

Dowladda ayaa shaacisay xadadayn cusub oo xuduudaha gudaha dalka iyo debaddaba ah. Dowladdu waxay go’aamisay inay ilaalinta xuduudda sii wado hal bil, taas oo macnaheedu yahay ilaa 13. bisha shanaad. Xadadka Sweden iyo Norway ayaa la rabaa in si gaar ah loo adkeeyo. Isu socodka shaqooyinka lagama maarmaanka ah oo kaliya ayaa la ogolaan doonaa.

Sidoo kale amarrada karantiilka ee safarrada shaqo ayaa la adkayn doonaa. Dadka ka shaqeeya Norway iyo Sweden iyo kuwa ka imaanayaa ayaa la rabaa inay dalkay joogaan ku galaan marxalad u dhiganta karantiil 14 maalmood ah.

Dowladda ayaa sidoo kale maraakiibta u aadda Sweden, Estoniya iyo Jarmalka kula talinaysa inay joojiyaan iibinta tikidhada dadka, laga billaabo sabtida soo socota.

Safarka dadka ee lagama maarmaanka ah, oo reer Ahvenanmaa ku tegayaan Finland iyo Sweden ayaa weli macquul ah, waase hadii ay jirto sabab kallifaysa.

Rajavartiolaitos suorittaa rajatarkastuksia Torniossa.
/Antti Ullakko / Yle

THL ayaa maadada antibody ku baaraysa siduu u faafo fayraska koronaha

Hay’adda caafimaadka iyo nolol-wanaagga THL ayaa bilaabaysa inay baaris ku samayso siduu fayraska koronuhu ugu faafo bulshada. Waxay THL baaritaanka ku samayn doontaa maadadada antibodiga oo sheegta inuu qofka horay ugu dhacay fayraska koronaha iyo in kale.

Ujeedada laga leeyahay baaritaanka ayaa ah in la ogaada cadadka dadka uu u samaysmay antibodiga ee fayrasku horay ugu dhacay. Waxaa kaloo cilmi-baaristaan lagu cabiri doonaa tirada antibodiga ku jirta jirka , waxaana lagula socon doono ilaa inta antibodigu jirka ku jiri doono.

Si bakhtiya-nasiib ah ayaa dadka qaar loogu diro doonaa warqadaha casuumaadda baaritaanka. Waxaa billawga hore awoodda la saari doonaa caasimadda iyo nawaaxigeeda. Boqolaal qof ayaa warqadahaas ballamaha ah guriga loogu soo diri doonaa bishan gudaheedaba.

Baaritaanka hadda bilaabanaya ayay THL ku sheegtay in lagula socon doono siduu koronuhu ugu faafay dadka kala duwan ee kala da’da ah ee ku nool magaalooyinka kala duwan.

THL ayaa sheegtay in la rabo in baaritaankaan 750 oo qof todobaadkiiba lagu sameeyo. Dadka la baarayo ayaa loo sheegi doonaa hadii laga helo antibodiga, taas oo macneheedu yahay inuu fayrasku koronuhu horay ugu dhacay.

 Koronaviruksen testausta terveyspalveluyritys Terveystalon Leppävaaran lääkärikeskuksessa Espoossa 1. huhtikuuta.
/Jussi Nukari / Lehtikuva

Finland waxay bilaabi doontaa samaynta maasgarada neefsashada

Wasiirka dhaqaalaha Mika Lintilä ayaa sheegay in 2–3 shirkadood oo Finnish ah ay bisha shanaad bilaabi doonaan samaynta maasgarooyinka lagu neefsado. Waxaa la tiigsanayaa inay shirkadahaasu soo saaraan 200 000 oo xabo maalintiiba. Wasiirka shaqada iyo dhaqaalaha oo ay wehliyaan ganacsatada Finland, machadyada cilmi-baarista iyo howl-wadeenno kale ayaa daraasad ku sameeyay shuruudaha horyaalla samaynta agabka badbaada, hadii dalka lagu sameynayo.

Daraasadaas waxaa lagu ogaaday inay jiraan tobanaan shirkadood oo xiisaynaya inay sameeyaan isla markaana buuxin kara shuruudaha looga baahanyahay samaynta maasgarada neefta ama dharka badbaada.

Finland hadda malahan shirkado sameeya maasgarada neefta, laakiin dhanka samaynta dharka badbaadada, waxaa jira meel wax laga amba qaadi karo. Waxay Finland leedahay shirkado sameeya dharka, koofiyadaha iyo galoofisyada badbaadada. Shirkado kale oo badan ayaa bilaabay inay sameeyan muraayadaha diffaaca indhaha iyo wejiga.

Kuvassa on hengityssuojainta käyttävä nainen, joka kävelee kohti kameraa.
Silja Viitala / Yle

7.4.2020

6.4.2020

Maqaayadaha, kafateeriyaasha iyo goobaha khamriga lagu cabo ayaa xirnaan doona ilaa dhamaadka bisha shanaad

Sida muuqata maqaayadaha ayaa xirnaan doona ilaa dhamaadka bisha shanaad. Baarlamanka ayaa ansixiyay xeer ay golaha wasiirradu soo hordhigeen 2.4. Xeerku waxuu ahaa mid lagu doonayay in maqaayadaha, kafateeriyaasha iyo goobaha khamriga lagu cabo la xiro isla daqiiqadda ay sabtidu bilaabanayso.

Xiritaanka goobaha wax lagu cuno ayaa looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka fayraska koronaha. Iibinta raashinka aan lagu dhex cunayn ayaa iyada weli la ogolyahay.

Viikkokausia suljettuna olleet ravintolat saavat valtiolta tukea liiketoiminnalle aiheutuneisiin taloudellisiin menetyksiin.
Jarkko Riikonen / Yle

Makiga macmalka ah eeneeftu kama difaacayo fayraska koronaha

Baahida ka dhalatay maasgarada neefta iyo maasgarooyinkga kale ee wejiga oo la waayay ayaa keentay inay dadku iskood u samaystaan kuwo macmal ah. Tilmaamo sida loo samaysto maasgarada ah ayaa lagu faafiyay Youtubka iyo baraha kale bulshadu ku leedahayinternetka.

Hawl-wadeennada ayaa dadka xasuusinaya inaysan maasgarada macmalka ah, qofka ka difaacaynin fayraska koronaha.

Sidaas oo ay tahay, maagaradu waxay hor istaagaysaa inuu qofka gashan – hadii uu fayras qabo - u gudbiyo dadka kale. Tan ugu xun ee dhici karta waa in maasgarooyinka macmalka ah ay iyaguba sii fidiyaan fayraska. Waxayse tani imaan kartaa markii aan nadaafadda sidii la rabay laysaga xil saarin.

Wakaaladda badbaadada iyo kiimikada ee Tukes, hay’adda caafimaadka shaqaalaha, xarunta badbaadada iyo horumarinta daawada ee Fimea iyo wasaaradda caafimaadka iyo arimaha bulshada ayaa bixiya tilmaamaha maasgarada neefta iyo sharciyada la xiriira.

Hengityssuojaimeen pukeutunut nainen.
Tiina Jutila / Yle

Kelada ayaa isu diyaarinaysa saxmad ka dhalata dalabaadka kaalmada todobaadyada soo socda

Kela ayaa isu diyaarinaysa inuu fayraska koronuhu saxmad ku keeno xallinta dalabaadka kaalmooyinkia. Dalabaadka caawimada oo si xawli ah aad kor ugu kacay ayaa la filayaa inay todobaadyada soo socda sababi doonaan inay dheereeto waqtiyadii go’aamada xal looga gaari lahaa.

Kela waxay qiyaasaysaa in usbuucyada nagu soo foodda leh ay soo gaari doonaan dalabyo dheeraad ah oo lagu doonayo lacagaha baagamuudada, kuwaas gaaraya qiyaastii 130 000. Dalabyada kaalmada ijaarka ayaa la qiyaasayaa inay kordhaan 90 000. Kharashaadka soo kordhay ee kaalmooyinkaas ku baxaya ayaa lagu wadaa inay gaaraan hal bilyan oo euro.

Kela ayaa u baahan inay shaqaalaheed xallinta dalabka ku xoojiso kun qof. Waxay rabtaa Keladu inay billowga hore, si ay saxmadda ku fududayso, shaqaaleheeda qayabaha kale usoo wareejiso qaybta xallinta dalabaadka, una tababarto shaqadaas. Sidaas oo ay tahay ayaa hadana loo baahan doonaa shaqaale dheeraad ah.

Inta uu koronaha socday Keladu waxay xoojisay adeedyadeedii taleefonka. Waxaa macaamiisha laga rajaynayaa inay wixii ballan ah ka qabsadaan Internetka. Waxaa intaa dheer in arimo badan lagu xallin karo taleefonka.

Kela
AOP

Google wuxuu soo bandhigayaa macluumaad cadaynaya dhaqdhaqaaq dadka, taas oo Finland ay qayb katahay

Google wuxuu 3.4 bilaabayaa inuu soo bandhigo macluumaad lagu ogaan karo dhaqdhaqaaq muwaadiniinta iyo sida loo fuliyay awaamiirta kala go’doominta bulshada ee loo dejiyay si loola dagaalamo fiditaanka koronaha

Xogtaan oo ah mid la jamciyay isla markaana qarsoodi ah, lana garanayn cidda ay si gaar ah u qusayso ayaa laga ururiyay 131 dal, waxaana lagu daabici doonaa boggaan.Ka fiirso halkaan.

Macluumaadkaan waxaa qayb ka ah is-bedbedelka dhaqdhaqaaqa ka dhaca Finland. Warbixintu waxay sheegaysaa in joogitaanka goobaha shaqadu ay yaraatay afar meelood meel bilihii 1 – 2:aad markii la babar dhigo isku celceliska bilahaan oo kale sanadihii hore.

Google Maps kuvitus
AOP

Joogitaanka xadiiqooyinka (jardiinooyinka) ayaa iyana dhankeeda korortay 48%.

Macluumaadkaan kama muuqato wax tafaasiil oo lala xiriirin karo shakshi gaar ahaaneed. Meelna loogama dhicin xuquuqda asturnaan ama qarsoodi ee muwaadinka.

Macluumaadkan waxaa laga ogaan karaa meelaha bulshooyinka kala duwani tagaan iyo waqtiyada ay socdaanba. Waxaa boggaas percentage ahaan looga arki karaa is bedbedelka booqasho ee dadka ku tagaan goobaha kala duwan sida jardiinooyinka, dukaamada, shaqooyinka, goobaha la deganyahay iyo tirada dadka ee booqanaya. Macluumaadku ma sheegayo numbar go’an oo la hubo.

Google wuxuu rajaynaya inuu macluumaadkaan gacan ka gaysan doono go’aan qaadashada lagula dagaalamayo fidida cudurka.

Autio ostoskeskus Helsingin Pasilassa.
Tiina Jutila / Yle

Degaannada qaar ayaa koronaha dartiis u joojiyay baaritaannada hordhaca ah (seulonta) ee kansarka

In ka badan shantiiba hal degmo ayaa dalkan Finland fayraska koronaha dartiis u joojisay baaritaanka hordhaca ah ee lagu ogaado kansarka gala dhuunta ilma-galeenka. Waxaa sidoo kale si aad ah loo yareeyay baaritaannada hordhaca ah ee kansarka naasaha. Arintaan ayaa waxa lagu ogaaday qiimayn ay samaysay xarunta diwaangelinta kansarka Finland.

Si kastaba hanoqotee, baaritaanka ayaa sida badan degmooyinka dalka si caadi ah looga wadaa.

Ugu yaraan 70 degmo ayaa joojiyay ballamihii baaritaanka hordhaca ahaa ee kansarka ilma-galeenka iyadoo baaritaannada naasahana loo wadi doono si aad uga yar intii hore. Baaritaanka hordhaca ah ee kansarka mindhicirka ayaa ilaa hadda lagu wadaa in sidii caadiga ahayd lagu wado.

Papa-seulonnassa käytettäviä välineitä gynekologin vastaanotolla.
Yle

Tirada boostada guriyaha laysug geeyo oo dhowr jeer laba-laabmay

Bostada ayaa sheegtay in koronaha inta uu socday ay dhowr jeer labalaabmeen alaabaha boostada laysugu diro ee dadka guryaha loogu geeyo.

Shirkaddu (boostada) waxay sheegtay in dalabkaan batay uusan saamayn ku yeelan waqtigii gudbinta alaabta. Qayb yar oo ka mida boostada ayaa laga yaabaa inuu qaybinteeda galo daahid yar.

Koronaha dartiis ayay shirkaddu beddeshay qaabkii ay u shaqayn jirtay. Qofka boostada loo soo diray gacanta lagama saaro, waxaana loo dhigaa albaabka guriga kadib markii la garaco gambaleelka. Sidoo kalena qofka alaabta qaabilay lagama rabo inuu wax saxiixo.** **


Paketteja kärrissä.
Toni Pitkänen / Yle

Dulsaarka ugu badan ee la saarto daynta dagdagga ah (pikavippi) ayay dowladdu rabtaa inay kala bar ka dhigto

Wasiiradda cadaaladda Anna-Maja Henriksson ayaa aaminsan inay lagama maarmaan tahay in la xadado dulsaarka ugu sarreeya ee la saari karo daymaha dagdagga ah.

Qiyaastii 400 000 oo finnish ah ayaa waxay ku jiraan buugga madow. Waxay u badantahay in tiradaasu inaa kasii kordhi doonto marka la fiiriyo marxaladda lagu jiro waqtigaan.

Dowladdu ayaa diyaarinaysa qorshe kala bar looga dhigayo dulsaarka ugu badan ee la saaran karo daymaha dagdagga ah. Dulsaarka ugu badan ayaa xilligaan la joogo ah 20%. Mustaqbalka waxaa dulsaar ahaan loo dallacan karaa ugu badnaan 10 %.

Waxay kaloo dowladdu damacsantahay inay mamnuucdo xayaysiinta tooska ah ee daymaha dagdagga ah.

Nippu laskuja
Merja Siirilä / Yle

**Dowladda ayaa rabta inay dabacsanaan ka muujiso buugga madow iyo magdhawga khassabka ah **

Wasiiradda cadaaladda Anna-Maja Henriksson ayaa sheegtay inay dowladdu diyaarinayso qorshe lagu xadadaynayo xuquuqda shirkadaha daymasani u leeyihiin inay sheegtaan inay sallifeen, iyagoo daliil ka dhiganaya isbedel dagdag ah oo ku yimid awooddooda dayn bixin, isla markaasna ay u aaneeyaan inay galeen buugga madow.

Shirkadda ayaa loo aqoonsan karaa mid kacday, hadii ay biilasha lagu amray isaga bixin wayso. Marka la fiiriyo sharciga kicidda (sallifaadda) shirkadaha, ayaa shirkaddii todobaad gudohood ku bixin waysa biilasha la amray waxaa loo arkaa inay tahay shirkad kacday. Aragtidaan ayaa la rabaa hadda in si ku meel-gaar sharciga looga bedelo.

Wasaaraddu waxay sidoo kale diyaarinaysaa qorshe lagu xaqiijiyo in shirkaduhu ay nidaamka dib-u-habeynta si sahlan ku heli karaan.

Henriksson ayaa sheegtay in inay dowladdu sidoo kale diyaarinayso qorshe ay magdhawga khasabka ah dabacsanaan ugu muujinayso shirkadaha iyo dadka caadiga ah.

Kännykällä haetaan pikavippiä.
Henrietta Hassinen / Yle

Qiimaha shidaalka ayuu hoos u dhac aad ah ku yimid todobaadyadii lasoo dhaafay

Qiimaha baasiinka ayaa hoos u dhac muuqda ku yimid waqtiyadii u dambeeyay. Sida laga arki karo bogga polttoaine.net baasiinka tayadiisu tahay 95E10 ayaa qiimihiisa isku celcelis maalintii arabacadii ahayd 1,36 euro liitarkiiba. Qiimaha naaftada ayaa iyana ahayd 1,25 euro liitarkiiba.

Sida laga soo xigtay shirkadda tamarta ee St1, qiimuha shidaalka wuxuu hoos u dhacay 10 – 15 senti liitarkiiba tan iyo markii Sucuudi carabiya iyo Ruushku bilaabeen dagaal qiimaha shidaalka ah dhowr usbuuc ka hor.

Ka sokow hoos udhaca ku yimid saliida cayriin, waxaa qiimaha shidaalka saamayn ku yeeshay fayraska korona oo sababay in tirada gaadiidka socda ee dalkan Finland ay hoos u dhacdo 30-40 boqolkiiba.

Bensiiniä tankataan autoon huoltoasemalla.
Henrietta Hassinen / Yle

HSL ayaa dadka gatay tikidhada mudada dheer dib ugu celinaysa

Tikidh-xilliyeedka la gataya wixii ka horeeyay 16.3. Kuwaas oo shaqaynayana ilaa16.4 iyo wixii ka dambeeya ayaa dadkii gatay dib u celin loogu samayn doonaa.

Dib u celinta waxaa heli doona qofkii tikidhkiisa boostada ugu soo dira HSL inta aysan dhammaan bisha shanaad. HSL waxay sheegtay inaysan weli haboonayn in tikidhada lasoo diro. Habka wax loo maaraynayo waxaa la shaacin doono maalmaha nagu soo socda.

Soo celinta kaararku waa bilaash, sidoo kale soo dalbashada hadhow ee kaarka cusub waa lacag la’aan.

Tikidhada waqtiga dheer ee jaban ee lagu gatay brogranka HSL qofka iska celinaya lagama qaadayo lacag ganaax ah, sidoo kale qofkii bixiyay 16.3 kadib ganaax waxaa loo soo celibaa bisha afraad.

Busseja Nobinan Roihupellon varikolla.
Petteri Sopanen / Yle

**Isbitaalka HUS ayaa xadadaynaya xuquuqda uu qofka dhalya kula joogo qofka taageeraya **

Isbitaalka HUS (Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri) ayaa cabsida laga qabo inuu koruunuhu faafo awgeed xadadaad ugu soo rogay joogitaanka qofka wehelka u ah xaamilada dhalaysa. Xadadayntaan ayaa isla markaaba ka dhaqan gelaysa guud ahaan isbitaallada lagu dhalo ee HUS. Waxayna socon doontaa ilaa amar dambe.

Qofka wehlka ah ayaa xaamilada sida caadiga u dhalaysa la joogi kara inta ay ku jirto qolka lagu umulo. Tan ayaa macnaheedu yahay inta u dhaxaysa marka la bilaabo ka dhallinta ilaa inta hooyada iyo caruurku u wareegayaan qaybta umulaha ee isbitaalka.

Wehelka ayaanan la ogolayn inuu la joogo xaamilada dhalaysa xilliga la billaabayo ka dhalinta, xaamilada qalliinka looga dhalinayo iyo markii loo wareejiyo qaybta umulaha ee isbitaalka wixii ka dambeeya. Sidoo kale, dhalmada ka dib ayaan la ogolayn inuu joogo hoteelka qoysaska caruurtu u dhalayaan ee Helsinki.

Si looga hortago faafidda koronaha ayay muhiim aad ah u tahay in xaamilada dhalaysa iyo wehelkuba ay horay u sheegaan hadii ay jiraan calaamado infectionka neefmareenka kore ah, ama ay soo mareen marxald ay fayrasku ku qaadi kareen.

Vastasyntynyt lapsi.
AOP

**Imtixaannada dalabka jaamacadaha ayaa la qaban doonaa bilaha shanaad - lixaad **

Jaamacadaha dalka (korkeakoulut) ayaa labada todobaad ee ugu dambaysa bisha shanaad iyo todobaaka ugu horreeya bisha lixaad ayaa waxay qaban doonaan itixaanka xulashada ardayda. Hadii wax is bedel ah lagu samaynayo qorshahaanna, waan in la sameeyo intaan lagaarin bartamaha bisha afraad. Gudoonka waxbarashada iyo jaamacadaha ayaa haddaba sidaas ku sii talo galaya.

Wasiiradda hiddaha iyo tacliinta Hanna Kososen ayaa sheegtay in waxbarashada onlinka ah sida badankooda ay jaamacadaha qaab wanaagsan ugu socdaan laakiin waqtiga wax barashada ayaa laga yaabaa in ardayda tacliinta sare ku dheeraato, waayo waxaan suurtogal ahayn in guud ahaan waxbarashada sidii loo raabay loo fuliyo. Waxaa la joojiyay ama dib loo dhigay tababarkii shaqo ku barashada ee ardayda.

Marxaladan aan caadiga ahayn ee lagu jiro saamayn kuma yeelan doonto lacagta kaalmada waxbarashada, sideedii ayaana loo bixin doonaa. Sidaasoo ay tahay marxaladda aan caadiga ahayn waxay ardayga u tahay cadayn uga filan sababta ay waxbarashadu ugu qaadatay waqti kadheer intii la qorsheeyay. Kordhinta waqtiga ugu badan ee kaalmada waxbarashada la bxiyo ayaa loo cuskan karaa marxaladaha aan caadiga ahayn, taas oo ka dhigaysa inuusan ardaygu soo magi doonin lacagta. Ardaydu waxay heli karaan kaalmada cayrta si ay u dhamays tiraan waxbarashadooda.

Tatu Kurkinen / oikeustieteellisen pääsykoe / Helsingin yliopiston kirjasto 08.06.2018
Jouni Immonen / Yle

Gudoonka waxbarashada ayaa diyaarinaya sida loo qiimaynayo shahaadadooyinka

Daryeelka ardayda ee iskoolka (Koulun oppilashuolto) ayuu waajib ka saaranyahay inay taageero siiyaan ardayda ay suurtoobi wayso in lagula xiriiro waxbarashada onlinka ah ama ay dhibaato ka jirto gurigooda. Wasiiradda waxbarashada ayaa sheegtay in si dagdag ah loo qiimeeyo taageerada loo baahanyahay, isla markaana la siiyo ardayga.

Ardaygii xaaladdiisu adakaato lana awoodi waayo in lala xiriiro waa in iskuulku ula dhaqmo sidii arday iskuulka soo xaadiri waayay oo kale. Waxaa marka ugu dambaysa lala xiriirayaa howl-wadeennada badbaadada caruurta. Andersson waxay intaa ku dartay inay tahay in la damaano qaado qalin-jebinta ardayda iyo u kala gudbidda heerarka kala duwan ee waxbarashada.

Gudoonka waxbarashada ayaa diyaarinaya habka loo qiimaynayo shahaadadooyinka qalin jebinta ardayda dalka ee heer walba.

Hadii ay suurtoobi wayso in dhammaan ardada iskuullada xirfadaha loo diyaariyo itixaannadooda, waxaa mudnaanta lasiin doonaa kuwooda qalin jebinaya sana-dugsiyeedkaan si ay u shaqo bilaabaan.

Oppilas kirjoittamassa kirja-arviointia.
Kalle Purhonen / Yle

Ardada dhigata waxbarashada diyaarinta ah (ajaanibta) xaq ayay u leeyihiin in iskoolka wax lagu baro

Waxbarashada onlineka ah ee iskoollada sideeda ku sii socon doonta ilaa 13. bisha shanaad inta la ogyahay. Dowladdu waxay sidoo kale u diyaar garoobaysaa hadii loo baahdo inaysan ardaydu sinaba ugu laaban iskoollada illaa dhammaadka guga aan kujirno (sanad dugsiyeedka inta ka dhiman).

Wasiirradda waxbarashada Li Andersson ayaa sheegtay in ardayda ku jira wabarashada diyaarinta ah ay xaq u leeyihiin in iskoollada wax lagu baro hadii ay degmadoodu suurtogelinayso. Waxbarashada diyaarinta ayaa tusaale ahaan, waxaa dhigta caruurta ajaanibta, kuwaas oo barta luqadaha finnishka, swedishka iyo aqoon kale oo loogu diyaarinayo bilaabidda waxbarashada aasaasiiga ah.

Waxbarashadaan diyaarinta ah waxaa dhigta qiyaastii 3000 oo arday.

Luokka
Lapset palaavat kouluun 14. toukokuuta. Kuvituskuva.Jarkko Riikonen / Yle

Karantiilkii socotada garoonka diyaaradaha ayaa lagu siyaadin doonaa dakadaha

Karantiillkii lagu samaynayay dadka kasoo dega garoonka diyaaraha ayaa lagu daray dadka kasoo dega dakadaha. Dadka safarka ah ayaa xadka ka hor loo qaybin doonaa foomam ay uga warbixinayaan xaaladooda caafimaad.

Dadka dakadda ka soo dega ayaa lab loo qaybin doonaa. Kuwa leh calaamadaha neefsasho adayga ah waxaa loo gudbin doonaa hawl-wadeennada caafimaadka, waxaana lagu samayn doonaa baaritaanka koronaha.

Kuwa aysan kamuuqan wax calaamad ah ayaa gurigooda ku aadi doona taksi, baabuurkooda ama baabuur loo diyaariyay. Sida caadiga ah karantiilka waxaa lagu qaadanayaa guriga. Isticmaalka gaadiidka dadwaynaha ayaa laga mamnuucay dadka safarrada dibadda ka soo laabtay.

Dowladda ayaa go’aamisay in guud ahaan dadka safarrada dibadda kasoo laabtay ay galaan laba todobaad oo karantiil ah.

Matkustajalaiva Helsingin satamasta.
AOP

Inta badan goobaha jimicsiga ayaa furan ilaa inta ay hawl-wadeennada dowladdu amar kale kasoo saarayaa

Amarka ay dowladdu ku mamnuucday inay kulmaan wax ka badan toban qof ayaan qabanaynin jiimka, waxaana loo arkaa inusan jiimku ka mid ahayn meel caam loo leeyahay.

Ururka jimicsiga iyo caafimaadka isboortiga ee Filnand ayaa sheegay in badi ahaan xarumaha jimcsiga ee Finland ay weli furanyihiin. Ururka ayaa wuxuu soo jeedinayaa inaan la qabanqaabin jimicsi-wadareed ka badan toban qofood.

Ville Sipari puhdistaa kuntosalin välineitä
Pyry Sarkiola / Yle

Goobaha jimcsiga ayaa la sheegayaa in la kordhiyay nadaafadda, jeermis-dilaha la marinayo qalabka iyo caagaga ay ku jiraan jeermis-dilaha gacmahaba. Dadaalkan ayaa ah mid loo baahanyahay maadama ay kal hore idaacadda Yle sheegtay inuu fayraska koronuhu ku noolaan karo qalabka jimicsiga muddo gaaraysa sagaal maalmood.

Markku Broas oo dhakhtar cudurrada faafa ka ah isbitaalka Lapland ayaa carabka ku adkeeyay in kulammada iyo isu imaatinka layska ilaaliyo meel kastoo ay tahayba. Dhakhtarku ma dhiirri gelinayo aaditaanka jiimka.

Finland waxaa ka jira 1400 oo jiimamka jimicsiga ah. Boqolaal shaqaalaha jiimamkaas ka mid ah ayaa laga fadhiisiyay ama ku dhow in laga fadhiisiyo shaqada (mushaar la’aan)

Kahvakuula kuntosalin lattialla.
Kalle Purhonen / Yle

Yle waxay soo ogaatay halka weli laga heli karo maasgarada neefsashada

Baadi-goobka badan ee maagarada neefsashada iyo kuwa wejiga ayaa ka dhigay helidooda mid isbedbedel badan oon laysku hallayn karin. 17 ka mid ah farmashiyayaasha jaamacadda (Yliopiston apteekki) ayaa la keeni doonaa dareerayaasha jeermis-dilayaasha ah ee gacmaha iyo maasgarada neefsashada todobaadkaan gudihiisa. Si alaabtan ugu filnaato macaamiil badan ayaa waxaa markaan loo xadayn doonaa inuu macaamilkiiba gadan karo hal xirmo (baakad). Waxay u badantahay in alaabta hadda imanaysa, markiiba lakala dafi doono, balse qaybta xigta ayaa iyana soo gaari doonta todobaadka xiga.

Avainapteekki waxay Finland ku leedahay shabakad ka kooban ku dhowaad 250 farmashi. Farmashiyayaashaan ayaa mid walba goonidiisa wax u dalbada, saa daraadeena lama hayo macluumaad la uruuriyay oo laga ogaan karo sida maasgarada neefsashada looga helayo. Sida ugu wanaagsan ee Avainapteekki looga ogaan karo inuu hayo maasgarada neefsashada iyo in kale ayaa ah in si toos loo waydii midkooda kuugu dhow.

Hengityssuojain laatikossaan
Jarkko Riikonen / YLE

Ka sokow farmashiyayaasha, waxaa maasgarada neefsashada laga heli karaa qaybta dhismaha ee dukaamada waawayn iyo bakhaarrada. Waxaa kaloo nasiib looga heli karaa meelaha lagu iibiyo alaabta jumlada ah. MedKit oo qalabka gargaarka dagdagga ah si jumlad ah ku iibisa, ayaa goor dhow boggeeda ganacsiga ee Internetka, qaybtiisa maasgarada neefsashada u furi doonta dadka caadiga ah.

Dhamaadkii todobaadkii hore ayay EU khafiifisay shuruudaha maksiga neefsashada. Arintaan ayaa la rajaynayaa inay dadajiso sidoo kalena ballaariso fursadaha samaynta maasgarada neefsashada.

Käytetty hengityssuojain heitettynä maahan.
Risto Degerman / Yle

**Finland mahaysato waqti ay kusoo saarto jeermis-dilaha gacmaha oo ku filan isticmaalka hadda**

Iyadoo samaynta jeermis-dilayaasha gacmaha la kordhiyay boqolaal kun oo liitar usbuuciiba ayaysan hadana ku fillayn macaamiisha. Ku dhowaad inta jeermis-dile ee hadda la sameeyo ayaa waxaa isticmaala shaqaalaha caafimaadka.

Baahida loo qabo ayaa keentay in xirfadlay aan horay u soo saari jirin maadooyinka nadaafadda ay bilaabaan samaynta jeermis-dilayaasha gacmaha. Waqtiyadii u dambeeyay ayaa dhowr farmashi, warshado yar-yar oo khamriga sameeya, warshadaha rinjiga iyo weliba shirkadaha sameeya kareemka loo isticmaalo suksetka (sukset waxaa oo loo isticmaalaa ciyaaraha barafka) waxay sheegeen inay bilaabayaan samaynta jeermis-dilayaasha gacmaha. Shirkadaha sida dagdaga ku bilaabay samaynta jeermis-dilaha ayaa waxay caqabad kala kulmeen helidda alaabta cayriin ee laga sameeyo iyo kuwii baakadayntaba.

Henkilö pumppaa käsidesipumpusta käsidesiä.
Mikko Vähäniitty

Kororka dalabka jeermis-dilaha ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya kuwo khayaamoolayaal ah. Alaabo aanan ahayn jeermis-dile ayaa loo iibinayaa jeermis-dile ahaan. Wakaaladda badbaadada iyo kiimikada ee Tukes ayaa dhowr todobaad ka hor ka digtay jeermis-dilayaal laga sameeyay dareeraha lagu dhaqo miraayadaha. Dareerahan ayaa waxa ku jira maadooyin aan loogu talo gelin in loo isticmaalo jirka. Tukes waxay macaamiisha kula talinaysaa inay si taxadar leh uga fakaraan bal inay gabi ahaanba jeermis-dilaha, gaar ahaan kuwa gacmaha u baahanyihiin iyo inay uga kaaftoomi karaan saabuunta iyo biyaha.

Käsidesiä ja hengityssuojaimia
Derrick Frilund / Yle

Xaduudaha xiran ayaa carqalad geliyay wadooyinkii ka ganacsiga maandooriyaha, waxaana la dareemay inuu maandooriyuhu ku yaraaday goobihii lagu kala iibsan jiray

Booliska dembibarista ayaa sheegay inuu maandooriyuhu goor dhow noqon doono gabaabsi. waxaa arintan loo sababaynayaa wadooyinkii uu soo mari jiray oo xiran. Tusaale ahaan amfetamiinka ayaa sida badan Finland kaga yimaada bartamaha iyo galbeedka Yurub, isagoo usoo mara wadamada Baltigga.

Booliska ayaa sheegay in mar kastoo maandooriyuhu yaraadaba uu qiimihiisa kor u kaco. Waxaa sidoo kale kor u kaca dhibaatooyinka loo gaysanayo kuwa lagu ogyahay inay hayaan maandooriye. Khatarta in farmashiyayaasha la jabsado ayaa iyana siyaadda. Carqaladda ku timid wadooyinkii maandooriyaha ayaa hadaba laga dareemayaa dadka isticmaala maskax ahaan iyo jir ahaanba. Sidoo kale waxaa la dareemayaa xasillooni darro ka jirta xabsiyada.

Kuvassa on Suboxone-liuska.
Antti Kolppo / Yle

Booliska ayaa u arka in wadooyinkoo la xiro ay tahay mid la hubo in lagu yareyn karo isu gudbinta maandooriyaha. Dhanka kale kuwa iibiya iyo kuwa u gada (qaybiya) ayaa qorshaynaya habab cusub oo ay u bedelaan gudbinta maandooriyaha. Waxaa loo badinayaa gudubinta maandooriyaha inteeda badan loo wareejin doono gaadiidka xamuulka.

Sanadkii 2015 ayay ahayd markii ugu dambeysay ee ay xuduudda ka jirtay xaalad aan caadi aheyn. Waqtigaas ayaa ilaalinta xuduudda la adkeeyay dadka magangalyo-doonka ah oo batay awgeed. Waxaan waqtigaas kor u kacay dembiyada maandooriyaha la xiriira ee la arkay.

ruisku ja lääkkeitä
Hernan Schmidt / AOP

2.4.2020

1.4.2020

Wasiirka: Awoodda baaritaan ayaa goor dhow labalaab ama sadax laab laga dhigi doonaa

Wasiirka Qoyska iyo adeegyada aasaasiga ah Krista Kiuru ayaa shir jaraa’id oo la qabtay 1.4. ka sheegtay inay Finland kordhinayso baaritaanka cudurka. Xilligaan la joogo waxaa la baaraa 2500 oo qof maalinkiiba, waxaana la rabaa in cadadkaan laba ama sadax laab laga dhigo.

Kiuru waxay sheegtay, in si walboo ay tahayba ay qasab tahay in la fuliyo baaritaannada shaqaalaha caafimaadka. Waxayna intaa ku dartay, in si loo kordhiyo awoodda baarista, la baadigoobayo cid arinkaas kala shaqaysa, tusaale ahaan jaamacadaha iyo shirkadaha gudaha iyo dibadaba.

Waxaa sidoo kale la ballaarin doona tijaabada maadada ka hortagga ah (antibody). Idaacadda Yle ayaa 31.3 sheegtay in HUS (Isbitaalka jaamacadda Helsinki) uu bilaabi doono tijaabinta maadada ka hortagga ee antibody. Tijaabada antibody:ga ayaa sheegaysa inuu qofku horay ugu jirrada cudurka iyo in kale.

Krista Kiuru hallituksen infotilaisuudessa 1. huhtikuuta.
/Ilkka Klemola / Yle

Dowladda ayaa go’aannadii hore ku xoojisay kuwo kale

Dowladda ayaa 30.3 gaartay go’aamo cusub oo wax lagu xadadayo iyo kuwo lagu adkaynayo ama mudada loogu kordininayo kuwii horay loo gaaray. Go’aamadaas ayaa looga gol leeyahay in lagu joojiyo fiditaanka fayraska koronaha.

Dowladda ayaa baarlamanka u gudbinaysa xeer lagu doonayo in lagu xiro maqyaadaha, kafeteeriyaasha iyo goobaha khamriga lagu cabo. Ujeedka xiritaanka ayaa ah sidii loo badbaadin lahaa bulshada. Xadadaynta lagu sameeyay waqtiga furnaanshaha ayaa socon doonta ilaa dhamaadka bisha shanaad, taasoo ka dhigays laba bilood. Si kastoo ay ha noqotaba, iibinta raashinka aan lagu dhex cunayn ayaa suurto gal ah.

Xadadayntii waxbarasho ee iskoollada heerarkooda kala duwan iyo xanaanooyinka ayaa lasii wadi doonaa mudo hal bil ah oo ku eg 13:ka bisha shanaad.

Xirnaanshahan ayaa laga yaabaa inay sii socoto mudo intaa ka dheer. Dowladda ayaa sheegtay, in lagu talo geli doono in waxbarashada lagu wado habka hadda loo qaabeeyay ilaa iskoollada laga xiro, waase hadii faafitaanka cudurku ay qasab ka dhigto,

Sanna Marin
.Yle

Wax wara oo la xirirra xafalada qalinjebnta ee dugsiyada sare ayaan ilaa hadda la hayn. Hadii loo baahdo xafladaahaas naftirkooda ayaa dib loo dhigi doonaa.

Goobaha wax barashada hore ee xanaanooyinka ayaa furnaan doona, halka ay suurto gal tahay in ardayda 1 – 3:aad iskoolka wax lagu baro. Golaha wasiirrada ayaa weli si aad ah waaridiinta ugu dhiirri gelinaya inay caruurtooda guriyaha ku haystaan.

Isu socodka gaadiidka ee xaduudaha dalka oo ilaa hadda xoogaa shaqaynayay ayaa la qorshaynayaa in gabi ahaantiisba la joojiyo. Dowladdu waxay sheegtay in faafitaanka cudurka dartiis ay u bilaabayso diyaargarow dagdag ah oo lagu adkaynayo xuduudaha waqooyi iyo galbeed ee dalka.

Sidoo kale waxaa la doonayaa in la joojiyo isu socodka gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo kuwa rakaabka. Xanibaadaan ayaan qusayn gaadiidka xamuulka ee iyagu wada waxyabaha daruuriga u ah daryeelka nolosha.

Ilaalinta xuduudaha gudaha iyo xanibaadii kulammada ayaa lasii wadi doonaa ilaa 13. shanaad. Sidoo kalena xanibaadda isu socod EU iyo waxa ka baxsan sii socon doonta. Xirnaashaha xuduudaha Uusimaa ayaa soconaysa ilaa 19. bisha afaraad.

Baaritaannada dadka looga shakiyay koronaha oo yar ayaa dhalisay dood. Si loo xakameeyo cudurka loona ogaada tirada dadka uu ku dhaco cudurka ayaa la rabaa in la kordhiyo baaritaana fayraska.

Dawladdu ayaa sheegtay inay waajib tahay in la baaro shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo arimaha bulshada hadii uu jiro wax shaki ah, haba yaraatee.

Daraasad: Dhimashada fayraska kooranaha ayaa kayar boqolkiiba hal

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in dhimashada fayraska koronuhu ka yartahay intii hore loo qiyaasayey.

Daraasaddan oo ay sameeyeen koox cilmi baarayaal caalami ah, laguna daabacay joornaalka caafimaadka ee Lancet ayaa lagu soo gabagabeeyay inay 0.66% dadka uu fayrasku ku dhaco u geeriyooadaan.

Tiradan ayaa ka hooseysa qiyaaso dhowr ah oo horay loo sameeyay, kuwaas oo sheegayay inay dhimashadu ka sarayso hal qof boqolkiiba amba gaari karto dhowr qof boqolkiiba. Daraasadu waxay isku dadyday inay tirada k udarsato kiisaska yar-yar oo aan la diiwaan-gelin.

Daraasadan oo lagu daabacay Lancet ayaa ku qiyaastay in 7.8% dadka da’doodu ka weyn tahay 80 sano oo uu ku dhaco cudurku ay u geeriyoodaan.

Ambulanssi Meilahden sairaalan sisäänkäynnin edustalla.
Tiina Jutila / Yle

Shirkadda Mareykan ah ayaa doonaysa inay bini’aadam ku bilowdo tijaabada tallaalka fayraska koronaha.

Dadaallada lagu doonaya in tallaal ka hortag ah loogu helo fayraska korona ayaa socda. Shirkad Mareykan ah oo la yiraa Johnson & Johnson ayaa sheegtay inay doorteen talaal lagu wado in ugu dambayn bisha sagaalaad lagu tijaabiyo dadka. Shirkaddu waxay sheegta in markuu talaalkani ugu soo hormaro, loo isticmaali doono si gargaarka dadgaga ah sanadka soo socda horraantiisa.

Johnson & Johnson ayaa masuuliyiinta Maraykanka kala heshiisay maalgelin gaaraysa hal bilyan oo doolar oo lagu hormarinayo talaalka.

Shaqaalaha horumarinta ayaa qaybo kamid ah fayraska koronaha ku daray kuwa hargabka caadiga ah oo aan iyagu iskood isku badin karin. Waxaa lagu rajo waynhay inuu habkaan aadanaha u suurto geliyo yeelashada is-difaac kufilan.

Ma ahan mashruuca tallaalka Johnson & Johnson keliya midka horumar laga sameeyay. Shirkadda dawooyinka ee Moderna oo laga leeyahay Mareykanka ayaa iyana dadaal aan horay loo arag ku billawday tijaabinta tallaaaladeeda kala duwan, kuwaas oo ay ku samaysay dad.

Sidoo kale shirkadda shiineeska ah ee CanSinoBIO ayaa billowday tijaabo ay ku ogaanayso sida uu tallaalkeedu wax u tarayo dadka.

Shirkado badan oo kale oo dawooyinka soo saara ayaa ku dadaalaya soo saaridda talaalka fayraska koronaha. Khubaradu waxay qiyaaseen inay qaadan karto ugu yaraan hal sano inta tallaalka laga helayo. Waxaa sidoo kale horumarin lagu wadaa dawooyin khafiifin kara dareenka xanuunka ee covid-19.

Tutkija tutkivat koronavirusta Laboratoriossa Marylandssa.
Useat lääkeyhtiöt kehittelevät omia rokotteitaan koronavirusta vastaan. Asiantuntijat ovat arvioineet, että rokotteen saamiseen menee vähintään vuosi.Andrew Caballero-Reynolds / AFP

Sadax meelood laba shirkadaha Finland ah ayaa doonaya inay shaqaalahooda shaqada ka fadhiisiyaan ama ruqseeyaan

Saddex meelood labo ka mid ah shirkadaha Finland ayaa damacsan inay shaqaalahooda shaqada ka fadhiisiyaan ama ka ruqseeyaan. Arintaan ayaa lagu ogaaday sahan ay dhawaan sameesay rugta ganacsiga, kaasoo ay kasoo jawaabeen ku dhowaad 3400 oo shirkadood

In kabadan 40 boqolkiiba shirkadaha ayaa ilaa maalintii isniinta ahayd soo saaray digniino shaqo ka fadhiisin ah, ama isugu yeeray wada hadal looga gelayo gor-gortan.

Rugta ganacsigu waxay sheegtay in xaaladda shirkaduhu ay aad hoos ugu dhacday laba usbuuc gudohood. Waxaa kaloo natiijadii la helay ka soo baxay in sadax meelood laba meelood shirkadaha ay doonayaan inay adeegsadaan dabacsanaan a dowladdu samaysay.

Mies syö lounasaikaan ravintolassa.
Silja Viitala / Yle

31.3.2020

30.3.2020

Baarayaasha ayaa xaqiijiyay: Koronaviruska laguma sameyn shaybaar?

Ka dib markii koronuhu ku faafay dunida dhan ayaa waxaa sidoo kale u faafay hadallo lagu sheegayo in asalka cudurku yahay wax bini’aadam sameeyay.

Waxaa lagu sheegay inuu korona virusku ka baxsaday mid kamid ah shaybaarrada lagu sameeyo hubka bayoolajiga ah. Sida dhaqsaha ah ee virusku aduunka ugu faafay ayaa iyana lagu sheegay inay tahay wax dowladu ka dambayso. Wararkaas laysla dhexmarayo ayaa billowday kadib markii baaritaan lagu sameeyay hido-sidaha viruska horraantii january. Hida-sidaha viruska ayaa laga helay qaybo shabaha kuwa HI-viruska oo isagu keena aidska. Qaybahaas la tilmaamay ayaa laga helaa hida-sidayaasha virusyaal kale oo badan.

korona laboratorio
AOP

Nuture medicin (siirryt toiseen palveluun) ayaa daabacday maqaal ay soo saareen koox caalami ah oo uu soo aruuriyey Kristian Andersen, oo ah cilmi baare cudurda faara ka ah machadka cilmi baarista ee Scripps ee fadhigiisu yahay California. Maqaalkaas ayaa lagu sharraxay natiijadii kasoo baxday baaristii hiddo-sidaha viruska. Kooxdaas waxay isgu jireen bayoolajistayaal aqoon u leh isbedbedelka noolaha iyo sidoo kale cilmi-baarayaal virus.

Kooxda Andersen waxay isku dayayeen inay ogaadaan bal in virusku xaqiiqadii ka baxsaday sheybaar iyo in kale. Haddii uu virusku ahaan lahaa sida la sheegay, hidde-sidayaashiisa ayaa ka koobnaan lahaa isku qas rna:da virusyada kale ee hadda jira.

Mudo yar gudohood ayaa lagu ogaaday inuusan virusku ahayn mid bini’aadam sameeyay. Si walba ha noqotee waxaa baaritaankii lagu helay qaybo yaryar oo layaab leh kana mid ah rna:da viruska. Waxaa qaybahaas mar aan dheeray lagu arkay xayawaanka loo yaqaan bangolinka (muurhaiskäpy). Xayawaankaan oo ah mid uusan maqaarkiisu sinnayn ayaa isagoo nool lagu gadaa suuqyada xayaawanka ee dalka Shiinaha.

Baarayaasha ayaa is barbar dhigay koronaha hadda dadku isku daaranayaan iyo kuwo laga helay fiidmeerta iyo bangolinka. Waxay is barbardhiggaas ku soo gunaanadeen inuu virusku ka yimid xayaawaan oo aan lagu samayn shaybaar.

Waxaa kaloo arintaan taageeraya qaabka uu viruskani iskuu difaaco oo ah inuu hab-difaaca jirka bini’aadamka ka hor istaago inuu burbiriyo viruskii soo gala.

llaa hadda maxaa laga ogyahay isku daarashada korona viruska?

Hadii uu qufaco qof korona qaba, xagee bay virus:yada banaanka usoo baxay aadayaan? Ma hawayday ku jirayaan mise way baaba’ayaan?

Virusku wax yar ayuu hawada ku jirayaa ka dibna meel ayuu ku degayaa. Ilaa hadda ma ogin inta uu virusku ku noolaan karo meel ka baxsan jirka bini aadamka – waase daqiiqado ama saacado laakiin ma gaarsiisna maalmo.

Maxay shaqaalaha dukaanku u isticmaali la’yihiin maskiga neefta ee sanka lagu xirto maadama boqolaal dad ay ag marayaan?

Is ilaalintu macno ma samaynayso hadii aan sidii saxda ahaa loo isticmaalin. Tusaale ahaanna, waxaan suurto gal ahayn in qofka kaasada fadhiya uu maskiga neefta si is daba joog ah isaga daba bed.bedelo ilaa ay gaarto heerkii ay finlaan lahayd inay ka difaaco khatarta jirta. Saa daraadeedna qalabka noocaa ah waa in xilligaan la joogo loo dhaqaaleeyo howlwadeennada caafimaadka.

korona
AOP

Hadii aan ka mid ahay inta khatarta ugu jirta cudurkan oo aan iska dareemo kulayl iyo murqo xanuun, wax masoo siyaadinaysaa inaan la xiriiro xarunta caafimaadka? Baaritaanse ma helayaa?

Marka hore waxaa haboon inaad baaritaan isaga qaaddo bogggaomaolo-palvelu. Jawaabta kaaga soo baxda ayaa kugu hagi doonta inaad gurigaaga isku dawayso iyo inaad la xiriirayso meel aad ka hesho daryeel caafimaad iyo weliba halkii aad la xiriir lahayd .

Marti ayaa ii soo socota. Ma qaabili karaa martidaa mise waaba inaananba cidna is arkin oon guriga ku xirraado xattaa hadaancaafimaad qabo?

Marxaladaan lagu jiro waa in la xadado wax is booqasho la yiraa oo dhan kulamadana lagu dhamaysto tusaale ahaan internetka.

Hengityssuojaan pukeutunut mies kävelee kadulla Helsingissä.
Silja Viitala / Yle

Halkaankala soco xaaladda viruska korona ee gobolkaaga iyo saamaynta uu ku leeyahaynolol maalmeedkaaga

Waxaad linkigaan ka aqrisan kartaa warbixinnada ugu dambeeya ee gobol walbaa uu soo dhigo ugana waramayo xaaladdiisa korona virus. Ka dooro hadba gobolkii aad rabto.

Maqaalku waxuu ku qoranyahay luqadda finnishka, in loo bedelo luqadda soomaaligana waxay noqonaysaa howl aad u badan. Hadaba si aad maqaalka u aqrisato, kaalmayso qof luqadda finnishka yaqaanna ama adeegso prograamada wax turjuma.

** Saadaasha hay’a daryeelka caafimaad THL: Qiyaastii 11300 ayaa u baahan doona in isbitaallada lagu daweeyo halka 3600 ay u baahan doonaan gargaarka dadka aadka u daran **

Hay’adda daryeelka caafimaadka THL ayaa 25.3. soo saartay warbixin ay ku cusboonaysiisay saadaashii hore ee koronaviruska. Saadaasha cusubi waxay tilmaamaysaa in qiyaastii 11300 oo qof ay u baahan doonaan in isbitaalka lagu dabiibo halka 3600 la dhigo doono qaybta dadka sii daran ee gargaarka aadka ah u baahan.

Koronaviruksen auheuttaman sairaala- ja tehohoidon tarpeen ennuste.
THL, muokkaus: Ilkka Kemppinen / Yle

Waxaa la qiyaasayaa in marka ay faafida cudurku gaarto halka ugu saraysa la dhigi doono isbitaallada tiro wax yar kabadan 900 oo qof. Qaybta (intesive care) ee dadka sii daran lageeyana waxaa la jiifin doono 280 qof. Saadaashan waxay ku salaysantahay oo loo adeegsaday qaab ay si wada jir ah u sameeyeen THL iyo Jaamacadda Turku, habkaas oo mar walba si joogto loo cusbooneysiin doono.

Madaxa THL Mika Salminen ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee keentay in la kordhiyo qiyaastii hore ay tahay macluumaad horleh oo laga helay habka cudurku ugu faafayo dalka Talyaaniga oo dadku isugu daaranayaan.

Salminen waxa uu sheegay in waxa ugu culus ee loo adeegsaday saadaashaan cusub ay tahay halbeegga isku daarashada R0 (R eber), kaas oo xoogaa ka sareeya intii markii hore la qiyaasay.

Halbeegga isku daarashada ayaa hadda kor loo qaaday, waxaana lagu saleeyay warbixinno laga helay Yurub, gaar ahaan Talyaaniga oo laga helay macluumaad la xiriira xaaladda viruska. Hadda halbeegga isku daarashada, number labada ayuu uga dhowyahay kowda waana 1,6 ilaa 1,8 qofkiiba.

Qiyaasta aasaasiga ah ayaa tilmaamaysa in hadii aan koronaha la xakamayn uu qofkiiba isku celcelis ahaan ku daaran karo 2,2 qofood.

Todobaadkii hore ayaa la qiyaasay in talaabooyinkii dowladu qaaday ay ka dhigtay inuu qofkiiba ku daaran karo 1,4 qof oo kali ah maadaama kullamada dadku ka yaraadeen intii hore.

Salmi ayaa sheegay in, iyadoo kuxiran da’da iyo meesha uu qofku ku noolyahay, hadana kulankii dadku uu yaraaday 25–50 boqolkiiba. Arintaan ayaa cuuryaamisay viruska laakiin hadana kuma filna.

Bal hadaba khatarta cudurku maka soo raysay mise way ka sii dartay?

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay dowladdu waxay sii deysay qoraal ay ku xisaabisay tirada dadka u xanuunsan koronaha, kuwa u baahan daryeel isbitaal iyo tirada udhimatay. Waxay dowladdu xisaabinta u adeegsatay lambar oo iyadu dooratay.

Terveyspalveluyritys Mehiläisen koronaviruksen drive-in-testausasema Espoossa 18. maaliskuuta 2020.
Heikki Saukkomaa / Lehtikuva

Qiyaas ay dowladu samaysay ayaa tilmaamntay in markay xaaladdu fududahay cudurka qaadi doonaan 20 boqolkiiba, markay xoogaa darantahayna 40 boqlkiiba, halka markay darantahay ay qaadi doonaan 60 boqolkiiba. Qiyaasta daran ayaa timaamaysa in tiro kabadan 32 000 ay u baahan doonaan in isbitaal la dhigo.

Tuija Leino, oo ah dhakhtar sare oo ka qayb qaadatay qiyaas ay maanta hay’adda daryeelka caafimaadka THL soo bandhigtay, ayaa carabka ku adkaysay in qoraalkii ay dowladdu soo bandhigtay iyo midka THL loo kala raacay laba hab oo kala duwan, saa daraadeedna aanan si toos ah laysu barbar dhigi karin lambarrada THL iyo kuwa dowladda.

Qoraalkii ay soo bandhigtay THL 25.3 oo tilmaamamayay cadka dadka u baahan doono daryeel caafimaad ayay is aadanyihiin qiyaastaan. Sidoo kale waxay is aadanyihiin qiyaasta xaaladda fudud oo tilmaantay in baahada isbitaal dhigiddu ay noqonayso 4,320 iyo 10,800.

Koror ku yimaada isku daarashada cudurka, laguma salayn karo tirada inta u baahan doonta in isbitaal la dhigo.

Tuija Leinon waxay sheegtay in afartan boqolkiina dadka finnishaka ay qaadi doonaan cudurka bilaha nagu soo foodka leh. Qiyaastaan waxaa lagu saleeyay cadadka kulamada ee dadka.

Marba marka ka dambaysa saadaalaha iyo macluumaadkuba way sii kala cadaanayaan wayna is bedelayaan.

Meelaha bukaanka aadka u liita lagu hayo ayaa laga ayaabaa in yaraadaan hadii la xakamayn kari waayo koronaviruska

Hadii virusku uu si xor ah ugu faafo gobollada ka baxan Uusimaa, waxaa gabaabsi gobolladaas ka geli doona meelaha sida aadka loo qalabeeyay ee loogu talo galay bukaanka aadka u liita una baahan daryeelka dheeriga ah.

Arintaan daraadeed ayaa mudo sadax todobaad ah waxaa la mamnuucayaa in Uusimaa laga baxo oo la aado gobollada kale hadii aysan jirin sabab lagama maarmaan ah oo kallifaysa.

Dadka ku nool gobollada kale ayaa markii la barbar dhigo kuwa gobolka Uusimaa waxay noqonayaan kuwo ka da’ doodu wayntahay kana jirro badan. Arintaasna waxay wadataa khatarteeda. Koronaviruska ayaa xaaladda dadka howlgabka ah gaarsiiyay meel ka xun halka uu gaarsiiyay dhallinyarada caafimaadka qabta. Waxay u badantahay inay sababtu tahay jirka bini’aadamka oo sii daciifa markii uu sii waynaadaba.

Sairaanhoitaja järjestelee hoitopistettä Meilahden tornisairaalan uudella tehohoito-osastolla.
Anni Reenpää / Lehtikuva

Hadii dadka da’da ah ama dadka jirrada ku raagay uu haleelo cudurk, waa inay helaan daryeelka bukaanka aadka u liita (intensive care). Waxaana wanaagsan loo helo meelihii ku haboonaa daryeelkooda. Sii walboo ay xuquuqaheenna dastuuriga ah xadgudub ugu tahay, hadan xannibaadda dhaqdhaqaaqa ayaa la rabaa in arintaan gacan looga gaysto. Mar walba oo ay yaraato dadka xaaladoodu aad u liidato waxaa wanaagsanaanaya daryeelka ay helayaan.

Isku celcelis wuxuu bukaan walba qaybta dadka sii daran ku jiraa sadax maalmood. Korona viruskuse dhankaas wuu uga duwanyahay. Bukaanka uu sida daran haleelay koronuhu waqtiga uu isbitaalka ku jiro waa mid dheer intaas gaaraysana laba ilaa sadax usbuuc. Tan macnaheeda waa in hal bukaan uu qaadan karo waqtigii todoba bukaan oo kale ay qaadan lahaayeen. Hadaan tusaale usoo qaadanno isbitaalka wayn ee Lapland waxuu gabi ahaantiisa leeyahay sagaal meelood oo lagu daryeelo bukaannada liita.

28.3.2020

Boqollaal poliis iyo Gurmad Qaran isugu jira ayaa ka sameeyeen 30 goobob oo ah xuduudaha dagmooyinka Uudenmaa, Kuwaas oo ilaalinaya isusocdka dalka.

Xanibaada ama Xiritaanka Uuudenmaa looga xirayo Finland inteeda kale,waa in uusan cudurka Koronuhu ku faafin dalka intiisa kale , waqtigaas oo bilabmay 28.3. Isu socod laantu waxa eey soconeeysaa illa iyo 19. Apriil. Poliisku waxeey ku soo daabeceen barhooda wesitka goobaha eey ka sameeynayaan baaritaan.

Ilaalinta dhaqdhaqaaqa tareemada ayaa iyaduna hada bilaabatay. Baarintaanka koowaad waxaa lagu sameeynayaa Salidhiga tareemada. iIaalada pooliskuna wuxuu raaci doonaa tareemada.

Illalinta xuduudaha Uudenmaa Poliska waxaa kala shaqeeyn doona Ciidamada Xooga Dalka.

Waxeey Ciidamadu sheegeen in eey ku caawin doonaan Pooliska illaa 40 ciidanka milatry 750 Gurmadka Qaranka ah. Gurmadka qaranku wuxuu kaloo Pooliska kala shaqeeyn doonaa hab sami usocda qorshahaan xakameeynta.

Xanibaada Uudenmaa waxaa kale lasameeynayaa in labaaro diyaaradaha u safra Oulu iyo Kuusamo. Dadka goobahaas usafraya, waxaa lagu baarayaa Garoonka diyaaradaha ee Helsinki-Vanta. Ulajeedka baaritaanka waxa eey tahay in la ogaado sababaha qofku u safrayo.

Qofku waa in uu ku cadeeyaa sababaha uu u baxayo ama qoraal ama hadal.

Poliisi työssään tarkistuspisteellä valtatiellä Hyvinkään Sahamäen liittymän kohdalla Uudenmaan ja Kanta-Hämeen maakuntarajalla lauantain vastaisena yönä.
.Heikki Saukkomaa / Lehtikuva

Dowladu waxa kale oo eey goaan ka soo saartay Waajibaadka shaqo ee daryeelka Caafimaadka.

Xiritaanka xuduudaha Uudenmaa kadib, waxa kale oo eey Dowladu goaansatay 27.3. Hirgalinta shaqo waajibaad ee Daryeelka Caafimaadka.

Shaqaalaha waaxyaha Caafimaadka ayaa inta uu jiro cudurkaan karoonhu waxaa waajib looga dhigayaa in eey shaqada soo galaan shaqada waqtiga loo baahdo ama loogu yeero.

Goaankaas Dowladu waxa eey qaadatay bilaawgii asbuucan.

Dadka shaqada waajibka looga dhigayaa , waa dadka ka hawl gala heeydaha Caafimaadka ah , kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa adeega dadweeynaha intaba, kuwaas oo soo bartay cafimaadka, waana in uu da diisu tahay 18-jir , kana badneeyn 67-jir. Uyeeritaanka waxaa lagu saleeyn doonaa qof walba xaaladiisa gaarka ah.

27.3.2020

Hargabku ma uga sii daraa qofka koronaha qaba?

Hadii qof isku mar hayaan laba caabuq (infection) oo neef-mareenka ah oo daran, markaas xaalad ahaan waxay noqon karaan cudur adag, balse qof u jiran koronaviruska uu isla waqtigaas hayn karo hargabka A ayaan ilaa hadda cadayn loo hayn. Saamaynta cudurku ayaa aad ukala duwanaan karta. Xattaa hadii uu qofku isku mar u jirrado laba virus oo saamayn kuwada leh neef-mareenka kore, waxaa dhici karta in saamaynta cudurku noqdo mid fudud.

Waa imisa boqolkiiba tirada dhabta ah ee u dhinta koronaviruska?

Sida ay sheegtay hay’adda daryeelka caafimaadka ee THL way adagtay in laqiyaaso inta booqolkiiba u geeriyoota cudurka. Waxaa dhici karta inaan la dareemin ama la diiwaan gelin guud ahaan dadka aysan calaamadihii cudurku kasoo muuqan ama xanuunkoodu fududyahay. Isbarbar dhigga tirada dad ee cudurkan uga dhinta dalalka kala duwan ayaa iyana sawir qaldan ka bixin karta boqolkiiba tirada dhabta ah ee u geeriyoota viruskan waqtigan la joogo iyo markuu sii fidaba.

Qofka cudurku hayo, laakiin uusan ka muuqan maku daaran karaa qof kale?

Heeyda daryeel caafimaadka THL waxeey sheegtay in dadka aysan calaamada cudurku ka muuqan ay sii gudbin karaan viruska. Si walba hanoqotee waqtigan la joogo makala cadda heerka gudbintooda inta ay la egtahay.

Heyda Caafimaadka aduunka WHO waxay sheegtay in inta badan dadka calaamadaha cudurku ka muuqato ay yihiin kuwa inta badan cudurka gudbiya.

Qofkii uu mar ku dhaco koronavairusku, jirkiisu ma u yeelanayaa isdifaac viruska?

Waxay iila badantahay in qofkuu mar ku dhaco koronavirusku uu yeelanayo isdifaac fiican oo uu uga hortaga cudurkaas, sidaas waxaa yiri barafasoor Ilkka Julkunen oo ah barafasoor virus-yaqaan ah kana tirsan jaamacada Turku. Waxaan ilaa hadda la ogayn in isdifaacaas uu qofku lahaan doono inta nooleshiisa ka dhiman iyo inuu noqon doono mid waqti ku eg. Qaar badan oo ka mida virusyada hadii mar loo jirrado waxaa qofka u abuurma isdifaac weligii dambe ah, laakiin viruska koronada ilaa hadda waxba lagama oga.

Dhiig bixinta koronaviruska malagu gudbin karaa?

Warbixnnadii ugu dambeeyay ee laga helay goobaha dhiigbixinta waxay sheegayaan inaan dunida oo dhan laga sheegin koronvirus lagu kala qaaday dhiig bixin. Koronavirusyada kale sida SARS ma aanay sababin in dhiig bixin lagu kala qaado viruska.

Horay waxaa loo sheegay in tiro yar oo dad ah oo u xanuunsaday cudurka koronaviruska dhiiggooda laga helay viruska. Arintanina waxay si gaar ahaaneed ugu dhacday dadka uu haleelay infection/caabuqa culus. Taasna waxay suurto gal ka dhigaysaa in xaaladaha qaar viruska lagu kala qaadi karo dhiig shubidda. Sida uu qabo Ilkka Julkunen oo ah barafasoor virus-yaqaan ah, waa inuusan marnaba dhiig bixin qof cudurka u jirran ama goor dhow ka soo kacay.

Koronaviruska malaga qaadi karaa adeegga lasoo gatay ee guriga la keenay

Waxaa la’aaminsanyay inaysan u badnayn inay taasu dhacayso. Viruska intuu banaanka ku noolaan karo ayaa ah waqti kooban. Cid og ma jirto qof adeeg uu soo gatay ka qaaday cudurka wax cadayn ahna looma hayo.

Sidee korona virusku uga duwanwahaya virusyadii hoore ee dunida dhan ku faafay sida viruskii hargab doofaareedka?

Qaab dhismeed ahaan viruska hargabka iyo midka coronaha way kala duwanyihiin, waxayna ka kala tirsanyihiin laba qaybood (gruop). Waxa kaliya oo ay ka simanyihiin waa sida ay u faafafaan oo isku mid ah. Waxay labaduba ku faafaaan dhibic iyo taabasho laysugu gudbiyo, waxaa kaloo muuqata inay ka simanyihiin dhaqsaha ay ku faafayaan. Waxaa dhici karta in koronahan cusub isku daarashadiisu ay ka fududahay isku daarashada hargabyada caadiga ah ee xilliyada qaar yimaada laakiin calaamadahooda ayaa isku si muuqan kara.

Nainen asettaa hengityssuojainta kasvoilleen
Derrick Frilund / Yle

Afrika iyo Ameerikada koonfureed maka badbaadeed korona viruska mise warkoodaa naga qarsoon?

Ilaa hadda (18.3) waxaa korona viruska lagu arkay in ka badan 30 dal Afrikaan ah. Dalal badan oo ka tirsan Afrika ayaa xuduudohooda ka xiray dadka ka imaanaya dalalka uu cudurku ka jiro.

In kabadan 40 dal oo Afrikaan ah ayaa awood uleh inay baaris ku sameeyaan qofka qaba cudurka ( taariikhda 18.3). Sidaasoo ay tahay, maalgelinta daryeelka caafimaad ayaa ah mid hooseeya. Tusaale ahaan Kenya oo ay ku noolyihiin 50 milyan oo qof waxay leedahay 130 meelood oo kaliya oo lagu hayn karo dadka aadka u daran, daryeelka dagdaga ahna u baahan. Sidoo kale waxay leeday qiyaastii ilaa 200 oo kalkaaliye-caafimaad oo u tababaran daryeelka dadka sii daran. Dadka Afrika ku nool ayaa u badan dhalinyaro, waxayna taasu fududayn karta xaaladda.

Sidoo kale Korona viruska waa laga helay qaaradda Ameerikada-koofureed, waxayna dalalkaasu si dagdag ah u meelmariyeen amarro lagu xakamaynayo faafidda cudurka

Xayawaanka gurijoogta ah iyo dadku ma isu gudbin karaan korona viruska?

Hay’adda caafimaadka aduunka WHO waxay sheegtay inaan ilaa hadda la ogayn xayawaan gurijoog ah oo cudurka COVID-19 ku daartay dad. Waxaase Honkong laga sheegay in eey laga helay korona virus. Waxaa eeygan laga helay vuruska, kadib markii qofkii lahaa isbitaalka loo dhigay korono virus ku dhacay awogeed. Waxaa la aaminsanyahay in eygaasu uu viruska ka qaaday qof. Baaritaanka eyga lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday inay jiraan wax yar oo viruska ah. Wax calaamado xanuunka ah kama muuqan ayga.

Shaqada malooga maqnaan karaa xaaladda koronada oo kasii darta iyo cabsi ka dhalata awgeed?

Haddii uu korona virus jiro iyo hadii kaleba nolosha bulshadu way soconaysaa, waajibaadkii shaqana sidoodii ayay ahaanayaan. Sidaa waxaa yiri Markus Äimälä oo qaybta sharciyada u qaabilsan iskaashatada shaqo-bixiyayaasha (Elinkeinoelämän keskusliiton EK). Waxaase jira xaalado gaar a oo waajibaadkii shaqo uu booska ka baxayo.

Hadii qofka shaqaalaha ah shaqsiyadiisa ama caruurkiisu uu jiranyahay ama uu ku jiro karantiil iyo hadii xanaanada ama iskoolka caruurku xiranayahay, waxaa markaa dhici karta inay wanaagsantahay inuu qofku guriga iska joogo, waxayse ku xirantahay da’da caruurka. Sidaasna waxaa waraysi lala yeeshay ku sheegay Äimälä 15.3.

Amila wuxuu kaloo intaa ku daray in hadii qofku ka mid yahay inta halista ugu jirta cudurka (riskiryhmä), isla markaana khatarta inuu cudurka qaado ah ay sarayso, ay haboontay inuu qofku is waydiiyo inuu shaqada aado iyo in kale.

Korno virusku sidee buu u saamaynayaa dhaqaalaha qofka caadiga ah?

Sayladaha saamiyada ayuu dhaq-dhaqaaqooda kori yo hoos aad u batay, waxaa si xowli ah hoos ugu dhacay qiimaha saamiyada. Aqoonyahayahnada dhaqaaluhu waxay qiyaaseein in korona virusku uu saamayn ku yeelan doono hantida kaydka ah ee dadka caadiga ah. Dhanka kale waxaa dadka u badbaadaya lacago, maadaama ay yaraatay fursadihii lagu kharash garan lahaa.

Bangiyaal badan oo Finland ah aya macaamiishooda daynmaha ka qaba u ballan qaaday khafiifin loogu samaynayo sidii ay isaga yaryaran lahaayeen.

Koroonuu ma sababi dad shaqada laga fadhiisiyo iyo shaqo la’aan?

Sida ay qabaan aqoon yahannadu ilaa hadda aad ayay u adagtahay in la saadaaliyo saamaynta uu koronuhu ku yeelan doono shaqo la’aanta. Waxaa qasab ah in marka hore la qiimeeyo heerka ay gaarsiisantahay saamaynta uu ku yeesho dhaqaalaha guud iyo saamayntiisa, markaa ka dib ayaa la qiimayn karaa saamaynta uu shaqada ku yeeso. Saamayntu waxay marka hore ku bilaaban doontaa shaqo ka fadhiisin. Shirkado badan ayaa la sheegay inay haddaba bilaabeen wada hadal arintan la xiriira loogana dan leeyahay talaabooyinka laqaadayo hadii uu koronaha sii kordho.

Khasnadaha iskaashatooyinka ee qofkii shaqda ka dhamaatay uu wax kadalbado ayaa waxaa gaaray waydiimo badan taasoo uu sababay korana viruska

Saamaynta uu korona virus ku yeelan karo dhaqaalaha aduunka waa sidee?

Waxaa macquul ah inaan hada la qiyaasi karin saamaynta waqtiga dheer uu yeelan karo, laakiin u qaybsanaha suuqa gudaha ee Yurub (sisämarkkinakomissaari) Thierry Breton ayaa qiyaasay in virusku uu dhaqaalaha Yurub guud ahaan hoos u dhigi doono ilaa 2,5 boqolkiiba, waxaana arinta sababaya kala go’ ku imaanaya isu socodkii alaabaha la soo saaray oo dunida dhan haysta i lasoo saaray oon la gaarsiin karin halkii loo rabay,

26.3.2020

Booliska ayaa xiraya wadooyinka soo gala Uusimaa – qof walba xadka Uusimaa soo gelyana waa la baarayaa

Gaadiiidka ukala gudbaya gobolka Uusimaa iyo gobollada hareeraheeda ah ayaa la xadadi doonaa.

Xadidaadaan waxaa looga dan leeyahay inuusan cudurku gobolka Uusimaa uga gudbin gobollada kale. Hadii uu baarlamanku ansixiyo, waxayna xadadayntu dhaqan geli doontaa 27.3.

Boolisku wuxuu isu diyaarinayaa inuu taagero waydiisto shaqalaaha xadadka iyo ciidanka xoogga dalka. Booliska wuxuu joogi doona wado kasta oo xiran waxaana la shaqaynaya shaqaalaha ay ku soo biiriyaan ciidanka iyo xad-ilaaliyayaasha, Waxayna shaqaalahaasu kushaqayn doonaan hagidda booliska.

Fulinta xannibaadaan waxaa loo adeegsan doonaa sharciyada waqtiyada xaaladuhu normalka tahay, booliskana loogama baahna is diyaarin dheeraad ah. Xanibaadahaan waxaa lagu fulin doonaa wax isu sheegid iyo amar, hadiise uu qofku iska dhega tiro waxa loo adeegsan doona habab kale oo kuwaas ka culus.

Inta uu boolisku wado xad ilaalinta, hadii loo baahdo wuu joojin karaa, baari karaa amaba xiri karaa qofka, Xanibaadan oo la jebiyo waxaa ka dhalan kara ganaax.

Poliisiauto aidan takana
Petteri Sopanen / Yle

Kolohmaianen wuxuu sheegay in boolisku uu si muuqata u fulin doono xad-ilaalinta maalinta koowaad ee ay bilaabanayso. Waxaa jid-gooye la dhigi doonaa wadooyinka ugu muhiimsan ee soo gala Uusimaa iyo wadooyinka kaleba. Waxaa intaa dheer oo boolisku waardiye ka qaban doonaa tareemada iyo diyaaradaha.

Boolisku wuxuu sheegay in gaadiid walba iyo qof walba oo tareen saaran la istaajin doono lana waydiin doono halka uu u socdo.

Xanibaadda isu socodka waxaa macnaheedu yahay in gobolka Uusmaa aan looga bixi karin laguna soo geli karin wax ka baxsan arimaha lagama maarmaanka ah. Tusaale ahaan, safarada fasax qaadashada ayaa ah kuwo mamnuuc ah, laakiin safarada shaqo, la kulanka caruurkaaga, iyo sokeeyahaaga oo jiran aadna rabto inaad xanaanayso ayaa ah sababo la aqbali karo.

Sababaha la aqbali karo waxaa ka mid ah: shaqo howl-wadeen, shaqo caadi ah, ganacsi, shaqooyinka kalsoonida u baahan, gudashada waajibaayada sharcigu saaray qofka, geeri ku timid qof kuu dhow, la kulanka caruurkaaga eed xaqqa u leedahay ama arin shaqsi ahaantaada culays badan kugu haysa.

Qofka waxaa waajib ku ah inuu soo bandhigo aqoonsigiisa, booliskana tuso cadayn tilmaamaysa in safarkiisu yahay mid aan laga maarmin.

Boolisku wuxuu rabi lahaa in dadku tusaan cadaymo qoraal ah, laakiin hadana taasi qasab kuma ahan dadka. Shaqo bixiyuhu wuxuu tusaale ahaan kuu diyaarin karaa qoraal uu ku sheegayo halka qofku ku noolyahay iyo meesha uu ka shaqeeyo. Isku soo duuboo cadaymuhu waa inay noqdaan kuwo la hubin karo.

25.3.2020

Imisa ayeey qaadataa karaantiilka qofka? Dukaamada malaga soo adeegan karaa?

Waxeey qaadata labo asbuuc. Cudurka waa waqtiga uu qaato marka qofka uu qabto oo illaa 12 maalmood. Hadii qofku uusan ku xanuunsan Labi iyo tobankaa maalmood waqtiga xanibaadu weey u dhamaaneeysaa.

Qofka xaniban ama karaantiilka ku jira waa in uu ka fogaadaa dadka ka aan aheeyn familka la nool. Qofkaasi baanaan wuu u bixi karaa laakiin waa in uu iska ilaaliyaa u dhawaasha qof kale.

Meelaha shaqada, Iskuulka, Xanaanada, Dukaamada ,Madadaalada, sida ciyaaraha waan in aadan tagin, waayo weey adagtahay in aad goobahaas iska ilaaliso dadka kale.

Maxaan ku kala ogaan karaa hargabka caadigaa iyo kan koronaha?

Cudurkan koronaha badanaa lama ogaan karo ilaa laboratoriga lagu cadeeyo. Koronuhu wuxuu la yimaadaa Qufaca qaleeyl iyo ,daalan. Waxaa kale uu cudurku la yimaadaa, madax xanuun, duray, dhuun xanuun, murqa xanuun, neefta oo kugu adkaata iyo saxarda oo kugu adkaata.

Hargabku badanaa wuxuu ku bilaabmaa dhuun xanuun, san cunun, qofac iyo duray.

Laakiin cudurkaan wuxuu ku bilaabmaa Qandho deg deg ah oo eey la socoto Qufac, Murqo xanuun iyo Madax xanuun. Badanaa duraygu lama socdo cudurkaan.

Isku mar karaa Hargab iyo Cudurkan Karona?

Waa macquul. Tusaale ahaan caruurta ka xanuunsanaya neefmareenka, waxaa laga yaabaa in neefmareenka sare ku keeno labo cudur oo isku mar ku wada dhaca. Dadka waaweeyn jaanis labada cudur isgu yimaadaan ma badna, laakiin lama dhihi karo macquul ma ahan.

Kaupan kassa.
Jarkko Riikonen / Yle

24.3.2020

Yaa laga baari karaa Koronada?

Baaritaanka waxaa lagu sameeynayaa dadka sida aadka ah u xanuunsan iyo Shaaqalaha Socialka iyo Caafimaadka. Waxaa la isku dayayaa in baaritaanka la kordhiyo hadii Isbitaaldu nagu fillaadaan.

Maxeey tahay sababta Finland eey goaanka ugu qaadatay in aan la baarin dadka looga shakisanyahay Cudurkan?

Baaritaanka sababta loo xadiday waxa eey tahay, labo bilood ka hor ayeey aheeyd markii ugu horeeysey oo la sameeyo baaritaan nuucaan ah dunidoo dhan.

Dadka laga baarayo cudurkaanna, muhiimadda koowaad waxaa la siinayaa dadka aadka u xanuunsanaya iyo dadka ka shaqeeynaya waaxyaha Caafimadka oo.

Sideen isaga ilaalin karaa ama uga hortagi karaa soo gudbinta cudurkaan?

Gacmahaaga ood si fiican u mar walba u dhaqdaa waa sida ugu wanaagsan oo aad uga hor tagi kartaa qaaditaanka cudurkan Koronavirus. Micnaha waa in aad si wanaagsan saabuun ugu dhaqdaa gacmahaaga waqti gaaraya ilaa 20 sakan. Haku quficin hana ku hindisin meelaha eeysan ku habooneyn. Hindhisada iska xiji xaashiyaha afka iyo sanka , kadibna qashinka markiiba ku rid. Hadaad qufacdo ama hindhisto sacabada ha u dhigin ee hadaad ka fursan weeysid garabka u dhig.

Faafinta cudurkaan qiyaastii illaa inteey qaadaneeysaa?

Qiyaasta cudurkaan Korona faafitaankiisu inta uu qaadanayo , waa xisaab isu geeyn ah oo aan la garaneeynin, laakiin waxeey quburadu qiyaasayaan in Cudurka faafitaankiisu hirkiisa koowaad uu Finland qaadan doono illaa sedex bolood 2-3 bilood. Hadaba markii Cudurka Koronaha faafitaankiisa lagu guuleeysto in la xadado, cudurku wuu sii wiiqayaa. Laakiin labo suaalood ayaa meesha taalla: Inteey le egtahay u nuglaashaha Caruurt cudurkaan iyo u gudbinta dadka kale. Ma qiimeeyn karaa inta uu ku dhacay ma ahane inta uu jirkooda ku haray.

Maxeey muhiin u tahay in la xadido isku daarashada Cudurkan?

Waxaa muhiim ah in Cudurkaan faafitankiisa xowliga uu ku socdo la dhimo, si awood loogu helo dareelka caafimaad ee dadka aadka u xanuunsanaya. Xanuunkan intiisa badan dadka aan aadka u xanuunsaneeyn guriga ayeey ku qaataan, laakiin qeeybo u baahda isbitaalna lagu dabiibona weey jiraan.

Waa dadkee kuwa uu aadka halista ugu yahay Cudurkani?

Dadka aadka qatarta ugu jira uguna nugul Cudurkaan waa dadka qaba Cudurro si joogto ah looga dabiibo. Heeyda caafimaadka Finland ee THL ayaa sheegtay in dadka ka weeyn 70-jir iyo dadka qaba, sida cuduradara neerfaha jirka ku raaga. Dadka ayaguna qaba cudarada mudadda dheer haya, una isticmaala daawooyin joogto ah, sida, Cudurada Wadnaha, Sanbabada, Diabete ama sukorta, Beerka iyo Kalyaha. Dadkaas waaye dadka uu halista uu ku yahay Cudurkaan Koronadu.

Dadka sida joogtada ah u caba sigaarka, ayagana Cudurka Korona qatar ayeey ugu jiraan xaga caafimaadkooda.

Qiyaastii halkii qof oo qaba cudurkaan imisa qof oo kale ayuu u gudbin karaa?

Inksto eey jiraan dad si sahlan cudurkan ugu gudbin kara dad aad u fara badan , hadana waxaa la qiyaasayaa in dhex dhexaadka qofkiiba uu gaarsiin karo illaa 2,2. Dadka badanaa cudurkani ka asiibo neefta ayaa ah dadka qufocoodu yahay midka sida sahalka ah u gaarsiin kara dad aad u badan.

Nuori niistää nenää.
Tiina Jutila / Yle

Cudurka koronavirusku ma leeyahay daawo?

Xiligaan had la joogo Cudurkan Koronaviruska, tirtiridiisa iyo ka hortagiisa inataba. looma hayo daawo.

Waxaa si joogto ah loo wadaa baaritaano sidii cudurkaan loola tacaali lahaa, daawana loogu heli lahaa.

Heeyada Caafimaadka dinida, WHO waxay sheegtay inaan wali illaa iyo hada cudurka koronada noocaan ah loo haynin wax looga hortagta ama lagu daaweeyo.

Si kastaba ha ahaatee xanuunkan Ispitaalada waa lagaaga dabiibi karaa oo waa ladabcin karaa sida markeey Neeftu kugu adkaato

Qof aysan calaamadihii cudurka ka muuqan magudbin karaa?

Haa, laakiin uma gudbin karo sida qofka calaamadihii cudurku ka muuqdo.

Sida ay qabto THL (hay’adda caafimaadka), waxaa la dareemay in dad aysan ka muuqan astaamihihii cudurka,laga yaabo inay faafiyaan cudurka.

WHO waxay ayaduna sheegtay in inta badan ay gudbiyaan dadka ay astaamihii cudurku ka muuqadaan. Sidaas waxaa lagu qoray Boga Ururka Caafimaadka ee THL.

Sida caadiga ah se qof aan calaamadihii cudurka lahayn wuu gudbin karaa, laakiin khatarta in laga qaado qofkaas way yar tahay marka la fiiriyo aqoonta maanta jirta.

Qofka ay ka muuqdaan calaamadihii cudurka ayaa virus ka badan ku sii daaya hawada, sidaa daraadeedna uga khatar badan. Waxaa sidaa yiri dhakhtaradda ku takhasustay infakshanka iyo cudurrada gudaha Tuula Hannila-Handelberg oo kasocota THL.

Masuurto galbaa in koronavirus uu dheex meerarayo hawada dukaamada gudohooda?

Maya.

Koronavirus wuxuu ku fidaa dhibco dhacaan oo si isku dhow laysgu gudbiyo. Waxayna dhibcahaasi noqon karaan kuwo kuyimid qufac ama hindhiso.

Waxana qofka fayoobi cudurka qaadi karaa markii dhibcahaasi gaaraan xuubabkiisa qoyan.

Amaba dhibic cusbub uu gacan ku taabto dabadeedna afka geliyo. Sidaas waxaa tir Hannila-Handelberg.

Su'aalaha iyo jawaabaha halkaan ayaad kala socondoontaa maalinwalba.

Uusimmat uutiset puhelimeesi

Lataa Yle.fi-sovellus